cilcillow
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cilcillow
m.l Waqtiga u dhexeeya markay qorraxdu dhacdo iyo inta aan aasku aad u madoobaan. la-mid: cilcillaw.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Cilcillaw
(Cilcillaw-ga)
Labada cirguduudood; aas.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cilcillaw
m.l la-mid: cilcillow.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
cilcillaw
m. n. colorful light at sunrise ~ sunset, twilight
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cilcillaw
-ga: (magac, lab, keli) muuqaalka jahada, labada cirguduud kolka ay tahay. Dh: hiimamooti.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
cilcillaw
a: cilcillow
de: colorful light at sunrise ~ sunset, twilight
lx: cilcillaw
pd: (-ga)
ps: n2a-m
syn: aas
key: cilcillaw
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cilcilloon
m.l Dabayl hadba dhan ka soo dhacda.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
cilcilloon
m.l Dabayl hadba dhan ka soo dhacda.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Aas
(Aas-ka)
1. Xabaasha (dadka dhinta) iyo waxa ku saabsan; duug.
2. Iftiinka midabyada leh oo qorraxdhaca; cirguduud; cilcillow.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
aas
aas¹: m.l 1. Xabaalidda meydka; la-mid: aasid. 2. Marka aasku madoobaado: waqtiga qorraxdu dhacdo ee iftiinkeeda la waayo; himhiimow, cilcillow.
aas²: f.g1 (-say, -stay) Wax dhulka ku xabaalid (dad dhintay); duugid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
aas
aas¹: m.l 1. Xabaalidda meydka; la-mid: aasid. Tusaale: "Madaxweynaha ayaa ka qaybggalay aaskii xildhibaanka". 2. Marka aasku madoobaado: waqtiga qorraxdu dhacdo ee iftiinkeeda la waayo; himhiimow, cilcillow.
aas²: f.g1 (-say, -stay) Wax dhulka ku xabaalid (dad dhintay); duugid.m.f.dh, aasid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aas
(fal) dhulka u qod oo ciidda ku qari qof dhintay. Dh: duug, xabaal. Li: faq.
aas -ka: (magac, lab, keli) xabaasha qofka dhinta lagu duugo iyo geerida qofka wixii la xidhiidha oo dhan. Dad badan baa shilka ku dhintaye aaska ha loo soo dareero.
aas-ka: (magac, lab, keli) iftiinka qorraxdu reebto marka ay dhacdo. Irridaha markii aasku dumo, kuma afuufaane. Dh: aasmadoobaad, cawaweer, cirguduud, cilcillow, fiidcawl.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
himamaw
-ga: (magac, lab, keli) cilcillowga fiidkii ee uu ilayskii maalintana wax ka sii joogo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kilkillo
-da: (magac, dhedig, keli) meesha cududda iyo garabku isaga yaalliin, dhankeeda hoose; shaqfal; kilinkilo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ciilciilid
-da: (magac, dhedig, keli) ciilid oo haddana ciilid; kadeed iyo dhibaato soo noqnoqota ku hayn.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
councillor
/kawnsalar/ (n) xubin guddiga deegaanka ka tirsan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Bilcil
(Bilcil-ka)
Geed weynaada oo qodxo xanan ah yeesha, dhirta dawadana ka mid ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bilcil
m.l (bilcil/-llo, m.dh) Geedaha waaweyn oo daawada leh nooc ka mid ah oo leh laamo kala baxsan, qodxo yaryar oo qaroofan, caleemo yaryar iyo mayrax rarada laga sameysto.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
bilcil
m.l (bilcil/-llo, m.dh) Geedaha waaweyn oo daawada leh nooc ka mid ah oo leh laamo kala baxsan, qodxo yaryar oo qaroofan, caleemo yaryar iyo mayrax rarada laga sameysto.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
bilcil
m. n. large thorny tree species (used medicinally)
Magacyada Dhirta Ceel-Dheere iyo Buula-Burte (Soomaali-Laatiin) - D. Herloker, B. Kujar [1985]
BILCIL
[BILEL, BEL-EL, BILIL]: Acacia mellifera 63, A. senegal 04,Albizia obbiadensis 10, Parkinsonia scioana 01
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
BILCIL
(Bilil) All.Som. Acacia mellifera (Vahl) Benth. Mimosaceae.
