ciddiyow
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ciddiyow
-ga: (magac, lab, keli) xanuun ciddiyaha saara oo ay isku bah yihiin cudurka juudaanka.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ciddigod
m.l Geed leh laamo dhuudhuuban, caleen yar iyo qodxo qaroofan. la-mid: cinjigod.
Magacyada Dhirta Ceel-Dheere iyo Buula-Burte (Soomaali-Laatiin) - D. Herloker, B. Kujar [1985]
CIDDIGOD
Acacia zizyphispina 01
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
CIDDIGOD
(Iddi-god) C Acacia zizyphispinosa Chiov. Mimosaceae.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ciddoodow
f.mg1 (-doobay, -dowday) Ciddood noqosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Ciddi
(Ciddi-da)
Cad xalleefsan oo gees la moodo oo farta caaraddeeda, docda kore, ka baxa; wax la mid ah oo ka baxa nafley badan cagahood: libaax, dummad, eey, shinbir.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ciddi
m.dh (-iyo ml.) 1. Cad gees la mood oo xalleefsan oo ka baxda faraha fooddooda sare. 2. Qolof libaax badeedka laga jaro oo loo shito uunsi ahaan. la-mid: ciji, cijo, cinji.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ciddi
f. n. fingernail, toenail, claw
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
ciddi
-da: (n) [Pl. ciddiyo-ha] fingernail (finger-neyl)-, talon (taa-len); claw (kaloo) ~ ciji, cinji
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ciddi
magac guud oo loo yaqaan lo'da lagu baxsho dhagarka.
ciddi -da: (magac, dhedig, keli) cad xalleefsan oo carjaw adag ama gees la moodo oo faraha caaradooda ku yaalla.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
ciddi
a: cinji, ciji
de: fingernail, toenail, claw
lx: ciddi
pd: (-da)
ps: n1-f
key: ciddi
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
ciddi
ظُفْرِ
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Ciddo
(Cidda-da)
Muddo go'an oo haweenka laga dhinto iyo kuwa la furo, tirsadaan, oo intay ku jiraan ayan guursan karin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ciddo
m.dh Muddo go'an oo haweenayda laga dhinto ama la furo ay tirsato oo aan la guursan karin inta ay ku jirto. la-mid: cuddo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
ciddo
m.dh Muddo go'an oo haweenayda laga dhinto ama la furo ay tirsato oo aan la guursan karin inta ay ku jirto. la-mid: cuddo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ciddo
f. n. designated period of time that a divorced ~ widowed Muslim woman has to wait prior to remarriage
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
ciddo
-ciddada: (n) a waiting period in which a divorced woman must wait before she can re-marry, usually 3 months if not pregnant ~ ciddabax
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ciddo
-da: (magac, dhedig, keli) muddo go'an oo haweenka laga dhinto ama kuwa la dalaaqo tirsadaan oo inta ay ku jiraan aanu sharcigu u oggolayn guur iyo wixii la xidhiidha.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
ciddo
de: designated period of time that a divorced ~ widowed Muslim woman has to wait prior to remarriage
lx: ciddo
pd: (/da)
ps: n6-f
key: ciddo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Ciyow
1. Ciyoon, durba;
2. (Ciyow-ga) Shinbir ci dheer.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ciyow
ciyow¹: m.l (-wyo, m.dh) Shimbir gelinka hore ee habeenkii cida.
ciyow²: fk. Si dhaqso ah, si degdeg ah. la-mid: ciyoon.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
ciyow
fk. Si dhaqso ah, si degdeg ah. la-mid: ciyoon. cobol m.dh Geed abaareed, caleen ballaaran oo aan qodax lahayn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ciyow
adv., time: immediately, right away
ciyow m. n. bird species
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Ciyow
nickname; name-m bird sp.; immediately; right away. Lit: bird that serenades or some one who born immediately after the initial labor without complications. Cf: Shimbir
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
ciyow
see [eeg] ciyoonba
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Ciyow
naanays loo baxsho wiil indho waaweyn leh sida jaad shimbiraha ka mid ah oo magacaa leh.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ciyow
-ga: (magac, lab, keli) waqtiga ugu dhow. Dh: ciyoon, durba, ceeyoon.
ciyow-ga: (magac, lab, keli) eeg ciyaw.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
Iddio
s.m. - Ilaah, Eebbe.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
caddow
caddow¹: m.l la-mid: caddaad (1).
