ceenad
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ceenad
-da: (magac, dhedig, keli) jaad ama noo waxyaabo kale la bah ah.
ceenad -ka: (magac, lab, keli) qof hodan ah oo hanti badan haysta. Caasha waxa guursaday nin ceenad ah. Li: caydh
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Ceemad
(Ceemad-da)
Kiish joonyadda u eg oo wax lagu gurto.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ceemad
m.dh (-do, m.l) Harag sida jawaanka loo tolay oo lagu gurto badarka, alaabta iyo wixi lamida.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ceemad
f. n. sack, bag
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ceemad
-ka: (magac, lab, keli) kiish joonyadda u eg oo wax lagu gurto.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
ceemad
de: sack, bag
lx: ceemad
pd: (-da)
ps: n1-f
key: ceemad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Feenad
(Feenad-ka)
Feenasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
feenad
m.l la-mid: feenasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
feenad
-ka: (magac, lab, keli) lafaha cadka yar ee ku hadha ilkaha ku cunid. Dh: xagasho, feenasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jacfeersi
-ga: (magac, lab, keli) yuurur seeddhawrideed ah. Carunkaa jacfeersiga wacdiyo ceenadkaa dhalay e.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
beenaad
-ka: (magac, lab, keli) ahaad been, run ha noqonin. War beenaadka ila dhaaf.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
heensad
m.l la-mid: heensasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
heensad
-ka: (magac, lab, keli) caano iyo wixii la mid ah, laasad. Dh: dhammaysad, heensasho.
heensad -ka: (magac, lab, keli) heen gurad; heensasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Jeensad
(Jeensad-ka)
Jeensasho; (ama jeedsasho, jeesad).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jeensad
m.l la-mid: jeesasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jeensad
-ka: (magac, lab, keli) dhinac kale, daymoo. Dh: jeesad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
keensad
m.l la-mid: keensasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
keensad
-ka: (magac, lab, keli) alaab ama wax kale meel kale ka soo qaadasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ceed
m.l la-mid: cayd.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
céna
s.f. - casho.
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Ceeja
Choke
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ee'ad
-ka: (magac, lab, keli) ci'da riyaha iyo dhawaqooga kolka ay xanuunsanayaan ama wax tabanayaan. Dh: qalaad, cabaad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
eerad
-ka: (magac, lab, keli) miciinsasho qof aad bidayso in uu dhib wax kaala qaban karo; naf kula baxsasho. Qofkaan eeradka ugu tegay waan ku hungoobay. Dh: eersasho, aalasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
eexad
-ka: (magac, lab, keli) garsoorka ku gadoobfalid; xaqa ula kac uga baydhid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
eeyad
m.dh la-mid: eey².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
eeyad
-da: (magac, dhedig, keli) eyda kooda dhedig.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
beegad
-ka: (magac, lab, keli) wax inta uu dhanyahay ogaanshihiisa; wax cabbirad. Beegadka waad u madaxbannaantahay miiso bariiska. Dh: cabbirad, miisad, qiyaasad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
beesad
m.dh (-do, m.l) Lacag bir ah oo ka mid ah sarrifka rubbiyadda oo u dhiganta toban senti.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
beesad
-da: (magac, dhedig, keli) lacag hore ee Reer Cummaan lahaayeen oo maar ka samaysnayd. Waxay caan ku ahaan jirtey qaybo Soomaaliya ka mid ah sida Gobolka Banaadir. Dh: beeso, sunuud.
beesad -da: (magac, dhedig, keli) wax qiimahoodu aad u jaban yahay; wax rakhiis ah. Dh: caanteen, kuur.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
caanad
m.dh (-ddo, m.dh) Lacag ka mid ah sarrifka rubbiyada oo qiimaheedu yahay toban senti.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
caanad
f. n. ten cents
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caanad
-da: (magac, dhedig, keli) lacag u dhiganta toban senti. Dh: gambo, kumi.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
caanad
bw: lacag, shilin {N}
de: ten cents
lx: caanad
pd: (-da)
ps: n1-f
syn: kumi, gambo
key: caanad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Caynad
(Caynad-da)
Jaad; namuuno; (ama cayn).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
caynad
m.dh la-mid: cayn².
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
caynad
f. n. type, kind, sort, variety; form, way, manner
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
caynad
-da: (n) [ Pl. caynado - caynadaha] kind (kaayndh)', type (taayp) ~ nooc, jaad, cayn, namuun
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caynad
-da: (magac, dhedig, keli) jaad; namuun; cayn.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
caynad
de: type, kind, sort, variety; form, way, manner
lx: caynad
pd: (-da Pl: cayncayn)
ps: n1-f, n8-f
key: caynad
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ceebay
(fal) xuuman aan qofku lahayn ku sheeg. Dh: canbaaray; fadeexadee;.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ceedan
f.mg4 (-dnaa, -dnayd) la-mid: caydan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ceedan
(tilmaame) baahi weyn wax u qaba; caydan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Ceesid
(Ceesid-da)
Xurmayn; weyneyn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ceesid
m.f.dh eeg cees.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ceesid
-da: (magac, dhedig, keli) (ka ~) ka xishood; ka sarriigasho. Dh: xurmayn, weyneyn.
