cawabaryid
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cawabaryid
-da: (magac, dhedig, keli) wanaag iyo nabadqab ku waabariisasho.
cawabaryid -da: (magac, dhedig, keli) cawabari helid; nabadgelyo helid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Cawabbaryid
(Cawabbaryid-da)
Cawabbari helid; nabadgelyo ku baryid, helid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cawabbaryid
m.f.dh eeg cawabbari². la-mid: cawabbari¹ (2), cawabbarin.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
cawabari
-cawabaryey / cawabarisay: (v) [with preposition soo] 1. have a safe night ~ cawabbari. Ex: soo cawabarya; sleep peacefully. Ex: maxaa lagu cawabaryey? did everybody sleep peacefully last night?. 2. stay overnight ~ dhax
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cawabari
-ga: (magac, lab, keli) nabad ku baryid ama ku soo toosid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cawabbariin
m.f.dh eeg cawabbarii. la-mid: cawabbarisiin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Caaryid
(Caaryid-da)
1. (bad) dib u noqosho; xagga xeebta ka durkid.
2. (ku caaryid) Meel xeeb ah baddu geyn, ku tufid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
caaryid
m.f.dh eeg caari². la-mid: caarin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
caaryid
vl. n. ebbing; ebb tide
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
caaryid
-da: (n) the receding or outgoing tide; low tide; low water; ebbing
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caaryid
-da: (magac, dhedig, keli) badda, xeebta ka durkid oo berriga ka fogaansho.
caaryid -da: (magac, dhedig, keli) doon iyo wixii la mid ah, xeebta ku durkid oo xaaxiga badda raacid.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
caaryid
de: ebbing; ebb tide
lx: caaryid
pd: (-da)
ps: vn1-f
key: caaryid
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cawarid
m.f.dh eeg cawar². la-mid: cawaraad, cawiraad, cawirid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
cawarid
vl. n. cheating, duping; blinding
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cawarid
-da: (magac, dhedig, keli) cid kale, waxyeello u gaysasho; cid kale, dhaawac gaadhsiin. Dh: dhaawacid.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
cawarid
de: cheating, duping; blinding
lx: cawarid
pd: (-da)
ps: vn1-f, vn2-f
key: cawarid
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Cawryid
(Cawryid-da)
Xoolo ama wax kale, oo cid kale leedahay isha ku cunid; kuunyid; dhabataysi, qumanyaysi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cawryid
m.dh eeg cawri².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cawryid
-da: (magac, dhedig, keli) xoolo iyo wixii la mid ah oo cid kale leedahay isha ku dhibid ama kuunyid. Dh: dhabataysi, qumanyaysi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
caabaqid
m.dh la-mid: caabuqid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caabaqid
-da: (magac, dhedig, keli) barar oo hoosta ka bukid. Caabuqid badan ayuu yeeshay nabarku. Dh: millil, caabuqid. Li: bogsi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cadaarid
-ka: (magac, lab, kali) xiddig ka mid ah sagaalka cirjiidh ee loo adeegsado faalka magiiganaha, wuxuu na ka dhexeeyaa Jaamac iyo Istamiic.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cagaarid
-da: (magac, dhedig, keli) haan la lulayo, cagaarasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
carbarid
m.f.dh eeg carbar².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cawarmid
m.f.dh eeg cawaran¹. la-mid: cawirmid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cawarmid
-da: (magac, dhedig, keli) dhaawacmid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Cayaarid
(Cayaarid-da)
Cayaar ka qaybgelid; dheelid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cayaarid
m.f.dh eeg cayaar². la-mid: ciyaarid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cayaarid
-da: (magac, dhedig, keli) ciyaar ka qaybgelid. Dh: dheelid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hawaarid
(Hawaarid-da)
Fadhi ballaaran oo kala daadsan fadhiyid; barraaqid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hawaarid
m.f.dh eeg hawaar³. la-mid: hawaar¹ (2).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hawaarid
-da: (magac, dhedig, keli) fadhi ballaadhan oo kala daadsan fadhiyid; si hawaar ah u fadhiyid. Dh: hawaarsasho, bahardaadid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Caabbiyid
(Caabbiyid-da)
Xoog ku ilaalin; ku fillaansho; adkayn; xajin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
caabbiyid
m.f.dh eeg caabbi². la-mid: caabbi¹, caabbin, caabbis.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
caabbiyid
vl. n. act of reinforcing, strengthening
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caabbiyid
-da: (magac, dhedig, keli) xoog iskaga celin, iskaga qabasho. Dh: adkayn, xejin.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
caabbiyid
de: act of reinforcing, strengthening
lx: caabbiyid
pd: (-da)
ps: vn-f
key: caabbiyid
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cafaariid
m.dh.w eeg cirfiid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
cafaariid
f. n., pl. evil spirits, devils; mythical giants
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
cafaariid
a: cirfiid
de: evil spirits, devils; mythical giants
lx: cafaariid
pd: (-da)
ps: n8-f-pl
key: cafaariid
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cagaarmid
-da: (magac, dhedig, keli) midab cagaar ah yeelasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
casamarid
m.f.dh eeg casamar².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
catatarid
m.f.dh eeg catatar².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Cawabbari
(Cawabbari-ga)
Nabad ku bari, ku soo toos; badbaado; nabaaddiino.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cawabbari
cawabbari¹: m.l 1. Habeen meel nabad gelyo lagu baryo. 2. la-mid: cawabbarid.
