caynsane
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
caynsane
m.l (-nayaal, m.l/dh) Bayd faal oo madaxa iyo manjaha min laba ka ah, labada hogood oo dhexda ahna min hal.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Caynsan
1. La caymiyey.
2. Cayn ku xiran yahay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
caynsan
f.mg4 (-naa, -nayd) 1. Wax caymiska ka diiwaan gashan ahaansho (hanti). 2. Wax cayn lagu xiray ahaansho (rati). 3. Wax dhibaato laga samatabixiyey ahaansho (hanti).
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
caynsan
der. [adjective] saved
caynsan [derived] [adjective] tied with a rope (of a camel)
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
caynsan
-aa / ayd: (adj) insured (in-shuuridh)', covered with insurance. Ex: baabuur caynsan; insured car
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caynsan
(tilmaame) rati raran oo bogga cayn kaga giigsan yahay.
caynsan: (tilmaame) wax caymis ku jira.
caynsan: (tilmaame) mid badbaaday oo aan loo cabsi qabin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caynsani
-da: (magac, dhedig, keli) caymis ku jirid.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
caynsan_1
de: saved
hm: 1
lx: caynsan
ps: adj-der
key: caynsan_1
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
caynsan_2
de: tied with a rope (of a camel)
hm: 2
lx: caynsan
ps: adj-der
key: caynsan_2
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
caansan
der. [adjective] famous; popular; notorious
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
caansan
de: famous; popular; notorious
lx: caansan
pd: (caansanaa)
ps: adj-der
key: caansan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Caynaan
(Caynaan-ka)
Labada suun oo muquufka xakamaha labada dhinac kaga kala xiran, oo faraska lagu duwdumo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
caynaan
m.l.u Suun xakamaha labadiisa dhinac ku xiran oo gammaanka lagu dudduwo laguna joojiyo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
caynaan
m.l.u Suun xakamaha labadiisa dhinac ku xiran oo gammaanka lagu dudduwo laguna joojiyo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
caynaan
m. n. reins (on a horse)
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
caynaan
-ka: (n) rein (reeyn); reins ~ xakame
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Caynaan
magaca loo baxsho wiil laga filayo inuu noqdo taliye iyo hoggaamiye ummadeed.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caynaan
-ka: (magac, lab, keli) labada xadhig ee muquufka xakamaha labada dhinac kaga kala xidhan oo faraska lagu duduwo. Dh: waftog.
Ereybixinta Qalabka Farsamada Gacanta - Maxamuud Iimaan Aadan [1975]
Caynaan
Loox ama bir afar-gees ah oo labo dhaban u ballaaran ee toox le'eg tan miisaanka tamaashada oo toobiyaysa qiyaasidda tamaashada.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
caynaan
de: reins (on a horse)
lx: caynaan
pd: (-ka)
ps: n2-m
key: caynaan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
caynaani
f.g2 (-iyay, -isay) Cid caymo siin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
caynaani
v. save, rescue ~ help someone; lead
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caynaani
(fal) cid kale, hoggaami oo caynaanka u hay.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
caynaani
de: save, rescue ~ help s.o.; [ext.] lead
lx: caynaani
pd: (caynaaniyey)
ps: v2a=tr
key: caynaani
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Caynaano
(Caynaana-da)
Caymo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
caynaano
m.dh la-mid: caymo¹.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
caynaano
f. n., [abstract] remainder; safety, security
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
caynaano
-caynaanada: (n) remnant, leavings, remains, remainder, rest or balance of goods saved after an event having fatal or ruinous results ~ caymo
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caynaano
-da: (magac, dhedig, keli) eeg caymo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
caynaano
a: caymo
de: remainder; safety, security
lx: caynaano
pd: (/da)
ps: n0-f-abs
key: caynaano
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
caynaanshe
m.l (-shayaal, m.l/dh) Caymiye.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
caynaanshe
m. n. rescuer, savior; leader
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Caynaanshe
name-m rescuer, savior; leader
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
caynaanshe
(n) lifesaver (laayf-seyver)-, rescuer (res-kiyuuer) ~ badbaabshe. —Syn: preserver, savior, deliverer, leader
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Caynaanshe
magac wiil, eeg Caynaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caynaanshe
-ha: (magac, lab, keli) qof ummad u taliya. Dh: hoggaamiye.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
caynaanshe
de: rescuer, savior; [fig.] leader
lx: caynaanshe
pd: (/ha)
ps: n7-m
key: caynaanshe
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Caynsanaan
(Caynsanaan-ta)
Wax caynsan ahaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
caynsanaan
m.f.dh eeg caynsan. la-mid: caynsanaansho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
caynsanaan
f. n., [abstract] state of being tied (of a camel)
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
caynsanaan
-ta: (n) the state of being insured
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caynsanaan
-ta: (magac, dhedig, keli) wax caymis ku jira ahaan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
caynsanaan
de: state of being tied (of a camel)
lx: caynsanaan
pd: (-ta)
ps: n2-f-abs
key: caynsanaan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
caynaanin
m.f.dh eeg caynaani.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
caynsasho
m.f.dh eeg caynso.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caynsasho
-da: (magac, dhedig, keli) cayn xirasho caynso: (fal) muur, caynka ku xidho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
rafcaansane
m.l (-nayaal, m.l/dh) Qofka go'aanku u dhaco ee rafcaanka laga qaato.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
rafcaansane
m.l (-nayaal, m.l/dh) Qofka go'aanku u dhaco ee rafcaanka laga qaato.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
aynan
vl. pron., neg. we [incl.] ... not
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
aynan
(v) [; 'gative with ma] we ... not. Ex ma aynan arag; we didn't see. 1a aynan maqal; we didn't hear
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
aynan
de: we [incl] ... not = aynu + aan
lx: aynan
ps: vpro + neg
key: aynan
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
canne
canne, n.f. - Ul; Bakoorad.
canne à sucre - Qasabka sonkorta laga sameeyo,
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
banane
banane, n.f. - Muus (khudrad).