ceesid -da: (magac, dhedig, keli) (ka ~) cid kaa itaal nagan, u tudhid; u naxariisasho. ceesitaan -ka: (magac, lab, keli) eeg ceesid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ceshad
m.l la-mid: ceshasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ceshad
-ka: (magac, lab, keli) dib u caabbi ama wax aad lahayd oo aad dib ula soo wareegto.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
deebad
m.l 1. Ugaarsade aan herinta ku jirin ee keligii ugaarta. 2. Shimbir-malab; buli. 3. Shimbir yar oo qaylo badan oo keli keli dhirta gaagaaban dhex orda, bahallada iyo dugaaggana dadka uga diga.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Deegad
(Deegad-da)
Qolalka aqalka, kan cidda ka wada dhexeeya oo laysugu wada yimaado; bersed.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
deegad
m.dh (-do, m.l) Bersad.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
deegad
f. n. sitting room, parlor, salon
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
deegad
-da: (magac, dhedig, keli) qolka fadhiga ee kuraasida iyo fadhiyada la dhigo. Deegadda ayaan telefishanka ku daawannaa. Dh: saaloon, bersad, fadhi.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
deegad
de: sitting room, parlor, salon
lx: deegad
pd: (-da)
ps: n1-f
syn: bersed
key: deegad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Deexad
(Deexad-ka)
Deexasho
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
deexad
m.l la-mid: deexasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
deexad
vl. n. talkativeness
deexad [feminine] n. valley
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
deexad
-da: (magac, dhedig, keli) dhul xeebeed bannaan oo badda u dhow. Dh: deex.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
feerad
m.l la-mid: feerasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
feerad
-ka: (magac, lab, keli) shanlaynta timaha. Dh: feedhad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Heelad
(Heelad-ka)
Guriga ama ceelka, kd., meesha ay ku fadhiyaan dhulka yar oo ku wareegsan; fagaag; sabo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
heelad
m.l (-dyo, m.dh) 1. Sabo. 2. Buur dhaadhaceed oo gabbaad laga dhigto. 3. la-mid: heelasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
heelad
m. n. surrounding area, immediate environment
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
heelad
-da: (magac, dhedig, keli) farsamo dheeri ah. Dh: xeelad.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
heelad
de: surrounding area, immediate environment
lx: heelad
pd: (-ka)
ps: n2a-m
syn: cedhib ~ cirib
key: heelad
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
heemad
-ka: (magac, lab, keli) sida haadka soo hoobad.
heemad -ka: (magac, lab, keli) «u~> u xagaldaacid; u hamrad; u heemasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jeefad
m.l la-mid: jeefag.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jeefad
-ka: (magac, lab, keli) jaad ka mid ah socodka fardaha.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jeenan
m.l Cabbitaan la siiyo qof aad u xanuunsan oo aan cunto qaadan karin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jeesad
m.l la-mid: jeensasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Keenid
(Keenid-da)
1. Meel durugsan wax ka soo qaadid oo meesha kolkaas la joogo soo dhigid, soo joojin, soo taagid.
2. Wax aan hor u jirin abuurid, curin, hindisid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
keenid
m.f.dh eeg keen³. la-mid: keenis.
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Keenid
Imports
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
keenid
vl. n. supply (of essential services)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
keenid
-da: (magac, dhedig, keli) meel durugsan wax ka soo qaadid oo meesha kolkaas la joogo soo dhigid; soo joojin.
keenid -da: (magac, dhedig, keli) wax aan horay u jirin abuurid. Dh: curin, hindisid.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
keenid
de: supply (of essential services)
lx: keenid
pd: (-da)
ps: vn1-f
key: keenid
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Leexad
(Leexad-ka)
Leexasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
leexad
m.l la-mid: leexasho.
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Leexad
Deflection
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
leexad
vl. n. act of turning ~ curving; curve, turn (in a road)
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
leexad
-ka: (n) the act of turning; turn (teen), curve (keerv). Ex: leexad khatar ah; a dangerous curve
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
leexad
-ka: (magac, lab, keli) dhinac u weecad. Dh: baydhid.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
leexad
a: leexasho (/da) [vn6-f]
de: act of turning ~ curving; curve, turn (in a road)
lx: leexad
pd: (-ka)
ps: vn2-m
key: leexad
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
leexad
تَحول
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Seexad
(Seexad-ka)
Seexasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
seexad
m.l la-mid: seexasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
seexad
vl. n. act of sleeping
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Seexad
Dormire
Sleep
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
seexad
-ka: (magac, lab, keli) hurdo raadsad. Seexad buu u baahan yahay. Dh: jiifsad.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
seexad
a: seexasho (/da) [vn-f]
de: act of sleeping
initial: s
lx: seexad
pd: (-ka)
ps: vn-m
key: seexad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Weecad
(Weecad-ka)
Weecasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
weecad
m.l la-mid: weecasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
weecad
-ka: (magac, lab, keli) meel loo yar badho oo halka kolkaa la joogo aan ka fogayn.
weecad -ka: (magac, lab, keli) dhan u weecasho: meesha dawgu ka baydho. Weecad ayaa inaga horreeyee gaadhiga aayar wad. Dh: goolad, leexad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
weehad
-ka: (magac, lab, keli) haad, dayuurad iyo wixii la mid ah, hawada dhexdeeda ku meeraalaysi oo ku wareegid. Weehadka diyaaradda dhawaan ayaa laga warhelay: Dh: weehasho.
weehad -ka: (magac, lab, keli) lulmasho uu wax hawada sare lulmado awood la'aan. Kolkii labada taayir u furmi waayeen diyaaraddu laba saacadood ayay weehad ku jirtay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xeebad
m.l la-mid: xeebasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xeebad
-ka: (magac, lab, keli) cid si naxariis ah ugu tudhid. Dh: ceesid, tudhid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xeelad
(Xeelad-da)
Aqoon gaar ah oo waaya'aragnimo ka timid oo hawlaha iyo waxqabashada lagu farsameeyo oo lagu fududeeyo; tab; khatal; xirrib; sir; (ama xeel, xeelo).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xeelad
m.dh la-mid: xeel.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
xeelad
m.dh la-mid: xeel.
Qaamuuska Ereybixinta: Barbaarinta Jirka (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1984]
Xeelad
tactics