cilmibaadhid
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cilmibaadhid
-da: (magac, dhedig, keli) dedaal, aqoon dheeraad ah lagu raadiyo iyada oo habab kala duwan iyo wixii qalab suurogal ah la adeegsanayo. Dh: cilmibaadhis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cilmibaadhis
-ta: (magac, dhedig, keli) raadinta dhabta ee ku salaysan, tijaabooyin iyo caddaymo la sugo. Dh: cilmibaadhid, deraasad,cilmibaaris.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maktabad
-da: (magac, dhedig, keli) tukaan buugta daabacan iibiya. Buuga maktabadda ka soo eeg. Wa: maktabado.
maktabad -da: (magac, dhedig, keli) meel buugaagta lagu kaydiyoo lagu akhristo oo loogu talagalay cilmibaadhidda iyo kaa faa'iidaysiga qoraalka. Maktabadda jaamacadda waxa yaal buug aad u qiimo badan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
raadraacid
-da: (magac, dhedig, keli) wax la raadinayo raadkiisa raacid oo dabasocosho. Dh: raadgurid.
raadraacid -da: (magac, dhedig, keli) dhacdo taariikheed dabagelid oo cilmibaadhid ku samayn.
raadraacid -da: (magac, dhedig, keli) macluumad meel ay ku qoran yihiin, ka soo xigasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cilmibaaris
m.dh Raadinta xaqiiqo la xiriirta cilmi.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
cilmibaaris
f. n. scientific research
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
cilmibaaris
-ta: (n) scholarly or scientific research, investigation or inquiry ~ aqoon darsi
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
cilmibaaris
de: scientific research
lx: cilmibaaris
pd: (-ta)
ps: n2a-f
key: cilmibaaris
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
citiqaadid
m.f.dh eeg citiqaad². la-mid: citiqaad¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
citiqaadid
-da: (magac, dhedig, keli) rumaysasho; ictiqaadid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
cilmijabaqeed
m.l (fiisikis) Cilmiga ku saabsan barashada dhalinta, dhalanka iyo baahinta hirarka jabaqda.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jillabbaadhis
-ta: (magac, dhedig, keli) dad aad u gaagaaban.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
carbaadhi
(fal) orod durduro iyo baabacayn ku jirto, samee. Dh: baabacay, baabacee, dhabaabacay.
carbaadhi -ga: (magac, lab, keli) orod durduro iyo baabacayn ku jirto. Dh: baabacayn, dhabaabacayn, durduro.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cilaaqmid
-da: (magac, dhedig, keli) hadal cilaaq iyo muran ah oo badan, ku hadlid. Dh: cilaaqtamid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cillaalid
m.f.dh eeg cillaal². la-mid: cillaal¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cillaalid
-da: (magac, dhedig, keli) meel sare ama meel daloosha ku jufid oo gelin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cimribadh
-ka: (magac, lab, keli) dhererka amminta ama wakhiga ay ku qaadato walax kaah fal leh inay ku lumiso kala badh kaah falnimadeedii kamikada.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dibaakhid
m.dh la-mid: dabaakhid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hilmaamid
m.dh la-mid: halmaamid.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
hilmaamid
-da: (n) forgetting (feer-get-ting) ~ halmaamid, helmaamid, ilaawid, hilmaan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hilmaamid
-da: (magac, dhedig, keli) xusuusan waa; ilaawid; illoowid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ilbaadsad
m.l la-mid: ilbaadsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
istaadhid
-da: (magac, dhedig, keli) kicinta mooteer iyo wixii la mid ah. Dh: daarid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Jilibdhig
(Jilibdhig-ga)
Dagaal jilibka loo laabo; dirir.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jilibdhig
jilibdhig¹: m.l 1. Caabbinta cadaw si adag la isga caabbiyo. 2. la-mid: jilibdhigid.
