cilladbixin
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cilladbixin
-ta: (magac, dhedig, keli) qof ama wax cillad leh, hagaajin. Dh: hagaajin, cilladbixis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cilladbixi
(fal) qof ama wax cillad leh, hagaaji.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cilladbixis
-ka: (magac, lab, keli) eeg cilladbixin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
turxaanbixin
m.dh Xumobixin, cilladbixin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
turxaanbixin
m.dh Xumobixin, cilladbixin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
turxaanbixin
-ta: (magac, dhedig, keli) hadal xumaan ah ama gef hore oo la kala tirsanayey iska dawmarin iyo is uurxaadhasho. Dh: xumabixin, cilladbixin.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
cillad bixiye
-cillad bixiyaha: (n) troubleshooter, also trouble-shooter (tarabal-shuuter)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cilladtirid
-da: (magac, dhedig, keli) cudur hoose oo uu qabay iyo cadilnaan, ka bi'in.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cilladtiris
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg cilladtirid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cilladhaamin
m.dh la-mid: qayladhaamin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cirbixin
m.f.dh eeg cirbixi.
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Cizadiin
name-m the power of the faith
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
codbixin
m.dh eeg codbixi. la-mid: codbixis.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
codbixin
-ta (n) election (elak-shin)-, vote (vowt) ~ doorasho
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
codbixin
-ta: (magac, dhedig, keli) doorasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jidbixin
-ta: (magac, dhedig, keli) furdaamin oo xal u helid. Dh: furdaamin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xilbixin
m.f.dh eeg xilbixi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Caadbixid
(Caadbixid-da)
Dibad ama bannaan u soo bixid; wixii uurka ku jirey sheegid; qarsoodi ka bixid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
caadbixid
m.f.dh eeg caadbax². la-mid: caadbax¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caadbixid
-da: (magac, dhedig, keli) dibed ama banaan u soo bixid.
caadbixid -da: (magac, dhedig, keli) wixii uurka ku jirey sheegid; wax qarsi la'aan. Sheekadiisa wuxuu uga jeeday caadbixid. Dh: xogwaramid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ceydbixin
m.f.dh eeg ceydbixi. la-mid: ceydbixis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ciilbixid
m.f.dh eeg ciilbax.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Cilladayn
(Cilladayn-ta)
Cillad ku ridid, u yeelid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cilladayn
m.f.dh eeg cilladee. la-mid: cillayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cilladayn
-ta: (magac, dhedig, keli) cillad u yeelid; cillad ku ridid. Dh: kharribid, xumayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cilladtir
-ka: (magac, lab, keli) cillad ka bi'in.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
illawsiin
-ta: (magac, dhedig, keli) cid kale, wax hore loo arkay ama loo mqalay hilmaansiin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tillaabin
m.dh la-mid: tallaabin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tillaabin
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg tallaabin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Arradbixin
(Arradbixin-ta)
Dhar arratir ah siin; arrad ka bixin; arratirid
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
arradbixin
m.f.dh eeg arradbixi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
arradbixin
-ta: (magac, dhedig, keli) dhar arratir ah siin; arrad ka bixin; u arratirid. Arradbixinta reerku lacag badan bay u baahan tahay
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ciddabixid
-da: (magac, dhedig, keli) ciddo ka bixid; ciddo dhammaysasho. Dh: cuddadbixid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cilladaysi
-ga: (magac, lab, keli) eeg cilladaysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cilladhaan
m.dh la-mid: qayladhaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dibadbixid
(Dibadbixid-da)
Dibadbax samayn; bannaan bixid; banbixid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dibadbixid
m.f.dh eeg dibadbax².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dibadbixid
-da: (magac, dhedig, keli) dibadbax samayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jirdabixin
m.dh eeg jirdabixi. la-mid: jirdabixis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kalabbixin
m.f.dh eeg kalabbixi. la-mid: ka-labbixis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
nabadbixin
m.f.dh eeg nabadbixi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
casharbixin
-ta: (magac, dhedig, keli) dersi jeedin; cashar dhigid. Dh: cashardhigid, casharbixis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Ciddabbixid
(Ciddabbixid-da)
Ciddo ka bixid; ciddo dhammaysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ciddabbixid
m.f.dh eeg ciddabbax². la-mid: cuddabbixid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
cilladaysan
der. [adjective] in difficulty, having problems
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
cilladaysan
-cilladaysnaa / cilladaysnayd: (adj) malfunctioning (maal-funk-shen-ing)', not functioning; defective (di-fektiv) ~ cillaysan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cilladaysan
(tilmaame) mid cillad leh; mid dhaliil qarsoon leh; mid kharriban.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
cilladaysan
de: in difficulty, having problems
lx: cilladaysan
ps: adj-der
key: cilladaysan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cuddabbixin
m.f.dh eeg cuddabixi. la-mid: cuddabbixis.
