ceeja
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Ceeja
Choke
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ceeji
f.g2 (-iyay, -isay) Nafley neefta ku celin. la-mid: ciiji, ciiqee (2).
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
ceeji
f.g2 (-iyay, -isay) Nafley neefta ku celin. m.f.dh, ceejin. la-mid: ciiji, ciiqee (2).
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ceeji
v. choke, stifle, strangle
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
ceeji
-yey / say: (n) strangle (straang-gal); choke (jowk); suffocate (so-fi-keeyt); throttle (tharootel) ~ marjin
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ceeji
(fal) cunaha qabo oo bakhtii.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
ceeji
de: choke, stifle, strangle
lx: ceeji
pd: (ceejiyey)
ps: v2a=
syn: miiji
key: ceeji
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ceejo
m.dh la-mid: ceego.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
ceejo
m.dh la-mid: ceego.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ceejo
vl. n. choking, strangulation
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
ceejo
-ceejada: (n) ~ stranglehold (straangal hold); the act of choking ~ ceego-da, marjis-ka
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
ceejo
a: ceego
de: choking, strangulation
lx: ceejo
pd: (/da)
ps: vn6-f
key: ceejo
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Choke
Ceeja
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ceebay
(fal) xuuman aan qofku lahayn ku sheeg. Dh: canbaaray; fadeexadee;.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ceedan
f.mg4 (-dnaa, -dnayd) la-mid: caydan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ceedan
(tilmaame) baahi weyn wax u qaba; caydan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Ceejin
(Ceejin-ta)
Ceego ku qabasho; cunaqabatayn; miijin; siririn; (ama ciijin).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ceejin
m.f.dh eeg ceeji. la-mid: ciijin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ceejin
-ta: (magac, dhedig, keli) si xoog ah u buuxin. Dh: miijin, buuxis, ceejis. Li: faaruqin.
ceejin -ta: (magac, dhedig, keli) ceejo ku qabasho. Dh: siririn, cunaqabatayn.
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
ceejin
خنق
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ceejis
-ka: (magac, lab, keli) eeg ceejin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Ceemad
(Ceemad-da)
Kiish joonyadda u eg oo wax lagu gurto.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ceemad
m.dh (-do, m.l) Harag sida jawaanka loo tolay oo lagu gurto badarka, alaabta iyo wixi lamida.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
ceemad
m.dh (-do, m.l) Harag sida jawaanka loo tolay oo lagu gurto badarka, alaabta iyo wixi lamida.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ceemad
f. n. sack, bag
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ceemad
-ka: (magac, lab, keli) kiish joonyadda u eg oo wax lagu gurto.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
ceemad
de: sack, bag
lx: ceemad
pd: (-da)
ps: n1-f
key: ceemad
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ceenad
-da: (magac, dhedig, keli) jaad ama noo waxyaabo kale la bah ah.
ceenad -ka: (magac, lab, keli) qof hodan ah oo hanti badan haysta. Caasha waxa guursaday nin ceenad ah. Li: caydh
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Ceeb
(Ceeb-ta)
Wax laga xishoodo; iin foolxun; ceebaal; xil.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ceeb
m.dh Sharaf darro ka timaada fal ama hadal anshaxdarro ah oo qof ku kaco. la-mid: ceebaal.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
ceeb
m.dh Sharaf darro ka timaada fal ama hadal anshaxdarro ah oo qof ku kaco. la-mid: ceebaal.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ceeb
f. n., [abstract] shame, disgrace
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
ceeb
-ta: (n) shame (sheeym); embarrassment (em-baares-ment); disgrace (dis-gareeys) ~ fuxshi
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Ceeb
Vergogna
Shame
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ceeb
-ta: (magac, dhedig, keli) wax kaste oo bulshada dhexdeeda, dhaqan ahaan reebban oo la naco. Dh: ceebaal.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
ceeb
de: shame, disgrace
lx: ceeb
pd: (-ta Pl: ceebab (ka))
ps: n1-f, n4-f-abs
xe: Telling a lie is a shame.
xv: Arabic
key: ceeb
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ceed
m.l la-mid: cayd.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ceeg
(fal) «ka ~» wax, ka go' oo iska daa. Dh: caag.
ceeg: (tilmaame) biyo wadhan oo meel walba buuxa.
ceeg-ga: (magac, lab, keli) sida kuusha oo kale, wax carruurta loo taxo, oo luqunta loogu xidho. Dh: cunoqabad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Ceel
(Ceel-ka)
God la qoday oo hoos u dheer oo wareegsan oo laga helo biyo ama saliid ama dhuxul ama wax kale.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ceel
ceel¹: m.l (-lal, m.l) God la qoday oo hoos u dheer oo laga helo biyo iyo wixi lamida.
