ceyntaabad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ceyntaabad
m.l Geeddi dheer oo aan la nasan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caynqabad
-ka: (magac, lab, keli) xoolaha marka la dhaqayo inta u horraysa ee xerada la keeno.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ceyntaari
f.g/mg2 (-iyay, -isay) 1. (f.g) Nafley aad u eryid. 2. (f.mg) Ku c.: gaadiid wax rarkiisa ka badan saarid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ceyntaarin
m.f.dh eeg ceyntaari. la-mid: ceyntaaris.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ceyntaaris
m.l la-mid: ceyntaarin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Beynaad
* (Beynaad-da)
Seef gaaban oo buntukha wehelisa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
beynaad
m.dh (-do, m.l) Bir mindida u eg oo labada dhinac af ku leh oo buntukha afkiisa la suro.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
beynaad
m.dh (-do, m.l) Bir mindida u eg oo labada dhinac af ku leh oo buntukha afkiisa la suro.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
beynaad
f. n. bayonet
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
beynaad
-da: (n) [Pl. baynaado-ha] bayonet (beeynet) ~ soor
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
beynaad
-da: (magac, dhedig, keli) seef gaaban oo qoriga afkiisa hore la sudho ama lagu xidho. Beynaadka qoriguu ku dhuftay dhawaaca. Dh: soodh, bened.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
beynaad
de: bayonet {Eng}
lx: beynaad
pd: (-da)
ps: n1-f
key: beynaad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Eynfaad
(Eynfaad-ka)
Dhibaato iyo daal wada socda; rafaad; dacas.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
eynfaad
eynfaad¹: m.l la-mid: eyfaad¹.
eynfaad²: f.mg1 (-day, -dday) la-mid: eyfaad².
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
eynfaad
n. trouble and weariness
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
eynfaad
-ka: (magac, lab, keli) silic iyo rafaad badan; dhibaato iyo daal wada socda. Safarkii dheeraa ee aan soo marnay eynfaad ayuu lahaa. Dh: silic, rafaad, aynfaad, dacas.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
eynfaad
de: trouble and weariness
lx: eynfaad
pd: (-ka)
ps: n -m
key: eynfaad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
canaanad
m.l la-mid: canaanasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
canaanad
-ka: (magac, lab, keli) canaanasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Cataabid
(Cataabid-da)
Hadal cataw ah ku hadlid; calaacalid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cataabid
m.f.dh eeg catow². la-mid: catow¹ (2).
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
cataabid
vl. n. reproaching; rebuke
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
cataabid
-da: (n) complaining (kom-pleeyning) ~ cabasho
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cataabid
-da: (magac, dhedig, keli) eeg calaacalid.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
cataabid
de: reproaching; rebuke
lx: cataabid
pd: (-da)
ps: vn1-f
key: cataabid
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cisaabad
m.dh (-do, m.l) Col.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
cisaabad
f. n. band of criminals, gang, group of people involved in illegal activity
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cisaabad
-ka: (magac, lab, keli) dad dibedda wareega oo ku nool boob iyo dhac; mooryaan: burcad.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
cisaabad
bw: Arabic
de: band of criminals, gang, group of people involved in illegal activity
lx: cisaabad
pd: (-da)
ps: n1-f
key: cisaabad
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
intaanad
conj., vl. pron. before you ...
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
intaanad
(conjunction plus pronoun) before you... intaadan
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
intaanad
de: before you ...
lx: intaanad
ps: conj + vpro
xe: Before you give me the money, tell me where you got it from. = inta + aan + aad
xv: Intaanad lacagta i siin, ii sheeg meesha aad ka keentay.
key: intaanad
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
seynsaab
(fal) ilqabad ka shaxeex oo aragti ka daah, shay wax ku qari oo kor ka hadoodil, wax qarso oo ded ama wax ku duub ama shaqal, xog ama sir xafid oo qari oo cid ha u sheegin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cayntaari
(fal) (is ~) xoog u orod. Halkaa is cayntaari oo ka gaadh inta aanay xooluhu seeraha galin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Cunaqabad
(Cunaqabad-ka)
Hunguri qabasho si neeftu u soo bixi weydo; ceego; miijis; mirjis, sirir.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cunaqabad
m.l la-mid: cunaqabatayn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
cunaqabad
vl. n., [compound] act of strangling ~choking someone; sanctioning
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
cunaqabad
-ka: (n) stranglehold (istraang gel hooldh) throttlehold ~ cunaqabatays
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cunaqabad
-ka: (magac, lab, keli) hunguriga qabasho, si neeftu u soo bixi weydo. Dh: ceejo, miijis, mirjis.
cunaqabad -ka: (magac, lab, keli) qofka had iyo jeer hadal iyo su'aalo badan dadka ku dhiba.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
cunaqabad
a: cunaqabasho (/da) [vn-f]
de: act of strangling ~choking s.o.; sanctioning
lx: cunaqabad
pd: (-ka)
ps: vn-m-cmp
key: cunaqabad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
denbaabid
m.dh la-mid: dembaabid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
eynfaadid
m.dh la-mid: eyfaadid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
eynfaadid
-da: (magic, dhedig, keli) dhibaato iyo daal la kulmid; rafaadid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
weydaarad
-ka: (magac, lab, keli) weydaarasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Cantatabid
(Cantatabid-da)
Hadal cantatab ah ku hadlid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cantatabid
m.f.dh eeg cantatab². la-mid: catatabid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cantatabid
-da: (magac, dhedig, keli) hadal cantatab ah ku hadlid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cayntaarin
-ta: (magac, dhedig, keli) (is ~) xoog u ordid.
Eraybixinta Af Soomaaliga ee Hawlaha Wasaaradaha (Soomaali-Ingiriis-Talyaani) - Guddiga Af Soomaaliga [1972]
Contraband
Kontarabaan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qayndaabid
-da: (magac, dhedig, keli) eeg qataarid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
saynsaabid
m.f.dh eeg saynsaab².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saynsaabid
-da: (magac, dhedig, keli) (ku ~) hagoog ama dabool ku qarin, daboolid.
saynsaabid-da: (magac, dhedig, keli) qarsoomid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
taabtaabad
-ka: (magac, lab, keli) meel ama wax, dhawr jeer taabasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xayndaabid
-da: (magac, dhedig, keli) deyr ood ama derbi ah samayn. Aqalka xaydaabid ayaa u hadhay. Dh: ijaarid, xayndaabis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
caanoqaadad
m.l Caano-yaraynta xoolo irmaani caana yareeyaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
casargaabad
m.l la-mid: casargaab.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Karingaabad
(Karingaabad-ka)
Buuraha is-haysta duudkooda kore oo siman, meel inta kale ka gaaban.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
karingaabad
m.l Buuraha is-haysta duudkooda kore oo siman, meel inta kale ka gaaban.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
karingaabad
m. n. mountain pass, narrow passage
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
karingaabad
-ka: (magac, lab, keli) buuraha is haysta dushooda kore ee siman meel ka mid ah oo yara gaaban, dadkuna maro. Dh: karingaab.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
karingaabad
de: mountain pass, narrow passage
lx: karingaabad
pd: (-ka)
ps: n2a-m
key: karingaabad