ciilkaambi
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ciilkaambi
(fal) «is ciil dartiis, is haaraan oo is hiif; cill is bad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ciilkambi
ciilkambi¹: m.l la-mid: ciilkambiyid.
ciilkambi²: f.g1/2 (-iyay, -iday/-isay; -iyi) 1. Is c.: ciil ama xanaaq muujin. 2. Is c.: murugood. 3. Iska c.: ka shallayn, ka xumaasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ciilkambi
-ga: (magac, lab, keli) (is ~) ciil dartii, dareen murugo muujin; dib isu haaraamid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Ciilkaanbi
(Ciilkaanbi-ga) (is-ciilkaanbi)
Ciil darti, dib isu canaanasho, isu haaraamid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ciilkaanbi
m. n. repentance, regret
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
ciilkaanbi
de: repentance, regret
lx: ciilkaanbi
pd: (-ga)
ps: n2-m
key: ciilkaanbi
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ciilkambin
m.dh la-mid: ciilkambiyid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ciilkambin
-ta: (magac, dhedig, keli) «is ~» ciil dartii, is haaraamid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ah
ah! eray la yidhaahdo marka la is ciilkaambiyo, gocasho aawadeed. Ah! Way i seegtay saaka in aan Hodan arko. Dh: aheey ah! way!
ah: (tilmaame) sidaas ku sugan, sidaas noqday. Khadra waa gabadh gaari ah.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hiqlayn
-ta: (magac, dhedig, keli) cod googo'an oo ka dhasha oohin la isku celiyo iyo ciilkaambi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
milmid
-da: (magac, dhedig, keli) biyo ama darre isku beddelid; ku dhex baabi'id uu shey adke ahi ku dhex baaba'o shey kale dhexdii.
milmid -da: (magac, dhedig, keli) dhagan aan kaagii ahayn ku dhex baaba'id oo dhaqankaagiika carraabid. Dh: dhaqangadid.
milmid -da: (magac, dhedig, keli) cadho iyo ciil dulmi ka kacay la cuqdadoobid; dulmi iyo julul badan dareemid. Dh: ciilkaambid; ciilcunid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
milnaansho
-ha: (magac, lab, keli) ku dhex baabi'id uu shey adke ahi ku dhex baaba'o shey kale dhexdii; biyo ama dareere isku beddelid.
milnaansho -ha: (magac,lab, keli) dhaqan aan kaagii ahayn ku dhex baaba'id oo dhaqankaagii ka carraabid. Dh: dhaqangadid.
milnaansho -ha: (magac, lab, keli) cadho iyo ciil dulmi ka kacay cuqdad ka qaadid; dulmi iyo julul badan dareensanaansho. Dh: ciilkaambid, clilcunid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mucurti
-da: (magac, dhedig, keli) baahi xoog ah oo wax loo qabo oo uu qofku galo xaalad isciilkaambi ah. Dh: ciilkaambi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mucuurto

ooyid
-da: (magac, dhedig, keli) ilmayn iyo qaylin ciilkaambi ah oo ay keento xanuun, dilmo, murugo iyo wixii la mid ah. Nin dhintay ooyid kuma soo noqdo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ooyis
-ta: (magac, dhedig, keli) ilmayn iyo qaylin ciilkaambi ah oo ay keento xanuun, dilmo, murugo iyo wixii la mid ah. Dh: ooyid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qamuunyood
(fal) eeg qammuunyoo.
qamuunyood -ka: (magac, lab, keli) ciil faruurta la cunid; is ciil badid. Qaddar Alle rumee oo qamuunyoodka daa. Dh: ciilkaambi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qoomammo
-da: (magac, dhedig, keli) murugo iyo is ciilbadid ku saabsan gef horay loo galay oo xasuustiisu tiiraanyo uurka ku reebto. Dh: uurkutaallo, tiiraanyo, ciilkaambi..
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
way
(ereydhawaaq) la isku yidhaahdo kolalka laysu dhaaranayo ama lays ciilkaambiyayo.
way: (naxwe) 'waa+ay' = way. 'Way timi' oo la mid ah 'waa ay timi'.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
isciilkaabi
isciilkaabi¹: m.l Is-hiifidda ama ka shallaynta khalad la sameeyey.
