caynadeeysan
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
caynadeeysan
der. [adjective] colored
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
caynadeeysan
de: colored
lx: caynadeeysan
ps: adj-der
key: caynadeeysan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
haybadeysan
f.mg4 (-snaa, -snayd) Qof laga habadayso.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
lacnadeysan
f.mg4 (-naa, -nayd) la-mid: nacaladeysan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
lacnadeysan
der. [adjective] cursed, damned, made unclean
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
lacnadeysan
(tilmaame) mid lacanad ku dhacday. Dh: nacladan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
lacnadeysan
de: cursed, damned, made unclean
lx: lacnadeysan
pd: (lacnadeysnaa)
ps: adj-der
key: lacnadeysan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caanadeys
-ka: (magac, lab, keli) ilmo caanihii uu jaqi jiray laga gudhiyey. Wiilku haddeed caanadeys buu noqday.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
caddeysan
der. [adjective] white, clean
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
caddeysan
de: white, clean
lx: caddeysan
ps: adj-der
see: caddaysan
key: caddeysan
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
cadheysan
der. [adjective] angry
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
cadheysan
-cadheysnaa / cadheysnayd: (adj) angry (ang-geri) ~ caraysan, xanaaqsan. —Syn: furious, indignant, irate, ireful, mad, wrathful
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
cadheysan
a: careysan ~ caraysan
de: angry
lx: cadheysan
ps: adj-der
key: cadheysan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ąaladeysan
f.mg4 (-snaa, -snayd) 1. Wax la qalabeeyay ahaansho. 2. Wax la qurxiyay ahaansho. 3. Wax la hubeeyay ahaansho (ciidan).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aaladeysan
(tilmaame) mid qalab millateri iyo awood leh.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
aaradeysan
f.mg4 (-snaa, -snayd) Wax aarad loo yeelay ahaansho (maro, daah iyo wixi lamida).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aaradeysan
(tilmaame) maro liid midabaysan cidhifkeeda lagu qurxiyay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cadadaysan
f.mg4 (-naa, -nayd) la-mid: cadcadaysan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fayadaysan
f.mg4 (-naa, -nayd) Wax fay qaba ahaansho (xoolo ama dad).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qandheysan
f.mg4 (-snaa, -snayd) Nafley ay qandho hayso ahaansho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qandheysan
der. [adjective] feverish, sick with ~ having a fever; ill, indisposed
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qandheysan
(tilmaame) xummad iyo xanuun aan badnayn qaba ah. Aabbo oo yar qandhaysan ayaan siyaartay. Dh: tacabsan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qandheysan
de: feverish, sick with ~ having a fever; ill, indisposed
lx: qandheysan
pd: (qandheysnaa)
ps: adj-der
key: qandheysan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cadcadaysan
f.mg4 (-snaa, -snayd) Wax la cadcadeeyey ahaansho. la-mid: cadadaysan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cirbadeysan
f.mg4 (-snaa, -snayd) la-mid: irbadeysan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dawladeysan
(tilmaame) waddan dawlad leh oo nidaamkii iyo maamulkii wada gaaray.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
haybadeysad
m.l la-mid: haybadeysasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
haybadeysad
-ka: (magac, lab, keli) haybad ka qaadasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
lacanadeysan
f.mg4 (-naa, -nayd) la-mid: nacaladeysan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
lacanadeysan
(tilmaame) mid lacanad ku dhacday: nacladan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
haybadeysnaan
m.f.dh eeg habadeysan. la-mid: habadeysnaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
haybadeysnaan
-ta: (magac, dhedig, keli) qof haybad leh ahaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
lacnadeysnaan
m.dh la-mid: nacaladeysnaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
lacnadeysnaan
-ta: (magac, dhedig, keli) wax lacanad ku dhacday ahaan. Dh: nacladnaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
nacalladeysan
f.mg4 (-naa, -nayd) la-mid: nacaladeysan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
addeecsan
f.mg4 (-naa, -nayd) Wax amar la siiyey addeecay ahaansho (qof).
