chambermaid
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
chambermaid
/jeymbar-meydh/ (n) adeegtada qolalka hagaajisa, siiba midda huteel ka shaqaysa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
caweermid
m.f.dh eeg caweeran.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caweermid
-da: (magac, dhedig, keli) mid nabar gaadhay ahaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhambalmid
m.f.dh eeg dhambalan¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhambalmid
-da: (magac, dhedig, keli) walax, labo u kala qaybsamid. Dh: qaybsamid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shareermid
m.f.dh eeg shareeran¹.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhambacaadid
m.f.dh eeg dhambacaad². la-mid: dhambacaad¹, dhambacaadis².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhambacaadid
-da: (magac, dhedig, keli) bogga dhulka ku qabasho. Dhambacaadidi is qarin maaha. Dh: dhabbacid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cabbirad
-ka: (magac, lab, keli) walax inta ay tahay qiyaasad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Cabbirid
(Cabbirid-da)
1. Cabbirkiisa ogaansho; beegid; qiyaasid; miisaamid.
2. Dad socoto ah dhoofin, dirid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cabbirid
m.f.dh eeg cabbir². la-mid: cabbiris.
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Cabbirid
Pesatura; misura
Weighing; measuring
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cabbirid
-da: (magac, dhedig, keli) walax inta ay tahay qiyaasteeda ogaansho.
cabbirid -da: (magac, dhedig, keli) dhanka kale tegid; xad ka tallaabid.
cabbirid -da: (magac, dhedig, keli) cid socoto ah, dirid.
cabbirid -da: (magac, dhedig, keli) wax aan muuqan, qiyaasid; mala'awaalid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Cabburid
(Cabburid-da)
Cabbur ku dhicid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cabburid
m.f.dh eeg cabbur². la-mid: cabbur¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cabburid
-da: (magac, dhedig, keli) mid neefsigu ku adagyahay noqosho. Dh: cabbudhid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Cabeebid
(Cabeebid-da)
Cabeeb ku dhicid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cabeebid
m.f.dh eeg cabeeb².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cabeebid
-da: (magac, dhedig, keli) cabeeb ku dhicid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cambusid
m.f.dh eeg cambus². la-mid: cambus¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cambusid
-da: (magac, dhedig, keli) canyayuubid; jactadid; canyayuub u yeelid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Cammirid
(Cammirid-da)
(magaalo) aad u degid; wax badan meel dhigid; buuxin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cammirid
m.f.dh eeg cammir. la-mid: cammiraad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cammirid
-da: (magac, dhedig, keli) weel ama meel madhnayd ama dhinnayd, buuxin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
carbarid
m.f.dh eeg carbar².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
casirmid
-da: (magac, dhedig, keli) calool xanuun dareemid; majiirmid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cawarmid
m.f.dh eeg cawaran¹. la-mid: cawirmid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cawarmid
-da: (magac, dhedig, keli) dhaawacmid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cawirmid
m.dh la-mid: cawarmid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cawirmid
-da: (magac, dhedig, keli) dhaawac noqosho; dhaawacmid.
cawirmid -da: (magac, dhedig, keli) weershe noqosho; mid il la' noqosho.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
chairman
/jeerman/ (n) guddoomiye, shir-guddoomiye.
Eraybixinta Af Soomaaliga ee Hawlaha Wasaaradaha (Soomaali-Ingiriis-Talyaani) - Guddiga Af Soomaaliga [1972]
Chairman
Guddoonshe
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
charmant
charmant, adj. - Farax gelin; Farxad leh; Lagu Farxi karo,
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhaabmid
m.f.dh eeg dhaaban¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhaabmid
-da: (magac, dhedig, keli) si xoog ah meel ugu qotonsamid. Dh: qotonsamid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhammaad
(Dhammaad-ka)
Aan wax ka harin ama u harin; meesha ugu danbaysa; idlaad; ebyoonaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhammaad
dhammaad¹: m.l Meesha ugu danbaysa; idlaad; ebyoonaan.
dhammaad²: m.l (naxwe) Qeybta ugu dambaysa eray.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dhammaad
dhammaad¹: m.l Meesha ugu danbaysa; idlaad; ebyoonaan.
dhammaad²: m.l (naxwe) Qeybta ugu dambaysa erey.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhammaad
m. n. completion, finish, finishing point, end, conclusion; terminal {physics}
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dhammaad
-ka: (n) end (endh); ending (endhing); end of the matter, last part: conclusion (konkuluushin); completion (kempiliishen); finishing ~ xiritaan, geba-gabo. Ex. sheekada dhammaadkeeda; the conclusion of the story
dhammaad -ay / dhammaatay: (v) end (endh); finish (fi-nish); run out; be complete; reach an end; fade away
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Dhammaad
Quasi finito
Near completion
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhammaad
-ka: (magac, lab, keli) gebagebood. Waxan sugaynay dhammaadka xafladda. Dh: dhammaansho.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhammaad
de: completion, finish, finishing point, end, conclusion; [ext.] terminal {physics}
lx: dhammaad
pd: (-ka)
ps: n2-m
xe: at the end of this month
xv: bishan dhammaadkeeda
key: dhammaad
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
dhammaad
نِهَايَة، ختام
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Habqamid
(Habqamid-da)
(yeer: xabbad, kd.) dadaal isaga dabadhicid; isdabajoog; xiriir.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
habqamid
m.f.dh eeg habqan².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
habqamid
-da: (magac, dhedig, keli) hadal aan macno iyo milgo lahayn oo badan ku sheekayn; si aan caddayn u yeedhyeedhid. Dh: hadaaqid. Li: murtiyayn
habqamid -da: (magac, dhedig, keli) si aan habaysnayn u socosho ama u cararid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hafarmid
m.f.dh eeg hafaran.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hafarmid
-da: (magac, dhedig, keli) qof wax aan la siin, lagu sheegay noqosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hamuumid
m.dh eeg hamuun².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hamuumid
-da: (magac, dhedig, keli) wax hamuuni hayso ahaansho, baahi sigaar, qaad, cunto ama wax kale qab. Dh: xaraaro, baahi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hawirmid
m.f.dh eeg hawiran¹.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
aabburmid
m.f.dh eeg aabburan¹.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
ambergris
n., canbar, -ki.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
berbermid
m.dh la-mid: dardarmid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
caambixid
m.f.dh eeg caambax.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caambixid
-da: (magac, dhedig, keli) caan noqosho: magac yeelasho.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
cabbiraad
-da: (n) measurement (mesharment)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cabbiraad
-da: (magac, dhedig, keli) walax, mitirin, dhererin, qiyaasid, beegid. Aqalladan cabbiraad baa ku dhacday oo waa la dumin doonaa.
