caynabo
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
Caynabo
pr. n., loc. Aynabo [town in north Somalia.]
Caynabo pr. n., [feminine] Aynaba
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Caynabo
name-f black. Cf: Caynab
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Caynab
(Caynab-ka)
Faras madow.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
caynab
m.l.kh C. ah: midab madow oo farduhu yeeshaan.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
caynab
m.l.kh C. ah: midab madow oo farduhu yeeshaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
caynab
m. n. black horse
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Caynab
name-m black. Cf: Caynabo
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caynab
-ka: (magac, lab, keli) midabka madow ee fardaha.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
caynab
de: black horse
lx: caynab
pd: (-ka)
ps: n2-m
key: caynab
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daynabo
m.dh (-ooyin, m.l) (fiisikis) Dhaliye danab oo gaar ahaan loogu talagalay in uu dhaliyo qulqul quman.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
daynabo
m.dh (-ooyin, m.l ) (fiisikis) Dhaliye danab oo gaar ahaan loogu talagalay in uu dhaliyo qulqul quman.
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Daynabo
Dynamo
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Daynabo
name-f dark, black
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Daynabo
magac loo baxsho gabadh madaw ama xilli mugdi ah dhalatay.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daynabo
-da: (magac, dhedig, keli) habdhiska mishiinku ka dhaliyo qulqulka danabka oo ah winiinin iyo weehadsiin duubi gudbiye ah iyo birlabo awood badan oo iyagu dhankooda sameeya bedbirlabeed.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
Caynabo_1
de: Aynabo [town in north Somalia]
hm: 1
lx: Caynabo
ps: n0-loc-f
key: Caynabo_1
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
Caynabo_2
de: Aynaba
hm: 2
lx: Caynabo
ps: name-f
key: Caynabo_2
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Caynaano
(Caynaana-da)
Caymo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
caynaano
m.dh la-mid: caymo¹.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
caynaano
f. n., [abstract] remainder; safety, security
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
caynaano
-caynaanada: (n) remnant, leavings, remains, remainder, rest or balance of goods saved after an event having fatal or ruinous results ~ caymo
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caynaano
-da: (magac, dhedig, keli) eeg caymo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
caynaano
a: caymo
de: remainder; safety, security
lx: caynaano
pd: (/da)
ps: n0-f-abs
key: caynaano
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Aynab
(Aynab-ka)
Wax badan (dad) isku kol dilid, layn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
aynab
aynab¹: m.l Laynta dad badan hal mar la wada laayo.
aynab²: f.g1 (-bay, -btay) Dad badan hal mar wada layn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
aynab
vl. n. slaughter, massacre
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aynab
(fal) dad iyo wixii la mid ah isku kol wada dil. Aaqilo ka yaaboo, ha aynabin adduunyada. Dh: lay, xasuuq.
aynab -ka: (magac, lab, keli) wax badan isku kol wada dilid. Aynabka xayawaanku waa denbi weyn. Dh: laa, lay, xasuuq.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
aynab
de: slaughter, massacre
lx: aynab
pd: (-ka)
ps: vn-m
key: aynab
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Canab
(Canab-ka)
1. Miro yaryar oo kulkulucsan oo dhawr midab (guduud; cagaar,...) leh, oo cuntub cuntub u baxa: sidoodaa lagu cunaa, ama khamraa laga sameeyaa, ama inta la engejiyo baa sabiib laga dhigaa.
2. Geedka mirahaasi ka baxaan; (ama cinab).
3. Kuul mirahaas u eg.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
canab
m.l 1. Geed saaq, dhala miro yaryar, kulkulucsan, caddaan ama guduud ah, cutubcutub u baxa oo sidooda lagu cuno ama khamri laga sameeyo ama inta la qallajiyo sibiib laga dhigo. 2. Miraha geedkaas dhala. 3. C. ah: kuul mirahaas u eg. la-mid: cinab.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
canab
m.l 1. Geed saaq, dhala miro yaryar, kulkulucsan, caddaan ama guduud ah, cutubcutub u baxa oo sidooda lagu cuno ama khamri laga sameeyo ama inta la qallajiyo sibiib laga dhigo. 2. Miraha geedkaas dhala. 3. C. ah: kuul mirahaas u eg. la-mid: cinab.
