ceyd
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ceyd
m.l Dhibaato cid ka haysata guri, qalab ama gaadiid la'aan awgeed.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

ceydbax
ceydbax¹: m.l.kh C. ah: helidda cid ceyd hayey hesho qalab ama gaadiid.
ceydbax²: f.mg1 (-baxay, -baxday) Cid ceyd hayey qalab ama gaadiid helid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ceydbixi
f.g2 (-iyay, -isay) Cid ceyd hayo qalab ama gaadiid siin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ceydbixid
m.f.dh eeg ceydbax².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ceydbixin
m.f.dh eeg ceydbixi. la-mid: ceydbixis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ceydbixis
m.l la-mid: ceydbixin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ceydmid
m.f.dh eeg ceydan¹.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ceydnaan
m.f.dh eeg ceydan². la-mid: ceydnaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ceydnaansho
m.l/dh la-mid: ceydnaan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
-eyd
de: you were / she was
lx: -eyd
ps: v5a-2sg/3f-past
see: =-ayd
key: -eyd
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Beyd
(Beyd-ka)
1. Guri; Aqal.
2. (gabay, hees, kd.) ereyo hab gaar ah isu dabajooga oo sadar keliya oo taxan isku ah; (ama beyt).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
beyd
m.l (-dad, m.l) 1. Guri; aqal. 2. Hal sadar oo maanso ah.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
beyd
m.l (-dad, m.l) 1. Guri; aqal. 2. Hal sadar oo maanso ah.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
beyd
m. n. house; verse, stanza
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
beyd
-ka: (n) [Plural beydad-ka] 1. verse (veersi) Ex: gabay shan bayd ah; a five-verse poem ~ bayd. 2. house (haaws) ~ guri, aqal
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
beyd
-da: (magac, dhedig, keli) xagaloda ama xabadka; shafka ama sakaarka.
beyd-ka: (magac, lab, keli) unugga ugu yar ee hees, gabayiyo wixii la mid ah ay ka samaysmaan. Waxa uu leeyahay hab gaar ah miisaan iyo qaafiyad isku xaraf ah ku wada socda. 'Biyaha oo harraad guba hayoo, gal u arooraaya, geeridoon wax dilin oo ninkii goay u booyeysa.' Dh: bayd, tix, dhud, nud.
beyd -ka: (magac, lab, kali) faalka labo siyood baa loogu camal falaa; Magiigane iyo Beyd. Beydku waa aqalka ama minka oo lix jeer baa la dhigaa ama laga faaliyaa. Intaa dabadeed, waa la isku guuriyaa oo minkii ka soo hadha ayaa wax laga sheegaa.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
beyd
bw: Arabic
cf: aqal, guri
de: house; [fig.] verse, stanza
lx: beyd
pd: (-ka Pl: beydad (ka))
ps: n4-m
key: beyd
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cayd
m.l Baahi weyn oo wax loo qabo. la-mid: ceed.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
cayd
m.l Baahi weyn oo wax loo qabo. la-mid: ceed. caydan f.mg4 (-dnaa, -dnayd) Qof, baahi weyn alaab maacuun u qaba ahaansho. m.f.dh, caydnaan. la-mid: ceedan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ceed
m.l la-mid: cayd.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Deyd
(Deyd-ka)
Dhis wareegsan oo aqallada, kd., loo yeelo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
deyd
m.l (-dad, m.l) Dhis wareegsan oo aqallada iyo wixi lamida lagu wareejiyo ama horay looga yeelo. la-mid: deyr.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
deyd
m.l (-dad, m.l) Dhis wareegsan oo aqallada iyo wixi lamida lagu wareejiyo ama horay looga yeelo. la-mid: deyr.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
deyd
m. n. fence
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
deyd
-ka: (n) 1. courtyard (koort-yaadh); yard (yaadh). 2. enclosure (en-kalaaw-sher); fence (feens) ~ xero, deyr
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
deyd
-da: (magac, dhedig, keli) eegid oo fiirin. Dh: dayid, eegid.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
deyd
cf: deyr
de: fence
lx: deyd
pd: (-ka Pl: deydad (ka))
ps: n4-m
key: deyd
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
feyd
f.g1 (-day, -dday) 1. Wax, wax ku gudban ka weecin. 2. Wax, wax ku daboolan ka qaadid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
feyd
f.g1 (-day, -dday) 1. Wax, wax ku gudban ka weecin. 2. Wax, wax ku daboolan ka qaadid. m.f.dh, feydid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
feyd
v. take off (covering ~ clothes), strip off, uncover
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
feyd
-ay / faydday: (n) [with preposition ka] remove the cover from; uncover (ankaver) ~ ka fayd
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
feyd
(fal) wax asturnaa ama qarsoonaa, daaha ka rog oo ka bannee. Dh: xayd, fayd.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
feyd
de: take off (covering ~ clothes), strip off, uncover
lx: feyd
pd: (feyday / feydday)
ps: v1=tr
key: feyd
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
keyd
m. n. supply, reserve; savings
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
keyd
-ka: (n) reserve (rizeerv); supplies (sap palaayis). Ex: keyda bangiga; bank reserve
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
keyd
de: supply, reserve; savings
lx: keyd
pd: (-ka Pl: keydad (ka))
ps: n4-m
see: kayd
key: keyd
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Meyd
(Meyd-ka)