cawabbari²: f.mg1/2 (-ryay, -riday/risay; -ryi) Habeen meel nabad ku baryid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
cawabbari
f.mg1/2 (-ryay, -riday/risay; -ryi) Habeen meel nabad ku baryid. m.f.dh, cawabbaryid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
cawabbari
v. pass the night in peace; stay the night
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
cawabbari
de: pass the night in peace; stay the night
lx: cawabbari
pd: (cawabbariyey)
ps: v1=
see: cawo + bari
key: cawabbari
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
farabarid
-da: (magac, dhedig, keli) neef ugub ah laylyid. Dh: jarabarid, agabarid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kalabarid
-da: (magac, dhedig, keli) shay labo is le'eg ka dhigid, laba gabal oo is le'eg ka dhigid. Dh: kalabadhid.
kalabarid -da: (magac, dhedig, keli) hawl aad haysid labo meelood marka loo qaybiyo meel dhammayn. Dh: kalabbadhid.
Qaamuuska Ereybixinta: Barbaarinta Jirka (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1984]
tababarid
to coach, to train
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Waraaryid
(Waraaryid-da)
Ruxid; gilgilid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
waraaryid
m.f.dh eeg waraari.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
allabaryid
-da: (magac, dhedig, keli) Eebbe tuugid oo wax weydiisad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cawabbarii
f.g2 (-iiyay, -iisay) Wax habeen meel ku nabad gelin. la-mid: cawabbariisii.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
cawabbarii
v. have someone stay over the night
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
cawabbarii
a: cawabbarisii
de: have s.o. stay over the night
lx: cawabbarii
pd: (cawabbariiyey)
ps: v2a=tr
key: cawabbarii
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cawabbarin
m.dh la-mid: cawabbaryid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cawabbarin
-ta: (magac, dhedig, keli) nabad ku baryid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cawabbarisii
f.g2 (-iiyay, -iisay) la-mid: cawabbarii.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
calwasaadid
m.f.dh eeg calwasaad². la-mid: calwasaad¹ (2), carwasaad¹, carwasaadid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
carwasaadid
m.dh la-mid: calwasaadid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kalabbarmid
m.f.dh eeg kalabbaran¹.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
cawabbariisii
v. have someone stay the night
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
cawabbariisii
de: have s.o. stay the night
lx: cawabbariisii
pd: (cawabbariisiiyey)
ps: v2a=
key: cawabbariisii
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cawabbarisiin
m.dh la-mid: cawabbariin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cawabbarisiin
-ta: (magac, dhedig, keli) nabad ku bariisiin; nabadgelyo ku soo toosin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
saynwaraaryid
m.f.dh eeg saynwaraari². la-mid: saynwaraarin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aayarid
-da: (magac, dhedig, keli) si deggan oo aan degdeg lahayn wax u qabad oo u faltamid. Dh: miyirid.
aayarid -da: (magac, dhedig, keli) si tartiib ah oo aanu degdeg iyo adayg ku jirin. Aayaritaanka ayay arrimuhu ku hirgalaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
afbarid
m.f.dh eeg afbar.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
amaarid
-da: (magac, dhedig, keli) geela goojintiisa. Amaaridda geelu waa calaamadda lagu garto in uu rimay.
