ciildibbir
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ciildibbir
ciildibbir¹: m.l Ciilbadan.
ciildibbir²: f.mg1 (-ray, -rtay) Ciil badan dareemid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ciildibbir
inch. v. be furious, feel extreme anger ~ resentment
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
ciildibbir
de: be furious, feel extreme anger ~ resentment
lx: ciildibbir
pd: (ciildibbiray)
ps: v1=inch
key: ciildibbir
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ciildibbirid
m.f.dh eeg ciildibbir².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ciilbuur
-ka: (magac, lab, keli) cid aanad ka aargoosan karin oo dhibaato joogto ah kugu haysa, cadho u qaadid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ciilliin
-ka: (magac, lab, keli) eeg ciilitaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ciilniin
-ka: (magac, lab, keli) eeg ciilliin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ciirciir
f.g1 (-ray, -rtay) 1. Sabbayn; daandaamid; dheeldheelid. 2. Gaasirid, isdhimid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
ciirciir
f.g1 (-ray, -rtay) 1. Sabbayn; daandaamid; dheeldheelid. 2. Gaasirid, isdhimid. m.f.dh, ciirciirid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ciirciir
v. be unstable, be unbalanced; be filled to the brim, overflow
ciirciir v. pitch, toss (of a ship); stagger, reel (of a person); vacillate (of prices); decrease, diminish
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ciirciir
(fal) miisaanku ha kaa lumo oo kolba dhinnac u dheelli.
ciirciir -ka: (magac, lab, keli) dheeldheelliyid oo dhicid kolba ku dhawaad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Ciribtir
(Ciribtir-ka)
La wada tirtiro oo aan wax ka harin; dabargoyn; baabbi'in.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ciribtir
ciribtir¹: m.l Baabi'inta jiritaanka nafley ama wax kale. la-mid: ciribtirid.
ciribtir²: f.g1 (-ray, -rtay) Wax jiritaankiisa baaba'ay ahaansho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
ciribtir
ciribtir¹: m.l Baabi'inta jiritaanka nafley ama wax kale.
ciribtir²: f.g1 (-ray, -rtay) Wax jiritaankiisa baaba'ay ahaansho. m.f.dh, ciribtirid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ciribtir
v., [compound] eradicate, eliminate, exterminate
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
ciribtir
-ka: (n) abolition (abalishin) baabi'in-ta. —Syn: extermination, eradication
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Ciribtir
Estinguere
To extinct
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ciribtir
(fal) dabarjar oo waxba ha ka reebin.
ciribtir -ka: (magac, dhedig, keli) dabargoynta iyo baabi'inta wax hore u jiray. Dh: dabargoyn.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
ciribtir
de: eradicate, eliminate, exterminate
lx: ciribtir
nt: ciribtir (-ka) [vn2-m]
pd: (ciribtiray)
ps: v1=cmp
key: ciribtir
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Diirdiir
(Diirdiir-ta)
1. Jaad ugaarta kamid ah oo diillimo leh.
2. Balanbaallis, nirgadhoob, iyo cayayaan kaloo badan oo duula oo aan weli dillaacin; waxay u eg tahay dixiri, badanaa dhogor leh iyo oogo dhawr iyo toban xubnood leh; Sida cayayaanka kale, lix lugood oo run ah oo laboba iska soo horjeeddo, bay lee dahay; (ama diir).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
diirdiir
diirdiir¹: m.l (-rro, m.dh) Jaad ugaarta ka mid ah oo diillimo leh; goodir.
diirdiir²: m.dh Cayayaan yar oo jilicsan, leh duf badan, wuxuu ku dulnoolyahay dhirta, aakhirutaankana wuxuu noqdaa balanbaalis, nirgadhoob iyo wixi lamida. la-mid: diir².