1. Qof dhintay oo naftii ka baxday.
2. Oogo dad oo aan nafi ku jirin.
3. Qof tabar yar.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
meyd
m.l (-dad, m.l) 1. Qof naftii ka dhacday oo aan weli la xabaalin. 2. M. ah: qof karti yar oo aan wax qabsan karin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
meyd
m.l (-dad, m.l) 1. Qof naftii ka dhacday oo aan weli la xabaalin. 2. M. ah: qof karti yar oo aan wax qabsan karin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
meyd
m. n. corpse, cadaver
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
meyd
-ka: (n) dead body; corpse (koor pis)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
meyd
-ka: (magac, lab, keli) wax naftu ka baxday oo dhintay. Dh: raq, mowd. Wa: meytaad, meydad.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
meyd
de: corpse, cadaver
lx: meyd
pd: (-ka Pl: meydad)
ps: n4-m
key: meyd
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qeyd
(Qeyd-ka)
Go' maro ah oo labo meelood laga dhigay, meeshiis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qeyd
m.l (-dad, m.l) Cad yar oo maro ah oo ilaa laba yaardi dhan oo sida badan ay carruurtu qaataan.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
qeyd
m.l (-dad, m.l) Cad yar oo maro ah oo ilaa laba yaardi dhan oo sida badan ay carruurtu qaataan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qeyd
m. n. strip of a body cloth; baby sling
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qeyd
de: strip of a body cloth; baby sling
lx: qeyd
pd: (-ka Pl: qeydad (ka))
ps: n4-m
see: qayd
key: qeyd
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Weyd
(Weyd-da)
Caato; xayeesi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
weyd
m.dh.kh W. ah: nafley caato ah.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
weyd
m.dh.kh W. ah: nafley caato ah.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
weyd
f. n., [abstract] (adj.): thinness, wasting away; emaciated, very thin ~ skinny
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
weyd
-ah: (adj) lean (liin); poor quality; skinny (iskini); thin (thiin); slim (is-lim) ~ caato. Ex: neef weyd ah; a lean animal.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
weyd
(tilmaame) caato aan hilib lahayn ah. Neef weyd ah ayay noo qaleen. Dh: wayd.
weyd -da: (magac, dhedig, kel) dhuubni aan hilib badan la socon. Wiilku waa weyd caafimaad qabta. weydaar -ka: (magac, lab, keli) dhanka loo jeedo maahee dhanka kale. Dh: duwanaan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
weyd
bw: jay, macaluul
de: thinness, wasting away; [atr.] emaciated, very thin ~ skinny
initial: w
lx: weyd
pd: (-da)
ps: n0-f-abs
syn: caato
key: weyd
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xeyd
f.g1 (-day, -dday) Maro dacalkeeda hoose kor u qaadid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
xeyd
v. lift ~ tuck up (clothing)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xeyd
(fal) marada gaabi oo tafaha gee. Guntiga xeyd socodku wuu dheer yahaye. Dh: xeydo.
xeyd -ka: (magac, lab, keli) dhiig dabiici ah oo dumarka iyo noolayaasha kale badhkood si milayle ah uga yimaad calaamadna u ah qaangaadhka. Naag uur leh xeyd kama yimaad. Dh: xeyl, caado, dhibaad, dhibaaji.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
xeyd
de: lift ~ tuck up (clothing)
initial: x
lx: xeyd
pd: (xeyday)
ps: v1=tr
key: xeyd
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ceydan
ceydan¹: f.mg1 (-dmay, -dmantay) Wax ceyd hayo noqosho (qof).
