cawino
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cawino
m.dh la-mid: caawino.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
cawino
f. n. aid; assistance, help; support, charity
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
cawino
a: caawimo
de: aid; assistance, help; support, charity
lx: cawino
pd: (/da)
ps: n6-f
key: cawino
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
caawino
m.dh Deeq ama kaalmo loo fidiyo dad tabaalaysan. la-mid: caawimaad, caawimo, caawinaad, cawimaad, cawimo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
caawino
m.dh Deeq ama kaalmo loo fidiyo dad tabaalaysan. la-mid: caawimaad, caawimo, cawimaad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caawino
-da: (magac, dhedig, keli) taageero iyo kaalmo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cawin
cawin¹: m.dh la-mid: caawiyid.
cawin²: f.g1 (-imay, -intay) la-mid: caawin².
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
cawin
v. help, support, aid, assist someone
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
cawin
-ay / tay: (v) give aid or support; assist (a-sistf help (help) ; ~ caawin
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cawin
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg caawin.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
cawin
de: help, support, aid, assist s.o.
lx: cawin
pd: (cawinmay)
ps: v1=
key: cawin
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
camino
s.m. shoolad.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
canino
agg. - eeyeed (dente c.: mici.)
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
carino
agg. - bilan, wacan; bocor.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
casino
/kasino/ (n) guri-khamaar.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali (Maay) - Maxamed Xaaji Mukhtaar, Cumar Macalin Axmed [2007]
casino
/kasino/ (n) goob, meel (meelly kamaarky).
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Cawilo
name-f substitute; black
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Cawilo
magac loo baxsho gabadh ilmihii ka horreeyay uu geeriyooday oo la rajaynayo in ay bedel khayr qaba noqoto.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cawimo
m.dh la-mid: caawino.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cawimo
-da: (magac, dhedig, keli) taageero; caawimo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
caawimo
m.dh la-mid: caawino.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
caawimo
f. n. help, assistance
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caawimo
-da: (magac, dhedig, keli) deeq gargaar ah. Caawimo ayaa la siiyay dadkii tabaalaysnaa. Dh: gargaar, kaalmo, taageero.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
caawimo
de: help, assistance
lx: caawimo
pd: (/da)
ps: n6-f
key: caawimo
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
cammino
s.m. - socod, socdaal.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cawinid
m.dh la-mid: caawinid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cawirow
f.mg1 (-oobay, -oowday; -oobi) la-mid: cawarow.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
scalino
s.m. - xatabad, xatab.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
awno
m.dh (-ooyin, m.l) Aseendo; beer weyn.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
awno
m.dh (-ooyin, m.l) Aseendo; beer weyn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cawi
f.g1/2 (-iyay, -iday/ -isay; -iyi) la-mid: caawi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Cawo
(Cawa-da)
1. Laba-iyo-tobanka saac oo qorraxdu maqan tahay; habeen.
2. Nasiib-wanaag; ayaan; qadan; ul.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cawo
m.dh 1. (-ooyin, m.l) Habeen. 2. Nasiib wanaagsan.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
cawo
m.dh 1. (-ooyin, m.l) Habeen. 2. Nasiib wanaagsan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
cawo
f. n. night
cawo [feminine] n., [abstract] good fortune
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Cawo
name-f night; luck, fate, good fortune. Syn: Ayaan, Nasiib
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
cawo
-cawada: (n) 1. night (naayt), especially the hours of darkness ~ habeen, 2. luck (lak) ~ nasiib
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Cawo
magac loo baxsho gabadh la rajaynayo in ay noqoto mid reerka barwaaqo u horseedda.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cawo
-da: (magac, dhedig, keli) ayaan; nasiib.
cawo -da: (magac, dhedig, keli) labo iyo tobanka saac ee ay qorraxdu maqan tahay. Dh: habeen.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
aawin
m.f.dh eeg aawi. la-mid: aawis.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
àsino
s.m. - dameer.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Caano
(Caana-ha)
1. Wax cad oo shubma oo ka yimaada naasaleyda dheddig naasohooda oo dhashoodu nuugto oo ku noolaato.
2. Wixii kaloo u eg, sida dhirta qaarkeed dhacaanka cad oo ka yimaada.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
caano
m.l.w 1. Hoore cad, nafaqo leh, la dhammo oo naasleyda dheddig ee irmaan ibaheeda ka yimaadda. 2. Dhacaan cad, layiig ah oo dhirta qaarkeed ka yimaadda marka la turqo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
caano
m.l.w 1. Hoore cad, nafaqo leh, la dhammo oo naasleyda dheddig ee irmaan ibaheeda ka yimaadda. 2. Dhacaan cad, layiig ah oo dhirta qaarkeed ka yimaadda marka la turqo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
caano
m. n., (mass n.): milk
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
caano
-caanaha: (n) milk (milk)
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Caano
Latte
Milk
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caano
-ha: (magac, lab, keli) dareeraha cad ee naasleyda oo dhan naasaha ka yimaadda marka ay dhalaan, si ilmuhu u nuugo. Hooyo caano i sii, horta reerku ha dego.
caano-ha: (magac, lab, keli) wax kasta oo dareere ah oo midabka caanaha leh, sida dheecaanka cad ee ka yimaadda dhirta qaarkeed. Dh: cananno.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
caano
de: milk
lx: caano
pd: (/ha)
ps: n6-m-mass
xe: cow's milk
xv: caano lo'aad
key: caano
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
caano
حَلِيبٍ، لَبَنٌ
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
cabin
/kaabin/ 1. kabbiin (gol hurdo oo markabka ku dhex yaal) 2.cariish.
