ci
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Ci
(Ci-da)
Codka nafleyda qaarkeed (shinbir, sac, ri, ...).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ci
ci¹: m.dh Cod dheer oo ay nafleyda qaar sida shimbiraha, bahallada iyo wixi lamida sameeyaan.
ci²: f.mg1 (-iyay, -iday; -iyi) 1. (f.g/mg) Soo c./u soo c./u c.: xoolo, shimbir iyo wixi lamida cod dheer ku dhawaaqid. 2. Cid u yeerid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ci
f. n. cry, outcry, scream, roar, bray
ci v. cry out, roar, bray
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
ci
pron. - na, noo (annaga).
ci avv. - ku (meel).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ci
(fal) xoolo iyo wax la mid ah, dhawaaq samee. Dhurwaaga ci'yaaya, cabaadku naf weeye.
ci-da: (magac, dhedig, keli) dhawaaqa xoolaha ama xayawaaka.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Aabi
(Aabi-ga)
Arrin aan jid ahayn oo cid lagula kaco; gardarro; maag; daandaansi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Aas
(Aas-ka)
1. Xabaasha (dadka dhinta) iyo waxa ku saabsan; duug.
2. Iftiinka midabyada leh oo qorraxdhaca; cirguduud; cilcillow.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Aayatiin
(Aayatiin-ka)
Waxtar aan durba dhalane, waa danbe, oo iyadana loo baahan yahay, la filana hayo oo loogu talaggalo; waxtar raaga; cirib-danbeed; meecaad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Aayo
1. (Aaya-da) (waa shedan tahay) Carruurta hooyadood maahee, oorida kale, oo aabbahood qabo.
2. (Aaya-ha) Waxtar waa danbe wax laga dheefo; ciribdanbeed; aayatiin; meecaad; liil danbe; (ama aaye).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Abbaanduule
(Abbaanduula-ha)
Col ama ciidan duullaan ah, kan u madax ah; colwade; maqaddin (ama ammaanduule).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Abwaan
(Abwaan-ka)
1. (qof) laamo badan oo cilmi aqoon weyn ku leh ama u leh siiba dhaqanka iyo ilbaxa tolka; waaya-arag; waxyaqaan; buuni.
2. (*) Buug ama buugag laamaha aqoontoo dhammi ku urursan yihiin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Adeegid
(Adeegid-da)
Hawl cid u qabasho; midiidimid; qabbaanid; xoojin; shaqayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Adeegsad
(Adeegsad-ka)
Hawl cid ku qabsad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Adeegsasho
(Adeegsasha-da)
Hawl cid ku qabsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Afyaqaan
(Afyaqaan-ka)
1. Af gaar ah yaqaan.
2. Cilmiga afafka aqoon weyn ku leh.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Agab
1. (Agab-ka) Waxtar; ciirsi.
2. (Agab-ta) Alaab.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Akademiye
(Akademiya-ha)
1. Urur ama maamul ka kooban dad wada waxyaqaan, oo dantoodu tahay inay kor u qaadaan aqoonta dhaqanka, suugaanta, falsamida, fanka iyo cilmiga.
2. Dugsi sare oo waxyaalo gaar ah laga barto, sida carbiska iyo tababbarka ciidammada, muusikada, farshaxannimada, ... (ama akademiyada).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Akeekan
(Akeekan-ka)
Muran; cilaaq; jactad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Akidid
(Akidid-da)
(talo, arrin, ...) cid ku raacid, adkayn, xoojin, tiirin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Amaamud
(Amaamud-ka)
Alkun; unug; abuur; ciiris.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Aqoon
(Aqoon-ta)
Wax qof bartay oo ogaadey; garasho; cilmi; kasmo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Araanjo
(Araanja-da)
Geed-abaareed leh miro jilicsan oo kankoonsan oo diir adag oo midabkoodu yahay cillaan-guduud.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Asaruurid
(Asaruurid-da)
God ama ceel ama wax la mid ah, ciid ka buuxin, xabaalid, dhulka la simid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Asfar
(Asfar-ka)
Midabka dahabka ama sacfaraanka; cillaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Askar
(Askar-ta)
(magac wadareed) ciidanka dagaallama.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
chi
pron.interr. - yaa...?
