cilladtir
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cilladtir
-ka: (magac, lab, keli) cillad ka bi'in.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cilladtirid
-da: (magac, dhedig, keli) cudur hoose oo uu qabay iyo cadilnaan, ka bi'in.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cilladtiris
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg cilladtirid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cilladbixi
(fal) qof ama wax cillad leh, hagaaji.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Cillad
(Cillad-da)
1. Cudur: wax xun oo aan muuqan.
2. Sabab.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cillad
m.dh (-do m.l) 1. Dhaliil qof leeyahay oo qiimahiisa hoos u dhiga. 2. Iin wax leeyahay. Tusaale: “Baabuurka c. buu leeyahay”. la-mid: cillo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
cillad
m.dh (-do m.l) 1. Dhaliil qof leeyahay oo qiimahiisa hoos u dhiga. 2. Iin wax leeyahay. Tusaale: Baabuurka c. buu leeyahay. la-mid: cillo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
cillad
f. n. problem, defect, difficulty; motive
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
cillad
-da: (n) defect (dii-fakt)', deficiency (di-fishinsi)', fault (foolt) ~ cillo, ceeb, sabab. —Syn: blemish, imperfection, flaw
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cillad
-da: (magac, dhedig, keli) iin ama dhalliil qarsoon oo shey ama qof leeyahay.
Ereybixinta Qalabka Farsamada Gacanta - Maxamuud Iimaan Aadan [1975]
Cillad
Nusqaan, qiimedhac, dhibaato.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
cillad
bw: Arabic
cf: cudur; sabab
de: problem, defect, difficulty; motive
lx: cillad
pd: (-da)
ps: n1-f
key: cillad
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cilladay
(fal) wax hagaagsan cillad u yeel; wax hagaagsan, kharrib oo iin yeel. Dh: xumay, xumee, waxyeellee, cilladee. Li: hagaaji
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cilladee
f.g2 (-deeyay, -daysay) Wax cillad u yeelid. la-mid: cillee.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
cilladee
f.g2 (-deeyay, -daysay) Wax cillad u yeelid. m.f.dh, cilladayn. la-mid: cillee.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
cilladee
v. infect with disease; do damage to
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
cilladee
-yey / cilladaysay: (v) inflict damage; blemish (baleemish)', mar (maar)-, disfigure (dis-figer)-, make something malfunction; make something function improperly ~ ciladee
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cilladee
(fal) eeg cilladay.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
cilladee
de: infect with disease; do damage to
lx: cilladee
pd: (cilladeeyey)
ps: v2b=
key: cilladee
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cillalid
-da: (magac, dhedig, keli) meel cidhiidhi ah, wax ku gufayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
illintir
m.l Hanti yar oo cid waxyeello loo geystay la siiyo
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
illintir
m.l Hanti yar oo cid waxyeello loo geystay la siiyo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
illintir
-ka: (magac, lab, keli) hanti yar oo cid waxyeello loo geystay la siiyo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jilladid
m.dh la-mid: jelledid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cillaalid
m.f.dh eeg cillaal². la-mid: cillaal¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cillaalid
-da: (magac, dhedig, keli) meel sare ama meel daloosha ku jufid oo gelin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Cilladayn
(Cilladayn-ta)
Cillad ku ridid, u yeelid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cilladayn
m.f.dh eeg cilladee. la-mid: cillayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cilladayn
-ta: (magac, dhedig, keli) cillad u yeelid; cillad ku ridid. Dh: kharribid, xumayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cilladays
-ka: (magac, lab, keli) eeg cilladayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jilladmid
m.dh la-mid: jalladmid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cilladbixin
-ta: (magac, dhedig, keli) qof ama wax cillad leh, hagaajin. Dh: hagaajin, cilladbixis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cilladbixis
-ka: (magac, lab, keli) eeg cilladbixin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
calladhiye
-ha: (magac, lab, keli) geed nagaadheed udgoon oo meelaha barrimada ka baxa xooluhuna daaqaan, dumarku na u adeegsadaan isbilidda iyo udgoonaynta subagga la shiilayo. Dh: callaydhshe, geedxamar.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cilladaysi
-ga: (magac, lab, keli) eeg cilladaysasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cilladayso
