cd
Qaamuus Ingiriis-Soomaali (Maay) - Maxamed Xaaji Mukhtaar, Cumar Macalin Axmed [2007]
CD
/sii-dii/ (n) harfy laha ku gaabiyi compact disc oo eh ajal mug wiing.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
abaaldhac
abaaldhac¹: m.l Samo la isu galay oo wixii uu mudnaa aan lagu gudin. la-mid: abaaldhicid.
abaaldhac²: f.mg1 (-cay, -cday; -dhici) Ka a.: samo la isu galay wixii uu mudnaa ku gudid la'aan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
addeec
addeec¹: m.l la-mid: addeecid.
addeec²: f.g1 (-cay, -cday) Cid amar la faray qaadasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
anfac
anfac¹: m.l 1. Waxtarka cuntadu jirka u leedahay; dheef; nafaqo. 2. Anfaco: cunto. 3. la-mid: anficid.
anfac²: f.g1 (-cay, -cday; -fici) Cid faa'iido u yeelasho (wax).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baadisooc
baadisooc¹: m.l Sumad u gaar ah qof oo xoolihiisa ku astaysto.
baadisooc²: f.mg1 (-cay, -cday) Ka b.: qof, baadi xoolo ku jirta ka aqoonsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baayac
baayac¹: m.l la-mid: baayacid.
baayac²: f.g1 (-cay, -cday; -yici) Wax ganacsi u yaal qiimahooda weyddin; gorgorin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baayaco
f.g3 (-cday, -atay) la-mid: baayoco.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bahardaac
bahardaac¹: m.l Fadhi kala daadsanaan leh oo aan la rabin in dhaqso meel looga kaco.
bahardaac²: f.mg1 (-cay, -cday) Si kala daadsanaan leh muddo badan meel u fariisasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bakhtiggowrac
bakhtiggowrac¹: m.l la-mid: baqtiggowrac¹.
bakhtiggowrac²: f.g1 (-cay, -cday) la-mid: baqtiggowrac².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baqtiggowrac
baqtiggowrac¹: m.l Colaad aad u xumaata oo inta xeerka wanaagsan oo dagaalka laga gudbo, dadka nool daaye, kuwa dhinta la foolxumeeyo (gowrac, addimo ka goyn iyo wixi lamida); baqtiwareen. la-mid: bakhtiggowrac¹.
baqtiggowrac²: f.mg1 (-cay, -cday; -rici) Baqtigowrac ku kicid. la-mid: bakhtiggowrac².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
barakac
barakac¹: m.l la-mid: barakicid.
barakac²: f.mg1 (-cay, -cday; -kici) Colaad, faqrinnimo iyo wixi lamida awgeed meel uga guurid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
barbardhac
barbardhac¹: m.l 1. la-mid: barbartan 1. B. ah: labo qof, koox ka badan oo tartan ku kala badin waayey. 2. la-mid: barbardhicid.
barbardhac²: f.mg1 (-cay, -cday; -dhici) Labo qof, koox ama ka badan tartan ku kala badin waayid. la-mid: barbarradhac².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
barbarradhac
barbarradhac¹: m.l la-mid: barbardhicid.
barbarradhac²: f.g1 (-cay, -cday) la-mid: barbardhac².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
barkadhac
barkadhac¹: m.l Muruq dadka luqunta ka gala marka barkinta si xun u barkadaan. la-mid: barkindhac¹.
barkadhac²: f.mg1 (-cay, -cday; -dhici) Barkin si xun ugu seexasho. la-mid: barkindhac².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
barkindhac
barkindhac¹: m.l la-mid: barkadhac¹.
barkindhac²: f.mg1 (-cay, -cday) la-mid: barkadhac².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
biyadhac
biyadhac¹: m.l 1. la-mid: biyadhaceen. (-cyo, m.dh) Qar sare oo biyaha qulqulaya ay ka daataan. 2. (-cyo, m.dh) Meel godan oo biyo qabatin leh oo qar, buur iyo wixi lamida ku hoos taalla. 3. (-cyo, m.dh) Go'aan; duluc; murti. 4. la-mid: biyadhicid.