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
addeecsan
f.mg4 (-naa, -nayd) Wax amar la siiyey addeecay ahaansho (qof). m.f.dh, addeecsanaan.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
addeecsan
-aa: (adj) compliant (kom-palaayant)-, obedient (o biidi yant) ~ oggol, muddiic
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
addeecsan
(tilmaame) qof hoggaansan; qof wax loo diray aqbalsan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bannaysan
(tilmaame) meel bannaan oo aan waxba oollin. Jid bannaysan buu tuuggu soo maray.
bannaysan: (tilmaame) ah meel bannaan. Jidku waa idiin bannaysan yahay.
bannaysan: (tilmaame) weel aan waxba ku jirin; weel faaruq ah. Dh: madhan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baydadsan
(tilmaame) wax didsan. Awr baydadsan kaaga laguma xiriiriyo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Caadaysad
(Caadaysad-ka)
Caado ka dhigad; caado u noqod; (ama caadeysad).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
caadaysad
m.l la-mid: caadaysasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caadaysad
-ka: (magac, lab, keli) caado ka dhigad; joogtaysadka wax aad hore u fali jirin. Caadaysad bay kaa noqotay jaadka cunistiisu. Dh: caadaysi, joogtaysad.
caadaysad -ka: (magac, lab, keli) caad yeelashada cirka, indhaha, dhulka, iwm.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
caanateyn
m.l la-mid: caanteen.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caanateyn
-ka: (magac, dhedig, keli) eeg canteen.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caanaysad
-ka: (magac, lab, keli) noole dhedig. caano yeelasho; irmaanaansho.
caanaysad -ka: (magac, lab, keli) cunto, shaah iyo wax la mid ah, caano ku darsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
caataysan
f.mg4 (-snaa, -snayd) 1. Wax caato ah ahaansho. 2. Wax dallan ahaansho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
caataysan
f.mg4 (-snaa, -snayd) 1. Wax caato ah ahaansho. 2. Wax dallan ahaansho. m.f.dh, caataysnaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
caataysan
der. [adjective] thin, slim, emaciated ~ lean; be tired ~ worn out
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
caataysan
-caataysanaa / caataysnayd: (adj) lean or slender in form: thin (thin); slim (islim) skinny (iskini)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caataysan
(tilmaame) aan hilib iyo baruur lahayn. Dh: xayeesi; weyd.
caataysan: (tilmaame) daallan; juucjuucsan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
caataysan
de: thin, slim, emaciated ~ lean; [fig.] be tired ~ worn out
lx: caataysan
pd: (caataysanaa)
ps: adj-der
key: caataysan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Cabbaysan
La cabbeeyey; buuxa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cabbaysan
f.mg4 (-snaa, -snayd) Wax la cabbeeyey ahaansho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
cabbaysan
f.mg4 (-snaa, -snayd) Wax la cabbeeyey ahaansho. m.f.dh, cabbaysnaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
cabbaysan
der. [adjective] loaded, stuffed
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
cabbaysan
-cabbaysnaa /ayd: (adj) loaded with ammunition; loaded (low-dhidh) Ex: qori cabbaysan; a loaded gun
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cabbaysan
(tilmaame) qori iyo wax la mid ah oo la cabbeeyey; qori ridis u diyaarsan.
cabbaysan: (tilmaame) wax mug leh oo buuxsan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
cabbaysan
de: loaded, stuffed
lx: cabbaysan
ps: adj-der
key: cabbaysan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cabeebsan
(tilmaame) mid cabeeb hayo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cadaadsan
f.mg4 (-naa, -nayd) Wax la cadaadiyey ahaansho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
cadaadsan
f.mg4 (-naa, -nayd) Wax la cadaadiyey ahaansho. m.f.dh, cadaadsanaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
cadaadsan
der. [adjective] oppressed, persecuted
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
cadaadsan
(adj) pressurized (pree-sharizid)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cadaadsan
(tilmaame) hoos u cadaadsan; hoos loo riixay.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
cadaadsan
de: oppressed, persecuted
lx: cadaadsan
pd: (cadaadsanaa)
ps: adj-der
key: cadaadsan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cadcadeyn
m.f.dh eeg cadcadee. la-mid: cadadeyn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Caddaysan
La caddeeyey.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
caddaysan
f.mg4 (-snaa, -snayd) 1. Wax la caddeeyey ahaansho. 2. Wax caano lagu daray ahaansho (shaah).