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
diirdiir
diirdiir¹: m.l (-rro, m.dh) Jaad ugaarta ka mid ah oo diillimo leh; goodir.
diirdiir²: m.dh Cayayaan yar oo jilicsan, leh duf badan, wuxuu ku dulnoolyahay dhirta, aakhirutaankana wuxuu noqdaa balanbaalis, nirgadhoob iyo wixi lamida. la-mid: diir.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
diirdiir
f. n. antelope species
diirdiir [feminine] n. caterpillar, grub, worm
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
diirdiir
-ta: (n) caterpillar (kata-pilar) ~ dirindiir
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
diirdiir
(fal) wax badan diirka ka qaadqaad.
diirdiir-ta: (magac, dhedig, keli) dirxi tigaadda iyo sarciga ku dhasha oo aad u waxyeelleeya. Sannadka ay diirdiiri dhalato dhulku wuu abaaroobaa Dh: diir, dirindir.
diirdiir -ta: (magac, dhedig, keli) nooc ugaadha ka mid ah oo diillimo dhaadheer leh. Diirdiirtu waxay la bah tahay bayracda iyo deeradeerada.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
diirdiir
de: silk worm
lx: diirdiir
pd: (-da)
ps: np-f
key: diirdiir
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jilibxir
jilibxir¹: m.l 1. Hab geela xarig bowdada iyo cududda la isaga xiro si uusan u baxsan ama meel fog u aadin. 2. Duco loo akhriyo xoolo ama carruur dhuntay, si aysan meel fog u aadin. 3. Hanti la siiyo cid hawl loo dirsaday. 4. Xoolo in caano laga maalo awgood guriga loogu ilaaliyo. 5. la-mid: jilibixirid.
jilibxir²: f.g1 (-ray, -rtay) 1 . Xoolo ama carruur dhuntay si aysan u fogaan duco u akhrin. 2 . Geel si uusan u baxsan dhudhunka iyo cududda isaga xirid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
jilibxir
v. tie the front leg (of a camel) while bending its knee
jilibxir m. n. animal separated from the flock and kept near the house
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cawsdibir
-ka: (magac, lab, keli) jaad doogga ka mid ah oo laga sameeyo agabka aqal Soomaaliga lagu dhiso.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cidhibtir
(fal) dabargoo; baabi'i; dabarjar.
cidhibtir -ka: (magac, lab, keli) wax hore u jiray, baabi'in; wax jiray, dabargoyn. Cidhibtirka cudurka dabaysha, ayay hay'addayadu ka haqaysaa. Dh: dabargoyn, baabi'in.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ciilbixid
m.f.dh eeg ciilbax.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ciilkambi
ciilkambi¹: m.l la-mid: ciilkambiyid.
ciilkambi²: f.g1/2 (-iyay, -iday/-isay; -iyi) 1. Is c.: ciil ama xanaaq muujin. 2. Is c.: murugood. 3. Iska c.: ka shallayn, ka xumaasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ciilkambi
-ga: (magac, lab, keli) (is ~) ciil dartii, dareen murugo muujin; dib isu haaraamid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Ciilqabid
(Ciilqabid-da)
Ciil cid u qabid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ciilqabid
m.f.dh eeg ciilqab². la-mid: ciilqab¹ (2).
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Ciilqabid
Risentimento
Resentfulness
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ciilqabid
-da: (magac, dhedig, keli) cid kale, ciil iyo caloolxumo u qabid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ciilciilid
-da: (magac, dhedig, keli) ciilid oo haddana ciilid; kadeed iyo dhibaato soo noqnoqota ku hayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ciilkambin
m.dh la-mid: ciilkambiyid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ciilkambin
-ta: (magac, dhedig, keli) «is ~» ciil dartii, is haaraamid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dibirdibir
-ta: (magac, dhedig, keli) milayga hiimamawga ah ee labada gellin aan la kala garan qofka iyo geedka.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
is dibbiri
v. put on airs, behave with arrogance
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
is_dibbiri
de: put on airs, behave with arrogance
lx: is dibbiri
pd: (dibbiriyey)
ps: v2a=expr
key: is_dibbiri
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
miillimitir
-ka: (n) millimeter (mil'imitir); equals (103) one thousandth of a meter