ceelaljoog
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ceelaljoog
m.dh 1. Rag xoolaha ceelka u jooga oo waraabiya. 2. Nooc shimbiraha ka mid ah oo badanaa aan laga ag waayin meelaha biyaha leh.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ceelaljoog
-ta: (magac, dhedig, keli) jaad shinbiraha ka mid ah oo aan laga waayin ceelasha dushooda. Dh: ceeljoog.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ceeljoog
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg ceelaljoog.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hunburuq
(Hunburuq-da)
Shinbir yar; qoolley; ceelaljoog; adar; curcurri.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qoolley
(Qoolley-da)
Shinbiro jaadad badan ah oo kuwa u caansani surka daliig yar oo madow oo qool la moodo ku lee yihiin; ceelaljoog; hunburuq; adar; curcurri.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Ceelalyo
(Ceelalya-da)
Qofka ama dadka xoolaha aroorka ah, ceelka uga soo hormara.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ceelalyo
m.dh.u Qofka ama dadka xoolaha aroor ah uga sii hora mara ceelka si uu ugu diyaariyo kaalin iyo biyo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ceelalyo
f. n. person ~ people who are first in line at a well in order to water the livestock
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ceelalyo
-da: (magac, dhedig, keli) markaa xoolaha la arooriyo, cidda ka sii horraysa ee ceelka sii tagta. Ceelalyada hore, ciidan adag iyo, cid ma ku lahayd.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
ceelalyo
de: person ~ people who are first in line at a well in order to water the livestock
lx: ceelalyo
pd: (/da)
ps: n6-f
key: ceelalyo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cidlajoog
m.dh.u Nafley la rabbaysna.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
cidlajoog
m.dh.u Nafley la rabbaysna.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
cidlajoog
m. n., [compound] domestic animal
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
cidlajoog
de: domestic animal = cid + la + joog
lx: cidlajoog
pd: (-ta)
ps: n2a-m-cmp
key: cidlajoog
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
cila'joog
-ga / ta: (n) 1. loner (loo-ner); solitary 2. wild animal ~ cidla'joog
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
heetajoog
-ga: (magac, lab, keli) qof, bahal iyo wixii la mid ah oo meel dhudhub ah jooga oo wax ku dila ama ku dhaca.
heetajoog -ga: (magac, lab, keli) barwaaqo biyo iyo baadba la hayo. Xiliga heetajjooga ciirtaan qubnaa. Dh: barwaaqo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xeebajoog
-ga: (magac, lab, keli) cidda xeebta iyo inta u dhaw degta. Dh: xeebjoog, xeebojoog.
xeebajoog -ta: (magac, dhedig, keli) shimbir badda ku nool oo berigana u soo baxda oo inta badan caddaan ah. Dh: ceelaljoogjoog.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cidla'joog
m.dh.u Ugaar. la-mid: duurjoog (1).
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
cidla'joog
f. n. wild animals, animals that live alone in the jungle
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cidla'joog
-ta: (magacwadareed) dad ama xoolo aan dadka la joogine bannaanka u baxa.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
cidla'joog
de: wild animals, animals that live alone in the jungle
lx: cidla'joog
pd: (-ta)
ps: n2a-f, n7-f
syn: banjoog, duurjoog
key: cidla'joog
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xeerlajoog
-ga: (magac, lab, keli) garyaqaan xeer'ilaaliye ah oo gardarrada la dagaallama. Xeerlajoog ahaw ama xoololajoog. Dh: xeerilaaliye.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
baaljoog
m. n., [compound] winger (in football)
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
baaljoog
de: winger (in football)
lx: baaljoog
pd: (-ga)
ps: n2-m-cmp
key: baaljoog
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
calaloob
inch. v. get worn out, wear out (of clothes)
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
calaloob
de: get worn out, wear out (of clothes)
lx: calaloob
pd: (calaloobay)
ps: v1=inch
key: calaloob
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
golajoog
m.l 1. Haybad iyo muuqaal qurxoon oo qof leeyahay. 2. Goobjoog. 3. Qof waayaaragnimo dheeraad u leh sida garta loo qaado.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
golajoog
m.l 1. Haybad iyo muuqaal qurxoon oo qof leeyahay. 2. Goobjoog. 3. Qof waaya-aragnimo dheeraad u leh sida garta loo qaado.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
golajoog
-ga: (magac, lab, keli) qof dhegeysi badan oo sheekooyinka iyo xigmadaha odayada golaha fadhiista ururiya. Rag waa geedjoog ama golajoog.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
heelloon
f.mg4 (-naa, -nayd) la-mid: heellan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
heelloon
der. [adjective] obedient, obeying someone
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
heelloon
(tilmaame) mid in uu wax qabto u diyaar ah. Dh: heellan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
heelloon
a: heellan
de: obedient, obeying s.o.
lx: heelloon
pd: (heelloonaa)
ps: adj-der
key: heelloon
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
islajoog
m.dh Lax irmaan oo daaqsinta aan laga reebin ilmaha.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tuulajoog
-ga: (magac, lab, keli) ruuxa ku nool magaalo yar, ee aan docna u dhaafin. Dh: badaw.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xeebojoog
-ga: (magac, lab, keli) eeg xeebajoog.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dabaaljoog
(Dabaaljoog-ga)
Biyaha dhexdooda istaag, iyadoo aan cagaha dhulka lagu hayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dabaaljoog
m.l Nooc dabaasha ka mid ah oo qofka dabaalanaya la moodo inuu taaganyahay. la-mid: dabaajoogle, dabaaljoogto, dabbaaljoog.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dabaaljoog
v., [compound] tread water
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dabaaljoog
-ta: (magac, dhedig, keli) dabbaal aan la socon dhulkana la taabanayn oo biyah la iska dul sabbeeyo iyadoo la moodo inuu qofku dhulka ku joogo. Dh: dabbaaljoog.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dabaaljoog
de: tread water
lx: dabaaljoog
pd: (dabaaljoogay)
ps: v1=cmp
key: dabaaljoog
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dabbaaljoog
m.l la-mid: dabaaljoog.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dabbaaljoog
-ga: (magac, lab, keli) iyada oo cagaha aan dhulka lagu hayn, biyaha dhex joogsad. Dh: dabbaaljoogto.
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
DEELAB-DOOY
(Delab-doi) S Strychnos spinosa Lam. Loganiaceae.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Seeflabbood
(Seeflabbood-ka)
Karti wax lagu hubsado oo lagu sugo la'aan; kaadsiinyo la'aan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
seeflabbood
m.l 1. Karti wax lagu hubsado oo lagu sugo la'aan; kadsiinyo la'aan. 2. S. ah: qof samir daran oo aan wax hubsan.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
seeflabbood
m.l 1. Karti wax lagu hubsado oo lagu sugo la'aan; kadsiinyo la'aan. 2. S. ah: qof samir daran oo aan wax hubsan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
seeflabbood
m. n. (adj.): impetuous person; impatient
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
seeflabbood
-ka: (n) sharp temper; hot blood; violent person.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
seeflabbood
-ka: (magac, lab, keli) qof fudud oo isaga oon wax hubsanin fal gaysta, qof aan kaadsiinyo lahayn, qof aan dulqaad lahayn.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
seeflabbood
de: impetuous person; [atr.] impatient
initial: s
lx: seeflabbood
pd: (-ka)
ps: n2a-m
key: seeflabbood
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xoololajoog
-ga: (magac, lab, keli) qof xoolaha iyo danta guud ilaaliya. Dh: xoolajir. Li: xeerlajoog.