cawdasho
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cawdasho
m.f.dh eeg cawdo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cadasho
-da: (magac, dhedig, keli) ilkaha rumay ku nadiifin; ilkaha caday marmarin oo nadiifin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
awasho
m.f.dh eeg awo².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Badasho
(Badasha-da)
Wax badan noqosho; tarmid; bulaalid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
badasho
m.f.dh eeg bado.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
badasho
vl. n. intensification, multiplication
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
badasho
-badashada: (n) the act of increasing, multiplying or intensifying siyaado
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
badasho
-da: (magac, dhedig, keli) taran yeelasho; wax badan noqosho. Badasho barako leh Allow noo badi barta. Dh: biirid, bullaalid, tarmid, korodh, beekhaamid. Li: yaraansho.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
badasho
cf: barkhad, bulaal, taran
de: intensification, multiplication
lx: badasho
pd: (/da)
ps: vn6-f
key: badasho
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Cabasho
(Cabasha-da)
Eed sheegasho; calaacal.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cabasho
m.f.dh eeg cabo².
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
cabasho
m.f.dh eeg cabo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
cabasho
vl. n. complaint, complaining, lamenting
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
cabasho
-cabashada: (n) complaint (kam-playnt); grouch (graaj); protest (prowtest); grievance (griifansi); grumble, grudge. Ex: shaqaalihii waxay maamulaha u gudbiyeen cabashadoodii oo taxan; the workers gave the manager a list of their grievances.
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Cabasho
Lagnanza
Complaint
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cabasho
-da: (magac, dhedig, keli) dhibaato muuqata ama maanka ah, wax ka sheegasho.
cabasho -da: (magac, dhedig, keli) «ka ~ cid kale ka eed sheegasho. Dh: eedsheegasho, dacwad.
cabasho-da: (magac, dhedig, keli) «u ~» cid kale dhib u sheegasho una cataabid. Dh: calaacalid, cataabid.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
cabasho
de: complaint, complaining, lamenting
lx: cabasho
pd: (/da)
ps: vn6-f
key: cabasho
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
calasho
f.g3 (-shaday, -shatay) la-mid: calalso.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
calasho
(fal) cunto iyo wax la mid ah, afka geli oo ilkaha ku googoo oo raamso.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
caqasho
m.dh la-mid: aqasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caqasho
-da: (magac, dhedig, keli) eeg caqad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Carasho
(Carasha-da)
Ciil darti wax u baabbi'in.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
carasho
m.f.dh eeg caro². la-mid: carad.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
carasho
vl. n. destructive anger
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
carasho
carashada: (n) the act of getting explosive anger; rage (reeyj); anger (an-ger)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
carasho
-da: (magac, dhedig, keli) cadho darted, wax u baabi'in; awrtu marka ay is laynayso inta aanay micida isla gaarin, dhoolatuska ka horeeya oo ay jejebiso geedaha u dhow oo dhan. Maku carannay awrtuba dhirtay caasha marisaaye.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
carasho
cf: caro
de: destructive anger
lx: carasho
pd: (/da)
ps: vn6-f
key: carasho
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Codasho
(Codasho-da)
Hadal wax ku weyddiisasho; baryid; codsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
codasho
m.f.dh eeg codo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gadasho
(Gadasha-da)
1. Wax ganac ah, qiimihiisa bixin oo la soo wareegid.
2. (raad) tirasho, qarin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gadasho
m.f.dh eeg gado.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
gadasho
vl. n. buying
gadasho vl. n. covering, hiding, erasing
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
gadasho
-da: (n) the act of buying
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gadasho
-da: (magac, dhedig, keli) badeecad iibsaho. Li: iibin, gadid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hadasho
-da: (magac, dhedig, keli) rabitaanka wax aan gacanta lagu hayn. Waa loo hagaajaa anfaca hadasho waa ceeb.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
madasho
f.g3 (-shaday, -shatay) la-mid: madalso.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
madasho
(fal) eeg madalso.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
wadasho
m.f.dh eeg wado.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
wadasho
-da: (magac, dhedig, keli) kaxaysasho oo la tegid. Waan aqaan wadashada baabuurta.
wadasho -da: (magac, dhedig, keli) xoolo iyo wax la mid ah jirasho oo dhaqaalaysasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xadasho
-da: (magac, dhedig, keli) xad samaysasho.
