ereyga

cimilo-kooban

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

cimilo-kooban

DHAN

m.dh (c.cimi.) Cimilada bed aad u kooban, waxaa suurtaggal ah inuu yahay degaan yar oo la deggan yahay. Degaankaas waxaa raad ku leh saamayn meeleedka aad u kooban, waxyaabaha saamaynta keenayana waxaa ka mid ah rugta, carrada, degaanka iyo wixi lamida taasina waxay badanaa muhiim u tahay barashada cilmiga degaanka.

waa la naqliyay ✓

Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

cimilakooban

DHAFAN

Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]

Cimllo kooban

DHAFAN

Microclimate

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

cimilo-fidsan

DHAFANDHAAF

m.dh (juqraafi) Cimilada gobol cimileed weyn, sida, cimilada tundara, ama bed kale oo weyn sida qaarad, si looga sooco cimilo kooban.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]

Cimilo sooc

DHAFANDHAAF

Climograph

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

cimilo-goboleed

DHAFANDHAAF

m.l (juqraafi) Qayb ka mid ah qaybaha waaweyn ee loo qaybiyo cimilada dunida.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]

Cimilo mooleed

DHAFANDHAAF

Ecoclimate

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Ereybixinta: Xisaab (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]

Natiijo kooban

DHAFANDHAAF

Finite outcomes

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

ciilkambin

DHAFANDHAAF

m.dh la-mid: ciilkambiyid.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

ciilkambin

DHAFANDHAAF

-ta: (magac, dhedig, keli) «is ~» ciil dartii, is haaraamid.

waa la naqliyay ✓

Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

cimilafidsan

DHAFANDHAAF

m.dh (juqraafi) Cimilada gobol cimileed weyn, sida, cimilada tundara, ama bed kale oo weyn sida qaarad, si looga sooco cimilo kooban.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

cimilo-badeed

DHAFANDHAAF

m.l (juqraafi) Cimilo si weyn ay u saamayso dhawaanta baddu,taas oo siinaysa xagaa gamooje ah iyo jilaal diiran. Taasna waxaa ugu wacan awoodda haynta kulka oo ay kala duwanyihiin dhulka iyo biyuhu. Badda dhulka ayaa ka hor kululaada kana hor qabooba, saamaynteeduna waxay abuurtaa cimilo isu ekaan karta.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

cimilogooreed

DHAFANDHAAF

-da: (magac, dhedig, keli) jawi gooreed muddo gaaban qaata sida maalin iyo habeen, toddobaad iyo wixii la mid ah.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]

lix-iyo-toban

DHAFANDHAAF

-ka: (n) sixteen (sikistiin)

waa la naqliyay ✓

Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]

XISAAB KOOBAN

DHAFANDHAAF
1

Estratto conto

2

Abstract account

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

cimilo-badhaale

DHAFANDHAAF

m.dh (juqraafi) Nooca cimilo ee laga helo dhulalka hoose ee u dhexeya loolka 5° ilaa 10° ee woqooyiga iyo koonfurta badhaha. Sannadka oo dhan heerkulka iyo huurkuba si aan isbeddel lahayn ayayba u sarreeyaan, isbeddellada xilliyeedna waa wax aad u yar.

waa la naqliyay ✓