cidhbataagsad
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cidhbataagsad
-ka: (magac, lab, keli) eeg cidhbataagsad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cidhbataagsi
-ga: (magac, lab, keli) inta cidhbaha dhulka kor looga qaado, faraha lugaha isku taagid. Dh: cidhbataagsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cidhbataagso
(fal) eeg cidhbadhiibso.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cirbataagsad
m.l la-mid: cirbataagsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cirbataagsad
-ka: (magac, lab, keli) inta cidhbaha la taago, faraha ku joogsad. Dh: cirbadhiibsad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cidhbataagsasho
-da: (magac, dhedig, keli) qaab loo fadhiisto oo cidhbaha dhulka kor looga qaado, faraha lugahana la isku taago. Dh: cidhbadhiibsi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cirbadhiibsad
-ka: (magac, lab, keli) cidhbataagsad; cidhibsi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tiigsad
-ka: (magac, lab, keli) marka qofku meel aanu fadhi ku gaadhi karin isu taago ama u cidhbataagsado. Ii tiigso halkasare adaa dheere.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cidhbataag
-ga: (magac, lab, keli) eeg cidhbadhiibsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cirbataagid
m.f.dh eeg cirbataag². la-mid: cirbataag¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cirbataagid
-da: (magac, dhedig, keli) inta cidhbaha la taago, faraha ku joogsad. Dh: cirbataagsad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cirbataagsi
m.l la-mid: cirbataagsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cirbataagsi
-ga: (magac, lab, keli) eeg cirbadhiibsi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cirbataagso
f.mg3 (-saday, -satay) Iyadoo meel sare la tiigsanaayo faraha fooddooda ku istaagid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
cirbataagso
f.mg3 (-saday, -satay) Iyadoo meel sare la tiigsanaayo faraha fooddooda ku istaagid. m.f.dh, cirbataagsasho.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
cirbataagso
-day / tay: (v) reach or stand with the toes; tiptoe (tip-toow)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cirbataagso
-da: (magac, dhedig, keli) cirbaha ku istaag: cirbadhiibso.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cidhbadhiibsad
-ka: (magac, lab, keli) eeg cidhbadhiibasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cirbataagsasho
m.f.dh eeg cirbataagso. la-mid: cirbataagsad, cirbataagsi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cirbataagsasho
-da: (magac, dhedig, keli) inta cidhbaha la taago, faraha ku joogsad. Dh: cirbadhiibsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bidhaansad
m.l la-mid: bidhaansasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bidhaansad
-ka: (magac, lab, keli) sheed ka aragga wax kuu muuqda. Bidhaansadka geeluu eeganayaa awrka seetaysani. Dh: bildhaansad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dharaarsad
m.l la-mid: dharaarsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cibaadaysad
-ka: (magac, lab, keli) Alle caabudid oo u hoggaansamid. Dh: cibaadaysi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhabataysad
(Dhabataysad-ka)
Dhabataysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhabataysad
m.l la-mid: dhabataysasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
indhabarraqsad
-ka: (magac, lab, keli) noole dhowaan dhashay, indhaha kala furid. Dh: indhadillaacsad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhadhansad
(Dhadhansad-ka)
Dhadhansasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhadhansad
m.l la-mid: dhadhansasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhadhansad
-ka: (magac, lab, keli) carrabka ku dareemid oo sida uu yahay u fiirsasho.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dhalaalsan
-aa: (adj) 1. shiny (shaayni); 2. melted (mel-tidh)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhalaalsan
(tilmaame) wax la dhalaaliyay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhaqaaqsan
f.mg4 (-naa, -nayd) 1. Wax dhaqaaq diyaar u ah ahaansho. 2. Wax meel ka durugsan ahaansho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dhaqaaqsan
f.mg4 (-naa, -nayd) 1. Wax dhaqaaq diyaar u ah ahaansho. 2. Wax meel ka durugsan ahaansho. m.f.dh, dhaqaaqsanaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhaqaaqsan
der. [adjective] moved away, out of reach
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dhaqaaqsan
-aa: (adj) far but not distant ~ durugsan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhaqaaqsan
(tilmaame) mid aan joogine, socda.