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
cabane
cabane, n.f. - Dargad; Cariish.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Cabsan
1. Wax cabbey; cukan.
2. Sakhraansan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cabsan
f.mg4 (-naa, -nayd) Wax sakhraamay ahaansho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
cabsan
f.mg4 (-naa, -nayd) Wax sakhraamay ahaansho. m.f.dh, cabsanaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
cabsan
der. [adjective] drunk, intoxicated
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
cabsan
-aa ayd: (adj) drunken (darang-ken); drunk (darank); intoxicated sarkhaansan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cabsan
(tilmaame) qod sakhraansan; qof cabbay maandooriye.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
cabsan
cf: khamri, sakhraan
de: drunk, intoxicated
lx: cabsan
ps: adj-der
key: cabsan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Canaan
(Canaan-ta)
Hadal kulul oo lagu yiraahdo qof wax ba'shey ama wixii la faray diidey ama isku-laday; xaarxaaro.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
canaan
m.dh Hadal kulul oo loo jeediyo qof wax ba'shay.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
canaan
m.dh Hadal kulul oo loo jeediyo qof wax ba'shay.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
canaan
f. n. reprimand, scolding, abuse; bad language
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
canaan
-ta: (n) admonishment (adh-moosh-ment); reproof (ri-puruuf)', reprimand (rep-ra-mend); censure (shen-shar); criticism (kiriti-siizim)
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
CANAAN
Rimprovero
Reprimand
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Canaan
Rimprovero
Reprimand
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
canaan
-ta: (magac, dhedig, keli) cid kale, si kulul ula hadlid ama la diririd.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
canaan
de: reprimand, scolding, abuse; bad language
lx: canaan
pd: (-ta)
ps: n1-f
key: canaan
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
canale
s.m. - keli, biyomareen.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
canano
-da: (magac, dhedig, keli) maro yar oo idaha naasaha lagaga maro si maqasha looga gudhiyo.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
canapé
canapé, n.m. - Kursi fadhi oo dheer ee dhowr qofi ku fariisan karto.
Qaamuuska Ereybixinta: Bayoolaji (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Canine
Mici
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
canine
/keynayn/ (n) ey ah; ey la xirlira.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali (Maay) - Maxamed Xaaji Mukhtaar, Cumar Macalin Axmed [2007]
canine
/keynayn/ (adj) eey eh amy eey la hariiry.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
canine
canine, n.f, - Fool; Ilkaha dadka; foolasha.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
cànone
s.m. - xeer (kiro).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
caydan
f.mg4 (-dnaa, -dnayd) Qof, baahi weyn alaab maacuun u qaba ahaansho. la-mid: ceedan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
caydan
der. [adjective] be in a desperate need of help (usually while working)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caydan
(tilmaame) baahi weyn hawl u qaba.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
caydan
de: be in a desperate need of help (usually while working)
lx: caydan
pd: (caydnaa)
ps: adj-der
key: caydan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Caynab
(Caynab-ka)
Faras madow.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
caynab
m.l.kh C. ah: midab madow oo farduhu yeeshaan.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
caynab
m.l.kh C. ah: midab madow oo farduhu yeeshaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
caynab
m. n. black horse
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Caynab
name-m black. Cf: Caynabo
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caynab
-ka: (magac, lab, keli) midabka madow ee fardaha.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
caynab
de: black horse
lx: caynab
pd: (-ka)
ps: n2-m
key: caynab
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Caynad
(Caynad-da)
Jaad; namuuno; (ama cayn).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
caynad
m.dh la-mid: cayn².
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
caynad
f. n. type, kind, sort, variety; form, way, manner
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
caynad
-da: (n) [ Pl. caynado - caynadaha] kind (kaayndh)', type (taayp) ~ nooc, jaad, cayn, namuun
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caynad
-da: (magac, dhedig, keli) jaad; namuun; cayn.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
caynad
de: type, kind, sort, variety; form, way, manner
lx: caynad
pd: (-da Pl: cayncayn)
ps: n1-f, n8-f
key: caynad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
caynso
f.g3 (-saday, -satay) 1. Hanti, caymis ka diiwaan gashasho. 2. Rati, cayn ku xirasho. 3. Hanti, dhibaato ka badbaadsasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
caynso
v. save for oneself
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
caynso
de: save for oneself
lx: caynso
pd: (caynsaday)
ps: v3a=tr
key: caynso
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
caytan
caytan¹: m.l Isdhaafsashada cay laba qof ama ka badan isdhaafsadaan. la-mid: caytamid.
caytan²: f.mg1 (-amay, -antay; -ami) Laba qof ama ka bdan cay isdhaafsasho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
caytan
f.mg1 (-amay, -antay; -ami) Laba qof ama ka bdan cay isdhaafsasho. m.f.dh, caytamid.