isciilkaabi²: f.mg2 (-iyay, -isay) 1. Khalad la sameeyey dartii is-hiifid. 2. Caro darteed faruuryo-qaniinid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ciilkambiyid
m.f.dh eeg ciilkambi². la-mid: ciilkambi¹, ciilkambin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ciilkambiyid
-da: (magac, dhedig, keli) (is ~) ciil dartiis, is canaanasho ama is haraamid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
isciilkaabin
m.f.dh eeg isciilkaabi². la-mid: isciilkaabiyid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
biikaab
m. n. pickup truck (with open back)
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
biikaab
-ka: (n) pickup truck [with an open body]
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
biikaab
-ka: (magac, lab, keli) baabuur yar oo shidh dedan iyo guro bannaan leh. Dh: xaajiyad.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
biikaab
cf: xaajiyad {Eng}
de: pickup truck (with open back)
lx: biikaab
pd: (-ka)
ps: n2a-m
key: biikaab
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ciidami
f.mg2 (-iyay, -isay) U c.: qof, cid hawl u qabasho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
ciidami
f.mg2 (-iyay, -isay) U c.: qof, cid hawl u qabasho. m.f.dh, ciidamin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ciidami
v. rescue; help, serve
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
ciidami
-yey / say: (v)[with preposition u] help someone; serve (seerv)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ciidami
(fal) hanaqaad oo xoog yeelo; taagso oo toor laxaadsada noqo.
ciidami: (fal) «u ~» u adeeg; u shaqee.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
ciidami
de: rescue; help, serve
lx: ciidami
pd: (ciidamiyey)
ps: v2a=
key: ciidami
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Ciilqab
(Ciilqab-ka)
Ciilqabid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ciilqab
ciilqab¹: m.l 1. Uurxumo. 2. la-mid: ciilqabid.
ciilqab²: f.mg1 (-bay, -btay) U c.: uurxumo dareemid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
ciilqab
f.mg1 (-bay, -btay) U c.: uurxumo dareemid. m.f.dh, ciilqabid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ciilqab
v., [compound] feel anxious, be angry at someone, have bitter feelings
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
ciilqab
-a / ta: (adj) angry (anggeri); xanaaqsan. —Syn: furious, indignant, irate, ireful, mad, wrathful
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ciilqab
-ka: (magac, lab, keli) cid kale ciil u qabid; cadho iyo ciil u hayn.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
ciilqab
de: feel anxious, be angry at s.o., have bitter feelings
lx: ciilqab
pd: (ciilqabay)
ps: v1=cmp
key: ciilqab
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
culaabi
f.g2 (-iyay, -isay) Wax culaysin. la-mid: culaabee.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
culaabi
v. make heavy; weigh, estimate the heaviness of
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
culaabi
see [eeg] culaabee
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
culaabi
(fal) culays saar; culaysii.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
culaabi
de: make heavy; weigh, estimate the heaviness of
lx: culaabi
pd: (culaabiyey)
ps: v2a=tr
key: culaabi
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ilhaami
f.mg2 (-iyay, -isay) Ku i.: cid ilhaan siin (Eebbe).
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
ilhaami
f.mg2 (-iyay, -isay) Ku i.: cid ilhaan siin (Eebbe). m.f.dh, ilhaamin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
islaami
f.g2 (-iyay, -isay) Qof islaan ka dhigid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
islaami
f.g2 (-iyay, -isay) Qof Islaam ka dhigid. m.f.dh, islaamin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
islaami
v. make (someone) a Muslim, convert to Islam
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
islaami
-yey / say/ yeen / nay: (v) make someone accept Islamic faith
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
islaami
(fal) qof muslin ah ka dhig.
