cidhibxumaan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cidhibxumaan
-ta: (magac, dhedig, keli) xumaanta mustaqbalka. Dh: caaqiboxumaan, cidhibxumo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ciribxumaan
-ta: (magac, dhedig, keli) caaqibo xumaan. Dh: cidhibxumaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cawaaqibxumaansho
-ha: (magac, lab, keli) cidhibxumaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cidhibxumi
-da: (magac, dhedig, keli) aayaxumi; caaqiibaddarri.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cidhibxumo
-da: (magac, dhedig, keli) aayadarri ama aayatiin la'aan; cidhibta dambe oo xumaata. Dh: aayatiindarro, tagxumi, caaqiibaddarro.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
habxumaan
m.f.dh eeg habxun. la-mid: habxumaansho, habxumi, habxumo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
habxumaan
-ta: (magac, dhedig, keli) mi qaab iyo hannaan wanaagsan aan lahayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhegxumaan
m.f.dh eeg dhegxun. la-mid: dhegxumaansho, dhegxumi, dhegxumo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhegxumaan
-ta: (magac, dhedig, keli) magacxumo dadka ku dhex faafta. Dh: magacxumaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caqlixumaan
-ta: (magac, dhedig, keli) garashaxumaan; maangaabnaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ciidanxumaan
m.f.dh eeg ciidanxun. la-mid: ciidanxumaansho, ciidanxumi, ciidanxumo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ciidanxumaan
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg ciidandarro.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cawaaqibxumaan
m.f.dh eeg cawaaqibxun. la-mid: cawaaqibxumaansho, cawaaqibxumi, cawaaqibxumo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cawaaqibxumaan
-ta: (magac, dhedig, keli) cidhibxumaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bidhitaan
-ka: (magac, lab, keli) iftiimid ama nuurid. Dh: biritaan.
bidhitaan-ka: (magac, lab, keli) sare u dallicitaan. Bidhitaan buu ku saaray haanta awrka.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ciribxumi
m.l Aayo xumi. la-mid: ciribxumo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
ciribxumi
m.l Aayo xumi. la-mid: ciribxumo. ciribxumo m.dh la-mid: ciribxumi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ciribxumi
-da: (magac, dhedig, keli) khaatumada oo cid ka xumaata. Dh: cidhibxumi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ciribxumo
m.dh la-mid: ciribxumi.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ciribxumo
f. n. evil fate, bad end, negative outcome~ result
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
ciribxumo
-ciribxumada: (n) lack of prosperity, happiness, or result; ill-being (iil-bii-ying) ~ cawaaqibxumo
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ciribxumo
-da: (magac, dhedig, keli) eeg cidhibxumo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
ciribxumo
de: evil fate, bad end, negative outcome~ result
lx: ciribxumo
pd: (/da)
ps: n6-f
key: ciribxumo
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cudhitaan
-ka: (magac, lab, keli) eeg cudhid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhukumaan
-ta: (magac, dhedig, keli) wax dhukuran oo timihii madaxa oo dhan laga wada xiiray ahaan. Dh: moolaysnaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fidhitaan
-ka: (magac, lab, keli) eeg fidhid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jirxumaan
m.f.dh eeg jirxun. la-mid: jirxumaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jirxumaan
-ta: (magac, dhedig, keli) wejixumaan iyo cadho muujin.
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Madhibaan
nickname-m harmless, very decent one
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Madhibaan
ama Madhibe: magac loo bixiyo wiil uurka intii lagu siday iyo dhalmada midna aan hooyadii dhib arag.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xidhitaan
-ka: (magac, lab, keli) xabsi ku riditaan. Dh: xiritaan.
xidhitaan-ka: (magac, lab, keli) xadhig meel ku dhuujinitaan. Dh: xiritaan.
xidhitaan-ka: (magac, lab, keli) albaab furan qufulitaan. Dh: qufulitaan, xiritaan.