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
ci'
m.dh Cod dheer oo ay nafleyda qaar sida shimbiraha, bahallada iyo wixi lamida sameeyaan.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
ci'
-yey /day: (v) make or produce a loud sound or cry, especially animals; bray (bareey); roar (roor)
ci' -da: (n) a loud sound or cry, especially made by animals
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
CIA
/sii-aay-eey/ (n) ciidamada sirta ee Maraykanka (Central Intelligence Agency).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Cid
(Cid-da)
Dad meel wada deggan; dad xiriir ka dhexeeyo; degmo; qolo; reer.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cid
cid¹: m.dh (-do, m.l) 1. Koox dad ah oo meel ku wada nool. 2. Qof ama wax ka badan. Tusaale: “Maanta c. ma arag”. 3. Qaraabo; reer.
cid²: f.g1 (-day, -dday) 1. Cid biyo ku hafin. 2. Sanduuq, weel iyo wixi lamida oo buuxa, wax dheeraad ah ku ciriirin si uu u qaado.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
cid
cid¹: m.dh (-do, m.l) 1. Koox dad ah oo meel ku wada nool. 2. Qof ama wax ka badan. Tusaale: Maanta c. ma arag. 3. Qaraabo; reer.
cid²: f.g1 (-day, -dday) 1. Cid biyo ku hafin. 2. Sanduuq, weel iyo wixi lamida oo buuxa, wax dheeraad ah ku ciriirin si uu u qaado. m.f.dh, cidid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
cid
f. n. family, clan; community, people
cid pron., f: someone, somebody, whoever
cid v. stuff, fill with something; push someone ~ something under water; press
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
cid
-da: (n) 1. people (pii-pol); persons (peer-sonis) ~ dad. Ex: cid qalaad; a strange people. 2. family (faamali) ~ reer. Ex: ciddii ma u tagtay? do you visit the family? 3. clan (kalaan); tribe (taraayb) Ex: ciddee tahay? which tribe do you belong to? —cid walba: (pronoun) everybody; every person; everyone
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cid
-da: (magac, dhedig, keli) abtirsiga qof ama wax kale oo ka soo jeeda qolo, degaan iyo wixii la mid ah. Markuu coomirkii faallo galay, cid iyo sheegsheega. Dh: qolo, reer, degmo.
cid -da: (magac, dhedig, keli) qof ama dad gaar ah oo aan magacawnayn. Cid kasta oo aqalka Abuu Sufyaan gashaa, way badbaadday.
cid -da: (magac, dhedig, keli) xoolaha nool, inta adhiga loo yaqaan. Wan baa cid aan garanayn iga raacay maanta. Dh: adhi.
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
cid
قبيلة
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cif
f.mg1 (-fan, -fatan) la-mid: cifo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cif
(ereycodeed) lagu tusmeeyo ci'da ka soo baxda riyaha, kolka ay cabsi dareemaan.
cif: (ereycodeed) lagu tusmeeyo dheregdhaafka iyo neefxidhankiisa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cig
f.mg1 (-gay, -gtay) la-mid: cifo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cig
(fal) 'awood Rabbi' u beddel; u cawilceli.
cig-ta: (magac, dhedig, keli) cawedcelin; beddelaad; cawilaad.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
ciò
pron. waxa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Cir
1. (Cir-ka) a) Hawada weyn oo sare, oo xiddigaha iyo meereyaashu ka buuxaan. b) Roob;
2. (Cir-ta) Inta caloosha nafleydu kol qaaddo; caloosha muggeeda.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cir
cir¹: m.l 1. Samada sare, buluug ah oo ay xiddiguhu ka muuqdaan. 2. Roob.
cir²: m.l/dh (cilmiga naflayda) Xaddiga cuntada ee qof caloosha ku qaadi karo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
cir
cir¹: m.l 1. Samada sare, buluug ah oo ay xiddiguhu ka muuqdaan. 2. Roob.
cir²: m.l/dh (cilmiga naflayda) Xaddiga cuntada ee qof caloosha ku qaadi karo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
cir
m. n. sky; atmosphere, air, weather; rain
cir [feminine] n. capacity of the stomach, bellyful; appetite
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
cir
-ka: (n) 1. sky (iskaay) 2. person's appetite (api-taayt) —cirweyn: (adj) having great appetite
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cir
-ta: (magac, dhedig, keli) inta uu qof cunto ka qaado ama calooshiisu qaadi karto. Taabud waa qof cir weyn.
cir-ka: (magac, lab, keli) biyaha ay daruuraha samadu soo daayaan. Halbaa curanaysa, ufaa caranaysa, malaha cir da'aaya, u sii ah calaamad. Dh: roob.
cir-ka: (magac, lab, keli) samada sare ee xiddigaha leh. Cirka roob ayaa ka soo da'aya. Dh: samo. Li: dhul.
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
cir
سماء
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Cis
(Cis-ka)
Ciso.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cis
m.l la-mid: ciso.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
cis
m. n., [abstract] respect
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cis
(fal) karaamay, ixtiraam; xushmay; cisay; cisee.
cis -ka: (magac, lab, keli) karaamo; ixtiraam; xushmo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
cis
a: cees
de: respect
lx: cis
pd: (-ka)
ps: n0-m-abs
key: cis
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
cri
cri, n.m. - Qaylo;
cri de guerre - gaylada dagaalka
pousser des cris perçants - Qaylada dhuuban (Xayawaanka; Carruurta; shimbiraha).
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
cui
pron. - kii, tii.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
ici
ici, adv. - halkan