caylafood
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caylafood
-da: (magac, dhedig, keli) shinbir yar oo cawlan oo madaxa teed yar oo dhogor ah ku leh. Dh: labakodhi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
labakodhi
-da: (magac, dhedig, keli) shinbir yar oo cawlan oo labo dhoor oo isdabayaalla madaxa ku leh. Labakodhida daayoo hadduu haadku kor u duulo. Dh: cawlo, caylafood.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
anafood
m.f.l eeg anafoo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
anafood
-ka: (magac, lab, keli) godob iyo gef, kibir dartii u samayn.
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Caanood
name-f white; milkie
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
caarood
caarood¹: m.l la-mid: caaroobid.
caarood²: m.l (daawo) Kahsi muddo gaaban ama muddo dheer oo jirku yeelanayo barbarar wareegsan maqaarka korkiisa cabbirkooduna kala waaweynyahay, cuncun badanna wuu leeyahay; saacado ama ayaamo ayuu jiri karaa.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
caarood
m.l (daaw.) Kahsi muddo gaaban ama muddo dheer oo jirku yeelanayo barbarar wareegsan maqaarka korkiisa cabbirkooduna kala waaweynyahay, cuncun badanna wuu leeyahay; saacado ama ayaamo ayuu jiri karaa.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
caarood
v.pat: have a skin rash ~ allergic reaction to something
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
caarood
-ay / caarootay: (v) have itching and skin rashes; get an allergic reaction
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caarood
-ka: (magac, lab, keli) xajiimoodka iyo dareemista cuncunka ee maqaarka sare ee qofka. Dh: xajiin, caaro.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
caarood
a: caarow ~ caaroob
de: have a skin rash ~ allergic reaction to s.t.
lx: caarood
pd: (caarooday)
ps: v1=pat
key: caarood
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
calafso
f.g3 (-saday, -satay) Wax calaf ka dhigasho. la-mid: calfo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
calafso
f.g3 (-saday, -satay) Wax calaf ka dhigasho. m.f.dh, calafsasho. la-mid: calfo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
calafso
v. obtain one's daily bread; have luck
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
calafso
(fal) calaf ka dhigo oo dheefso.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
calafso
cf: calfo
de: obtain one's daily bread; [fig.] have luck
lx: calafso
pd: (calafsaday)
ps: v3a=
key: calafso
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qaafood
-ka: (magac, lab, keli) wiil yar oo qaangaadh ku dhow ama kuray ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xaafood
(Xaafood-ka)
Xunbada biyuhu xeebta ku soo tufaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xaafood
m.l Qashin biyo fadhiya ama socda soo tufaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
xaafood
m. n. sea-slime (consisting of foam and dead algae on the shore)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xaafood
-ka: (magac, lab, keli) dhirta badda gudaheeda ka baxda ee socodka mawjadaha iyo qulqulka xiisku xeebaha ku soo tuuraan.
xaafood-ka: (magac, lab, keli) xumbo iyo jabad ay baddu samayso oo ay iska soo tufto. Dh: xaaxi, xayaab.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
xaafood
cf: xunbo
de: sea-slime (consisting of foam and dead algae on the shore)
initial: x
lx: xaafood
pd: (-ka)
ps: n-m
key: xaafood
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
balalood
m.f.l eeg balaloo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
balalood
-ka: (magac, lab, keli) xoolaha oo geed sun leh daaqay bukood.