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Canab
Grapes
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
Canab
pr. n., [feminine] Anab
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
canab
m. n. grapes; vine
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
CANAB
(Anab) All. Som. Vitis unifera L. Vitaceae.
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Canab
name-f grape, vine; lit: sweet, beautiful
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
canab
-ka: (n) [ Pl. canabyo -da ] grape (gareyp)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Canab
magaca loo baxsho gabadh quruxdeeda lagu metelay midhaha canabka.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
canab
-ka: (magac, lab, keli) geed khudaareed la bah ah carmada oo leh midho midabyo kala duwan leh oo rooshaamo u baxa. Dh: cinab, warandaali.
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
canab
كَرْمَةٌ كَرْمٍ عِنبٍ
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Cajabo
name-f astonished, miracle, amazement, wonder, marvel
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Cajabo
magac loo baxsho gabadh quruxdeeda lala yaabay ama uu arrin yaab lihi dhalashadeeda ku soo beegmay.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
canano
-da: (magac, dhedig, keli) maro yar oo idaha naasaha lagaga maro si maqasha looga gudhiyo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
caqabo
m.dh Shanboolada oo saddex goor la boolaysto laguna badiyo (turub).
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
caqabo
m.dh Shanboolada oo saddex goor la boolaysto laguna badiyo (turub).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Carabo
magac loo baxsho gabadh u dhalatay midab cad oo u eg ka Carabta.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Casabo
(Casaba-da)
Dad xagga dhalashada isu dhow, is xiga, wada dhashay; xigto; xigaalo; qaraabo; sokeeye.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
casabo
m.dh.u Dad wada dhalasho ka dhexeyso; xigto; ehelo; xigaalo; qaraabo; sokeeye.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
casabo
m.dh.u Dad wada dhalasho ka dhexeyso; xigto; ehelo; xigaalo; qaraabo; sokeeye.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
casabo
f. n., [collective] relatives, relations
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
casabo
-da: (magac, dhedig, keli) dad sokeeye ah, ab iyo abti ba; dad wada dhashay. Dh: qaraabo, xigto, sokeeye.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
casabo
de: relatives, relations
lx: casabo
pd: (/da)
ps: n6-f-col
syn: cashiiro, qaraabo, xigaalo, xigto
key: casabo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Caynad
(Caynad-da)
Jaad; namuuno; (ama cayn).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
caynad
m.dh la-mid: cayn².
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
caynad
f. n. type, kind, sort, variety; form, way, manner
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
caynad
-da: (n) [ Pl. caynado - caynadaha] kind (kaayndh)', type (taayp) ~ nooc, jaad, cayn, namuun
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caynad
-da: (magac, dhedig, keli) jaad; namuun; cayn.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
caynad
de: type, kind, sort, variety; form, way, manner
lx: caynad
pd: (-da Pl: cayncayn)
ps: n1-f, n8-f
key: caynad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
caynso
f.g3 (-saday, -satay) 1. Hanti, caymis ka diiwaan gashasho. 2. Rati, cayn ku xirasho. 3. Hanti, dhibaato ka badbaadsasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
caynso
v. save for oneself
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
caynso
de: save for oneself
lx: caynso
pd: (caynsaday)
ps: v3a=tr
key: caynso
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Daynab
name-m dark, black
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Daynab
magac loo baxsho wiil midab madaw leh ama xilli madaw dhashay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qanabo
m.dh Orodka awr qooqani sameeyo isaga oo madaxa laallaadinaya daamankana isla dhacaya.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qanabo
-da: (magac, dhedig. keli) orodka awr qooqani sameeyo isaga oo madaxa laallaadinaya daamankana isla dhacaya.
