cawliye
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
CAWLIYE
(Aulie) S, C? Maerua oblongifolia (Forsk) A. Rich. Capparidaceae.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
awliyo
m.dh.w eeg weli¹.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
awliyo
f. n., pl. saints
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
awliyo
-awliyada: (n) a sacred person; saint (seeynty holy person ~ awli-ga
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
awliyo
-da: (magacwadareed) dadka inta amarka Ilaahay raacday ee macsida iska ilaaliya. Awliyo Ilaahay bay taqaan. Dh: taqi.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
awliyo
bw: Arabic
de: saints
lx: awliyo
pd: (/da)
ps: n8-f-pl
see: weli
key: awliyo
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
càlice
s.m. - kalax.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cawlid
-da: (magac, dhedig, keli) midab cawl ah, u yeelid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Celiye
(Celiya-ha)
Suun xalleefsan oo jilicsan oo badanaa dumaysan oo faraska surkiisa iyo kooraha moqotinkiisa hore isu haya.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
celiye
m.l (-yayaal, m.l/dh) Suun dhuuban, jilicsan, xalleefsan, dun guduudan lagu qurxiyay oo gaaddada faraska iyo kooraha isuhaya.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
celiye
m. n. strap ~ rope going round the neck of a horse and attached to the saddle
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
celiye
-ha: (magac, lab, keli) suun xalleefsan oo jilicsan oo badanaa dunaysan oo faraska surkiisa iyo kooraha moqotinkiisa hore isu haya.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
celiye
cf: suun
de: strap ~ rope going round the neck of a horse and attached to the saddle
lx: celiye
pd: (/ha)
ps: n7-m
key: celiye
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
Hawiye
m. n. major central and south Somali clan
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Hawiye
name-m sweetener; to air something out; open something to let air in or out
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
Hawiye
-Hawiyaha: (n) Somali clan name
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
Hawiye
cf: Isaaq, Dir, Daarood
de: major central and south Somali clan
lx: Hawiye
pd: (/ha)
ps: n0-m
key: Hawiye
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Taliye
(Taliya-ha)
Qof maamul siyaasadeed oo qaran ama urur dowladeed madax u ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
taliye
m.l (-yayaal, m.l/dh) Qof qayb ciidan ah madax u ah.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
taliye
m.l (-yayaal, m.l/dh) Qof qayb ciidan ah madax u ah.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
taliye
m. n. leader, controller; commander, sir
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Taliye
name-m ruler, commander
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
taliye
-taliyaha: (n) leader (lii-dher); ruler (ruu-ler); commander (ku-maan-dher) Ex: taliyaha ciidanka cirka; the commander of the air forces. —la taliye -ha: (n) advisor (adveeyser), consultant (kon-saltant), mentor (mentoor); counsellor
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Taliye
Comandante
Commandant
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
taliye
-ha: (magac, lab, keli) qof maamul siyaasadeed oo qaran ama urur dawladeed madax u ah.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
taliye
de: leader, controller; commander, sir Also a term of address to military or police officers
initial: t
lx: taliye
pd: (/ha)
ps: n7-m
key: taliye
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Caabiye
Resistor
Qaamuuska Ereybixinta: Barbaarinta Jirka (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1984]
caabiye
to offer resistance
Ereybixinta Qalabka Farsamada Gacanta - Maxamuud Iimaan Aadan [1975]
Caabiye
Caabiyaha qaydaha.
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Caaliya
name-f exalted, sublime, high, excellent
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caamiye
-ha: (magac, lab, keli) aan waxba indhihiisu arag: indhoolle.
caamiye -ha: (magac, lab, keli) aan wax ba qorin wax na akhrin. Buux waa caamiye.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caawiye
-ha: (magac, lab, keli) qofka kaaliye ah oo cid kale u adeega. Inan yar oo caawiye ah ayaa geela ila waraabshey. Dh: kaaliye,kalkaaliye.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
carbiye
m.l (-yayaal, m.l/dh) Qof wax carbiya.
Qaamuuska Ereybixinta: Bayoolaji (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Cauline
Jirid ka bax
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Faaliye
(Faaliya-ha)
Ninka faalka dhiga; faalallow; faashow.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
faaliye
m.l (-yayaal m.l/dh) Faallalow.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
faaliye
m. n. fortune-teller, male diviner
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
faaliye
-faaliyaha: (n) psychic (male) (saaykik); astrologer; see [eeg] ~ faalalow, wax sheegfaalalow
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
faaliye
-ha: (magac, lab, keli) ninka faalka dhiga ee wax ka sheega; ninka falka dhiga. Faaliye Alla maaha dogonna ka mala roon. Dh: faalallow.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
faaliye
de: fortune-teller, male diviner
lx: faaliye
pd: (/ha)
ps: n7-m
key: faaliye
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Hadliye
magac loo baxsho wiil dhalashadiisii hadal ka dhashay oo loo shiray.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kaaliye
(Kaaliya-ha)
Gargaare; taageere.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kaaliye
m.l (-yayaal, m.l/dh) Qof caawiya qof hawl haya; gargaare.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
kaaliye
m.l (-yayaal, m.l/dh) Qof caawiya qof hawl haya; gargaare.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
kaaliye
m. n. supporter, assistant. deputy
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
kaaliye
-kaaliyaha: (n) 1. assistant (a-siis-tant); helper (helper). 2. deputy (de-pi-yuti)
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
KAALIYE
Assistente
Assistant
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Kaaliye
Assistente
Assistant
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kaaliye
-ha: (magac, lab, keli) nin gacanyare u ah dhakhtar ama cid kale. Dh: caawiye, gargaare, taageere, kalkaaliye. Wa: kalkaaliyeyaal.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
kaaliye
de: supporter, assistant. deputy
lx: kaaliye
pd: (/ha)
ps: n7-m
key: kaaliye
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Waaliye
magac loo bixiyo wiil hooyadii ku dhibaatootay markuu uurka ku jiray ama dhalanayay.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kawaaliye
magac loo baxsho wiil hooyadii la dhib aragtay fooshii iyo dhalmadiisa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
caabbiye
m.l (-yayaal, m.l/dh) (fiisikis) Qayb ka mid ah qalab danabeed oo leh caabbi, laguna doortey isticmaalkeed astaantaas awgeed.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
caabbiye
m.l (-yayaal, m.l/dh) (fiisikis) Qayb ka mid ah qalab danabeed oo leh caabbi, laguna doortey isticmaalkeed astaantaas awgeed.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
caabbiye
-caabbiyaha: (n) [Electricity] resistance (ri-zistans); resistor (ri-zis-ter)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caadiyee
(fal) eeg caadiyay.
