cibid
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cibid
-da: (magac, dhedig, keli) meel daloosha, cub ku gufayn. Dh: awdid, cufid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Ciid
(Ciid-da)
1. Jajab iniino noqday oo ka haray qar ama dhagax ay burburiyeen dheelka iyo qorraxda iyo dabaysha iyo biyuhu.
2. Iid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ciid
ciid¹: m.dh 1. Dhulka qaybtiisa sare ee dhirtu ka baxdo oo ka samaysanta dhagxaan ay dabeel, qorrax iyo wixi lamida burburiyeen; carro. 2. la-mid: iid 1. Maalin ay ummad qaddariso oo hawlaha laga nasto.
ciid²: f.mg1 (-day, -dday) Maalin la qaddarinayo u damaashaadid (ummad). la-mid: iid².
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
ciid
ciid¹: m.dh 1. Dhulka qaybtiisa sare ee dhirtu ka baxdo oo ka samaysanta dhagxaan ay dabeel, qorrax iyo wixi lamida burburiyeen; carro. 2. la-mid: iid: Maalin ay ummad qaddariso oo hawlaha laga nasto.
ciid²: f.mg1 (-day, -dday) Maalin la qaddarinayo u damaashaadid (ummad). m.f.dh, ciidid. la-mid: iid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ciid
f. n. holy day, religious holiday ~ festival
ciid v. celebrate a holy day ~ religious festival
ciid [feminine] n. dirt, soil, earth, ground; sand
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Ciid
name-m; nickname holiday, religious holiday, celebration-festival, feast; soil, sand. Lit: light-skinned or; he who was born during a holiday or festival
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
ciid
-da: (n) sand (saandh); soil (sooyal); dirt (dheert); earth (eerth) ~ carro, bacaad
ciid -da: (n) holiday (hola-dheey); festival (fes-ti-val); Islamic religious feast day
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Ciid
Sabbia
Sand
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Ciid
ama Iid, magac loo baxsho wiil dhashay ayaan ciideed ama lagu farxay dhalashadiisa.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ciid
(fal) farax; farxadda iyo riyaaqa ciidda ka qaybgal. Dh: iid.
ciid -da: (magac, dhedig, keli) jajab iniino noqday oo ka hadhay qar ama dhagax ay burburiyeen dheelka, qorraxda, dabaysha, biyaha iyo da'du.
ciid -da: (magac, dhedig, keli) ayaamaha la farxo, diin ama dhaqan ahaan.
ciid -ka: (magac, lab, keli) geed midhood ka mid ah bahda dhirta murcuda la isku yiraahdo. Midho ciid sahay ma galaan. Dh: murcanyo.
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
ciid
تُرَابٍ
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cabid
cabid¹: m.l la-mid: cabiid.
cabid²: m.dh la-mid: cabbid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
cabid
cabid¹: m.l la-mid: cabiid.
cabid²: m.dh la-mid: cabbid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
cabid
m. n. slave
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cabid
-da: (magac, dhedig, keli) biyo iyo wixii la mid ah, afka ku shubid oo liqid.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
cabid
a: cabiid
de: slave
lx: cabid
pd: (-ka)
ps: n2a-m
key: cabid
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Cibil
Atmosphere
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cidid
m.f.dh eeg cid².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cifid
m.dh la-mid: cifasho.

cigid
m.dh la-mid: cifasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Cirid
(Cirid-da)
Ciidda qorraxdu kululayso; cagaggubyo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cirid
m.dh 1. Bacaad qorraxdu kululaysay. 2. Kulaylka qorraxda. la-mid: ciriid, cirrid³.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
cirid
m.dh 1. Bacaad qorraxdu kululaysay. 2. Kulaylka qorraxda. la-mid: cirrid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
cirid
f. n., (mass n.): hot sand; ground heated by sun
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
cirid
-da: (n) the warmth or hotness generated by the sun; sun heat
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cirid
-da: (magac, dhedig, keli) camuud kulul. ciidda qorraxdu kulayliso.
cirid -da: (magac, dhedig, keli) ciid ay dabayshu kiciso.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
cirid
de: hot sand; ground heated by sun
lx: cirid
pd: (-da)
ps: n0-f-mass
key: cirid
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Ciyid
(Ciyid-da)
Cida xoolaha oo kale samayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ciyid
m.f.dh eeg ci'².
