cawl
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Cawl
1. (Cawl-ka) Midab casiin-ka-warqab ah.
2. (Caw-sha) Ugaarta waaweyn jaad kamid ah; waxay leedahay: midab cawl ah oo uurka iyo barida ka cad, daliig madow oo wejiga bartankiisa (geesaha taniyo sanka) ku dhilan; geeso marka hore dib u rogan oo kol labaad horay u soo rogmada.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cawl
cawl¹: m.l 1. Midab casaan xigeen ah. 2. Cawsha keeda lab.
cawl²: m.dh 1. Ugaarta waaweyn jaad ka mid ah, leh midab casaan xigeen ah, geesa dhaadheer iyo daba gaaban oo bogga ka cad; cawlo. 2. Cawl dhaddig ah.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
cawl
f. n., [collective] antelope species, Soemmering's gazelle
cawl m. n., [abstract] yellow, tan (color)
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Cawl
name-m yellow; tan; antelope
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
cawl
-cawsha: (n) gazelle (ga-zaal); antelope (aan-ta-loop)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Cawl
magac loo baxsho wiil midab casaan iyo caddaan isku jira ah.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cawl
-ka: (magac, lab, keli) cawsha keeda lab.
cawl -ka: (magac, lab, keli) midab ciidciid u eg: midabka cawllaanka ee boodhka la moodo.
cawl-sha: (magacwadareed) ugaadha waaweyn jaad ka mid ah. Waxay leedahay midab cawl ah oo bogga iyo badhida ka cad, dalliig madow oo wejiga bartankiisa mara oo geesaha dhexdooda illaa sanka isku xidha oo qurux gaar ah u yeela. Waxa kale oo ay leedahay, geeso marka hore dib u rogan oo afka kore iskaga soo qaroofan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Cawil
(Cawil-ka)
Wax lumay wax meeshoodii soo galay: beddel.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cawil
m.l Wax ku dhaafay ama lumay beddelkood.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
cawil
m.l Wax ku dhaafay ama lumay beddelkood.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
cawil
m. n. substitute
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Cawil
name-m substitute; black. Cf: Beddel
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
cawil
-ka: (n) 1. replacement (ri-plays-ment), 2. Somali name, given to a male whose father or older brother has died
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Cawil
magac loo baxsho wiil uu walaalkii oo ka weynaa geeriyooday oo la rajaynayo in uu beddel khayr qaba noqdo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cawil
-ka: (magac, lab, keli) wax lumay ama la waayay, wixii beddeli lahaa. Dh: beddel.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
cawil
cf: beddel
de: substitute
lx: cawil
pd: (-ka)
ps: n2-m
key: cawil
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cawlo
m.dh.u la-mid: cawl². (1)
Qaamuus-Yare Caafimaad: Ingiriis-Soomaali - Deeqa Cali [1999]
crawl
(v) to move by using the hands and knees,
gurguurasho
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
crawl
/kroowl/ (n) 1. guur-guurasho; xamaarasho. (n) 2. gacan saarre (siyaabaha loo dabaasho middood, oo gacmaha iyo lugaha laga shaqaysiiyo). (v) 3. ka buuxsamid (siiba meel cayayaan ka buuxsamo).
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
crawl
v.i., (creep) beerka ku soco, bogga ku soco.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Bood
1. (Bood-da) Hab dharka loo mayro oo loo caddeeyo.
2. (Bood-ka) Midabyada fardaha mid ka mid ah: caddaan cawl yari ku dheehan yahay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Cawlikudhashay
(Cawlikudhashay-da)
(xilli) lixadhaqo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Cawlwareershe
(Cawlwareersha-ha)
Geed leh miro lagu wareero haddii wax badan laga cuno; ugaartii daaqda iyadoo wareersan oo wax arki weydey baa la qabtaa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dabar
(Dabar-ka)
1. Xarig gaaban oo xoolaha addimmada lagaga xiro kolka la lisa hayo (sida lo'da) ama la doona hayo inayan fogaan ama baxsan (sida geela); seeto.
2. Midab cawl ah oo ilkaha ku samaysma.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dacar
(Dacar-ta)
1. Geed yar oo jaadad badan ah oo leh caleemo hilib leh oo dhinacyada qodxo ku leh, iyo laan dheer (baaldacar) oo baarkiisa dhabaq ka samaysmo; caleemaha, dhacaan aad u xaraar oo laysku daweeyo baa laga lisaa; sibir.
