cimilgelid
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cimilgelid
m.f.dh eeg cimilgal². la-mid: cimilgal¹ (2).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cimilgelid
-da: (magac, dhedig, keli) eeg cimilgal.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dawggelid
(Dawggelid-da)
1. Waddo isu fariisasho, gaadmo darteed; cimilgelid; kuurgelid.
2. (ugu dawggelid) Sabab u noqosho; ugu soo halrarasho; eersasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kuurgelid
(Kuurgelid-da)
Cid soo korfariisad; kaabiga u imaansho; cimilgelid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kuurgalid
-da: (magac, dhedig, keli) cid kaabiga u imaansho oo cimilgelid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Cimilgal
(Cimilgal-ka)
(dugaag, cadow) cimil u gelid; kuurgelid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cimilgal
cimilgal¹: m.l 1. Dabin; laqdabo: dhagar. 2. la-mid: cilmigelid.
cimilgal²: f.mg1 (-alay, -ashay; geli) U c.: nafley si loo dago cimil ugu dhuumasho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
cimilgal
cimilgal¹: m.l Dabin; laqdabo: dhagar.
cimilgal²: f.mg1 (-alay, -ashay; geli) U c.: nafley si loo dago cimil ugu dhuumasho. m.f.dh, cimilgelid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
cimilgal
v., [compound] trap, ensnare; trick, deceive
cimilgal np-idiom: appropriate time for doing something
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cimilgal
(fal) dugaag ama cadow cimil u gal.
cimilgal -ka: (magac, lab, keli) dugaag ama cadaw cimil u gelid; dhufays u gelid. Dh: kuurgal.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
liilgeli
f.g2 (-iyay, -isay) 1 . Wax qiimaha ay leeyihiin siin. 2. Wax dhammaystir.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
liilgelin
m.f.dh eeg liilgeli.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
liilgelin
-ta: (magac, dhedig, keli) xal u helidda arrin markaa taagan. Dh: xallin. Li: qasid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Ciilbeelid
(Ciilbeelid-da)
Wax ciilka bi'iya falid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ciilbeelid
m.f.dh eeg ciilbeel. la-mid: ciilbeel¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ciilbeelid
-da: (magac, dhedig, keli) wixii ciilka keenay, tirtirid; aargudasho dabadeed, ciil iska baabi'in.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
cimilgal_1
de: trap, ensnare; [fig.] trick, deceive
hm: 1
lx: cimilgal
pd: (cimilgalay)
ps: v1=cmp
key: cimilgal_1
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
cimilgal_2
de: appropriate time for doing s.t.
hm: 2
lx: cimilgal
pd: (-ka)
ps: np-idiom
xe: The time is ripe for farming.
xv: Waa cimilgalkii beeraha.
key: cimilgal_2
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
caloolgelid
m.f.dh eeg caloolgal². la-mid: caloolgal¹ (2).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ciribbeelid
m.f.dh eeg ciribbeel.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ciribbeelid
-da: (magac, dhedig, keli) caaqibabeelid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
colgeli
(fal) dad isugu yeedh oo dagaal geli.
colgeli: (fal) qof ama reer nabdoon, weerar.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ilhelid
m.f.dh eeg ilhel.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ilhelid
-da: (magac, dhedig, keli) tabco dhagareed la helid; khayaano ku maroorin. Dh: sirid, dhagrid, khayaanayn, fashilmid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
mililid
m.f.dh eeg milil².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mililid
-da: (magac, dhedig, keli) caabuqid oo malaxaysasho. Maykaroobka ayaa nabarrada mililidda u keena. Dh: millilid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cillalid
-da: (magac, dhedig, keli) meel cidhiidhi ah, wax ku gufayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
colgelin
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg coldumid.
colgelin -ta: (magac, dhedig, keli) dad nabdoon oo deggan, dagaal ku bilaabid. Dh: weerarid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gelgelid
(Gelgelid-da)
In mar ka badan gelid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gelgelid
-da: (magac, dhedig, keli) meel kolba gelid oo haddana ka bixid. Li: bixbixid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gilgilid
(Gilgilid-da)
Xoog u ruxruxid; liillijin; lulid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gilgilid
m.f.dh eeg gilgil². la-mid: gilgil¹.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
gilgilid
vl. n. act of shaking someone ~ something
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
gilgilid
-da: (n) see [eeg] gilgilasho
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gilgilid
-da: (magac, dhedig, keli) ruxitaanka wax aad loo lulo; xoog u ruuxid. Gilgiliddii dhul gariirka ayaan ka naxay. Dh: lululid, dhaqdhaqaajin.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
gilgilid
de: act of shaking s.o. ~ s.t.
lx: gilgilid
pd: (-da)
ps: vn-f
key: gilgilid
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hirgelid
(Hirgelid-da)
Dhaqan gelid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hirgelid
m.f.dh eeg hirgal.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
melmelid
-da: (magac, dhedig, keli) kala jeedin; dhinaca kale u rogid: qallinka u geddiyid. Melmelidda ka daa oo sidaa wax ku sii. Dh: rogid, qallibid.