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ciyid
vl. n. crying (of animals)
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
ciyid
-da: (n) the act of making a wail or cry, especially by animals; growl (growl)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ciyid
-da: (magac, dhedig, keli) ci'da riyaha samayn; codka xayawaanka oo kale samayn; ciyis.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
ciyid
de: crying (of animals)
lx: ciyid
pd: (-da)
ps: vn1-f, vn2a-m
key: ciyid
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Cubid
(Cubid-da)
Meel daloosha cub ku gufeyn; gufeyn; awdid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cubid
m.f.dh eeg cub².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cubid
-da: (magac, dhedig, keli) meel daloosha, gufayn; awdid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Yibid
(Yibid-da)
Yib cayaarid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
yibid
m.f.dh eeg yib².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
yibid
-da: (magac, dhedig, keli) bub ama yib ciyaarid. Nin yibidda ku xariif ah ayaa tartankeeda ka qayb gala. Dh: bubid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Caabid
(Caabid-ka)
Qof cibaado badan; taqi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
caabid
caabid¹: m.l (-diin/-dyo, m.dh) C. ah: qof muslin ah oo diinta sida ay tahay ugu dhaqma. la-mid: caabud¹.
caabid²: f.g1 (-day, -dday) Ilaah u tukasho ama ka cabsasho. la-mid: caabud².
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
caabid
f.g1 (-day, -dday) Ilaah u tukasho ama ka cabsasho. m.f.dh, caabidid. la-mid: caabud.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
caabid
m. n. worshipper, believer, devotee
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caabid
-ka: (magac, lab, keli) qof cibaado badan. Dh: caabud, taqi.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
caabid
bw: Arabic
cf: caalin
de: worshipper, believer, devotee
lx: caabid
pd: (-ka Pl: caabidiin (ta))
ps: n2-m, n8-m
key: caabid
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Cabbid
(Cabbid-da)
(biyo, kd.) inta afka lagu qaado oo hunguriga la sii marsiiyo, caloosha geyn; dhamid (caano); fuudid (fuud; wixii kulul).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cabbid
m.f.dh eeg cab. la-mid: cabid².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cabbid
-da: (magac, dhedig, keli) biyo iyo wixii la mid ah, inta afka lagu qaado oo hunguriga madow la sii mariyo, caloosha geyn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cabiid
m.l (cabiid, m.dh) Qof la leeyahay oo sidii la doono loogu shaqaysto; bidde; addoon; cabid. la-mid: cabid¹.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
cabiid
m.l (cabiid, m.dh) Qof la leeyahay oo sidii la doono loogu shaqaysto; bidde; addoon; cabid. la-mid: cabid¹.
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Cabiid
name-m devout
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
cabiid
-ka: (n) slave (isleeyv)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cabiid
-ka: (magac, lab, keli) addoon lagu shaqaysto. Dh: bidde.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cidcid
-ka: (magac, lab, keli) lab aan dhikilo laallaada oo muuqda lahayn. Dh: bohon. ciddabax -a: (magac, lab, keli) dhammaadka saddexda bilood ee ciddada. Dh: cuddadbax.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cidmid
m.dh eeg cidan².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cigmid
m.f.dh eeg cigan².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ciidid
m.f.dh eeg ciid². la-mid: iidid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ciidid
-da: (magac, dhedig, keli) ciid ka qaybgelid. Dh: iidid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Ciilid
(Ciilid-da)
1. Ciil ka keenid, ku abuurid, badid.
2. Hoos aadid, dhicid, shiiqid, sii baabbi'id; ciirid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ciilid
m.f.dh eeg ciil².
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Ciilid
Opprimere
Oppression
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ciilid
-da: (magac, dhedig, keli) ciil iyo cadho ku reebid; ciil ka keened.
ciilid -da: (magac, dhedig, keli) aad u shiiqid oo baabi'id; hoos u dhicid. Dh: shiiqid, baabi'id, ciirid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ciimid
f. n. tip, gratuity; alms
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
ciimid
de: tip, gratuity; alms
lx: ciimid
pd: (-da)
ps: n1-f, n2-f
syn: baqshiish
key: ciimid
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Ciirid
(Ciirid-da)
Sii baabbi'id, sii dhicid, hoos aadid, ciilid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ciirid
m.f.dh eeg ciir³. la-mid: ciir¹ (2).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ciirid
-da: (magac, dhedig, keli) culays daraaddii, dhinac u liicid ama u dullaamid. Dh: liicid, dheelliyid, ciiris.