Eraybixinta Af Soomaaliga ee Hawlaha Wasaaradaha (Soomaali-Ingiriis-Talyaani) - Guddiga Af Soomaaliga [1972]
Cabin
qol
Qaamuus Ingiriis-Soomaali (Maay) - Maxamed Xaaji Mukhtaar, Cumar Macalin Axmed [2007]
cabin
/kaabin/ (n) 1. shukaanty (kabiing). 2. daash.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cabin
-ta: (magac, dhedig, keli) mid kale, wax uu cabbo siin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cafin
m.dh la-mid: cafiyid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cafin
-ta: (magac, dhedig, keli) cid geftay, saamaxid oo u debidhaafid. Dh: cafis, cafiyid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
caqin
m.dh la-mid: aqin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caqin
-ta: (magac, dhedig, keli) harraadin; oomin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
carin
m.f.dh eeg cari. la-mid: caris (2).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
carin
-ta: (magac, dhedig, keli) «ka ~» noole, carasho ka keenid. Dh: dhirin; dhidhin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cawan
f.mg4 (-naa, -nayd) Wax cawo leh ahaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cawdo
f.mg3 (-day, -datay) Xoolo badan meel isugu ururid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Cawil
(Cawil-ka)
Wax lumay wax meeshoodii soo galay: beddel.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cawil
m.l Wax ku dhaafay ama lumay beddelkood.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
cawil
m.l Wax ku dhaafay ama lumay beddelkood.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
cawil
m. n. substitute
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Cawil
name-m substitute; black. Cf: Beddel
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
cawil
-ka: (n) 1. replacement (ri-plays-ment), 2. Somali name, given to a male whose father or older brother has died
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Cawil
magac loo baxsho wiil uu walaalkii oo ka weynaa geeriyooday oo la rajaynayo in uu beddel khayr qaba noqdo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cawil
-ka: (magac, lab, keli) wax lumay ama la waayay, wixii beddeli lahaa. Dh: beddel.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
cawil
cf: beddel
de: substitute
lx: cawil
pd: (-ka)
ps: n2-m
key: cawil
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cawir
cawir¹: m.l la-mid: cawar¹.
cawir²: f.g1 (-ray, -rtay) la-mid: cawar².
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
cawir
f.g1 (-ray, -rtay) la-mid: cawar².
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
cawir
v. hurt, damage ~ blind s.o
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
cawir
-ay I tay: (v) wound (wuundh), injure (in-jar) ~ dhaawac, cawar —Syn: hurt harm, damage, impair, mar, spoil
cawir -ka: (n) one who has strabismus (istra-bes-masf squinter (iskuwinter)-, cross-eyed (kros-aayidh) person; or one-eyed person ~ weershe, cawar
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cawir
-ka: (magac, dhedig, keli) qof ama nafley kale oo aan il wax ka arag; mid il la'.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
cawir
de: hurt, damage ~ blind s.o (e.g. render s.o. squint-eyed)
lx: cawir
pd: (cawiray)
ps: v1=tr
key: cawir
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cawis
m.l la-mid: caawiyid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cawlo
m.dh.u la-mid: cawl². (1)
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Cawro
(Cawra-da)
Oogada dadka inta la qarsho; foolxumo; ceeb.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cawro
cawro: m.dh Oogada dadka inta la qarsho; foolxuumo; ceeb.
cąwro: m.dh 1. Inkaar. 2. Il, cawri. 3. Xin, kuuni, xasdi.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
cawro
cawro: m.dh Oogada dadka inta la qarsho; foolxuumo; ceeb.
cąwro: m.dh 1. Inkaar. 2. Il, cawri. 3. Xin, kuuni, xasdi.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
cawro
f. n. parts of body that are hidden, private parts; ugliness; dishonor, shame
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
cawro
-cawrada: (n) 1. the external organs of sex; private parts. Ex: cawradaada qarso; cover your private parts. 2. defect (dii-fakt)-, deficiency (di-fishansi)
cawro u yeel: (v) inflict damage; disfigure (dis-figer)-, blemish (baleemish)-, mar (maar) ~ cilladee, cillee
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cawro
-da: (magac, dhedig, keli) meelaha ka mid ka ah jidhka ee ay tahay in la asturo, rag iyo dumarba.
cawro -da: (magac, dhedig, keli) masiibo; ibtilo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
cawro
de: parts of body that are hidden, private parts; [fig.] ugliness; dishonor, shame
lx: cawro
pd: (/da)
ps: n6-f
key: cawro
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cayin
f.g1 (-nay, -ntay) 1. Wax tiradooda ama noocooda si cad u sheegid. 2. U c.: qof, meel u magacaabid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
cayin
f.g1 (-nay, -ntay) 1. Wax tiradooda ama noocooda si cad u sheegid. 2. U c.: qof, meel u magacaabid. m.f.dh, cayinid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cayin
(fal) qof jago u magacow.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dawin
(Dawin-ta)
Wax ama qof meel fog u gudbin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dawin
m.f.dh eeg dawi. la-mid: dawis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dawin
-ta: (magac, dhedig, keli) wax, u gudbin meel kale oo durugsan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hawin
-ta: (magac, dhedig, keli) hu' dul saarid. Dh: huwin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Tawin
(Tawin-ta)
Cudurrada astaanta wehelisa ama lagu kala yaqaan; taws.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tawin
m.dh Cudur muddo dheer haya dadka.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
tawin
m.dh Cudur muddo dheer haya dadka.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
tawin
f. n. symptom, ailment
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tawin
-ta: (magac, dhedig, keli) astaanta cudurrada wehelisa ee lagu yaqaan oo lagu garto. Dh: taws, xanuun.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
tawin
cf: taws
de: symptom, ailment
initial: t
lx: tawin
pd: (-ta)
ps: n2-f
key: tawin
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
zàino
s.m. - nuskubaan, iskubaano.