(fal) qof ama qalab, kharriban; xumaw; caddilan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cilladhaan
m.dh la-mid: qayladhaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jillaadmid
m.dh la-mid: jallaadmid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jillaadmid
-da: (magac, dhedig, keli) Quraan iyo wax la mid ah, subcismid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
millilitir
m.l (-rro, m.dh) Hal liitir oo kun meelood loo qaybshay meel ka mid ah.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
millilitir
m.l (-rro, m.dh) Hal liitir oo kun meelood loo qaybshay meel ka mid ah.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
millilitir
m. n. milliliter
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
millilitir
-ka: (magac, lab, keli) hal litir oo kun meelood loo qaybshay meel ka mid ah.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
millilitir
de: milliliter {Eng}
lx: millilitir
pd: (-ka)
ps: n2-m
key: millilitir
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
millimitir
m.l (-rro, m.dh) Hal mitir oo kun meelood loo qaybshay meel ka mid ah.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
millimitir
m.l (-rro, m.dh) Hal mitir oo kun meelood loo qaybshay meel ka mid ah.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
millimitir
m. n. millimeter
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
millimitir
a: miliimitir {Eng}
de: millimeter
lx: millimitir
pd: (-ka)
ps: n2-m
key: millimitir
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Cillad (Cr.)
Difetto
Defect
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
cillad baare
-ha: (n) critic (kirit-ik)', faultfinder
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cilladhaamin
m.dh la-mid: qayladhaamin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cilladhaamis
m.l la-mid: qayladhaamin.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
milliardaire
milliardaire, adj.et n. - qof lacag badan; Taajir.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Billad
(Billad-da)
Cad yar oo fidsan oo ah dahab, lacag, ama wax kale oo astaan ama hadal ku kor qoran yihiin, oo ama arrin weyn oo dhacday lagu xuso ama abaalgud loo bixiyo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
billad
m.dh (-do, m.l) Gabal yar, fidsan, wareegsan oo dahab, qalin, maar iyo wixi lamida middood ka samaysan oo astaan ama hadal inta lagu qoro abaalgud ahaan lo baxsho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
billad
m.dh (-do, m.l) Gabal yar, fidsan, wareegsan oo dahab, qalin, maar iyo wixi lamida middood ka samaysan oo astaan ama hadal inta lagu qoro abaalgud ahaan lo baxsho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
billad
f. n. medal
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
billad
-da: (n) [Pl. billado-billadaha] medal (medhal)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
billad
-da: (magac, dhedig, keli) walax yar oo fidsan oo dahab, maar, lacag, iyo waxii la mid ah ka samaysan oo uu hadal ujeeddo leh ku qoranyahay ama astaan oo dawlad ama urur gaar u leeyahay lagu dhigo oo abaalgud looga dhigo ruux la maamuusayo oo wax soo qabtay ama gobonimo u soo halgamay.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
billad
de: medal
lx: billad
pd: (-da)
ps: n1-f
key: billad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cartir
cartir¹: m.l la-mid: catir¹.
cartir²: f.g1 (-ray, -rtay) la-mid: catir².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cartir
-ka: (magac, lab, keli) jilow ama geed kale oo qofka dhiigbaxaya la saaro. Dh: dhibiibitir, deddatir.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
cellar
/selar/ (n) makhsin dhulka hoose ka dhisan.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali (Maay) - Maxamed Xaaji Mukhtaar, Cumar Macalin Axmed [2007]
cellar
/selar/ (n) qol dhulky hoostis ky yaaly oo wal lyky kaayaw.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Cillal
(Cillal-ka)
Geed yar oo dhulka laga qoto oo buruqdiisa la cuno.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cillal
m.l Geed nagaar faalala, leh caleemo balballaaran iyo buruq weyn oo dhulka ku aasan oo la cuno.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
cillal
m.l Geed nagaar faalala, leh caleemo balballaaran iyo buruq weyn oo dhulka ku aasan oo la cuno.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
cillal
m. n. plant species with edible tubers
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Cillal
name-m hidden, secret, mysterious; a plant sp. with edible tubers
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cillal
-ka: (magac, lab, keli) geed yar oo dhulka laga qoto oo buruqdiisa la cuno.