2. Dhacaan xaraar oo cawl ah ama cagaar, oo inta beerka ka yimaada, heerkutaasha ku urura; xammeeti.
3. Wixii qush ah oo caloosha ku jira oo layska dacarfaalo; qaras.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Danbar
(Danbar-ka)
Caanaha hore oo cawlka ah oo adag oo xoolaha dhalay candhadooda laga liso.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gabbaldaye
(Gabbaldaya-ha)
Geed la abuuro oo jaadad badan u kala baxa; wuxuu lee yahay ubax dhexda ku leh gaashi weyn oo ah cawl ama cillaan ama darmad ama madow; gaashida qarkeeda waxaa ku teedsan caleemo ubax oo cillaan ah, gudeheedana waxaa ka buuxa abuur (iniino) faro badan oo saliid la cuno laga liso. Ubuxu hadba docda qorraxdu jirto buu u jeestaa; qorraxday; (ama gabbalday).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Geri
(Geri-ga)
Nafleyda adduunka joogta kan ugu dheer, wuxuuna joogaa Afrika keliya; wuxuu lee yahay sur aad iyo aad u dheer iyo lugo iyana dheerdheer; Dhererkiisu wuxuu gaaraa labo mitir iyo bar; waa uu daaqaa waana calannaqsadaa; wuxuu lee yahay guud yar oo jilicsan oo surka kaga yaal; wax labo gees oo yaryar la moodo oo dhegaha dhexdooda kaga yaal; harag aad u adag oo gaashaammo, kabo, kd., laga samaysto; qoobab qurux badan iyo midab gaashiyo badan oo googgo'an oo cawl ahi ku rogan yihiin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kaadi
(Kaadi-da)
Biyo cawl ah oo kelyuhu soo saaraan oo inta kaadihaysta ku urura, hadba kolkay bataan, kaadimmareenku qaado oo dibadda loo saaro.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kaaki
* (Kaaki-ga)
1. Miro dhulka Jabbaanka ka soo jeedey; korka waa ka cawl waana macaan yihiin.
2. Dhar adag oo la tosho oo midabkiisu u eg yahay kan mirahaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Libaax
(Libaax-a)
Bahal dugaag ah oo weyn oo xoog badan oo jooga Afrika iyo meelo Aasiya kamid ah; wuxuu lee yahay midab cawl ah iyo dabo bul leh, kiisa labina (aarka) wuxuu qaarka hore ku yeeshaa dhogor dheer oo faro badan iyo shaash duf ah; wuxuu cunaa oo ku nool yahay dadka iyo duunyadaba; aar; gool; baranbarqo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Lixadhaqo
(Lixadhaqa-ha)
Xilliga guga qaarkiisa danbe; cawli ku dhashay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Maar
1. (Maar-ka) (dhul, xoolo, kd.) Inta isku jaad ah ama isu eg; meesi.
2. (Maar-ta) Macdan cawl ah oo aad u jilicsan oo waxyaalo badan laga sameeyo (lacag, alaab, kd.).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Madaxkuti
(Madaxkuti-da)
Bahal naasooleyda waaweyn kamid ah; waxay leedahay dhogor duf ah, cago balballaaran iyo dabo aad u gaaban; waxay ku nooshahay dhulalka aan kululayn iyo kuwa barafka ah; waa daaqdaa, hilibkana waa cuntaa; waa dabaal badan tahay: tan barafka joogtaa waa caddahay, tan kalena waa cawl.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Malax
(Malax-da)
Dhacaan cad ama cawl leh oo nabarrada hurguma ka samaysma; milil; carun.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Mergi
(Mergi-ga)
1. Daliigo xoog leh oo xubnaha oogada qaarkood, ku dhex jira ama isu haya, sida labada lafdhabarta dhinacyadeeda ku dhilan; midabkoodu waa cawl, haddii la kala jiidona, waa isku soo rooraan.
2. Waxa sida mergiga, haddii la kala jiido ama la maroojiyo ama laysku yareeyo oo dabadeed la sii daayo, kala baxa oo qaabkoodii hore yeesha.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Muus
(Muus-ka)
1. Miro dheerdheer oo dhumuc leh oo soo godgodan oo si qurux badan cuntub ugu baxa; midabkoodu, kolkay bislaadaan, waa cawl dahabka u eg, aadna waa u macaan yihiin; geedka muusku, geed dhab ah ma aha; waa caws weynaadey, caleemihiisuna waa wax dhab u balballaaran oo dheerdheer; (ama moos).