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Cabsiiye
nickname-m he who frightens, scares, intimidator, endangerer
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Cabsiiye
magac loo baxsho wiil ay hooyadii fooshu ku adkaatay oo ay halis ku gashay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
caqliley
m.dh (-eeyo, m.dh) Haween caqli badan leh.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
caqliley
f. n. intelligent woman, sensible, smart
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
caqliley
de: intelligent woman, sensible, smart
lx: caqliley
pd: (-da)
ps: n2a-f
key: caqliley
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
caqliyad
m.dh Ra'yi.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
caqliyad
m.dh Ra'yi.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
caqliyad
f. n. mentality; idea, thought
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
caqliyad
-da: (n) intelligence (in-tala-jansi)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caqliyad
-da: (magac, dhedig, keli) fikir iyo talo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
caqliyad
de: mentality; idea, thought
lx: caqliyad
pd: (-da)
ps: n1-f
key: caqliyad
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caqliyay
(fal) «u ~» caqli ku sir, garaad ku dhaaf.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Casariye
(Casariya-ha)
Shaaha ama cunno kale oo fudud oo casarkii la cuno.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
casariye
m.l Shaaha casarka la cabbo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
casariye
m.l Shaaha casarka la cabbo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
casariye
m. n. afternoon snack, tea ~ coffee break
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
casariye
-casariyaha: (n) afternoon tea
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
casariye
-ha: (magac, lab, keli) shaaha galabtii la cabo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
casariye
de: afternoon snack, tea ~ coffee break
lx: casariye
pd: (/ha)
ps: n7-m
key: casariye
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
casriyee
f.g2 (-yeeyay, -yaysay) Wax, wax cusub oo waqtiga la socda ka dhigid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
casriyee
f.g2 (-yeeyay, -yaysay) Wax, wax cusub oo waqtiga la socda ka dhigid. m.f.dh, casriyayn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
casriyee
v. modernize
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
casriyee
-yey / say: (v) modernize (moodher-naays); bring up to date; go contemporary
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
casriyee
(fal) eeg casriyay.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
casriyee
de: modernize (e.g. make s.t. fit the new fashion ~ world order)
lx: casriyee
pd: (casriyeeyey)
ps: v2b=tr
key: casriyee
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gacaliye
(Gacaliya-ha)
Gacal; gacalle.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gacaliye
m.l Nin aad loo jecelyahay.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
gacaliye
m.l Nin aad loo jecelyahay.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
gacaliye
m. n. beloved male relative, 'brother'
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Gacaliye
name-m beloved person, dear one. Syn: Gacal
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
gacaliye
-gacaliyaha: (n) dear (dhiyar); the boy or man who is greatly loved
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Gacaliye
magac loo baxsho wiil la jecelyahay oo qaali ah.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gacaliye
-ha: (magac, lab, keli) nin la jecel yahay.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
gacaliye
a: gacalle
de: beloved male relative, 'brother' (respectful term of address)
lx: gacaliye
pd: (/ha)
ps: n7-m
key: gacaliye
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
gacaliye
حبيب، عَزِيزِ
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Ilaaliye
(Ilaaliya-ha)
Kan xoolaha ama wax kale raaca oo dhawra.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
ilaaliye
m.l Qof wax ilaaliya.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ilaaliye
m. n. watchman, one who guards livestock; guard
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
ilaaliye
-ilaaliyaha: (n) 1. guardian (gaardhiyan). 2. one who keepi watch; guard (gaadh) ~ gaarhaye
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
ILAALIYE
Guardiano
Watchman
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Ilaaliye
Guardiano
Watchman
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ilaaliye
-ha: (magac, lab, keli) nin loo diray inuu ilaaliyo meel ama wax kale oo muhim ah.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
ilaaliye
de: watchman, one who guards livestock; guard
lx: ilaaliye
pd: (/ha)
ps: n7-m
key: ilaaliye
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
lataliye
m.l (-yayaal, m.l/dh) Qof aqoon gaar ah ku taqasusay oo arrimaha la xiriira kala taliya madax dawladeed ama hay'adeed iyo wixi lamida.