amaarid -da: (magac, dhedig, keli) dareenka lulo iyo caajiska kaa xoog badan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Awaalid
(Awaalid-da)
Filid; malayn; sugid; saadin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
awaalid
m.dh la-mid: aawil¹, aawilid, awaal¹ (2).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
awaalid
-da: (magac, dhedig, keli) wax saadin; wax saadaalin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Baaryid
(Baaryid-da)
1. Xoog iyo culays saarid; riixid xoog iyo saamays leh; (ka baaryid, ku baaryid) weecasho ama weecin xoog leh.
2. (ganacsi) wax la iibina hayo (naado, xaraash), qof qiime madhaafaan ah gaaray, u deyn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baaryid
m.dh la-mid: baariyid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
baaryid
vl. n. pressuring; advertising; auction
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baaryid
-da: (magac, dhedig, keli) dhaafitaanka xilligii la cuni lahaa ama la iibsan lahaa.
baaryid -da: (magac, dhedig, keli) wax naado ama xaraash lagu iibinayo oo loo daynayo qofka gaadha qiimaha ugu wacan. Baaryidda ku horreeya idinku, annagu waan idinku xigaynnaaye.
baaryid -da: (magac, dhedig, keli) xoog iyo culays saarid; riixid iyo xoog saamayn leh.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
baaryid
cf: baari
de: pressuring; advertising, auction
lx: baaryid
pd: (-da)
ps: vn-f
key: baaryid
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cagaari
f.g/mg2 (-iyay, -isay) 1. (f.g) Wax cagaar ka dhigid. 2. (f.mg) Caano la lulayo dhibcihii ugu horreeyey oo subagga ahaa bilaabid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
cagaari
v. paint green, make green
cagaari v. make someone wait in vain (for someone ~ something which is not coming)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cagaari
(fal) haanta lul oo inay subag yeelato ku dedaal. Dh: lul.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cajabid
m.f.dh eeg cajab².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cajabid
-da: (magac, dhedig, keli) (la ~) la yaabid: la cajebid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caqabad
-da: (magac, dhedig, keli) arrin timaaddo ah oo muraad qof leeyahay is hortaagta; meel ama wax aan si fudud looga gudbi karin. Dh: carqalad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Carabay
(fal) Carab ka dhig.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Cararid
(Cararid-da)
Wax laga baqo ama laga naxo ama si kale aan loo rabin, ka ordid; baxsasho; roorid, fakasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cararid
m.f.dh eeg carar². la-mid: carar¹ (1).
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
cararid
vl. n. running away
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cararid
-da: (magac, dhedig, keli) cabsi darteed, xawli u socod. Dh: roorid, ordid, fakasho.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
cararid
de: running away
lx: cararid
pd: (-da)
ps: vn1-f
key: cararid
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cawaaji
-ga: (magac, lab, keli) lacag ama faleen kiro ahaan sannadkii ba hal mar laga baxsho xejiga uu beeranayo qof aan yed u lahayni.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cawirid
m.dh la-mid: cawarid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cawiyid
m.dh la-mid: caawiyid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Cayaari
(Cayaari-ga)
Garangar yar oo inta xarig laga dhexdusiyo, waxyaalaha culus lagu shubashubeeyo; khafiyad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cayaari
cayaari¹: m.l.u Garangar yar oo inta xarig laga dhexdudisiyo, waxyaalaha culus lagu shubashubeeyo; khafyad. la-mid: ciyaari¹.
cayaari²: f.g2 (-iyay, -isay) Wax ciyaar ku madaddaalin. la-mid: ciyaari².
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
cayaari
v. cause someone to play, entertain, amuse, play with; make play; regulate play, referee a game
cayaari m. n., [collective] pulley
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
cayaari
-ga: (n) pulley (puuli)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cayaari
(fal) cid kale, dheelsii.
cayaari -ga: (magac, lab, keli) garangar yar oo inta xadhig laga dhex dusiyo waxyaalaha culculus lagu shubashubeeyo. Dh: khafiyad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dawaari
(fal) maro tol adigoo u adeegsanaya dun iyo makiinad. Dh: tol.