2. Mandiil daab leh oo isku laabanta oo lagu xiirto.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Shabeel
(Shabeel-ka)
1. Dugaag ku nool Aasiya iyo Afrika iyo meelo kale; midabkiisu waa cawl baro madmadoobi ku yaalliin; dhulka dhirta badan buu joogaa geedahana waa fuuli og yahay; xoolaha iyo ugaarta buu aad u laayaa, dadkana kolkol wax buu ka damcaa.
2. Libaax-badeed qallafsan oo oogada baro ku leh.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Shammiinto
* (Shammiinta-da)
Budo beey ah ama cawl leh oo wax lagu dhiso. Inta la qooyo oo ciid ama quruurux lagu daro, baa: a) alaabada aan is qabqabsan karin la dhex geliyaa oo la iskula dhejiyaa, ama b) waxaa laga sameeyaa cadad is hays'haysta oo ad'adag oo sida dhagaxa la isu kor saarsaaro, oo wax loogu dhiso. ~ Sibir.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Cal
(Cal-ka, Ca-sha)
1. Buur weyn oo dhagax ah; qar weyn.
2. Dhagax; shiid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cal
cal¹: m.l Baadiye jiq ah.
cal²: m.dh (-lo, m.l) 1. Buur aad u dheer. 2. Buur taxane ah.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
cal
cal¹: m.l Baadiye jiq ah.
cal²: m.dh (-lo, m.l) 1. Buur aad u dheer. 2. Buur taxane ah.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
cal
f. n./m: rocky mountain; stone, rock
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cal
-ka: (magac, lab, keli) dhagax cad. Dhul uu cal ka buuxo ayaan soo maray. Dh: dhagaxshiil.
cal-sha: (magac, dhedig, keli) buur weyn.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
cal
de: rocky mountain; stone, rock
lx: cal
pd: (-ka ~ /sha)
ps: n1-f/m
key: cal
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Caw
1. (Caw-da) Caleemo dheerdheer oo ka baxa geed la jaad ah timirta iyo baarta.
2. (Caw-ga) Dhinac; cuun; ag.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
caw
caw¹: m.l 1. Dhinac; dhan. 2. Aagga u dhow meel. la-mid: caaw¹.
caw²: m.dh Caleemo dhaadheer, laga sameysto darin dambiil, xarig iyo wixi lamida oo ka baxda geed la bah ah timirta iyo baarta. la-mid: caaw².
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
caw
m.dh Caleemo dhaadheer, laga sameysto darin dambiil, xarig iyo wixi lamida, oo ka baxda geed la bah ah timirta iyo baarta.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
caw
m. n., loc. side, flank; nearness, proximity
caw [feminine] n. frond, palm leaf ~ leaves
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
caw
-da: (n) leaves used to make mattings used for covering floors and similar purposes; like leaf of a palm tree ~ cawbaar
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caw
-da: (magac, dhedig, keli) geed ka baxa gobollada iyo daaca webiyada iyo dooxyada durdura oo timirta iyo baarka la bah ah. Waxa laamihiisa laga sameeyaa dermooyinka, masafaha, salabaha iyo weelcaanoodka.
caw-da: (magac, dhedig, keli) mid agabka guriga lagu dhiso ka mid ah oo caws laga tolo, si farshaxannimo ahna loo sameeyey, oo badiyaa aqalka dadab looga dhigo. Dh: alool.
caw-da: (magac, dhedig, keli) gogol laga sameeyo laamaha geedka cawda ama wax kale oo lagu fadhiisto.
caw-ga: (magac, lab, keli) dhinaca wax ama agtiisa. Cawga cawga u saar, cid kaleete u diid. Dh: cuun, dhinac, coon, ag.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
caw
v.i., (cry as the rook) ci or ci’.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
bawl
/bool/ (v) gaylin; kor u qaylin.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali (Maay) - Maxamed Xaaji Mukhtaar, Cumar Macalin Axmed [2007]
bawl
/bool/ (v) qayliyow.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
bawl
v., (cry loudly) dowdowlay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Caal
1. (Caal-ka) Cudur xoolaha ku dhaca oo oogadu bararto, oo cunnaxumada ka yimaada; cashi.