balalood -ka: (magac, lab, keli) xoolo soo aroora iyaka oo aan yeel iyo qalab lagu waraabiyo loo sidin, ceelalyana ka soo horraynin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Cadayood
(Cadayood-ka)
Cadanyo iska dareemid; (ama cadanyood).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cadayood
m.l la-mid: cadanyood.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
cadayood
vl. n. feeling the sensation of an itch
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
cadayood
a: cadanyo
de: feeling the sensation of an itch
lx: cadayood
pd: (-ka)
ps: vn2-m
key: cadayood
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Calafsad
(Calafsad-ka)
Calaf ka dhigad; dheefsad; calafsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
calafsad
m.l la-mid: calafsasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
calafsad
vl. n. obtaining one's daily bread; possessing luck
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
calafsad
-ka: (magac, lab, keli) calaf ka dhigad. Dh: dheefsad, calafsi.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
calafsad
de: obtaining one's daily bread; [fig.] possessing luck
lx: calafsad
pd: (-ka)
ps: vn2-m
key: calafsad
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
calaloob
inch. v. get worn out, wear out (of clothes)
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
calaloob
de: get worn out, wear out (of clothes)
lx: calaloob
pd: (calaloobay)
ps: v1=inch
key: calaloob
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
faylagoo
-yey / falagowsay: (v) make disable, incapacitate or make unfit; hamstring (haamistring)-, cut someone's Achilles tendon ~ boqonogoo
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
faylagoo
(fal) boqnagoo oo heer.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
kalabood
m. n., [compound] contrast; disagreement, discord
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kalabood
-ka: (magac, lab, keli) arrin isku fahmi waayid; kala xanaaqid.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
kalabood
de: contrast; disagreement, discord
lx: kalabood
pd: (-ka)
ps: n-m-cmp
key: kalabood
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
lallabood
m.f.l eeg lallaboo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
lallabood
m.f.l eeg lallaboo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
lallabood
-ka: (magac, lab, keli) lallabo dareen; yaqyaqsood; laqanyood.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Masaafood
(Masaafood-ka)
Meel masaafo jirta aadid; socosho; fogaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
masaafood
m.f.l eeg masaafoo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
masaafood
vl. n. going to a distant place, traveling
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
masaafood
(fal) eeg masaafoo.
masaafood-ka: (magac, lab, keli) meel masaafo jirta tegid oo u socosho.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
masaafood
de: going to a distant place, traveling
lx: masaafood
pd: (-ka)
ps: vn-m
key: masaafood
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qaylaroor
qaylaroor¹: m.l la-mid: qaylaggeys.
qaylaroor²: f.mg1 (-ray, -rtay) la-mid: qaylaggee.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tayaagood
m.l la-mid: tannaagood.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tayaaqood

laballafood
m.l.kh L. ah: qof dheer oo laf weyn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
laballafood
m. n., [compound] tall and strong person; someone with big bones
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
laballafood
-ka: (magac, lab, keli) qof dheer oo jidhkiisu buuxo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
laballafood
de: tall and strong person; s.o. with big bones Lit: having two bones
lx: laballafood
pd: (-ka)
ps: n2a-m-cmp
key: laballafood
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qaylaroorid
m.f.dh la-mid: qaylaroor².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Calaloobid
(Calaloobid-da)
Calal noqosho; duugoobid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
calaloobid
m.f.dh eeg calalow.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
calaloobid
-da: (magac, dhedig, keli) calal noqosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
canaanyood
m.l la-mid: cadanyood.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
canaanyood
m.l la-mid: cadanyood.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
canaanyood
-ay / canaanyootay: (v) have a skin itching or skin rashes ~ cadanyood, xajiimood
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
canaanyood
-ka: (magac, lab, keli) xajiimood; xajiin dareemid.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
cayaartooy
-da / ga: (n) [sport] athlete (at-leet); sportsman; player, acrobat ~ cayaaryahan, ciyaartooy
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caylagolyo
-da: (magac, dhedig, keli) shinbir yar oo fudfudud oo fiidmeerta u eg oo xilliga barwaaqada ah inta ay isku soo ururto dhoollatus qurux badan hawada ku samaysa oo kolba dhinac u duusha. Dh: caylo, ceerilleef.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daalalyood
-ka: (magac, lab, keli) eeg daalalyo.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
jillaafood
-ay / jillaafootay: (v) trip and almost fall; stumble (istambal)
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
lablabbood
m.l la-mid: lallabood.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
laclacoodi
(fal) (is ~) adiga oo jiifa, marba dhinac isu rog oo ku naso. Laclacoodi nabaddoo, weligaa libtuun hay. Dh: nasi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qaalalyood
m.f.l eeg qaalalyoo. la-mid: qaalalyoobid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qaalalyood
-ka: (magac, lab, keli) cunta badan darteed calool'afuufmid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qayladdoon
qayladdoon¹: m.l.kh Q. ah: cid meel dhiillo ka dhacday meel kale uga doona gargaar.