C, Og Acacia ogadensis Chiov. Mimosaceae.
May, S Bauhinia ellenbeckii Harms. Caesalpinaceae.
C Parkinsonia sciona (Chiov.) Brenan. Caesalpinaceae.
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Bilcil
nickname; name-m he who born near the large thorny tree used medicinally; medicine man; herbalist
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
bilcil
-ka: (n) a large bushy tree
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bilcil
-ka: (magac, lab, keli) geed godxeed ka mid ah dhirta waaweyn oo ka tirsan bahda xananka. Bilcil faraq ku yaal bay tiqiin, baariga u saare.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
bilcil
de: large thorny tree sp. (used medicinally)
lx: bilcil
pd: (-ka)
ps: n2-m
key: bilcil
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
billow
billow¹: m.l la-mid: bilow¹.
billow²: f.g1 (-laabay, -lowday; -laabi) la-mid: bilow².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
billow
-ga: (magac, lab, keli) eeg bilaw.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
càlcio
s.m. - haraati, laad; kubadda cagta; kaalsiyam.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
callow
/kaalow/ (adj) ciyaal aan khibrad lahayn ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cidlow
f.mg1 (-oobay, -owday; -oobi) Meel, wax cidla' ah noqosho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cidlow
-ga: (magac, lab, keli) mid cidla' jooga noqod.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cilimo
m.dh Geeso xoolaad oo dhinacyada u kala jeeda.
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Cilino
Pygmies
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cimilo
m.dh (-ooyin m.l) Xaaladaha kala duwan ee jawi oo meeli leedahay.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
cimilo
m.dh (-ooyin m.l) Xaaladaha kala duwan ee jawi oo meeli leedahay.
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Cimilo
Climate
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
cimilo
f. n. climate
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Cimilo
name-f climate
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
cimilo
-da: (n) weather (wethar); climate (kalay-mit) ~ jawi
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cimilo
-da: (magac, dhedig, keli) xaaladda hawada guud ee ay meeli leedahay, roobka iyo kulaylka ay meeli leedahay. Badda Cas cimiladeedu waa kulayl xagaagii.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
cimilo
de: climate
lx: cimilo
pd: (/da)
ps: n6-f
key: cimilo
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
cimilo
جَوِّ
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
collow
collow¹: m.l la-mid: colloobid.
collow²: f.mg1 (-oobay, -owday; -oobi) La c.: cid colaad u qaadid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
collow
f.mg1 (-oobay, -owday; -oobi) La c.: cid colaad u qaadid. m.f.dh, colloobid.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
collow
-bay / day: (v) [with preposition la] make enemies; get across; end friendship
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
collow
(fal) la nacaybsho u qaad; colaad u hay.
collow-ga: (magac, lab, keli) colaad dad dhexdii ka bilaabanta. Dh: colloobid,
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Ficilo
(Ficila-da)
Ficil; hiil; danaano.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ficilo
m.dh la-mid: ficil¹
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
ficilo
-ficilada: (n) the act of supporting a particular person; faction; group or cause: taking sides ~ hiilo, eex
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ficilo
-da: (magac, dhedig, keli) eeg ficil.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fiillo
m.dh (-ooyin, m.l) Aqal weyn oo gooni u go'an oo deyd leh.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
fiillo
m.dh (-ooyin, m.l) Aqal weyn oo gooni u go'an oo deyd leh.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fiillo
-da: (magac, dhedig, keli) aqal si wanaagsan loo dhiso oo leh qolala badan iyo daarad ballaadhan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hiillo
(Hiilla-da)
Labo qof oo dagaallama haya oo mid lala safto, si uu kan kale uga adkaado.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hiillo
m.dh la-mid: hiil¹.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hiillo
f. n. taking sides, supporting, partisanship
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
hiillo
-hiillada: (n) partiality; partisanship to a person or faction; favoritism, ~ hiil. —u hiilii -yey / say: (v) side with; team up with someone or group; favor one side
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hiillo
-da: (magac, dhedig, keli) labo qof oo dagaalamaya oo mid lala soo safto, si uu kan kale uga adkaado. Dh: hiil, danaano.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
hiillo
de: taking sides, supporting, partisanship
lx: hiillo
pd: (/da)
ps: n6-f
key: hiillo
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
hiillo
مُوَالَاةٍ وَمُنَاصَرَة
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hillow
f.g1 (-oobay, -owday; -oobi) la-mid: hullow.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
iinlow
-ga: (magac, lab, keli) qof iin iyo ceebaal leh.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jillow
-da: (magac, dhedig, keli) qaybta adag ee maydhaxda. Jillow badan bay soo diiratay Aamina. Dh: mullaax.