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
BIL KU BIXIN
Pagamento mensile
Monthly payment

Bil ku bixin
Pagamento mensile
Monthly payment
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ciilkambiyid
m.f.dh eeg ciilkambi². la-mid: ciilkambi¹, ciilkambin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ciilkambiyid
-da: (magac, dhedig, keli) (is ~) ciil dartiis, is canaanasho ama is haraamid.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
cillad baare
-ha: (n) critic (kirit-ik)', faultfinder
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cilladhaamis
m.l la-mid: qayladhaamin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
galgaalbixin
m.dh Allabari loo sameeyo in looga hortago waxyeelo galgaal ka timid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
badbixid
m.f.dh eeg badbax.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
barbixin
m.f.dh eeg barbixi. la-mid: barbixis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ceydbixi
f.g2 (-iyay, -isay) Cid ceyd hayo qalab ama gaadiid siin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ciidsiin
-ta: (magac, lab, keli) qof, lebbis iyo wax la mid ah, oo uu farxadda iidda kaga qayb qaato, siin. Dh: iidsiin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ciilliin
-ka: (magac, lab, keli) eeg ciilitaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ciilniin
-ka: (magac, lab, keli) eeg ciilliin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cilladay
(fal) wax hagaagsan cillad u yeel; wax hagaagsan, kharrib oo iin yeel. Dh: xumay, xumee, waxyeellee, cilladee. Li: hagaaji
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cilladee
f.g2 (-deeyay, -daysay) Wax cillad u yeelid. la-mid: cillee.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
cilladee
f.g2 (-deeyay, -daysay) Wax cillad u yeelid. m.f.dh, cilladayn. la-mid: cillee.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
cilladee
v. infect with disease; do damage to
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
cilladee
-yey / cilladaysay: (v) inflict damage; blemish (baleemish)', mar (maar)-, disfigure (dis-figer)-, make something malfunction; make something function improperly ~ ciladee
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cilladee
(fal) eeg cilladay.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
cilladee
de: infect with disease; do damage to
lx: cilladee
pd: (cilladeeyey)
ps: v2b=
key: cilladee
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cillalid
-da: (magac, dhedig, keli) meel cidhiidhi ah, wax ku gufayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
codbixis
m.l Dhiibashada cod laga dhiibto wax la dooranayo. la-mid: codbixin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
codbixis
m.l Dhiibashada cod laga dhiibto wax la dooranayo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
codbixis
-ka: (magac, lab, keli) codbixin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Colaadin
(Colaadin-ta)
Sida colku isula dhaqmo, kula kicid; colaad ku samayn; xumayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
colaadin
m.f.dh eeg colaadi. la-mid: colaadis.
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Colaadin
Inimicare
To make enemy of
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
colaadin
-ta: (magac, dhedig, keli) sida col isu la dhaqmid; colaad ku samayn. Dh: fogayn, xumayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Culaabin
(Culaabin-ta)
Culaab u yeelid; culaabeyn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
culaabin
m.f.dh eeg culaabi. la-mid: culaabeyn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
culaabin
-ta: (magac, dhedig, keli) culays dulsaarid. Dh: culaysin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
filbixid
m.f.dh eeg filbax².
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
Filibiin
pr. n., loc. Philippines
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
Filibiin
(n) Philippines (fila piiniz); a country of Eastern Asia; Manila is the capital and the largest city
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
Filibiin
de: Philippines
lx: Filibiin
ps: n0-loc-f
key: Filibiin
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
garbixin
m.f.dh eeg garbixi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
garbixin
-ta: (magac, dhedig, keli) dad wax isku haysta, xeer iyo sharci ku kala saarid.
garbixin-ta: (magac, dhedig, keli) qof wax diiddan in uu kula garramo u oggolaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hilaadin
m.dh la-mid: hilaadiyid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hilaadin
-ta: (magac, dhedig, keli) saadaalin sida wax noqonayaan oo la sii sheego. Dh: hilaadis, saadaalin.
hilaadin -ta: (magac, dhedig, keli) roob oddoros ku garasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
illaabid
m.dh la-mid: illoobid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
illawsii
(fal) cid kale, wax xasuusadka u diid. Dh: hilmaami.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
islaaxin
m.f.dh eeg islaaxi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jidbixis
-ka: (magac, lab, keli) marka la baneynaayo waddo si loo maro.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jilladan
jilladan¹: f.mg1 (-dmay, -dantay) la-mid: jalladan¹.
jilladan²: f.mg4 (-dnaa, -dnayd) la-mid: jalladan².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jilladid
m.dh la-mid: jelledid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
laadniin
-ka: (magac, lab, keli) eeg laaditaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
labbixid
m.f.dh eeg labbax.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
labbixid
-da: (magac, dhedig, keli) wax dibada soo dhigid.
labbixid -da: (magac, dhedig, keli) qof calmasho ama cugasho.
labbixid -da: (magac, dhedig, keli) gabadh guursasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
milaadin
m.f.dh eeg milaadi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Mudbixin
(Mudbixin-ta)
Doc ku mudid oo docda u tusmaysan ka bixin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
mudbixin
m.f.dh eeg mudbixi. la-mid: murbixin.