qayladdoon²: f.mg1 (-nay, -ntay) Meel dhiillo ka dhacday meel kale gargaar uga doonid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qayladdoon
-ka: (magac, lab, keli) cid meel chille ka dhacday meel kale uga doona gargaar
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Alcood
(Alcood-ka)
(bad) jaadadka shiraaca kan ugu weyn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
alcood
m.l (-dyo, m.dh) Noocyada shiraaca doonyada kan ugu weyn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
alcood
m. n. main sail
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
alcood
-ka: (magac, lab, keli) shiraaca doonyaha jaadadkiisa ka ugu ballaadhan ee ugu weyn. Alcood bay doontu u baahan tahay. Dh: shiraac.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
alcood
cf: shiraac
de: main sail
lx: alcood
pd: (-ka)
ps: n2a-m
key: alcood
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
anafoo
f.mg3 (-ooday, -ootay) Ku a.: arrin ku eedoobid (cid).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
anafoo
(fal) godob iyo gef, kibir u samee.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
caaroo
f.mg3 (-ooday, -ootay) la-mid: caarow.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caaroo
(fal) cadanyoo oo cuncun yeelo; xajiimood.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
calako
m.dh Haweeney aad nacas u ah.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
calako
-da: (magac, dhedig, keli) ceeb; bayuur.
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Calaso
nickname-f slightly light-skinned. Syn. Calas
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
calfad
m.l la-mid: calafsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
calfad
-ka: (magac, lab, keli) waxtar iyo faa'ido wax laga sugayay, kadbasho. Dh: dheefsasho, kadbasho, calafsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
calfid
m.f.dh eeg calaf³.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
calfid
-da: (magac, dhedig, keli) wax dheefsi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Calool
(Caloo-sha)
1. Xubin iskujoogga cunnadu marto kamid ah; waxay u eg tahay kolay yar waxayna ku jirtaa uurka, kolka bogga la dhaafo; hawsheedu waa inay cunnada inta dhacaammo kala gaar ah oo ay leedahay ku darto, jilciso oo xiidmaha u gudbiso; kubo.
2. Uur.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
calool
m.dh (-lo, m.l) 1. Xubinta dheefshiidka nafleyda oo isku xirta hunguriga iyo xiidmaha. 2. Qaybta jilicsan oo u dhexeysa laabxuunshada iyo gummaarka.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
calool
m.dh (-lo, m.l) 1. Xubinta dheefshiidka nafleyda oo isku xirta hunguriga iyo xiidmaha. 2. Qaybta jilicsan oo u dhexeysa laabxuunshada iyo gummaarka.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
calool
f. n. stomach
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
calool
-caloosha:(n) stomach (istoomak); abdomen (aab-doo-men); belly (beeli); tummy (tam-i)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
calool
-sha: (magac, dhedig, keli) xubin ka mid ah xubnaha dheefshiidka. Waa kolay yar oo ku yaalla bogga, hawsheeda na waxa ka mid ah, in cuntada soo dhexgasha ay dheecaamo kala jaad ah ku talliijiso oo ku jilciso oo ay dabeed xiidmaha u sii gudbiso.
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
calool
بَطنُ
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Carafo
-da: (magac, dhedig, keli) bilaha Muslinka ee dayaxa, tan ugu dambaysa oo Xajka la guto.
Carafo: magac loo baxsho gabadh ku dhalatay Carafo ama maalinka la joogsado goobtaa ee Xajka.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Carood
(Carood-ka)
Caro gelid; xanaaqid; camashood.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
carood
m.l eeg caroo.