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
LIILOW
(Lilow) S, May Celosia polystachia (Forsk) Townsend Amaranthaceae.
May Psilotrichum gnaphalobryum (Hochst) Schinz. Amaranthaceae.
N Eclipta prostrata (L) L. Compositae.
May, S Neurocanthus sp. Acanthaceae.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
lixlow
m.l Rati lix haamood la saaro.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
lixlow
-ga: (magac, lab, keli) rati lix haamood la saaro.
Qaamuus-Yare Caafimaad: Ingiriis-Soomaali - Deeqa Cali [1999]
pillow
(n) a soft stuffed cloth cushion used to rest the head, esp. during sleep,
barkin
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
pillow
/pilow/ (n) barkin (barkimo).
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
pillow
n., barkimo, -adi; a wooden pillow, barki, -gi.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
bacillo
s.m. noole hal unugley ah oo aan la arki karin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bilbilo
bilbilo¹: m.l 1. Koor yar bir ka sameysan oo lo'da loo xiro; dawan. 2. Muuqaal qurux badan.
bilbilo²: f.mg3 (-ishay, -ilatay) Meel biyo ku rusheysasho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
bilbilo
f.mg3 (-ishay, -ilatay) Meel biyo ku rusheysasho. m.f.dh, bilbilasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bilbilo
(fal) iskaa biyo ugu biifbiifso; rushrusho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
billoow
v. begin, start, commence
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
billoow
-ga: (n) beginning; starting
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
billoow
de: begin, start, commence
lx: billoow
pd: (billaabay / billoowday)
ps: v1=tr
xe: She started crying as soon as he left.
xv: Waxay billoowday inay ooydo isla markii uu tegay.
key: billoow
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
caillot
caillot, n.m. - Xinjir (Kuus dhiig ah).
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
caillou
caillou, n.m. - Dhagax.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
calalow
f.mg1 (-oobay, -owday; -oobi) Calal noqosho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
calalow
(fal) maro hun ah noqo. Dh: calalaw. calalsad -ka: (magac, lab, keli) cunto ilkaha ku jilcin; calalin.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
càlcolo
s.m. xisaab.
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Caliyow
name-m exalted, high, lofty. Cf: Cali
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ciillan
f.mg4 (-naa, -nayd) 1. Wax ciil hayo ahaansho. 2. la-mid: cillan.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
ciillan
f.mg4 (-naa, -nayd) 1. Wax ciil hayo ahaansho. 2. la-mid: cillan. m.f.dh, ciillaanaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ciillan
der. [adjective] angry, annoyed, offended, resentful, irritated
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ciillan
(tilmaame) mid la ciilay; mid ciil qaba.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
ciillan
de: angry, annoyed, offended, resentful, irritated
lx: ciillan
pd: (ciillanaa)
ps: adj-der
key: ciillan
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ciishow
v. provoke resentment toward someone; be irritated with someone
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
ciishow
de: provoke resentment toward s.o.; be irritated with s.o.
lx: ciishow
pd: (ciishooday)
ps: v3a=intr
key: ciishow
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
circolo
s.m. - wareeg; naadi.
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Cirqilo
Sabotaggio
Sabotage
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
civilly
/sivili/ (adv) ilbaxnimo leh (edeb ku jirto).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhillow
f.mg1 (-oobay, -owday; -oobi) Dhillo noqosho (naag).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhillow
-ga: (magac, lab, keli) eeg dhillay.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dildilo
-da: (magac, dhedig, keli) summad ama calaamad loo yeelo geela si loo garto ciddii leh.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ficiloo
f.mg3 (-ooday, -ootay) U f.: ficilo samayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ficiloo
(fal) ficil daraaddii la cadhoo; arrin ka gilgilo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gibillo
m.dh Daruuro badan oo biyeysan