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Zaynab
name-f beautiful, graceful, aromatic tree
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
cayaaro
m. n., pl. sports; games; dances
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
cayaaro
-cayaaraha: (v) sport (ispoort); games (geeymis) ~ ciyaaro
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
cayaaro
de: sports; games; dances
lx: cayaaro
pd: (/ha)
ps: n1-m-pl
key: cayaaro
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Caynaan
(Caynaan-ka)
Labada suun oo muquufka xakamaha labada dhinac kaga kala xiran, oo faraska lagu duwdumo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
caynaan
m.l.u Suun xakamaha labadiisa dhinac ku xiran oo gammaanka lagu dudduwo laguna joojiyo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
caynaan
m.l.u Suun xakamaha labadiisa dhinac ku xiran oo gammaanka lagu dudduwo laguna joojiyo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
caynaan
m. n. reins (on a horse)
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
caynaan
-ka: (n) rein (reeyn); reins ~ xakame
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Caynaan
magaca loo baxsho wiil laga filayo inuu noqdo taliye iyo hoggaamiye ummadeed.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caynaan
-ka: (magac, lab, keli) labada xadhig ee muquufka xakamaha labada dhinac kaga kala xidhan oo faraska lagu duduwo. Dh: waftog.
Ereybixinta Qalabka Farsamada Gacanta - Maxamuud Iimaan Aadan [1975]
Caynaan
Loox ama bir afar-gees ah oo labo dhaban u ballaaran ee toox le'eg tan miisaanka tamaashada oo toobiyaysa qiyaasidda tamaashada.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
caynaan
de: reins (on a horse)
lx: caynaan
pd: (-ka)
ps: n2-m
key: caynaan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dannabo
m.dh la-mid: dannabe.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dannabo
-da: (magac, dhedig, keli) neefka geel ah oo xoolaha boojimada ama kuwo la soo xaday laga qasho. Dh: halabo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
deynabo
-da: (magac, dhedig, keli) qalab dabka dhaliya isla markaana socodsiiya. Deynabada ayaa gaadhiga ka xun.
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Raydabo
name-f tall tree (taller)
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xayaabo
(Xayaaba-da)
Lakab xalleefsan oo biyaha fadhiya iyo wixii la mid ah, korkooda ku samaysma.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xayaabo
m.dh Lakab qira yar oo fuula hooreyaasha, badanaa dabayshu xarfiso.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
xayaabo
f. n., (mass n.): scum
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xayaabo
-da: (magac, dhedig, keli) lakab xalleefsan oo doogo ah oo ku dul samaysma biyaha meel ku raaga ama durdur aan gu'in. Dh: saaruq.
xayaabo -da: (magac, dhedig, keli) xayaab ama dahaadh.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
xayaabo
de: scum
initial: x
lx: xayaabo
pd: (/da)
ps: n6-f-mass
key: xayaabo
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caynqabad
-ka: (magac, lab, keli) xoolaha marka la dhaqayo inta u horraysa ee xerada la keeno.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
caynsasho
m.f.dh eeg caynso.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caynsasho
-da: (magac, dhedig, keli) cayn xirasho caynso: (fal) muur, caynka ku xidho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
saynsaabo
f.g3 (-btay, -batay) Wax saynsaab u samaysasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xayndaabo
(fal) deyro oo miir ama derbi ku wareejiso. Buutada lagu siiyay xayndaabo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
Baydhabo
pr. n., loc. Baidobow,
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
Baydhabo
(n) Baidobo; capital city of Somali southern region of Bay
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
Baydhabo
cf: caasimad
de: Baidobow, Baydhaba [city in south central west Somalia] Capital of Jubbada Sare region;
lx: Baydhabo
pd: (Baydhaba)
ps: n0-loc
key: Baydhabo
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caanayso
(fal) cunto, shaah iyo la mid ah, caano ku darso.
caanayso: (fal) neef, caano yeelo. Caanayso si aad uu deeqdo ilmahaaga.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caltabyo
-da: (magac, dhedig, keli) cajilka ka soo daata neefka cantabada leh ee geeduhu daanka ugu hadhaan. Caltabyo ayuu igu saydhiyey neefku. Dh: canbuufo.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
cannabis
/kannabis/ (n) xashiishad (geed maskaxda dooriya oo lugu marqaamo).
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
CANYAASO
(Anyaso) May Portulaca quadrifolia L. Portulacaceae.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Carraabo
(Carraaba-da)
(socdaal) galab guur; galab socod.