ceejin
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Ceejin
(Ceejin-ta)
Ceego ku qabasho; cunaqabatayn; miijin; siririn; (ama ciijin).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ceejin
m.f.dh eeg ceeji. la-mid: ciijin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ceejin
-ta: (magac, dhedig, keli) si xoog ah u buuxin. Dh: miijin, buuxis, ceejis. Li: faaruqin.
ceejin -ta: (magac, dhedig, keli) ceejo ku qabasho. Dh: siririn, cunaqabatayn.
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
ceejin
خنق
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ceeji
f.g2 (-iyay, -isay) Nafley neefta ku celin. la-mid: ciiji, ciiqee (2).
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
ceeji
f.g2 (-iyay, -isay) Nafley neefta ku celin. m.f.dh, ceejin. la-mid: ciiji, ciiqee (2).
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ceeji
v. choke, stifle, strangle
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
ceeji
-yey / say: (n) strangle (straang-gal); choke (jowk); suffocate (so-fi-keeyt); throttle (tharootel) ~ marjin
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ceeji
(fal) cunaha qabo oo bakhtii.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
ceeji
de: choke, stifle, strangle
lx: ceeji
pd: (ceejiyey)
ps: v2a=
syn: miiji
key: ceeji
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Beejin
(Beejin-ta)
Dhis ama wax kale oo quruxdooda la muujiyo, oo la soo bandhigo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
beejin
m.f.dh eeg beeji.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
beejin
vl. n. craft fair, display, exhibition, exhibit
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
beejin
-ta: (magac, dhedig, keli) xoolo dad leeyihiin xoog ku qaadasho. Dh: boojin.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
beejin
de: craft fair, display, exhibition, exhibit
lx: beejin
pd: (-ta)
ps: vn1-f
syn: carwo, macrad
key: beejin
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ceejis
-ka: (magac, lab, keli) eeg ceejin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ceerin
f.mg4 (-rnaa, -rnayd) Wax ceeriin ah ahaansho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
ceerin
f.mg4 (-rnaa, -rnayd) Wax ceeriin ah ahaansho. m.f.dh, ceernaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ceerin
der. [adjective] unripe; raw; crude
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ceerin
-ka: (magac, lab, keli) eeg caydhiin.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
ceerin
de: unripe; raw; crude
lx: ceerin
pd: (ceerinaa)
ps: adj-der
see: ceeriin {C & S}
key: ceerin
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Seejin
(Seejin-ta)
Gefsiin, dhaafsiin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
seejin
m.f.dh eeg seeji. la-mid: seejis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
seejin
-ta: (magac, dhedig, keli) qof wuxuu heli lahaa gefsiin, dhaafsiin, waasiin.
seejin -ta: (magac, dhedig, keli) haleel waasiin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Cunaqabasho
(Cunaqabasha-da)
Cunaha ku dhegid; ceejin; miijin; mirjin; cunaqabatayn; siririn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Miijin
(Miijin-ta)
Ceejin; cunaqabatayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Siririn
(Siririn-ta)
Ceejin; cunaqabatayn; miijin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
buquuji
f.g2 (-iyay, -isay) Ceejin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cunaqabo
f.mg3 (-btay, -batay) 1. Nafley cunaha ka qabasho; ceejin. 2. la-mid: cunaqabatee.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhuunqabo
f.g3 (-btay, -batay) 1. Nafley ceejin. 2. Cid cunaqabatayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
siriri
f.g2 (-iyay, -isay) 1. Cid suuxin. 2. Cid ceejin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
suuji
f.g2 (-iyay, -isay) Cid ceejin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dhuunqabo
f.g3 (-btay, -batay) 1. Nafley ceejin. 2. Cid cunaqabatayn. m.f.dh, dhuunqabasho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
suuji
f.g2 (-iyay, -isay) Cid ceejin. m.f.dh, suujin. suul¹: m.l (-lal, m.l) Farta weyn ee sacabka ama cagta ku taal.
suul²: f.mg1 (-uulay, -uushay) Wax dhammaasho. m.f.dh, suulid.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
strangle
/straangal/ (v) ceejin (marjin), la ceejiyo.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
throttle
/throtal/ (v) ceejin (cunaha ku dhagid).
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
strangolare
v.tr. - ceejin, miijin.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
strozzare
v.tr. - ceejin.
Qaamuus-Yare Ingiriis-Jiiddu-Soomaali - Saalim Caliyow Ibro [1998]
strangle (v)
merjisaal
ceejin
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cunaqabasho
-da: (magac, dhedig, keli) cunaha ku dhegid. Dh: ceejin, miijin, mirjin, siririn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
merjin
-ta: (magac, dhedig, keli) aad u buquujin oo nakhaska ku dhejin. Dh: buquujin, ceejin, merjis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ceedhin
-ka: (magac, lab, keli) wax aan bislayn. Dh: qeedhin, ceerin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Ceeriin
(Ceeriin-ka)
Aan la bislayn; qayriin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ceeriin
m.l Miro, hilib iyo wixi lamida oo aan bislaan. la-mid: cayriin, qayriin, qeeriin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
ceeriin
m.l Miro, hilib iyo wixi lamida oo aan bislaan. la-mid: cayriin, qayriin, qeeriin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ceeriin
[adjective] or m. n. raw, crude, uncooked food
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
ceeriin
-ah: (adj) raw (roo); uncooked (an-kuukt); crude (kuruudh) ~ ceyriin, qayriin, ceedhiin, ceyriin, cayriin. Ex: hilib ceeriin ah; raw meat. Alaabta ceeriin; the raw materials.