2. (Caa-sha) Harag dheer oo balaqsan oo lo'da dhuunteeda hoos uga laallaada.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
caal
caal¹: m.l Cudur lo'da, idaha ka barariya caloosha oo uu keeno gooryaan caloosha kaga dhashay.
caal²: m.dh (-lyo, m.l) Harag dheer, balaqsan oo lo'da luqunteeda dhinaca hoose ka laallaada.
caal³: f.mg1 (-aalay, -aashay) Lo' ama ido cudur caloosha ka barariya ku dhicid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
caal
caal¹: m.l Cudur lo'da, idaha ka barariya caloosha oo uu keeno gooryaan caloosha kaga dhashay.
caal²: m.dh (-lyo, m.l) Harag dheer, balaqsan oo lo'da luqunteeda dhinaca hoose ka laallaada.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
caal
m. n., [collective] disease of cattle
caal [feminine] n. dewlap of cow
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caal
-ka: (magac, lab, keli) cudur xoolaha ku dhaca oo barariya cunaha oo cunna'xumi ka yimaad. Caal baa adhigii ku dhacay. Dh: cashi
caal -ka: (magac, lab, keli) tamar iyo awood wax lagu baajiyo ama lagu maareeyo. Arrintan uma caal helayno.
caal -sha: (magac, dhedig, keli) saanta balaqsan ee luqunta lo'da ka laallaada.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
call
/kool/ (v) 1. wicid; u yeerid (v) 2. teleefon u dirid (wicid).
Qaamuus Ingiriis-Soomaali (Maay) - Maxamed Xaaji Mukhtaar, Cumar Macalin Axmed [2007]
call
/kool/ (v) 1. weerow, ing weerow. 2. maghy ing biyow. 3. telefoong ing dirow amy ha giliyow.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
call
n., (vocal address) yeedh, -ki, yeedhnin, -ti.
call, v.tr., (to name) u bixi, ugu yeedh; (to invite) u yeedh; call after him, aad u yeedh; call again or back, soo celi; call aloud from, ka yeedh; call him aside, gooni ugu yeedh; call him out, away, dibadda u saar; call at that place, meesha sii mar; call back your word, hadalkaagi ku noqo; the governor calls for you, serkaalki baa kuu yeedhaya or doonaya; do you call for drink? ma waxaad cabtid baad doonaysaa? call for dinner, soorta hagaaji or soorta kala hagaaji; call forth, u yeedh; call in, soo geli; call in your money, lacagtaada ha kusoo gasho; call him off from that bad thing, ninka waxaa xun or dawga xun uga yeedh; I am called off from my studies, barashadaydi baa la iga yeedhay; call on, to, unto, upon, bari, dalbo; call him to help, caawimaad ugu yeedh; call over the names of the assembly, nin walba magiciisa ugu yeedh; call him to witness, marqaati ugu yeedh; call to remembrance, xusuusi; call together, iss u kaalaya; call him up in the morning, aroorta hore soo toosi.
call to prayer, v.tr., adin.
calling to prayer, n., adimaad, -di, eedaan, -ki.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Cawd
(Cawd-ka)
Meel kulul oo dugsi ah; kob, meel dugsi ah, ku taal, oo neecawdu ka xiran tahay; huur.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cawd
cawd¹: m.l 1. Ururinta xoolo badan meel lagu ururiyo. 2. Meel kulul oo dugsi ah oo neecawdu ka xirantahay.
cawd²: f.g1 (-day, -dday) Xoolo badan meel isugu ururin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
cawd
cawd¹: m.l 1. Ururinta xoolo badan meel lagu ururiyo. 2. Meel kulul oo dugsi ah oo neecawdu ka xirantahay.
cawd²: f.g1 (-day, -dday) Xoolo badan meel isugu ururin. m.f.dh, cawdid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
cawd
m. n. hot, stuffy place, where the air does not circulate
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cawd
-ka: (magac, lab, keli) meel dugsi ah oo ay naacawdu ka xidhan tahay. Dh: huur.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
cawd
cf: huur
de: hot, stuffy place, where the air does not circulate
lx: cawd
pd: (-ka Pl: cawdad (ka))
ps: n4-m
key: cawd
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cawi
f.g1/2 (-iyay, -iday/ -isay; -iyi) la-mid: caawi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Cawo
(Cawa-da)