caddow²: f.mg3 (-daaday, -daatay) Wax cad noqosho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
caddow
f.mg3 (-daaday, -daatay) Wax cad noqosho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
Caddow
name: Addow
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
caddow
inch. v. become white; be clear, clarified, proven
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Caddow
name-m white; be clear, clarified, proven. Syn: Caddey
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Caddow
magac loo baxsho wiil midab caddaan ah u dhashay.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caddow
(fal) midab cad yeelo.
caddow: (fal) mid warkiisu cad yahay noqo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cidlow
f.mg1 (-oobay, -owday; -oobi) Meel, wax cidla' ah noqosho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cidlow
-ga: (magac, lab, keli) mid cidla' jooga noqod.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fiddow
m.l la-mid: fidde.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fiddow
-ga: (magac, lab, keli) xoolaha la qalo iyo Allebariga loo sameeyo qofka geeriyooday. Dh: fidde, axan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Riddow
(Riddow-ga)
Riddoobid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
riddow
riddow¹: m.l Ka bixidda laga baxo diinta Islaamka. la-mid: riddoobid.
riddow²: f.mg1 (-oobay, -owday; -oobi) Diinta Islaamka ka bixid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
riddow
f.mg1 (-oobay, -owday; -oobi) Diinta Islaamka ka bixid. m.f.dh, riddoobid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
riddow
m. n. apostasy
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
riddow
bw: Arabic
de: apostasy
lx: riddow
pd: (-ga)
ps: n2a-m
key: riddow
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
Cabdiyo
pr. n., [feminine] Abdia
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Cabdiyo
name-f servant
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
Cabdiyo
de: Abdia
lx: Cabdiyo
ps: name-f
key: Cabdiyo
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Caliyow
name-m exalted, high, lofty. Cf: Cali
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ciddiid
m.dh Duurjoogta (ugaarta) inta hilibkooda la cuno.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
ciddiid
m.dh Duurjoogta (ugaarta) inta hilibkooda la cuno.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ciddood
m.l.u la-mid: cirdood.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
ciddood
m.l.u eeg ugaar.
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Hindiyo
name-f Indian. Lit: light-skinned
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Hindiyo
magac loo baxsho gabadh casaan iyo qurux awgeed Hindiyad la moodo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jildiyo
f.g3 (-yaday, -yatay) la-mid: jildiso.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Sindiyo
(Sindiya-da)
(keli: sindi) dugaagado; jijimmo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sindiyo
-da: (magacwadareed) dugaagado; jijimo.
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Xaddiyo
name-f decoration; decorator. Syn: Xaddi, Xiddo
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Xiddigo
name-f star. Syn: Xidig
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Xiddigo
magac loo baxsho gabadh la rajaynayo inay qayrkeed ka dhex muugato qurux iyo qaayo ba.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baadiyow
f.mg1 (-oobay, -owday; -oobi) Baadi noqosho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
baadiyow
f.mg1 (-oobay, -owday; -oobi) Baadi noqosho. m.f.dh, baadiyoobid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baadiyow
(fal) 'xoolo' noqo haadi uo cid kale raac. Baraarkii labaa baadiyoobay Dh: lun, hallaw
baadiyow: (fal) baadiye noqo, reer miyi noco.
baadiyow: (fal) dawga hanuunka ka leexo; xaqa iyo caddaaladda ka leexo; dhaqanka iyo usluubta hallee. Dh: lun, hallaw. habaw
baadiyow -ga: (mogac, lab, keli) baadiye noqosho reer miyi iska dhigid ama ahaansho.
baadiyow -ga: (magac, lab, keli) xoolo la ilaalinayay on luna.