ceeriin -ka: (n) rawness
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ceeriin
-ka: (magac, lab, keli) eeg caydhiin.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
ceeriin
de: raw, crude, uncooked food
lx: ceeriin
pd: (-ka)
ps: adj-m / n2-m
xe: crude oil
xv: ceedhiin ~ ceerin {C & S}
key: ceeriin
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dedejin
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg dadajin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
beeji
f.g2 (-iyay, -isay) Wax quruxdooda muujin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
beeji
f.g2 (-iyay, -isay) Wax quruxdooda muujin. m.f.dh, beejin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
beeji
v. exhibit, display something for its beauty
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
beeji
(fal) qaraabada ama gacalka u gargaar; garab iyo gacan sii. Wax bishaaro hela waa ninkuu beejay gacalkiiye.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
beeji
de: exhibit, display s.t. for its beauty
lx: beeji
pd: (beejiyey)
ps: v2a=
syn: bandhig
key: beeji
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bejin
m.dh la-mid: bojin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bejin
-ta: (magac, dhedig, keli) ka cabsiin oo si uu u baqdo samayn. Dibigu dibiga ha iska celiyee bejinta ka daa. Dh: bajin.
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Ceeja
Choke
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ceejo
m.dh la-mid: ceego.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
ceejo
m.dh la-mid: ceego.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ceejo
vl. n. choking, strangulation
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
ceejo
-ceejada: (n) ~ stranglehold (straangal hold); the act of choking ~ ceego-da, marjis-ka
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
ceejo
a: ceego
de: choking, strangulation
lx: ceejo
pd: (/da)
ps: vn6-f
key: ceejo
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ceeri
-ga: (magac, lab, keli) buuxidda ay xareeddu meel walba jiifto. Dh: ceegaag.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Celin
(Celin-ta)
Gadaal u wadid; dib u laabid; joojin; hakin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
celin
m.f.dh eeg celi. la-mid: celis.
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Celin
Restituzione
Restitution
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
celin
-ta: (magac, dhedig, keli) gadaal u wadid; dib u laabid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dejin
(Dejin-ta)
1. Wax kor joogey ama saarraa, hoos geyn.
2. (bad) doon ama markab burburin, burburin baddu la cunto oo haabadki lala waayo.
3. (suugaan) curin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dejin
m.f.dh eeg deji. la-mid: dejis.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dejin
vl. n. accomodation, act of settling, placement, bringing down; landing
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dejin
-ta: (magac, dhedig, keli) marka wax meel sare yaalla la keenayo hoos.
dejin: -ta: (magac, dhedig, keli) cid cadhootay xasilin.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dejin
de: accomodation, act of settling, placement, bringing down; landing
lx: dejin
pd: (-ta)
ps: vn-f
key: dejin
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Eexin
(Eexin-ta)
Samafal gaar ah (qof u) falid; u turid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
eexin
m.f.dh eeg eexi. la-mid: eexis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
eexin
-ta: (magac, dhedig, keli) tudhaal gaar ah qof ama cid u samayn. Dh: tudhid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
seeji
lg2 (-iyay, -isay) Cid wax gefsiin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
seeji
f.lg2 (-iyay, -isay) Cid wax gefsiin. m.f.dh, seejin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
seeji
v. cause to miss, make someone lose (out on)
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
seeji
-yey -say: (v) make someone miss a chance; miss an opportunity ~ gafi
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
seeji
(fal) haleel waa'sii. Seeji fursadda nacaska. Dh: gefsii.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
seeji
de: cause to miss, make s.o. lose (out on)
initial: s
lx: seeji
pd: (seejiyey)
ps: v2b=tr
key: seeji
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xejin
-ta: (magac, dhedig, keli) hayn oo faaraha ku xajin. Dh: hayn, xajin.
xejin-ta: (magac, dhedig, keli) xigsiin oo xaggiisa marin. Dh: xejis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
beecin
m.dh la-mid: biicin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
beecin
-ta: (magac, dhedig, keli) wax iibin; wax gadid. Anu beecin kama shaqeeyo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Beenin
(Beenin-ta)
Been ka dhigid; rumayn la'aan; asaraarid; beenayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
beenin
m.f.dh eeg beeni. la-mid: beenayn.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
beenin
-ta: (n) rebuttal (ribatel); the act of refuting; disaffirmation
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
beenin
-ta: (magac, dhedig, keli) war lagaa hor sheegay xogtisa shaacid oo wax aan jirin ka soo qaadid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
beerin
m.f.dh eeg beeri.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Caajin
(Caajin-ta)
1. Baahi ama rabitin ama jacayl wax loo qabey, wax deeqa siin; dhergin.
2. Celin, joojin, hakin, qabasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
caajin
m.f.dh eeg caaji.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caajin
-ta: (magac, dhedig, keli) Baahi ama rabitaan jacayl wax loo qabey, wax lagaga kaaftoomo siin. Dh: dhergin, haqabtirid.
caajin -ta: (magac, dhedig, keli) celin; joojin; hakin; qabasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ceedan
f.mg4 (-dnaa, -dnayd) la-mid: caydan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ceedan
(tilmaame) baahi weyn wax u qaba; caydan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Ceesid
(Ceesid-da)
Xurmayn; weyneyn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ceesid
m.f.dh eeg cees.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ceesid
-da: (magac, dhedig, keli) (ka ~) ka xishood; ka sarriigasho. Dh: xurmayn, weyneyn.
ceesid -da: (magac, dhedig, keli) (ka ~) cid kaa itaal nagan, u tudhid; u naxariisasho. ceesitaan -ka: (magac, lab, keli) eeg ceesid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Ceyrin
(Ceyrin-ta)
Eryid; fogeyn; buubin; cagaajin; cirdayn; burin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ceyrin
m.f.dh eeg cayri. la-mid: cayris.