ceel²: m.l (-lal, m.l) (jooloji) Il-biyood dhulka hoostiisa ah oo lagu helay riig oo laga qoday oogada dhulka ilaa oogada biyaha hoose, biyahaa waxa markaa loo soo saaraa ama loo soo afuufaa oogada dhulka. Haddii ceel ka hoos maro oogada biyaha hoose xilliga qoyaanka, oo aanu aad hoos uga dhicin oogada biyaha hoose ee joogtada ah, wuxuu biyo yeelanayaa xilliga qoyaanka, haddii uu gaaro oogada biyaha hoose ee joogtada ah, dabadeed weligii biyo ayuu yeelanayaa.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
ceel
ceel¹: m.l (-lal, m.l) God la qoday oo hoos u dheer oo laga helo biyo iyo wixi lamida.
ceel²: m.l (-lal, m.l) (jool.) Il-biyood dhulka hoostiisa ah oo lagu helay riig oo laga qoday oogada dhulka ilaa oogada biyaha hoose, biyahaa waxa markaa loo soo saaraa ama loo soo afuufaa oogada dhulka. Haddii ceel ka hoos maro oogada biyaha hoose xilliga qoyaanka, oo aanu aad hoos uga dhicin oogada biyaha hoose ee joogtada ah, wuxuu biyo yeelanayaa xilliga qoyaanka, haddii uu gaaro oogada biyaha hoose ee joogtada ah, dabadeed weligii biyo ayuu yeelanayaa.
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Ceel
Well
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ceel
m. n. well; fuel dump
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
ceel
-ka: (n) [Pl. ceelal-ceelasha] well (weel); watering place
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Ceel
Pozzo
Well
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ceel
-ka: (magac, lab, keli) dhulka oo hoos loo qodo oo isha biyaha laga gaadho; god dheer oo hoos loo qodo, si looga soo saaro biyo, shidal, macdan ama wax kale.
ceel: (eraydhawaaq) dameeraha biyaha loogu yeedho. 'Ceel' dheh dameeraha, biyaha ha u soo weecdaane.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
ceel
de: well; [ext.] fuel dump
lx: ceel
pd: (-ka Pl: ceelal (ka))
ps: n4-m
key: ceel
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
ceel
بنر
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cees
f.mg1 (-say, -stay) Ka c.: qof xurmayn, weynayn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
cees
v. respect, honor
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cees
(fal) «ka » xishood aad u badan iyo dulqaad. muuji. Ma ceese, waa la cayriyaa; ma cabsadena waa la dilaa.
cees: (fal) «u» cid kaa yar ama kaa itaal naqan, u naxariiso; u tudh.
cees -ka: (magac, lab, keli) xishood iyo sarriigasho; xurmo iyo weynayn.
cees -ka: (magac, lab, keli) «u ~» cid itaal naqan ama carruur ah, u tudhid ama u naxariisasho.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
cees
a: cis ~ cisee
de: respect, honor
lx: cees
pd: (ceesay)
ps: v1=
syn: xurmee
key: cees
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
cela
cela, pron.den. - Kaas; kan
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
céna
s.f. - casho.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
céra
s.f. - shumac.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
déjà
déjà, adv. - durbaba; markiiba
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
-eeda
de: her
lx: -eeda
ps: pro-det-3f
xe: her name
xv: =-keeda
key: -eeda
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
beeba
m.l Ciyaar lagu jidboodo oo laga yaqaan degaanka webiyada, gaar ahaan magaaloxeebeedyada koonfureed (Xamar, Marka iyo Kismaayo).
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
beeba
m.l Ciyaar lagu jidboodo oo laga yaqaan degaanka webiyada, gaar ahaan magaalo-xeebeedyada koonfureed (Xamar, Marka iyo Kismaayo).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
beeji
f.g2 (-iyay, -isay) Wax quruxdooda muujin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
beeji
f.g2 (-iyay, -isay) Wax quruxdooda muujin. m.f.dh, beejin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
beeji
v. exhibit, display something for its beauty
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
beeji
(fal) qaraabada ama gacalka u gargaar; garab iyo gacan sii. Wax bishaaro hela waa ninkuu beejay gacalkiiye.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
beeji
de: exhibit, display s.t. for its beauty
lx: beeji
pd: (beejiyey)
ps: v2a=
syn: bandhig
key: beeji
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Beejo
(Beeja-da)
Buuryo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
beejo
m.dh la-mid: buuryo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
beejo
f. n. foreskin, prepuce
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
beejo
-beejada: (n) foreskin (fooriskiin); prepuce (piripiyuus) ~ buuryo, balag
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
beejo
-da: (magac, dhedig, keli) xubinta taranka ee ragga haragga ku yaalla afkiisa oo lagama maarmaan ay tahay goynintiisu. Dh: baaro, buuryo, balag, hanjaf.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
beejo
de: foreskin, prepuce
lx: beejo
pd: (/da)
ps: n6-f
syn: buuryo
key: beejo
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
beeta
(saxarad) elektaroonno ku socda xawaare sare oo badadka birlabta iyo danabku ay xoog u leexin karaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Ceego
(Ceega-da)
(qof) hunguriga, si xoog leh ugu dhegid, si neeftu uga soo bixi weydo oo uu u dhinto ama ku dhowaado; cunaqabato; miijis; mirjis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ceego
m.dh Si xoog leh oo nafley cunaha looga qabto si neeftu ugu joogsato; miijis. la-mid: ceejo, ciiq, ciiqo¹ (2).