1. Laba-iyo-tobanka saac oo qorraxdu maqan tahay; habeen.
2. Nasiib-wanaag; ayaan; qadan; ul.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cawo
m.dh 1. (-ooyin, m.l) Habeen. 2. Nasiib wanaagsan.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
cawo
m.dh 1. (-ooyin, m.l) Habeen. 2. Nasiib wanaagsan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
cawo
f. n. night
cawo [feminine] n., [abstract] good fortune
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Cawo
name-f night; luck, fate, good fortune. Syn: Ayaan, Nasiib
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
cawo
-cawada: (n) 1. night (naayt), especially the hours of darkness ~ habeen, 2. luck (lak) ~ nasiib
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Cawo
magac loo baxsho gabadh la rajaynayo in ay noqoto mid reerka barwaaqo u horseedda.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cawo
-da: (magac, dhedig, keli) ayaan; nasiib.
cawo -da: (magac, dhedig, keli) labo iyo tobanka saac ee ay qorraxdu maqan tahay. Dh: habeen.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Caws
(Caws-ka)
1. Nagaar jaadad badan ah oo dhulka badanki kashkaash u ah oo daboola: waa caleemo aan jirrid iyo laamo waaweyn midna lahayn; xoolahaa daaqa.
2. Gogol laga falkiyo; harrar; raar; falag.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
caws
m.l Nooc dhirta ka mid ah, oo xooluhu daaqaan leh caleemo, laamo iyo jirrid aan xoogganeyn oo badanaa deda meesha uu ka baxo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
caws
m.l Nooc dhirta ka mid ah, oo xooluhu daaqaan leh caleemo, laamo iyo jirrid aan xoogganeyn oo badanaa deda meesha uu ka baxo.
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Caws
Grass
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
caws
m. n., [collective] grass
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
caws
-ka: (n) grass (garaas)-, lawn (loon)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caws
-ka: (magac, lab, keli) nagaadh jaadad badan ah oo dhulka badankiisa ka baxa. Cawsku, waa tigaad engegan oo ka kooban laamo yaryar oo aan jirrid iyo caleemo la sheego toona lahayn.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
caws
de: grass
lx: caws
pd: (-ka Pl: cawsas)
ps: n4-m, n2-m-mass
key: caws
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gawl
°(Gaw-sha)
Summad xoolaha loo yeelo; astaan dhegta looga dhigo (ama gowl).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gawl
m.dh Sumad xoolaha dhegaha looga yeelo ayadoo dhegaha dacalkooda la gooynayo. la-mid: gowl.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
gawl
f. n. mark placed on livestock for identification
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gawl
-sha: (magac, dhedig, keli) summad xoolaha dhegta lagaga dhigo. Lax gawl leh baa iga luntay.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
gawl
bw: gowl
cf: canjiid, hayl, summad
de: mark placed on livestock for identification
lx: gawl
pd: (/sha)
ps: n1-f
key: gawl
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hawl
1. (Hawl-ka) a) Hawshii la qabto, abaalgudka layska siiyo ama laga qaato. b) Axan, agas, iyo wixii kaloo la mid ah, oo dhimashada lug ku leh.
2. (Haw-sha) Farsamo kasta oo la qabto; waxqabasho dhib iyo daal leh; xoogsi; shaqo; shiidaad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hawl
hawl¹: m.l Wax ijaar ahaan loo siiyo qof shaqo qabtay.
hawl²: m.dh (-lo, m.l) Waxqabad ujeeddo leh oo la adeegsanayo muruq, maskax iyo wixi lamida; shaqo.
hawl³: f.g1 (-awlay, -awshay) 1. Qof shaqo u yeelid. 2. Cid dhibaateyn.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
hawl
hawl¹: m.dh (-lo, m.l) Waxqabad ujeeddo leh oo la adeegsanayo muruq, maskax iyo wixi lamida; shaqo.
hawl²: f.g1 (-awlay, -awshay) 1. Qof shaqo u yeelid. 2. Cid dhibaateyn. m.f.dh, hawlid.
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Hawl
Work
Qaamuuska Ereybixinta: Xisaab (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Hawl
Work
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hawl
v. work
hawl [feminine] n. work, labor, toil; task, duty; activity
hawl m. n. payment, compensation, commission
hawl m. n. funeral
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
hawl
-hawsha: (n) a function to be performed; activity (ak-tiviti); job (jaab)-, task (taask)-, work (woork) ~ shaqo
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Hawl
Lavoro; occupazione
Work; occupation