ereyga

cilmibaadhis

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

cilmibaadhis

DHAN

-ta: (magac, dhedig, keli) raadinta dhabta ee ku salaysan, tijaabooyin iyo caddaymo la sugo. Dh: cilmibaadhid, deraasad,cilmibaaris.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

cilmibaadhid

DHAFAN

-da: (magac, dhedig, keli) dedaal, aqoon dheeraad ah lagu raadiyo iyada oo habab kala duwan iyo wixii qalab suurogal ah la adeegsanayo. Dh: cilmibaadhis.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

cilmibaaris

DHAFAN

m.dh Raadinta xaqiiqo la xiriirta cilmi.

waa la naqliyay ✓

Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

cilmibaaris

DHAFAN

m.dh Raadinta xaqiiqo la xiriirta cilmi.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]

cilmibaaris

DHAFAN

f. n. scientific research

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]

cilmibaaris

DHAFAN

-ta: (n) scholarly or scientific research, investigation or inquiry ~ aqoon darsi

waa la naqliyay ✓

Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]

cilmibaaris

DHAFAN
1

de: scientific research

2

lx: cilmibaaris

3

pd: (-ta)

4

ps: n2a-f

5

key: cilmibaaris

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

abwaan

DHAABAN
1

-ka: (magac, lab, keli) qof aqoon dheeraad ah u leh laamo badan oo aqoonta bulshada ka mid ah, siiba dhaqanka iyo ilbaxnimada dadka; waxyaqaan laamaha aqoonta mid walba iska laallaadshay oo loogu noqdo khibrad iyoo xeeldheeri aawadeed. Dh: buuni.

2

abwaan -ka: (magac, lab, keli) buug koobsaday wax badan oo laamaha aqoonta ah; buug lagu ururshay aqoon kala duwan. Abwaan weyn baa laga soo saaray Xarunta Cilmibaadhista ee Jabuuti.

3

abwaan -ka: (magac, lab, keli) qof lab oo suugaanta tirinteeda ama curinteeda lagu yaqaan.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

daahfur

DHAABAN
1

-ka: (magac, lab, keli) arrin qarsoonayd oo la soo bandhigayo. Daahfur buu ku sameeyay buugii uu qorayay. Dh: bandhig.

2

daahfur-ka: (magac, lab, keli) wax qarsoonaa, oo cilmibaadhis lagu ogaaday.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

daraasad

DHAABAN

-da: (magac, dhedig, keli) cilmibaadhis lagu sameeyo mawduuc gaar ah oo si cilmiyaysan dhan walba looga eego. Dh: diraasad.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

diraasaday

DHAABAN

(fal) cilmibaadhis ku samee; diraasad qotadheer ku samee. Dh: diraasadee.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

diraaso

DHAABAN

-da: (magac, dhedig, keli) cilmibaadhis; xog'ururin cilmiyaysan oo qotadheer

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

lajnad

DHAABAN

-da: (magac, dhedig, keli) koox dad ah oo aan badnayn oo hawl mid ah wada haysa. Lajnad cilmibaadhis ah ayaa dalka Jabuuti nooga timid Dh: guddi, lajno.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

lataliye

DHAABAN

-ha: (magac, lab, keli) qof arrimo uu aqoon dheeraad ah ama waayo aragnimo u leeyahay talo laga weydiiyo. Lataliye cusub ayaa loo magacaabay wasaaradda tacliinta sare iyo cilmibaadhista.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

machad

DHAABAN

-ka: (magac, lab, keli) meel caan ah oo laga barto cilmiga iyo farsamada ama cilmibaadhis lagu sameeyo. Qaamuuskan waxa soo saaray machadka afafka ee Jabuuti

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

wasaarad

DHAABAN

-da: (magac, dhedig, keli) qayb ka mid ah qaybaha xukuumadda oo maamulkeeda uu wasiir u sarreeyo; waax ka mid ah waaxaaha maammulka dawladda ugu sarreeya oo uu wasiir u madax yahay. Jaamacaddu waxay hoos tegtaa wasaaradda tacliinta sare iyo cilmibaadhista. Dh: wasaaro.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

jillabbaadhis

DHAFANDHAAF

-ta: (magac, dhedig, keli) dad aad u gaagaaban.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

jillabhadhis

DHAFANDHAAF

-ta: (magacwadareed) dad bari hore jirey oo tafiir go'ay. Jillabhadhis xoolo ma dhaqda. Dh: duul-hore.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

carbaadhi

DHAFANDHAAF
1

(fal) orod durduro iyo baabacayn ku jirto, samee. Dh: baabacay, baabacee, dhabaabacay.