baadiyow -ga: (magac, lab, keli) iilashada qof ka baydha xaqa iyo caddaaladca: qof dhaqanka iyo asluubtu ka lumaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
caasiyow
f.mg1 (-oobay, -owday; -oobi) Ku c.: caasi noqosho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
caasiyow
f.mg1 (-oobay, -owday; -oobi) Ku c.: caasi noqosho. m.f.dh, caasiyoobid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caasiyow
-ga: (magac, lab, keli) qof amardiid ah noqo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hindisow
v. invent, think of a new idea; fantasize
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
hindisow
de: invent, think of a new idea; fantasize
lx: hindisow
pd: (hindisooday)
ps: v3a=intr
key: hindisow
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
raadiyow
m.l la-mid: raadiye.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
raadiyow
m. n. radio
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
raadiyow
-ga: (n) radio (reed-yoo) ~ raadye
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
raadiyow
-ga: (magac, lab, keli) eeg raadiye.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
raadiyow
de: radio Alt sp: raadiyo (/ha), raadyo (/ha) {N < Eng}
lx: raadiyow
pd: (-ga)
ps: n2a-m
key: raadiyow
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ciddiyabax
-a: (magac, lab, keli) ciddiyaha oo faraha ka baxa. Meeshu waa dhagax oo lo'da ciddiyabax baan uga cabsanayaa. Dh: cagaag.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ciddiyagur
-ta: (magac, dhedig, keli) bir ciddiyaha la iskaga googooyo. Dh: ciddiyajar, ciddiguro.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ciddiyajar
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg ciddiyagur.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
biriiryow
biriiryow¹: m.l la-mid: biriiryaabid.
biriiryow²: f.mg1 (-yaabay, -yowday; -yaabi) Baraarugid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
biriiryow
-ga: (magac, lab, keli) ficil iyo hiilin ay kuu galaan dad aad tolliimo wadaagtaan biriiryowga xigaal iyo hadaad bah iyo ciil waydo.
biriiryow: -ga: (magac, lab, keli) weji tubid cadho ama xumaan darteed wejiga loo ururiyo oo loo xumeeyo. Dh: wejitubid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
biyabiyow
(fal) wax aad u jilicsan noqo; biyo oo kale noqo.
biyabiyow -ga: (magac, lab, keli) wax aan rasiin ahayn oo jilicsan noqosho. Sharaabku biyabiyowga kuma macaana.
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
CIDDI-KAR
(Itikar) C, N Atriplex farinosa Forsk. Chenopodiaceae.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ciddidiif
m.dh Fulfullac yaryar oo uu yeesho hilibka ku wareegsan ciddiyaha. la-mid: caddidiif.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ciddidiif
f. n. hangnail, piece of dead skin at the side ~ base of the fingernail
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
ciddidiif
de: hangnail, piece of dead skin at the side ~ base of the fingernail
lx: ciddidiif
pd: (-ta)
ps: n2a-f
key: ciddidiif
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Ciddijiid
(Ciddijiid-ka)
Cagajiid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ciddijiid
ciddijiid¹: m.l la-mid: cagajiid¹.
ciddijiid²: f.mg1 (-day, -dday) la-mid: cagajiid².
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ciddijiid
v., [compound] walk slowly, drag one's feet
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ciddijiid
-ka: (magac, lab, keli) eeg cagajiid.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
ciddijiid
a: cagajiid
de: walk slowly, drag one's feet
lx: ciddijiid
pd: (ciddijiiday)
ps: v1=cmp
key: ciddijiid
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ciddisiib
m.l Nooc ka mid ah mariidka oo nafleyda uu sababo ay ciddiyuhu ka dhacaan timihiina ka bidaan (waa kan ugu halisan).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cidhibgo'
-a: (magac, lab, keli) baaba' iyo taranla'aan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cilcillow
m.l Waqtiga u dhexeeya markay qorraxdu dhacdo iyo inta aan aasku aad u madoobaan. la-mid: cilcillaw.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
cilcillow
m.l Waqtiga u dhexeeya markay qorraxdu dhacdo iyo inta aan aasku aad u madoobaan. la-mid: cilcillaw.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
diiddanow
v. refuse, reject, oppose
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
diiddanow
a: diiddanoow
de: refuse, reject, oppose
lx: diiddanow
pd: (diiddanaadey)
ps: v3a=
key: diiddanow
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Ciddikujoog
(Ciddikujoog-ta)
Farta, xubinta kore oo ciddidu ku taal.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ciddikujoog
m.dh Xubinta hore ee farta oo ay ciddidu ku taal.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ciddikujoog
f. n., [compound] finger tip
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ciddikujoog
-ga: (magac, lab, keli) farta, xubinteeda hore ee ciddidu ku taal ku joogid oo orod isku diyaarin.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
ciddikujoog
de: finger tip
lx: ciddikujoog
pd: (-ta)
ps: n2-f-cmp
key: ciddikujoog