ceelkaggeeye
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Ceelkaggeeye
(Ceelkaggeeya-ha)
(xilli) Canbaar.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ceelkaggeeye
m.l 1. Xilli gu' ah oo roob xoog badan leh da'a. 2. Roob xoog badan oo bartamaha guga da'a.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ceelkaggeeye
m. n. brand; natural identifying mark; season
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
ceelkaggeeye
-ceelkaggeeyaha: (n) heavy rain with thundercloud
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
ceelkaggeeye
de: brand; natural identifying mark; [ext.] season
lx: ceelkaggeeye
pd: (/ha)
ps: n7-m
key: ceelkaggeeye
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ceelkageeye
-ha: (magac, lab, keli) xilli gu'ga ka mid ah oo uu roob weyni da'o; roob aad u weyn oo dhul badan gaadha daaqna bixiya. ceelshub -ka: (magac, lab, keli) ceel guntiisa, biyo ka soo lalin oo kor u soo tuuris.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Canbaar
1. (Canbaar-ka) Xilli roob iyo dabayl leh; Ceelkaggeeye.
2. (Canbaar-ta) Cudur haragga ku dhaca oo cuncun badan oo sida gaashi koobaaban u ballaarta.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ceelgeeye
m.l Muruq weyn oo cududda geela labada dhinac uga jira.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
geelrugeeye
m.l la-mid: geeldhugeeye.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Geeldhugeeye
(Geeldhugeeya-ha)
Nafley yar oo qallajista u eg oo hadba midab isu yeesha; roor; jirjirroole.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
geeldhugeeye
m.l Xamaarato yar oo qallajista le'eg oo hadba midab isu yeesha; jirjirroole. la-mid: geelrugeeye, geel-ururugleeye.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
geeldhugeeye
m.l Xamaarato yar oo qallajista le'eg oo hadba midab isu yeesha; jirjirroole. la-mid: geelrugeeye, geel-ururugleeye.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
geeldhugeeye
m. n. chameleon
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
geeldhugeeye
-ha: (magac, lab, keli) jaad ka mid ah xammaaratada ka mid ah oo hadba halka ay joogto isu ekaysiisa oo geela xanuunka dhugatada u keena. Dh: jirjirroole, maskaxgeelkalabax.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
geeldhugeeye
de: chameleon
lx: geeldhugeeye
pd: (/ha)
ps: n7-m
key: geeldhugeeye
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Kalageeye
magac loo baxsho wiil kolkii uu dhashay dad wada jiray ay kala tageen, ama dhib taallay ay dhammaatay.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
geelkadheera
-ha: (magac, lab, keli) geedmidhood la jaad ah gomoshka kase dheer oo ay midhihiisa dad iyo duunyaba cunaan.