2

carbaadhi -ga: (magac, lab, keli) orod durduro iyo baabacayn ku jirto. Dh: baabacayn, dhabaabacayn, durduro.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

cimribadh

DHAFANDHAAF

-ka: (magac, lab, keli) dhererka amminta ama wakhiga ay ku qaadato walax kaah fal leh inay ku lumiso kala badh kaah falnimadeedii kamikada.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]

Jilibdhig

DHAFANDHAAF
1

(Jilibdhig-ga)

2

Dagaal jilibka loo laabo; dirir.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

jilibdhig

DHAFANDHAAF
1

jilibdhig¹: m.l 1. Caabbinta cadaw si adag la isga caabbiyo. 2. la-mid: jilibdhigid.

2

jilibdhig²: f.mg1 (-gay, -gtay) U j.: cadaw si adag u caabbiyid.

waa la naqliyay ✓

Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

jilibdhig

DHAFANDHAAF

f.mg1 (-gay, -gtay) U j.: cadaw si adag u caabbiyid. m.f.dh, jilibdhigid.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]

jilibdhig

DHAFANDHAAF
1

m. n., [compound] dug-in position, entrenchment {military}

2

jilibdhig v., [compound] dig in to fight; assume a position to attack ~ defend

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

jilibdhig

DHAFANDHAAF
1

-ga: (magac, lab, keli) dagaal jilibka qofka aad u dhigtid inta aad u laabtid.

2

jilibdhig -ga: (magac, lab, keli) sheyga koowaad ee la siiyo qof aqal soo galey.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

xilqaadis

DHAFANDHAAF

-ta: (magac, dhedig, keli) eeg xilqaadid.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

ballaadhis

DHAFANDHAAF

-ka: (magac, lab, keli) wax kala baxsan ka dhigid. Dh: ballaadhin.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

balwaadhis

DHAFANDHAAF

-ta: (magac, dhedig, keli) bahardaad u fadhiisi. Balwaadhis baad u fadhidaa sarakacoo kaalay.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]

Calidaahir

DHAFANDHAAF

name-m exalted and ritually purified

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

cilminafsi

DHAFANDHAAF

m.l Laan ka mid ah cilmiga oo ku sabsan nafsadda, dhaqanka iyo wixi lamida ee qofka.

waa la naqliyay ✓

Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

cilminafsi

DHAFANDHAAF

m.l Laan ka mid ah cilmiga oo ku sabsan nafsadda, dhaqanka iyo wixi lamida ee qofka.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]

cilminafsi

DHAFANDHAAF

m. n. psychology

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]

cilminafsi

DHAFANDHAAF

-ga: (n) Psychology (saay-koolaji)

waa la naqliyay ✓

Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]

cilminafsi

DHAFANDHAAF
1

bw: Arabic

2

de: psychology

3

lx: cilminafsi

4

pd: (-ga)

5

ps: n-m

6

key: cilminafsi

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

citiqaadid

DHAFANDHAAF

m.f.dh eeg citiqaad². la-mid: citiqaad¹.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

citiqaadid

DHAFANDHAAF

-da: (magac, dhedig, keli) rumaysasho; ictiqaadid.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

coofaadhis

DHAFANDHAAF

-ka: (magac, lab, keli) (is ~) iscoofaadhin.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

kalabadhis

DHAFANDHAAF

-ta: (magac, dhedig, keli) wax is haystay ama isku yaallay, labo u kala badhid.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

uurbaadhis

DHAFANDHAAF

-ta: (magac) cid kale caloolshiisa wax ku jira, baanjiyid ama baadhasho.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]

Cilmi-kahfl

DHAFANDHAAF

Speleology

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

cirtigaajis

DHAFANDHAAF

-ka: (magac, lab, keli) xoolo kalkoodii galay oo aroorka looga baajiyo, saadaal roob oo cirka ka muuqata awgeed.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

kalabaydhis

DHAFANDHAAF

-ta: (magac, dhedig, keli) labo meelood, u kala weecasho. Dh: kalabayris.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

yoolbaadhis

DHAFANDHAAF

-ta: (magac, dhedig, keli) eeg yoolbaadhid.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

aqoonbaadhis

DHAFANDHAAF

-ta: (magac, dhedig, keli) qaab cilmiyaysan oo wax loo baadho dhabtnaa looga gungaadho. Waxa ay ku salaysan tahay xog'ururin iyo axadhiddeeda. Dh: cilmibaadhis.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]

Cilmiga dhulka

DHAFANDHAAF

Earth science

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

shidaalbaadhis

DHAFANDHAAF

-ta: (magac, dhedig. keli) qoditaanka saliidda ceedhiin; shidaalqodis: raadinta iyo baaritaanka shidaalka.

waa la naqliyay ✓

Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

cilmijabaqeed

DHAFANDHAAF

m.l (fiisikis) Cilmiga ku saabsan barashada dhalinta, dhalanka iyo baahinta hirarka jabaqda.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]

Cilmi Makaaniko

DHAFANDHAAF

Mechanics

waa la naqliyay ✓