cabbiraad -da: (magac, dhedig, keli) wax aan kuu muuqan, qiyaasid; mala'awaalid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cabburaad
-da: (magac, dhedig, keli) eeg cabbudhaad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cagaarmid
-da: (magac, dhedig, keli) midab cagaar ah yeelasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cambaruud
m.l Miro jilcan, midabkoodu cas yahay oo aad u macaan.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
cambaruud
m.l Miro jilcan, midabkoodu cas yahay oo aad u macaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
cambaruud
m. n. pear
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
cambaruud
-da: (n) the fruit of the pear tree; pear (peer)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cambaruud
-ka: (magac, lab, keli) midho inta horena u buuran, gadaalna u yaryar oo dhadhan macaan oo jilicsan leh markii la cuno. Dh: canbaruud.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
cambaruud
de: pear
lx: cambaruud
pd: (-ka ~ -da)
ps: n2a-m/f
key: cambaruud
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
cambaruud
كُمثرى، إنجاص، إجاص
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
CAMBE-LAF
(Ambe-laf) N Mangifera indica L. Anacardiaceae.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cambuurid
m.f.dh la-mid: camambuurid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cambuurid
-da: (magac, dhedig, keli) canka oo inta neef laga buuxsho la afuufo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cammiraad
m.dh 1. Wax aan dhab ahayn oo meel maran lagu buuxiyo. 2. la-mid: cammirid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
cammiraad
m.dh Wax aan dhab ahayn oo meel maran lagu buuxiyo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cammiraad
-da: (magac, dhedig, keli) buuxin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caybeelid
-da: (magac, dhedig, keli) canaan iyo ceebkusheeg xaddhaaf ah dartiis, wax danbe oo lagu caayo waayid. Dh: eedbeelid, caybeelis.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
cirmeerid
vl. n., [compound] orbit
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
cirmeerid
de: orbit
lx: cirmeerid
pd: (-da)
ps: vn1-f-cmp
key: cirmeerid
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dambarsad
m.l la-mid: dambarsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dambarsad
-ka: (magac, lab, keli) neef ishin ah oo dhalay danbar ka maalid. Dh: danbarsad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhadhemid
m.dh la-mid: dhadhamid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhambalid
m.f.dh eeg dhambal³. la-mid: dhambal¹ (2).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhambalid
-da: (magac, dhedig, keli) walax, labo u kala falliidhid. Dh: dhambalis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhareerid
m.f.dh eeg dhareer². la-mid: dhareer¹ (2).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhareerid
-da: (magac, dhedig, keli) dhareer sii dayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
habaarmid
m.f.dh eeg habaaran¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
habaarmid
-da: (magac, dhedig, keli) qof habaar ku dhacay noqosho.
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Habarjiid
Milky Way
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hambaasid
m.f.dh eeg hambaas². la-mid: hambaas¹.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hambaraac
m.l Qof hunguri xun oo meelaha raqdu taal aan laga waayin. la-mid: hamboraac.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hamboraac
m.l Qof hunguri xun oo meelaha raqdu taal aan laga waayin. la-mid: hambaraac.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hanjemaad
-da: (magac, dhedig, keli) eeg hanjebaad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hanqarmid
m.dh la-mid: hanqaarmid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kamaarmid
-da: (magac, dhedig, keli) cid ama wax kale, ka kaaftoomid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
khabarsad
m.l la-mid: khabarsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
khabarsad
-ka: (magac, lab, keli) cid kale, khabaar ka raadin. Dh: waraysad, akhbaarsad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
khamaarid
m.f.dh eeg khamaar². la-mid: khammaarid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
khamaarid
-da: (magac, dhedig, keli) khamaar cayaarid. Dh: qamaarid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Khamiirid
(Khamiirid-da)
Khamiir noqosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
khamiirid
khamiirid¹: m.f.dh eeg khamiir².
khamiirid²: m.dh (baayoloji) Isbeddel kiimikaad oo ay walxaha orgaanikada ku dhaliyaan waxyaabo nool (sida: yiist, baktiiriya, iyo wixi lamida). Falkaasna waxa keena insaymo. Waa dariiqada lagu diyaariyo alkoollada (sida: itanool). Marka insaymka loo yaqaan siyaameys uu la falgalo sonkoraha (sakaraydhada) ku jira istaarijka.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
khamiirid
m.dh (baay.) Isbeddel kiimikaad oo ay walxaha orgaanikada ku dhaliyaan waxyaabo nool (sida: yiist, baktiiriya, iyo wixi lamida). Falkaasna waxa keena insaymo. Waa dariiqada lagu diyaariyo alkoollada (sida: itanool). Marka insaymka loo yaqaan siyaameys uu la falgalo sonkoraha (sakaraydhada) ku jira istaarijka.