ceydan²: f.mg4 (-dnaa, -dnayd) Wax ceyd hayo ahaansho (qof).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Ceyddi
(Ceyddi-ga)
Kalluun yaryar oo koox koox isu raaca.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ceyddi
m. n., [collective] small fish species that lives in schools; sardine
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ceyddi
-ga: (magac, lab, keli) kalluun yaryar oo kooxkoox isu raaca.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
ceyddi
a: cayddi
cf: kalluun
de: small fish sp. that lives in schools; sardine
lx: ceyddi
pd: (-ga)
ps: n-m-col
key: ceyddi
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
beydi
-ga: (magac, lab, keli) hilibka intiisa loogu jecelyahay.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
caydh
m. n. poor person; the poor
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
caydh
-ah: (adj) poor (puur); impoverished (im-poovarishidh) ~ fakhri, cayr. —Syn: indigent, needy, impecunious, penniless, poverty-stricken, destitute
caydh -a: (n) the poor (da puur)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caydh
-a: (magacwadareed) dad aan xoolo lahayn; dad sabool ah. Li: hodan.
caydh -ka: (magac, lab, keli) dabaysha iyo dhibcaha weerarka la moodo ee roobka horaantiisa soo dhaca. Dh: cayr.
caydh: (tilmaame) mid ama wadar aan hanti lahayn.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
caydh
a: cayr {N}
de: poor person; [pl] the poor
lx: caydh
pd: (-ka Pl: caydh (-a ~ -dha))
ps: n5-m
key: caydh
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caydi
-ga: (magac, lab, keli) ilmo yar oo carruur ah. Curdankiyo markaasay dhintaan caydi korayaaye.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ceymi
(fal) cid kale, badbaadi. Dh: caymi.
ceymi: (fal) naf ama hanti, caymis geli.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ceymo
(fal) eeg caymo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ceyri
f.g2 (-iyay, -isay) Nafley orodsiin, si meel ay ku sugnayd uga fogaato; eryid; burin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
ceyri
f.g2 (-iyay, -isay) Nafley orodsiin, si meel ay ku sugnayd uga fogaato; eryid; burin. m.f.dh, ceyrin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ceyri
v. chase, speed, make run fast
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ceyri
(fal) eri; firxi. Dh: cayri, caydhi.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
ceyri
a: cayri
de: chase, speed, make run fast
lx: ceyri
pd: (ceyriyey)
ps: v2a=
key: ceyri
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Ceyro
(Ceyra-da)
Wax orda haya oo laga daba'orda hayo, in la gaaro ama la soo qabto ama wax la yeelo darteed; ka daba'orod; fogeyn; buubis; cagaajis; eryid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ceyro
m.dh Orodsiinta nafley meel ay ku sugnayd laga orodsiiyo si looga fogeeyo. la-mid: ceyrin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
ceyro
m.dh Orodsiinta nafley meel ay ku sugnayd laga orodsiiyo si looga fogeeyo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ceyro
vl. n. chase
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ceyro
-da: (magac, dhedig, keli) cid meel laga cayriyay oo firxad ah ama la eryanayo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
ceyro
a: cayro
cf: ceerso
de: chase
lx: ceyro
pd: (/da)
ps: vn6-f
key: ceyro
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Ciyid
(Ciyid-da)
Cida xoolaha oo kale samayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ciyid
m.f.dh eeg ci'².
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ciyid
vl. n. crying (of animals)
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
ciyid
-da: (n) the act of making a wail or cry, especially by animals; growl (growl)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ciyid
-da: (magac, dhedig, keli) ci'da riyaha samayn; codka xayawaanka oo kale samayn; ciyis.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
ciyid
de: crying (of animals)
lx: ciyid
pd: (-da)
ps: vn1-f, vn2a-m
key: ciyid
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
creed
/kriidh/ (n) caqiido, iimaan.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
creed
n., (faith) aamin, -ki, aaminaad, -di; (rule of faith) qaynuunka aaminaadda; the Apostles' Creed, qaynuunka rasuulyada.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Deyid
(Deyid-da)
Dhugasho gaaban oo degdeg ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
deyid
m.f.dh eeg day. la-mid: dayid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
deyid
-da: (magac, dhedig, keli) eeg deyd.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
eeyad
m.dh la-mid: eey².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
eeyad
-da: (magac, dhedig, keli) eyda kooda dhedig.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
feydo
feydo¹: m.dh la-mid: faa'iido.
feydo²: f.g3 (-ytay, -ydatay) Qayb jirka ka mid ah maro ka qaadid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
feydo
f.g3 (-ytay, -ydatay) Qayb jirka ka mid ah maro ka qaadid. m.f.dh, feydasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
feydo
v. strip, show (off) part of one's body