biyadhac²: f.mg1 (-cay, -cday; -dhici) Xoolo meel biyo leh ka harqasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
buco
f.mg3 (-cday, -catay) Badar la dubay xamur noqosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
butaac
f.mg1 (-cay, -cday) 1. Dareere meel uu ku jiray hal mar si xoog leh uga soo daadasho. 2. biyo fataahid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
caac
f.mg1 (-cay, -cday) Nafley, roob badan dhaxan leh ku qarqarid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daabac
daabac¹: m.l 1. Duub dun ah oo maryaha lagu xardho. 2. Dhar dun lagu xardhay. 3. (-cyo, m.dh) Meesha ay iska galaan daabka iyo birta toorreyda. 4. la-mid: daabicid.
daabac²: f.g1 (-cay, -cday; -bici) 1. Xarar ku qurxin dhar iyadoo la adeegsanayo dun midabyo leh ama rinjii. 2. Qoraallo madbacadayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daac
daac¹: m.dh Qabatoon; macaluul; diihaal.
daac²: f.g/mg1 (-cay, -cday) 1. (f.g) Neef caloosha ka timaadda oo dhawaaq leh, afka ka sii deyn. 2. (f.mg) Nafley caatoobid. la-mid: daaco².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Cad
1. Midab ka koobma toddobada midab, oo ifka qorraxda, wadajirkooda; midabka caanaha iyo barafka.
2. (Cad-ka) a) Wax weyn go'i; gabal; xoogaa; in yar. b) Hilib.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cad
cad¹: m.l 1. Midabka caanaha, nuuradda iyo wixi lamida ee soo celiya ilayska qorraxda. 2. Wax bayaan ah oo aan shaki ku jirin.
cad²: f.mg4 (-ddaa, -ddayd; -cadcad) 1. Wax cad ahaansho. 2. Wax bayaan ah oo aan shaki ku jirin ahaansho. 3. Waa ka caddahay: waa liitaa.
cąd: m.l (-dad, m.l) 1. Gabal hilib ah. 2. C. ah: in maro, dhul, xaashi iyo wixi lamida ah. 3. C. ah: qof gaboobay oo aan waxba qaban karin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
cad
cad¹: m.l 1. Midabka caanaha, nuuradda iyo wixi lamida ee soo celiya ilayska qorraxda. 2. Wax bayaan ah oo aan shaki ku jirin.
cad²: f.mg4 (-ddaa, -ddayd; -cadcad) 1. Wax cad ahaansho. 2. Wax bayaan ah oo aan shaki ku jirin ahaansho. 3. Waa ka caddahay: waa liitaa. m.f.dh, caddaan².
cąd: m.l (-dad, m.l) 1. Gabal hilib ah. 2. C. ah: in maro, dhul, xaashi iyo wixi lamida ah. 3. C. ah: qof gaboobay oo aan waxba qaban karin.
Qaamuuska Ereybixinta: Barbaarinta Jirka (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1984]
cad
clear
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
cad
[adjective] white; clear; intelligible (of speech)
cad m. n. part, piece, portion, share
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
cad
-ka: (n) [Pl. cadad-ka] piece (piis); portion (poor-shin) ~ gabal.
cad cad: 1. piece by piece. 2. having white spots
cad -caddaa / caddayd: (adj) white (waayt). Ex:timo sidii baraf u cad; hair as white as snow
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Cad
Pezzo; bianco
Piece; white
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cad
-ka: (magac, lab, keli) qayb yar oo hilib ah; gabal yar oo hilib ah. Cad ma cunin ayaamahan. Dh: hilib.
cad -ka: (magac, lab, keli) in yar oo wax weyn ka go'day; gabal; gobol; xoogaa; walax.
cad: (tilmaame) wax leh midabka caanaha ama barafka. Cali gaadhi cad buu soo iibsaday.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Cid
(Cid-da)
Dad meel wada deggan; dad xiriir ka dhexeeyo; degmo; qolo; reer.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cid
cid¹: m.dh (-do, m.l) 1. Koox dad ah oo meel ku wada nool. 2. Qof ama wax ka badan. Tusaale: “Maanta c. ma arag”. 3. Qaraabo; reer.
