casow
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
casow
f.mg3 (-saaday, -saatay) Wax cas noqosho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
casow
inch. v. become red, get reddish
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
casow
(fal) wax cas noqo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
casow
a: casoow
de: become red, get reddish
lx: casow
pd: (casaaday)
ps: v3a=inch
key: casow
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
caso
s.m. - xaal, arrin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Caso
magac loo baxsho gabadh aad u casayd xilligii ay dhalatay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Cadow
(Cadow-ga)
Labo qof ama dad badan oo is neceb, waxa midba midka kale u yahay; cadaawe.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cadow
m.l (-wyo, m.dh) la-mid: cadaawad.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
cadow
m.l (-wyo, m.dh) la-mid: cadaawad; cadaawo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
cadow
m. n. enemy, antagonist, opponent
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
cadow
-ga: (n) enemy (ena-mi); foe (fow); opponent (o-poo-nant)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cadow
-ga: (magac, lab, keli) eeg cadaw.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
cadow
bw: cadaw
de: enemy, antagonist, opponent
lx: cadow
pd: (-ga)
ps: n2a-m
syn: nacab
key: cadow
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Calow
(Calow-ga)
Dhoobo iyo ciid iyo wixii la mid ah oo biyuhu sitaan; raqas.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
calow
calow¹: m.l.kh 1. C. ah: biyo dhoobo ku qasantahay. 2. C. ah: midab calas ah.
calow²: f.mg1 (-lway, -lowday; -lwi) Biyo, dhoobo ku qasmid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
calow
m.l.kh 1. C. ah: biyo dhoobo ku qasantahay. 2. C. ah: midab calas ah.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
calow
m. n., (mass n.): muddy water
calow v. be muddy (of water)
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
calow
-ga: (n) not bright or pure especially muddy water or muddy color; turbid (tuur-bidh) ~ calas
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
calow
-ga: (magac, lab, keli) biyo dhoobo ku kaakacsan tahay ama ku walaaqan tahay. Dh: caraq, raqas.
calow -ga: (magac, lab, keli) fuudka dabka ku raaga oo dhanaanaada oo ka taga in la cabi karo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
carow
f.mg1 (-oobay, -owday; -oobi) Caano, wax car yeeshay noqosho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
carow
inch. v. having a bitter taste (milk)
Magacyada Dhirta Ceel-Dheere iyo Buula-Burte (Soomaali-Laatiin) - D. Herloker, B. Kujar [1985]
CAROW
Panicum pinifolium 10
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
carow
de: having a bitter taste (milk)
lx: carow
pd: (caroobay)
ps: v1=inch
key: carow
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
catow
catow¹: m.l 1. Hadal qof ku muujiya xumaan ama dhibaato gaartay, calaacal. 2. la-mid: cataabid.
catow²: f.mg1 (-taabay,-towday; -taabi) Cid, xumaan ama dhibaato gaartay hadal ku sheegid, claacalid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
catow
catow¹: m.l Hadal qof ku muujiya xumaan ama dhibaato gaartay, calaacal.
catow²: f.mg1 (-taabay,-towday; -taabi) Cid, xumaan ama dhibaato gaartay hadal ku sheegid, claacalid. m.f.dh, cataabid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
catow
(fal) hadal calaacal ah ku hadal. Dh: cabo, calaacal.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Lasow
(Lasow-ga)
Dhadhan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
lasow
m.l Dhadhanka wax faaday.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
lasow
m. n. taste, flavor
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
lasow
-ga: (magac, lab, keli) dhadhan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
lasow
de: taste, flavor
lx: lasow
pd: (-ga)
ps: n-m
syn: dhadhan
key: lasow
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
masow
f.mg1 (-oobay, -owday; -oobi) la-mid: misow.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
masow
(fal) cid kale la sinnaw; qof la siman ahaw Qayrkaa ayuun kaa badine la masow ama ka badi. Dh: siman, sinnaw, masoow, sinoow.
masow-ga: (magac, lab, keli) sinnaansho. Dh: sinnaan. Li: kaladuwanaan, kala sarrayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qasow
(fal) khaso iyo yaxyax qaad.
qasow -ga: (magac, lab, keli) eeg qaso.
qasow-ga: (magac, lab, keli) eeg qasoobid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tasow
f.mg1 (-oobay, -owday; -oobi) 1. Baadi wax muddo badan maqnayd noqosho. 2. Nafley dayoobid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tasow
-ga: (magac, lab, keli) xoolo baadiyow.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
casaansho
m.l/dh eeg casow. la-mid: casaan².
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Calasow
nickname; name-m slightly light skinned. Syn: Calas
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
calasow
magac loo baxsho wiil u dhashay midab furan oo dhalaalaya.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Casoowe
magaca wiil u dhashay midab cas.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
nacasow
f.mg1 (-oobay, -owday; -oobi) Nacas noqosho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
nacasow
f.mg1 (-oobay, -owday; -oobi) Nacas noqosho. m.f.dh, nacasoobid.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
nacasow
-bay I nacsowday: (v) commit foolish or stupid act ~ nacasoob
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
nacasow
(fal) fal nacasnimo same.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
aasnow
f.mg3 (-naaday, -naatay) Wax aasmay noqosho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caanow
(fal) caano noqo; caddaan noqo.
caanow-ga: (magac, dhedig, keli) caano noqosho ama midab caddaan ah yeelasho.
caanow -ga: (magac, lab, keli) cudur maqasha yaryar kaga dhaca xunaha lafaha oo aanay kici karin. Waxartu caanow ayey la jiiftaa.