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
caddaysan
f.mg4 (-snaa, -snayd) 1. Wax la caddeeyey ahaansho. 2. Wax caano lagu daray ahaansho (shaah). m.f.dh, caddaysnaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
caddaysan
der. [adjective] white, whitened; clean, clear; explained
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
caddaysan
-caddaysnaa / caddaysnayd: (adj) whitened (waaytenidh)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caddaysan
(tilmaame) awr aan heeryo saarnayn; la caddeeyey.
caddaysan: (tilmaame) shaah iyo wax la mid ah oo caano lagu daray.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
caddaysan
a: caddeysan
de: white, whitened; [ext.] clean, clear; [fig.] explained
lx: caddaysan
pd: (caddaysanaa)
ps: adj-der
key: caddaysan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cadhaysan
(tilmaame) mid cadho qaba; muuqaal sheegaya in qof wejigiisa xanaaq laga dareemayo. Dh: xanaaqsan, dhirifsan, caraysan. Li: faraxsan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
callaysan
(tilmaame) wax is dulsaarsaaran ama rassaysan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Cawraysan
Cawro qaba.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cawraysan
f.mg4 (-snaa, -snayd) 1. Wax masiibo ku dhacay ama la ileystay ahaansho. 2. Wax ceebaysan ahaansho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
cawraysan
f.mg4 (-snaa, -snayd) 1. Wax masiibo ku dhacay ama la ileystay ahaansho. 2. Wax ceebaysan ahaansho. m.f.dh, cawraysnaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
cawraysan
der. [adjective] shamed; indecently exposed
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cawraysan
(tilmaame) mid cawro iyo ceeb qaba.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
cawraysan
cf: cawro
de: shamed; indecently exposed
lx: cawraysan
ps: adj-der
key: cawraysan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cawsaysan
(tilmaame) meel caws lagu goglay.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cayaarsan
(tilmaame) mid cayaartiisu wanaagsan tahay; mid si fiican dheela.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dangeysan
f.mg4 (-snaa, -snayd) Cid hiillo u baahnayd oo garab la siin waayey ahaansho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
gaajeysan
der. [adjective] hungry
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
gaajeysan
a: gaajaysan
de: hungry Opp: dheregsan
lx: gaajeysan
pd: (gaajeysnaa)
ps: adj-der
key: gaajeysan
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
gaajeysan
جائع
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jaynafsan
f.mg1 (-naa, -nayd) Wax jaynaf ku dhacay ahaansho (dibno).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
lacnadeyn
m.dh la-mid: nacaladeyn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
lacnadeyn
-ta: (magac, dhedig, keli) raxmadda iyo khayrka Ilaah ka dheerayn. Dh: lacanadayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maadeysad
m.l la-mid: maadeysasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maadeysad
-ka: (magac, lab, keli) cid ka tooxsasho oo ku qosqoslid. Wilku maadaysadka wuu nacaaye ka aamusa. Dh: maadaysasho, ruwaayadays, maadaysi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maareysan
f.mg4 (-snaa, -snayd) 1. Mushkilad wax la maareeyey ahaansho. 2. Wax daxalaysatay ahaansho (bir).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maareysan
(tilmaame) eeg maaraysan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
macnaysan
(tilmaame) wax la macneeyay oo la sharraxay ah. Dh: fasiran, sharraxan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
madkeysan
f.mg1 (-smay, -santay; -smi) Qoryo, wax la madkeeyey noqosho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
madkeysan
der. [adjective] used as a fire-stick (for lighting a fire)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
madkeysan
(tilmaame) madag lagu dhedhejiyey oo lagu gubay ah. Nin lugta ka madkaysan ayaa dhakhtarka jiifa.