ceel-qus
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
CEEL-QUS
(Elkus) N Plumbago zeylanica L. Plumbaginaceae.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qusur
-ka: (magac, lab, keli) biyo gundheer leh. Ceel qusur ah ayaan galay oo aan ku qarraqmi gaadhay. Dh: mool, now.
qusur -ka: (magac, lab, keli) meel oodan ama cidhiidhi ah. Dh: cidhiidhi.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
celsius
/selsiyas/ (n) sentigreydh (halbbeega kulka ee calaamaddiisu tahay c). e.g. ten degrees Celsius; C.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali (Maay) - Maxamed Xaaji Mukhtaar, Cumar Macalin Axmed [2007]
celsius
/selsiyas/ (n) way ly mid eta 'centigrade' sentigreyd (kaluulky wal lyky beeghaw amy ibbiraw summuddisny ety 'C').
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ceelduur
-ka: (magac, lab, keli) xoolo ceelkii u qooljeexay oo aaday goor habeennimo ah oo aan war laga hayn. Dh: ceelhoomay.
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
GEED-QUUD
(Ged-gud) May, S Kirkia tenuifolia Engl. Simaroubaceae.