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
ceego
m.dh Si xoog leh oo nafley cunaha looga qabto si neeftu ugu joogsato; miijis. la-mid: ceejo, ciiq, ciiqo¹: (2).
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ceego
vl. n. choking, strangulation
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
ceego
-ceegada: (n) stranglehold (straangal hold) ; the act of choking ~ ceejo-da, marjin
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ceego
-da: (magac, dhedig, keli) hunguri qabasho oo neefta ku dhejin. Dh: miijis, mirjis, ceejo.
ceego -da: (magac, dhedig, keli) qarbid iyo wax la mid ah, miijin oo aad u buuxin.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
ceego
a: ceejo
de: choking, strangulation
lx: ceego
pd: (/da)
ps: vn6-f
key: ceego
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ceeqo
m.dh Godob¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ceeri
-ga: (magac, lab, keli) buuxidda ay xareeddu meel walba jiifto. Dh: ceegaag.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ceesh
ceesh¹: m.l Cuntada la cuno; quud. la-mid: caysh¹.
ceesh²: f.mg1 (-shay, -shtay) Nafley noolaansho. la-mid: caysh².
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
ceesh
ceesh¹: m.l Cuntada la cuno; quud. la-mid: caysh.
ceesh²: f.mg1 (-shay, -shtay) Nafley noolaansho. m.f.dh, ceeshid. la-mid: caysh.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ceesh
m. n. daily bread; food, bread
ceesh v. live, survive
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
ceesh
-ka: (n) 1. middle east style flat bread; pita bread (pii-ta bareedh); pocket bread ~ caysh, muufo. 2. food (fuud) ~ anfaco, cunno
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ceesh
(fal) si fiican u noolow. Haddaannaan galbeed idinka xigin, gu'na ma ceeshteene. Dh: barwaaqow.
ceesh-ka: (magac, lab, keli) cuntada inta la calaliyo. Dh: cunto, dheef, cunto, cunno, cayshad, caysh.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
cèlla
s.f. - xabsi.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
césta
s.f. - dambiil weyn, maroogsin.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
crèma
s.f. labeen, kreemo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
Deeqa
pr. n., [feminine] Deka
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Deeqa
name-f donation; gift; offer; grant; generosity. Syn: Deeq, Deeqsan
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
deeqa
-y / deeqday: (adj) adequate (a-dik-wit); sufficient (sa-fi-shant) ~ ku filan. Ex: sahaydu way deeqdaa; the supplies are adequate
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Deeqa
magac loo baxsho gabadh waaliddada qurux iyo qaayo ba ku deeqday oo qancisay.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
Deeqa
cf: deeq
de: Deka
lx: Deeqa
ps: name-f
key: Deeqa
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
heega
-da: (magac, dhedig, keli) xagga ama halka sare. Dh: samo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Keeda
Kan iyadu leedahay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
keeda
keeda¹: mu.lh.l (kuweeda, w) Magacuyaal lahaansho oo dhaddig, oo tilmaamaya wax isagu (qofka saddexaad ee kelida ah ee dhaddig) ay leedahay. Tus.”keedu wuxuu ka muuqdaa halkaas”.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
keeda
keeda¹: mu.lh.l (kuweeda, w) Magacuyaal lahaansho oo dhaddig, oo tilmaamaya wax isagu (qofka saddexaad ee kelida ah ee dhaddig) ay leedahay. Tusaale: Keedu wuxuu ka muuqdaa halkaas.
keeda²: (-keeda) dk.lh.l Dibkabe lahaansho oo tilmaamaya wax isagu (qofka saddexaad ee kelida ah ee dheddig) ay leedahay. la-mid: keed.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
keeda
(magacuyaal) lahaansho oo dhedig oo tilmaamaya wax qofka saddexaad ee kelida ah ee dhedig ay leedahay. Wa: kuweeda.
keeda: (dibkabe) lahaansho oo tilmaamaya wax qofka saddexaad ee kelida ah ee dhedig ay leedahay. Dh: keed.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
leejo
-da: (magac, dhedig, keli) lacag baad ah oo cid xaqdarro lagaga qaado. Xamar leejada taalla, ninkii aan ka xanaaqin, xaasid baan u aqaan. Dh: baad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Meeqa
Meeqa?
Inma? Intee? Immisa?