melmelid -da: (magac, dhedig, keli) si duuban oo xooggan u tuurid. Ninka melmelidda ka daa oo aayar wax ugu sheeg. Dh: tuurid, maqiiqid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
milaalid
m.f.dh eeg milaal². la-mid: milaal¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
milaalid
-da: (magac, dhedig, keli) aad u buuxin oo tirrijin. Dh: miijin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
miliilid
-da: (magac, dhedig, keli) dhuubasho oo wax aad u miliilsan noqosho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
millilid
-da: (magac, dhedig, keli) dheecaan iyo yacarun xanuun la socdo yeelasho oo aad u bokoon. Nabarrada millilida waa laga ilaaliyaa.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
milmilid
-da: (magac, dhedig, keli) dheecaan iyo qoyaan yeelasho. Dh: millilid, milil
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
aqalgelid
m.f.dh eeg aqalgal². la-mid: aqalgal¹, aroosgal¹, aroosgelid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Caalhelid
(Caalhelid-da) (u caalhelid)
Maaro u helid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
caalhelid
m.f.dh eeg caalhel.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caalhelid
-da: (magac, dhedig, keli) «u ~ arrin la hayay, xal iyo maaro u helid. Dh: maaro.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cawilceli
f.g2 (-iyay, -isay) Wax dhumay beddelkood siin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
cawilceli
v. substitute something, change something (a lost thing); repair, mend
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cawilceli
(fal) wax lumay ama dhintay, kaalintiisii cid kale u buuxi; u bedel.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
cawilceli
de: substitute s.t., change s.t. (a lost thing); repair, mend
lx: cawilceli
pd: (cawilceliyey)
ps: v2a=tr
key: cawilceli
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ciilbixid
m.f.dh eeg ciilbax.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Ciilcunid
(Ciilcunid-da)
In badan ciil qabid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ciilcunid
m.f.dh eeg ciilcun². la-mid: ciilcun¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ciilcunid
-da: (magac, dhedig, keli) in badan u ciilqabid; in badan u ciil qabid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Ciilqabid
(Ciilqabid-da)
Ciil cid u qabid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ciilqabid
m.f.dh eeg ciilqab². la-mid: ciilqab¹ (2).
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Ciilqabid
Risentimento
Resentfulness
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ciilqabid
-da: (magac, dhedig, keli) cid kale, ciil iyo caloolxumo u qabid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cillaalid
m.f.dh eeg cillaal². la-mid: cillaal¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cillaalid
-da: (magac, dhedig, keli) meel sare ama meel daloosha ku jufid oo gelin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hawlgelid
m.f.dh eeg hawlgal².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
camalfalid
m.f.dh eeg camalfal². la-mid: camafal¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
camalfalid
-da: (magac, dhedig, keli) ku dhaqmid oo samaynteeda hirgelin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cawilcelin
m.f.dh eeg cawilceli. la-mid: cawilcelis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cawilcelin
-ta: (magac, dhedig, keli) wax la waayay kaalintiisii buuxin. Dh: cawedcelin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cawilcelis
m.l la-mid: cawilcelin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cawilcelis
-ka: (magac, dhedig, keli) eeg cawilcelin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ciilciilid
-da: (magac, dhedig, keli) ciilid oo haddana ciilid; kadeed iyo dhibaato soo noqnoqota ku hayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ciribgo'id
m.f.dh eeg ciribgo'.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ciribgo'id
-da: (magac, dhedig, keli) dabargo'id.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
guriggelid
m.f.dh eeg guriggal². la-mid: guriggal¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
guriggelid
-da: (magac, dhedig, keli) aroosgelid; aqalgelid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ilmo gelid
vn: conception, act of conceiving a child
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
ilmo_gelid
de: conception, act of conceiving a child
lx: ilmo gelid
pd: (-da)
ps: vn -f
syn: ilmo qaadid
key: ilmo_gelid
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ammaangelid
-da: (magac, dhedig, keli) nabadgelyo helid. Ammaangeliddoodii bay Alle ku mahadiyeen.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhaxalgelid
m.f.dh eeg dhaxalgal². la-mid: dhaxalgal¹ (2).
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
ficil celin
-ta: (n) reaction (riaakshari) -jawaab celin
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
miyirbeelid
m.f.dh eeg miyirbeel³. la-mid: miyirbeel¹ (2).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
miyirbeelid
-da: (magac, dhedig, keli) maan iyo kala garashaba waayid; waalasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cimilagooreed
-da: (magac, dhedig, keli) xaaladda hawada ee tilmaamaysa maalin ama dhowr maalmood.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cimilo-fidsan
m.dh (juqraafi) Cimilada gobol cimileed weyn, sida, cimilada tundara, ama bed kale oo weyn sida qaarad, si looga sooco cimilo kooban.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cimilogooreed
-da: (magac, dhedig, keli) jawi gooreed muddo gaaban qaata sida maalin iyo habeen, toddobaad iyo wixii la mid ah.