cid²: f.g1 (-day, -dday) 1. Cid biyo ku hafin. 2. Sanduuq, weel iyo wixi lamida oo buuxa, wax dheeraad ah ku ciriirin si uu u qaado.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
cid
cid¹: m.dh (-do, m.l) 1. Koox dad ah oo meel ku wada nool. 2. Qof ama wax ka badan. Tusaale: Maanta c. ma arag. 3. Qaraabo; reer.
cid²: f.g1 (-day, -dday) 1. Cid biyo ku hafin. 2. Sanduuq, weel iyo wixi lamida oo buuxa, wax dheeraad ah ku ciriirin si uu u qaado. m.f.dh, cidid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
cid
f. n. family, clan; community, people
cid pron., f: someone, somebody, whoever
cid v. stuff, fill with something; push someone ~ something under water; press
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
cid
-da: (n) 1. people (pii-pol); persons (peer-sonis) ~ dad. Ex: cid qalaad; a strange people. 2. family (faamali) ~ reer. Ex: ciddii ma u tagtay? do you visit the family? 3. clan (kalaan); tribe (taraayb) Ex: ciddee tahay? which tribe do you belong to? —cid walba: (pronoun) everybody; every person; everyone
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cid
-da: (magac, dhedig, keli) abtirsiga qof ama wax kale oo ka soo jeeda qolo, degaan iyo wixii la mid ah. Markuu coomirkii faallo galay, cid iyo sheegsheega. Dh: qolo, reer, degmo.
cid -da: (magac, dhedig, keli) qof ama dad gaar ah oo aan magacawnayn. Cid kasta oo aqalka Abuu Sufyaan gashaa, way badbaadday.
cid -da: (magac, dhedig, keli) xoolaha nool, inta adhiga loo yaqaan. Wan baa cid aan garanayn iga raacay maanta. Dh: adhi.
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
cid
قبيلة
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Cod
(Cod-ka)
Dhawaaq afka ka soo baxa, siiba kolka la hadlayo ama la heesayo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cod
cod¹: m.l (-dad, m.l) 1. Dhawaaq afka ka soo baxa marka la hadlayo, ama la heesayo, ama la qaylinayo iyo wixi lamida. 2. Diidmo ama oggolaansho laga dhiibto doorasho.
cod²: m.l (-dad, m.l) (naxwe) Maayad hawo, neefsi aan ahayn oo soo dhex jibaaxda seedcodeedyada kana soo baxda moqorrada hadalka midkood.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
cod
cod¹: m.l (-dad, m.l) 1. Dhawaaq afka ka soo baxa marka la hadlayo, ama la heesayo, ama la qaylinayo iyo wixi lamida. 2. Diidmo ama oggolaansho laga dhiibto doorasho.
cod²: m.l (-dad, m.l) (naxwe) Maayad hawo, neefsi aan ahayn oo soo dhex jibaaxda seedcodeedyada kana soo baxda moqorrada hadalka midkood.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
cod
m. n. voice, accent; sound, musical note; vote
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
cod
-ka: (n) sound (sawndh); voice (vooys) ~ dhawaaq; jabaq
cod -ka: (n) vote (vowt) Ex: codka dadka madoow; the Black vote
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Cod
Voce; voto
Voice; vote
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cod
-ka: (magac, lab, keli) dhawaqa ka soo baxa laabta dadka oo sameeya hadalkooda, qof walbana gaar loogu garto, Codkaaga ayaan gartay markaad aqalka soo gashayba.
cod -ka: (magac, lab, keli) (~ dhiibasho) xaqa muwaadin kaste u leeyahay in la doorto iyo in uu cid kale doorto.
cod -ka: (magac, dhedig, keli) luuqda qurxoon ee la dhadhansado ee wehelisa kolka gabay, hees iyo wixii la mid ah lagu qaadayo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
cod
de: voice, accent; sound, musical note; [ext.] vote
lx: cod
pd: (-ka Pl: codad (ka))
ps: n4-m, n2a-m
key: cod
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
cod
صوت
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
cod
n., (husk) qolof, -ti, jilif, -ti.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
cud
n., (of ruminants) calalnaqsi, -gi, calyacelis, -ki.