dhaqaaqsan: (tilmaame) waalan oo turuf ah. Dh: waalan.
dhaqaaqsan: (tilmaame) mid shubmaya oo calooshu socoto ah. Wiilka calooshaa dhaqaaqsan.
dhaqaaqsan: (tilmaame) cillad qaba oo halkii uu ku qotomay ka leexsan: Dishku wuu dhaqaaqsanyahay.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhaqaaqsan
de: moved away, out of reach
lx: dhaqaaqsan
pd: (dhaqaaqsanaa)
ps: adj-der
key: dhaqaaqsan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhaygagsan
(tilmaame) yaabban oo fajac iyo anfariir qaadsan. Dh: fajacsan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhegtaagid
m.f.dh eeg dhegtaag.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhegtaagid
-da: (magac, dhedig, keli) shikiyid oo wixii la yidhaaba dhegaha la raacid. Dh: dhegtaagis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hadhbacaad
-ka: (magac, lab, keli) waa geedka aan hadhka weyn lahayn ee cadceeddu ka soo dusto. Li: damal.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hummaagsad
(Hummaagsad-ka)
Hummaagsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hummaagsad
m.l la-mid: hummaagsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
isbahaysad
m.l la-mid: isbahaysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
isdhaafsad
m.l la-mid: isdaafsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
khabaarsad
m.l la-mid: khabaarsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
khabaarsad
-ka: (magac, lab, keli) warar iyo xog ka raadin. Dh: waraysad, akhbaarsad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
makhbaasad
-da: (magac, dhedig, keli) meel lagu iibiyo kalluun duban iyo cunto yamani kala jaadjaaad ah. Makhbaasad ayaan u cashategney. Dh: mukhbaasad.
makhbaasad -da: (magac, dhedig, keli) cunto laga sameeyo kibis la googooyey iyo malab iyo muus iyo subag la isku futeeyey. Xalay makhbaasad baan ku casheeyey. Dh: fetamuus, mukhbaasad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
midhatahan
-ka: (magac, lab, keli) qof midhaha keliya ku nool. Midhatahan garaw ma tawana. Dh: miratahan, mudhatahan.
midhatahan-ka: (magac, lab, keli) abwaan tix maansa ah samayn kara. Dh: halabuur.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cibaadeysad
m.l la-mid: cibaadeysasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cilladaysad
-ka: (magac, lab, keli) dhaliil iyo cillad qarsoon yeelasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cindhaarsan
(tilmaame) hal la sasabay si ay ogolaansho u keento.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dabaylaysad
-ka: (magac, lab, keli) xagga dabaysha u kicid. Dabaylaysadka ka ilaaliya maqashab.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
indhasaabad
m.l la-mid: indhasaabasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jilbajabsad
m.l la-mid: jilbajabsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
taagtaagsad
-ka: (magac, lab, keli) «ku ~» cid kale oo taag yar, muquunin oo dulmin. Dh: taagtaagsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jilbajoogsad
m.l la-mid: jilbajoogsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jilbajoogsad
-ka: (magac, lab, keli) xagasha laabasho oo ruugag isku taagid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mitmitaarsad
-ka: (magac, lab, keli) yaryarysad; tashiilad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
odhafataysad
-ka: (magac, lab, keli) halhalaysi oo wax dad leeyahy kolba in yar si qarsoodi ah u qaadasho. Timirtii odhafataysi ayuu ku dhameeyey. Dh: fadhataysi.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
si wanaagsan
[adverbial] [expression] well, nicely
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
si_wanaagsan
de: well, nicely
initial: s
lx: si wanaagsan
ps: adv-expr
key: si_wanaagsan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
wadhwaadhsad
-ka: (magac, lab, keli) eeg waadhwaadhsi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cilladhaansad
m.l la-mid: qayladhaansasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cimaamadaysad
m.l la-mid: cimaamadaysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhambacaadsad
m.l la-mid: dhabbacasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhambacaadsad
-ka: (magac, lab, keli) bogga dhulka ku qabasho. Dh: dhabbacad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
indhacasaysad
m.l la-mid: indhagaduudsasho.