xidhitaan-ka: (magac, lab, keli) shuruud ama masalo keeniddeed iska doonitaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
caddibnaan
m.f.dh eeg caddiban². la-mid: caddibnaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caddibnaan
-ta: (magac, dhedig, keli) qof ama cid caddiban ahaan; cid kadeedan ahaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cidhbataag
-ga: (magac, lab, keli) eeg cidhbadhiibsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhibbanaan
(Dhibbanaan-ta)
Dhib qabid; kadeednaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhibbanaan
m.f.dh eeg dhibban. la-mid: dhibbanaansho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhibbanaan
f. n., [abstract] state of being wounded ~ in difficulty
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhibbanaan
-ta: (magac, dhedig, keli) kadeed iyo rafaad qabid.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhibbanaan
de: state of being wounded ~ in difficulty
lx: dhibbanaan
pd: (-ta)
ps: n2-f-abs
key: dhibbanaan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
niyaxumaan
m.f.dh eeg niyaxun. la-mid: niyadxumaan, niyadxumaansho, niyadxumi, niyadxumo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
niyaxumaan
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg niyadxumaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qaabxumaan
m.f.dh eeg qaabxun. la-mid: qaabxumaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qaabxumaan
-ta: (magac, dhedig, keli) hannaan foolxun lahaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xildhibaan
(Xildhibaan-ka)
Qof wixii xil leh iska ilaaliya; xilkas.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xildhibaan
m.l (-nno, m.dh) 1. Xubin gole shacbi ka tirsan. 2. Qof xil qaadi kara.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
xildhibaan
m.l (-nno, m.dh) 1. Xubin gole shacbi ka tirsan. 2. Qof xil qaadi kara.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
xildhibaan
m. n., [compound] responsible person; higher official, functionary
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
xildhibaan
-ka: (n) 1. responsible person. 2. MP (Member of Parliament)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xildhibaan
-ka: (magac, lab, keli) qof wixii xil ah iska ilaaliya. Dh: xilkas.
xildhibaan-ka: (magac, lab, keli) nin xubin ka ah gole baarlamaan ama gole guurti. Sahal wuxu u sharraxan yahay xildhibaan. Dh: mudane, dibitee.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
xildhibaan
de: responsible person; [ext.] higher official, functionary
initial: x
lx: xildhibaan
pd: (-ka)
ps: n2-m-cmp
key: xildhibaan
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
Xildhibaan
مَسْئُول
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
anshaxumaan
-ta: (magac, dhedig, keli) dhaqanxumaan iyo sarriigasho la'aan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caddibitaan
-ka: (magac, lab, keli) eeg caddibaad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
camalxumaan
m.f.dh eeg camalxun. la-mid: camalxumaansho, camalxumi, camalxumo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
camalxumaan
-ta: (magac, dhedig, keli) dabeecadxumaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ciribla'aan
m.dh Ciribdambeed xumo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ciribla'aan
-ta: (magac, dhedig, keli) aayola'aan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
niyadxumaan
m.dh la-mid: niyaxumaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
niyadxumaan
-ta: (magac, dhedig, keli) uurxumaan iyo rajala'aan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qalbixumaan
m.f.dh eeg qalbixun. la-mid: qalbixumaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
asluubxumaan
-ta: (magac, dhedig, keli) dhaqan xumaan; anshaxumaan; edebdarraan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
caloolxumaan
m.f.dh eeg caloolxun. la-mid: caloolxumaansho, caloolxumi, caloolxumo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caloolxumaan
-ta: (magac, dhedig, keli) xumaan ama ciilqab fara badan. Dh: ciilqab.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ciddikudhufaan
m.l la-mid: edegkudhufaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
anshax-xumaan
m.f.dh eeg anshax-xun. la-mid: anshax-xumaansho, anshaax-xumi, anshax-xumo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cidhibdambeed
-da: (magac, dhedig, keli) waxa arrini ku dhamaato. Dh: aayatiin, ciribdambeed.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhibiibtimaan
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg dhibiibitirnaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xidhiidhitaan
-ka: (magac, lab, keli) xidhiidhidda lafteeda. Dh: xiriiritaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ciidanxumaansho
m.l/dh la-mid: ciidanxumaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhiidhiibsanaan
m.f.dh eeg dhiibdhiibsan. la-mid: dhiidhiibsanaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhiidhiibsanaan
-ta: (magac, dhedig, keli) mid dhidhiib u fadhiya ahaan.