jilibdhig²: f.mg1 (-gay, -gtay) U j.: cadaw si adag u caabbiyid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
jilibdhig
f.mg1 (-gay, -gtay) U j.: cadaw si adag u caabbiyid. m.f.dh, jilibdhigid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
jilibdhig
m. n., [compound] dug-in position, entrenchment {military}
jilibdhig v., [compound] dig in to fight; assume a position to attack ~ defend
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jilibdhig
-ga: (magac, lab, keli) dagaal jilibka qofka aad u dhigtid inta aad u laabtid.
jilibdhig -ga: (magac, lab, keli) sheyga koowaad ee la siiyo qof aqal soo galey.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jillaadid
m.dh la-mid: jallaadid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Liibaanid
(Liibaanid-da)
Liibaan helid; guuleysasho; dhuroobid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
liibaanid
m.f.dh eeg liibaan².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
liibaanid
-da: (magac, dhedig, keli) guulaysasho; liibaan helid. Dh: liibaanis, guulaysad, barwaaqoobid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Tilmaamid
(Tilmaamid-da)
Tilmaan u yeelid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tilmaamid
m.f.dh eeg tilmaan². la-mid: tilmaanid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tilmaamid
-da: (magac, dhedig, keli) tilmaam ka bixin; wax lagu garto u eyelid ama ka sheegid. tilmaamitaan -ka: (magac, lab, keli) siduu yahay iyo meeshu yahay sheegitaanka.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tilmaanid
m.dh la-mid: tilmaamid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tilmaanid
-da: (magac, dhedig, keli) eeg tilmaamid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
timaaddid
v., sg., neg., present habitual: you do not come
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
timaaddid
de: you do not come
initial: t
lx: timaaddid
pd: (timaaddo)
ps: v4b-2sg-neg-prhb
xe: These days you do not come to school.
xv: Adigu ayaamahan dugsiga maad timaaddid.
key: timaaddid
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xilqaadid
-da: (magac, dhedig, keli) xil masuuliyadeed qaadid oo dhabarka u ridasho. Dh: xilqaadis.
xilqaadid -da: (magac, dhedig, keli) xil ka wareejin oo cid kale u dhiibid. Dh: casilid, xilqaadis Li: xilsaarid, xilsaaris
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
balwaadhid
-da: (magac, dhedig, keli) si qaab daran oo kiciddu ku adagtahay u fadhiyid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
calaqaadid
m.f.dh eeg calaqaad.
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Calidaahir
name-m exalted and ritually purified
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cilminafsi
m.l Laan ka mid ah cilmiga oo ku sabsan nafsadda, dhaqanka iyo wixi lamida ee qofka.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
cilminafsi
m.l Laan ka mid ah cilmiga oo ku sabsan nafsadda, dhaqanka iyo wixi lamida ee qofka.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
cilminafsi
m. n. psychology
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
cilminafsi
-ga: (n) Psychology (saay-koolaji)
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
cilminafsi
bw: Arabic
de: psychology
lx: cilminafsi
pd: (-ga)
ps: n-m
key: cilminafsi
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cimaamadid
-da: (magac, dhedig, keli) (u ~) cimaamad madaxa ugu xidhid; ugu duubid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ictiqaadid
m.f.dh eeg ictiqaad².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Ijtihaadid
(Ijtihaadid-da)
1. Shuruudda mujtahidka laga doonayo ama siduu u dadaalo u dadaalid.
2. Wax la qabanayo, hagarbax u qabasho; dadaalid; mintidid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ijtihaadid
m.f.dh eeg ijtihaad².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jillaadmid
m.dh la-mid: jallaadmid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jillaadmid
-da: (magac, dhedig, keli) Quraan iyo wax la mid ah, subcismid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kalabadhid
-da: (magac, dhedig, keli) wax is haystay, labo u kala badhid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xabbaadhid
-da: (magac, dhedig, keli) xoolo aad lahayn xoog ku kaxaysasho. Xabbaadhiddu waax xaaraan. Dh: dhicid, qaadidi, boojin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Caafimaadid
(Caafimaadid-da)
Caafimaad helid; cudur ka bogsasho; ladnaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
caafimaadid
m.f.dh eeg caafimaad².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caafimaadid
-da: (magac, dhedig, keli) caafimaad helid; xanuun iyo cudur ka fayoobaansho. Caafimaadid ayuu u dhowaa markaan ka imid. Dh: bogsasho, bogsood.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
calwasaadid
m.f.dh eeg calwasaad². la-mid: calwasaad¹ (2), carwasaad¹, carwasaadid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ciddibadeed
-da: (magac, dhedig, keli) qolof sida qolofta kalluunka laga xoqo u eg, waxaana lagu daraa, oo ay qayb ka qaadataa samaynta uunsiga la shito.