ciirid -da: (magac, dhedig, keli) buuxdhaafitaan; tirabadi awgeed oo meel la kala joogsado la waayo. Dh: buuxdhaafid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cimidh
(tilmaame) wax buuxa; tif ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cirbad
m.dh la-mid: irbad.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
cirbad
f. n. needle; syringe, injection, shot
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
cirbad
-da: (n) [Pl. cirbado-ha] needle (niidhal); syringe (sariinj) ~ irbad
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cirbad
-da: (magac, dhedig, keli) bir yar oo dhuuban oo caaro fiiqan iyo dalool leh, oo inta dun la gesho, wax lagu tolo. Dh: irbad.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
cirbad
a: irbad {C & S < Arb}
de: needle; syringe, injection, shot
lx: cirbad
pd: (-da)
ps: n1-f
key: cirbad
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
cirbad
حُقْنَة، مِحْيَط، إِبْرَة
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Cirbin
(Cirbin-ta)
Cagta cagta u saarid; dabasocosho; ku xigid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cirbin
m.f.dh eeg cirbi.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
cirbin
vl. n. tracking, following footprints
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cirbin
-ta: (magac, dhedig, keli) (ku ~) si xawli ah oo aan hakad lahayn, wax ordaya, uga daba'ordid. Dh: cirbis.
cirbin -ta: (magac, dhedig, keli) faras laga rabo orod badan, cidhibta bogga kala dhicid. Faraska cidhbinta ka daa.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
cirbin
de: tracking, following footprints
lx: cirbin
pd: (-ta)
ps: vn-f
key: cirbin
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cirbis
-ka: (magac, lab, keli) (ku ~) ku cirbin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ciriid
m.dh la-mid: cirid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ciriid
-da: (magac, dhedig, keli) meesha cadceedu aad ubkululaysay. Dh: bacad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Cirrid
(Cirrid-ka)
Hilib ilkaha salkooda - labada fuqba - ku rogan oo aad ugu dhegsan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cirrid
cirrid¹: m.l (-dyo, m.dh) Hilibka ku yaal labada fuq ee afka nafleyda oo ilkaha haya.
cirrid²: m.l (cilmiga naflayda) Sooh xiriirka iyo xuubka daboola (mucous membrane) oo isku haya ilkaha iyo daamanka.
cirrid³: m.dh la-mid: cirid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
cirrid
cirrid¹: m.l (-dyo, m.dh) Hilibka ku yaal labada fuq ee afka nafleyda oo ilkaha haya.
cirrid²: m.l (cilmiga naflayda) Sooh xiriirka iyo xuubka daboola (mucous membrane) oo isku haya ilkaha iyo daamanka.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
cirrid
m. n., [collective] gums (of the mouth)
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
cirrid
-ka: (n) gum (gam); gingiva (jinjiva)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cirrid
-ka: (magac, lab, keli) cadka adag ee ilkahu ku fadhiyaan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
cirrid
de: gums (of the mouth)
lx: cirrid
pd: (-ka)
ps: n2-m-col
xe: They were laughing. [lit: they were lifting up their gums]
xv: Cirriddadooda bay kor u taageen.
key: cirrid
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
cirrid
لثة
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cubmid
m.f.dh eeg cuban¹. la-mid: cugmid.
Qaamuuska Ereybixinta: Xisaab (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Cuboid
Sedjibeke
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Cudbid
Conduct ion
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhibid
(Dhibid-da)
Dhib badan gaarsiin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhibid
m.f.dh eeg dhib³.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhibid
-da: (magac, dhedig, keli) cid kale, dhibaatayn ama wax yeellayn. Dhibidda ka jooji waalidkaa.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dibidh
-ka: (magac, lab, keli) geed qodaxyo iyo caano leh. Dh: dibir.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
giblid
-da: (magac, dhedig, keli) rar awr saaran saan ku hagoogid; awr raran saanta dusha kaga dedid. Alaabtu giblid bay u baahan tahay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kibrid
(Kibrid-da)
Kibir ku kicid; qof kibrey noqosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kibrid
m.f.dh eeg kibir².