xadasho -da: (magac, dhedig, keli) dhibaato iyo itixaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bawsasho
-da: (magac, dhedig, keli) wax barasho aan loo nisbayn karin dugsi iyo dhigasho, meelaha laga bartay. Dh: cilmidhegood.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caarasho
-da: (magac, dhedig, keli) sheemidda neefka geela ah ee lab.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Cabsasho
(Cabsasha-da)
Cabsiyi gelid; biqid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cabsasho
m.f.dh eeg cabso. la-mid: cabsad, cabsi, cabsood.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
cabsasho
vl. n. fear
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
cabsasho
-cabsashada: (n) fright (faraayt); dread, terror or fear cabsi
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Cabsasho
Timore
Fearsome
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cabsasho
-da: (magac, dhedig, keli) dareenka welwel wehesho oo mustaqbalka dhow halis laga cabsanayo. Dh: baqasho.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
cabsasho
de: fear
lx: cabsasho
pd: (/da)
ps: vn6-f
key: cabsasho
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Calfasho
(Calfasha-da)
Calaf ka dhigasho; dheefsasho; (ama calafsasho).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
calfasho
m.dh la-mid: calafsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
calfasho
-da: (magac, dhedig, keli) eeg calfad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Calmasho
(Calmasha-da)
Jeclaysasho; doorasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
calmasho
m.f.dh eeg calmo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
calmasho
vl. n. act of choosing, loving
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
calmasho
-calmashada: (n) a wish or longing; desire (di-zaayr)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
calmasho
-da: (magac, dhedig, keli) eeg calmad.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
calmasho
de: act of choosing, loving
lx: calmasho
pd: (/da)
ps: vn6-f
key: calmasho
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Caymasho
(Caymasha-da)
Caymad, nabadgal.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
caymasho
m.f.dh eeg caymo². la-mid: caymad.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
caymasho
vl. n. being safe
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
caymasho
-caymashada: (n) the state of being safe from danger or risk; security (sikyuuriti)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caymasho
-da: (magac, dhedig, keli) dhibaato ka badbaadid; halis ka baxsasho.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
caymasho
de: being safe
lx: caymasho
pd: (/da)
ps: vn6-f
key: caymasho
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Daadasho
(Daadasha-da)
Qubasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daadasho
m.f.dh eeg daado. la-mid: daadad.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
daadasho
vl. n. state of getting spilled
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daadasho
-da: (magac, dhedig, keli) walax ama wax kale oo meeshii uu ku jirey ka qubta.
daadasho-da: (magac, dhedig, keli) xoolo si aan la ogayn uga baxa xeradii ay ku jireen.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
daadasho
de: state of getting spilled
lx: daadasho
pd: (/da)
ps: vn6-f
key: daadasho
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
faydasho
-da: (magac, dhedig, keli) marada jidhka intiisa hoose qarisa kor u soo qaadid. Dh: xaydasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gaadasho
(Gaadasha-da)
Doorasho; xulasho; togasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gaadasho
m.f.dh eeg gaado².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gąadasho
m.f.dh eeg gąado.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
gaadasho
vl. n. choice, selection
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gaadasho
-da: (magac, dhedig, keli) xulasho wax la dooranayo sida guur. Waad gaadasho wacan tahay. Dh: togasho.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
gaadasho
de: choice, selection rw: gaado
lx: gaadasho
pd: (/da)
ps: vn6-f
key: gaadasho
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kawlasho
-da: (magac, dhedig, keli) cabbitaanka biyo yar oo aan laga haraadbeelin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
laadasho
m.f.dh eeg laado.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
laadasho
-da: (magac, dhedig, keli) kubbad, laad ku dhufsasho. Dh: leedasho, laagasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Maadasho
(Maadasha-da)
Meel maad ah gelid, ku dhuumasho; is qarin; is'ilaalin; iska dhawrid; biqid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maadasho
m.f.dh eeg maado. la-mid: maadad, maarad, maarasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
maadasho
vl. n. hiding oneself
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maadasho
-da: (magac, dhedig, keli) baaqasho; dhici waayid. Maadashada dagaalkii u dhici waayay waa khayr.
maadasho-da: (magac, dhedig, keli) ku dhuumad: meel qarsoon gelid, isqarin. Weligaaba maadasho uun kuma jirayside runta iska sheeg. Dh: dhuumasho.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
maadasho
de: hiding oneself
lx: maadasho
pd: (/da)
ps: vn-f
key: maadasho
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qaadasho
(Qaadasha-da)
1. Wax inta gacanta loo soo taago, oo lagu qabto lala tago, si meel kale loo geysto ama wax loogu qabsado ama cid kale loo siiyo; hantiyid.
2. Hadal talo ah ama waano yeelid, maqlid, oggolaansho.
3. (dhib, kd.) Dul u yeelasho, u sabrid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qaadasho
m.f.dh eeg qaado.
Qaamuuska Ereybixinta: Xisaab (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Qaadasho
Assumption
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qaadasho
vl. n. taking for oneself, borrowing, adopting; understanding
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
qaadasho
-qaadashada: (n) the act of taking
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Qaadasho
Riscuotere
To collect
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qaadasho
-da: (magac, dhedig, keli) hadal talo ah ama waano ah yeelid. Dh: maqlid, oggolaansho.
qaadasho-da: (magac, dhedig, keli) hantiyid oo la tegid: gacan ku dhigid. Qaadashada xoolahaaga cidina kuuma diiddo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qaadasho
de: taking for oneself, borrowing, adopting; understanding
lx: qaadasho
pd: (/da)
ps: vn6-f
key: qaadasho
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
qaadasho
أخذ
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qawsasho
m.f.dh eeg qawso. la-mid: qawsi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qawsasho
-da: (magac, dhedig, keli) eeg qawsad.
qawsasho -da: (magac, dhedig, keli) bisaara- daysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qaydasho
m.f.dh eeg qaydo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saadasho
-da: (magac, dhedig, keli) wax saad ah, isu farrin. Dh: saadsad, saraadasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xaydasho
-da: (magac, dhedig, keli) marada jiilasho oo tafaha bannayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cawdnaansho
m.l/dh la-mid: cawdnaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Caddaansho
(Caddaansha-ha)
Midab cad lahaansho; wax cad ahaansho.