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Cilmi-kahfl
Speleology
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
cilmihaweed
m.l Cilmiga barashada gibilka dhulka, gaar ahaan, marka laga eego dhanka cimilada iyo cimilo gooreedkaba.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hiinfaadhid
-da: (magac, dhedig, keli) daal ama cabsi daraaddeed, qof hiinfaadhaya oo neefgurmaya ahaan. Dh: neefgurmid, taahid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ilmo qaadid
vn: conception, act of conceiving a child
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
ilmo_qaadid
de: conception, act of conceiving a child
lx: ilmo qaadid
pd: (-da)
ps: vn -f
syn: ilmo gelid
key: ilmo_qaadid
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kalabaydhid
-da: (magac, dhedig, keli) wax isla socday, kala weecasho: kala leexasho. Dh: kalabayrid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
minfilaadid
m.f.dh eeg minfilaad². la-mid: minfilaad¹ (2).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
yoolbaadhid
-da: (magac, dhedig, keli) wax aan la hubin baadhbaadhid. Yoolbaadhidda naga daa. Dh: yoolbaadhis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cilmi haweed
m.l Cilmiga barashada gibilka dhulka, gaar ahaan, marka laga eego dhanka cimilada iyo cimilo gooreedkaba.
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Cilmi Haweed
Metreology
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
cimilabadeed
m.l (juqraafi) Cimilo si weyn ay u saamayso dhawaanta baddu,taas oo siinaysa xagaa gamooje ah iyo jilaal diiran. Taasna waxaa ugu wacan awoodda haynta kulka oo ay kala duwanyihiin dhulka iyo biyuhu. Badda dhulka ayaa ka hor kululaada kana hor qabooba, saamaynteeduna waxay abuurtaa cimilo isu ekaan karta.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
cimribadheed
m.l (-dyo, m.dh) (kiim.) Qiimaha kala badhka waqti. Waa amminta (ama xilliga) curiye kaahfale ahi ku kala badhmo marka uu mataataxo. Cimri-badheedyada iskugodyadu way kala geddisanyihiin - qaarkood aad iyo aad bay uga yaryihiin ilbidhiqsiga; qaarna waxay gaadhaan dhawr milyan oo sano.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cirridbaarid
m.f.dh eeg cirridbaar.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jillabhadhis
-ta: (magacwadareed) dad bari hore jirey oo tafiir go'ay. Jillabhadhis xoolo ma dhaqda. Dh: duul-hore.
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Cilmi jabaqeed
Acoustics
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cilmi-jabaqeed
m.l (fiisikis) Cilmiga ku saabsan barashada dhalinta, dhalanka iyo baahinta hirarka jabaqda.
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Cilmiga dhulka
Earth science
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
luqunjibaadhid
-da: (magac, dhedig, keli) legdan dabadii, buquujin iyo curduduubid qof laga itaal weyn yahay ku samayn. Dh: luqunjibaarid, buquujin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cimri-badheed
m.l (-dyo, m.dh) (kiimika) Qiimaha kala badhka waqti. Waa amminta (ama xilliga) curiye kaahfale ahi ku kala badhmo marka uu mataataxo. Cimribadheedyada iskugodyadu way kala geddisanyihiin - qaarkood aad iyo aad bay uga yaryihiin ilbidhiqsiga; qaarna waxay gaadhaan dhawr milyan oo sano.
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Cilmi Makaaniko
Mechanics
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Cilmiga carrada
Pedology
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
cilmiga daawada
(np) pharmacology (farmakoolaji)