islaami -ga: (magac, lab, keli) qofka aaminsan in Diinta Islaamka wax lagu xukumo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
islaami
de: make (s.o.) a Muslim, convert to Islam
lx: islaami
pd: (islaamiyey)
ps: v2a=tr
key: islaami
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
liilami
f.g2 (-iyay, -isay) Ku l.: wax meel ku safid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
liilami
f.g2 (-iyay, -isay) Ku l.: wax meel ku safid. m.f.dh, liilamin.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
cilmaani
-ga: (n) secular (seki-laar) person
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
iskaambe
m.l 1. (cilmiga naflayda) Xayawaan badeed midabkiisa caddaan iyo casaan isugu jira yahay oo dusha qolof ku leh jirkiisuna xubno-xubno u qeybsanyahay. 2. (cilmiga naflayda) Nafley badda ku jirta oo jaadad badan ah oo hilibkooda aad loo jeecelyahay; kaambe.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
iskaambe
m.l 1. (cilmiga naflayda) Xayawaan badeed midabkiisa caddaan iyo casaan isugu jira yahay oo dusha qolof ku leh jirkiisuna xubno-xubno u qeybsanyahay. 2. (cilmiga naflayda) Nafley badda ku jirta oo jaadad badan ah oo hilibkooda aad loo jeecelyahay; kaambe.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
iskaambe
-ga: (magac, lab, keli) nafley qolofleyda badda ku jirta ka mid ah oo kala duduwan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jiilaali
(fal) caansiiri oo kala raag ama ula kac u cadiigso oo waxbixin ama waxqabad kala daah. Gocor baa wax jiilaaliyiyo muudalkii go'an e, gabbalkoo aan dhicin xeedhyihii caasha maw geliyey. Dh: gasaci, caansiiri, silci. Li: dhaqso, horraysii, dedaal, dedeji, qaddin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
liillami
(fal) doc u dheellisii; liici.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
miidaabi
(fal) si hubsasho la'aan ah meel halis ah u dir. Ninka kaynta ku miidaabi. Dh: miidaami, tijaabi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
miidaami
f.g2 (-iyay, -isay) 1. Wax meel durugsan oo ka soo noqodkeedu dhib yahay u eryid. 2. Nabar ama riddo si qiyaas la'aan ah meel ugu gemid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
miidaami
f.g2 (-iyay, -isay) 1. Wax meel durugsan oo ka soo noqodkeedu dhib yahay u eryid. 2. Nabar ama riddo si qiyaas la'aan ah meel ugu gemid. m.f.dh, miidaamin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
miidaami
v. chase ~ drive away, banish, get rid of
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
miidaami
(fal) dhakhso isu weydaari; iska tuur. Intaanay dhalin miidami neefka. Dh: isdhaafi. Li: hayso,
miidaami: (fal) si naftii hurenimo ah ugu tuur. Ceelku wuu dheeryahaye isku miidaami. Dh: biimee.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
miidaami
de: chase ~ drive away, banish, get rid of
lx: miidaami
nt: miidaamin (ta) [vn-f], miidaamis (ka) [vn-m]
pd: (miidaamiyey)
ps: v2a=tr
key: miidaami
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
miilaadi
m.l Taariikh lagu tiriyo hab qorraxeedka ee ka soo bilaabatay dhalashadii Nebi Ciise. la-mid: miilaaddiyad.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
miilaadi
m.l Taariikh lagu tiriyo hab qorraxeedka ee ka soo bilaabatay dhalashadii Nebi Ciise. la-mid: miilaaddiyad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tillaabi
f.g2 (-iyay, -isay) la-mid: tallaabi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tillaabi
(fal) qof ama wax kale meel ka gudbi oo dhinac kale gey. Dh: tallaabi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Ciilqabid
(Ciilqabid-da)
Ciil cid u qabid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ciilqabid
m.f.dh eeg ciilqab². la-mid: ciilqab¹ (2).
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Ciilqabid
Risentimento
Resentfulness
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ciilqabid
-da: (magac, dhedig, keli) cid kale, ciil iyo caloolxumo u qabid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Ciiryaamo
(Ciiryaama-da)
Neecaw dhulka korkiisa ku qabowdey oo daruur fudud noqotay: kolkii qorraxdu soo baxdo oo diiriso, bay kacdaa; dhedo fudud; (ama ceeryaamo).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ciiryaamo
m.dh la-mid: ceeryaan¹.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ciiryaamo
f. n., [collective] cloud, fog
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
ciiryaamo
-ciiryaamada: (n) fog (foog) ~ ceeryaamo, ciiryaan, ciryaamo
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ciiryaamo
-da: (magac, dhedig, keli) eeg ceeryaamo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
ciiryaamo
cf: ciiro
de: cloud, fog
lx: ciiryaamo
pd: (/da)
ps: n6-f-col
key: ciiryaamo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Jiilaashi
(Jiilaashi-ga)
Dabaylaha diraacda ama jiilaalka; (ama jiilaashin).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jiilaashi
m.l.u la-mid: jiilaashin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
jiilaashi
m. n., [collective] hot summer wind (during the dry season)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jiilaashi
-ga: (magac, lab, keli) dabayl jiilaal, soo dhabasho.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
jiilaashi
de: hot summer wind (during the dry season)
lx: jiilaashi
pd: (-ga)
ps: n-m-col
key: jiilaashi
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qoolaambi
(fal) adoo soconaya marba dhinaceeg. Dh: firi, jeedaali
qoolaambi-ga: (magac, lab, keli) hareeraha eegid la socdo. Dh: daymadaymood.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ciddillaabid
m.f.dh eeg ciddillaab².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cilladhaami
f.g2 (-iyay, -isay) la-mid: qayladhaami.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhiillaabid
-da: (magac, dhedig, keli) qayladhaan iyo canaan wada socda oo dad lagu guubaabiyo ama foojignaan fara badan oo qofku la fuloobo. Dh: qaylodhaan.