cillal -ka: (magac, lab, keli) awr la raray oo oogadiisa aqal la saaray, halka caynka iyo dhigihu isugu yimaadaan ee laga dheellitiro.
cillal -ka: (magac, lab, keli) meel cidhiidhi ah, wax gelin oo ku cadaadin.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
cillal
de: plant sp. with edible tubers
lx: cillal
pd: (-ka)
ps: n2-m
key: cillal
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Cillan
Aan muuqan; qarsoon; uuryaal.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cillan
f.mg4 (-naa, -nayd) Wax aan muqaan ahaansho. la-mid: ciillan.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
cillan
f.mg4 (-naa, -nayd) Wax aan muqaan ahaansho. m.f.dh, cillanaan. la-mid: ciillan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
cillan
[adjective] hidden, secret, mysterious
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cillan
(tilmaame) wax aan caadyaal ahayn; arrin aan muuqan ama qarsoon.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
cillan
de: hidden, secret, mysterious
lx: cillan
ps: adj
syn: qarsoon, uuryaal
key: cillan
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
collar
/koolar/ (n) 1. kulleeti (n) 2. qool (suun iwm, oo xayawaanka surka loogu xiro) (v) 3. qabasho (gacanta ku dhigid).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ilaadi
(fal) roob durugsan kobtuu hayo qiyaas oo taftiis iyo taagtiis oddoros. Roob, ninba aqoontiisuu ilaadiyaa. Dh: oddoros, hilaadi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ilaxir
m.l la-mid: ilxir.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ilaxir
-ka: (magac, lab, keli) eeg ilaxidh.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Jillad
(Jillad-ka)
Jallad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jillad
f.g1 (-day, -dday) la-mid: jelled.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
jillad
m. n. cover, covering
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
jillad
a: jallaad
de: cover, covering
lx: jillad
pd: (-ka)
ps: n2a-m
key: jillad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Millad
(Millad-da)
Shareeco; diin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
millad
m.dh (-do, m. l) Diin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
millad
m.dh (-do, m.l) Diin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
millad
f. n., [abstract] faith, religion
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
millad
-da: (n) religion (ri-lij'in); beliefs, values ~ diin-ta
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
millad
-da: (magac, dhedig, keli) diin ay cidi sharci ahaan u aaminsan tahay. Dh: shareecad, diin.
millad -da: (magac, dhedig, keli) dhaar laba qof co is dacweysay ka dhaxaysa. Dh: dhaar.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
millad
bw: Arabic
de: faith, religion
lx: millad
pd: (-da)
ps: n1-f-abs
key: millad
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
pillar
/pilar/ (n) 1. tiir (udub taagan oo dhismo ama wax kale kor u haya) 2. xubin laf dhabar ah (qof meel xubin. ka ah oo aan laga maarmin).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Willad
(Willad-ka)
Willasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
willad
m.l la-mid: willasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
willad
-ka: (magac, lab, keli) fakad; firxad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xillad
m.l/dh (-do, m.l) Kal; waqti.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xiltir
(Xiltir-ka)
1. Geed-quwaax miro kulkulucsan iyo beeyo leh.
2. Xiltirid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xiltir
xiltir¹: m.l la-mid: xiltirid.
xiltir²: f.g1 (-ray, -rtay) Qof hawl cid laga sugaayey fulinteeda isu xilsaarid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
xiltir
f.g1 (-ray, -rtay) Qof hawl cid laga sugaayey fulinteeda isu xilsaarid. m.f.dh, xiltirid.