caanow -ga: (magac, lab, kel) xanuun maqaarka ama jidhka ku dhaca oo cadcaddaan u yeela. Dh: baras.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
caarow
f.mg1 (-oobay, -owday; -oobi) Caaro dareemid (dad ama xoolo). la-mid: caaroo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
caarow
f.mg1 (-oobay, -owday; -oobi) Caaro dareemid (dad ama xoolo). m.f.dh, caaroobid. la-mid: caaroo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caarow
(fal) cadanyoo oo xajiin iyo cuncun dareen.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
caatow
caatow¹: m.l la-mid: caatoobid.
caatow²: f.mg1 (-oobay, -owday; -oobi) 1. Caato noqosho. 2. Wax dallan noqosho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
caatow
f.mg1 (-oobay, -owday; -oobi) 1. Caato noqosho. 2. Wax dallan noqosho. m.f.dh, caatoobid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caatow
(fal) daal oo rafaad. Dh: noog.
caatow -ga: (magac, lab, keli) mid aan hilib badan iyo baruur lahayn noqo.
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Cabdow
name-m servant. Cf. Cabdi
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cabsoo
f.mg3 (-ooday, -ootay) la-mid: cabso.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
cabsoo
f.mg3 (-ooday, -ootay) la-mid: cabso. cabsood m.l eeg cabsoo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
caddow
caddow¹: m.l la-mid: caddaad (1).
caddow²: f.mg3 (-daaday, -daatay) Wax cad noqosho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
caddow
f.mg3 (-daaday, -daatay) Wax cad noqosho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
Caddow
name: Addow
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
caddow
inch. v. become white; be clear, clarified, proven
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Caddow
name-m white; be clear, clarified, proven. Syn: Caddey
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Caddow
magac loo baxsho wiil midab caddaan ah u dhashay.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caddow
(fal) midab cad yeelo.
caddow: (fal) mid warkiisu cad yahay noqo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cadhow
f.mg1 (-oobay, -owday; -oobi) Wax cadho ku dhacday noqosho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
cadhow
f.mg1 (-oobay, -owday; -oobi) Wax cadho ku dhacday noqosho. m.f.dh, cadhoobid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cadhow
(fal) cudurka cadhadu ha kugu dhaco; cadho yeelo.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
callow
/kaalow/ (adj) ciyaal aan khibrad lahayn ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cammow
f.mg1 (-oobay, -owday; -oobi) Cammo noqosho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
cammow
inch. v. be blind; become blind
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cammow
-ga: (magac, lab, keli) indhabeelid; cammoobid.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
cammow
bw: Arabic
de: be blind; become blind
lx: cammow
pd: (cammoobay)
ps: v1=inch
key: cammow
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
carrow
f.mg1 (-raabay, -rowday; -raabi) 1. Wax ciid yeelasho. 2. la-mid: carraaw.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
carrow
f.mg1 (-raabay, -rowday; -raabi) 1. Wax ciid yeelasho. 2. la-mid: carraaw. m.f.dh, carroobid.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
castor
/kaastar/ (n) shaagagga yar-yar ee lugu rakibo alaabada sida miisaska, kuraasta iwm.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
catoow
-ga: (n) complaint (kom-paleynt) ~ cataw
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Caymow
name-m takes refuge, be secure, be save; remainder; safety, security
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cayrow
f.mg1 (-oobay, -owday; -oobi) Qof cayr ah noqosho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
cayrow
f.mg1 (-oobay, -owday; -oobi) Qof cayr ah noqosho. m.f.dh, cayroobid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cayrow
(fal) cayr noqo; xoolo beel. Dh: caydhow.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cusbow
f.mg3 (-baaday, -baatay) Wax cusbadu ku badatay noqosho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
cusbow
f.mg3 (-baaday, -baatay) Wax cusbadu ku badatay noqosho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cusbow
(fal) wax cusub noqo; wax imika uun la sameeyey noqo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cuslow
f.mg3 (-laaday, -laatay) 1. Wax culus noqosho. 2. Wax dhib leh noqosho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
cuslow
f.mg3 (-laaday, -laatay) 1. Wax culus noqosho. 2. Wax dhib leh noqosho. m.f.dh, cuslaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cuslow
(fal) wax culus ahaw.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
haasow
haasow¹: m.l la-mid: haasaawid.
haasow²: f.mg1 (-saaway,-saawday;-saawi) La h.: haasaawe samayn.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
haasow
f.mg1 (-saaway,-saawday;-saawi) La h.: haasaawe samayn. m.f.dh, haasaawid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
habsow
-ga: (magac, lab, keli) gabow aad u daran oo xanuun weheliyo. Dh: gabow.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
khasow
f.mg1 (-oobay, -owday; -oobi) Fal xun oo aad sameysay dhibaatada ka timaadda dareemid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
khasow
inch. v. be ashamed, get embarrassed
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
khasow
-ga: (magac, lab, keli) wax ku faraxgelinin oo aad kala kulanto hawl aad faraha la gashay ama hadal aad tidhi. Dh: wajigabax, yaxyax.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
khasow
de: be ashamed, get embarrassed Alt sp: khasoob
lx: khasow
pd: (khasoobay)
ps: v1=inch
key: khasow
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
masoow
(fal) cid kale la sinnaw; qof la siman ahaw, Qayrkaa ayuun kaa badine la masoow ama ka badi. Dh: siman, sinnaw, masow, sinoow.
masoow-ga: (magac, lab, keli) sinnaansho. Intan danbe masoow xagga waxbarashada ah oo ragg iyo dumarka ah ayaa jira. Dh: sinnaan. Li: kaladuwanaan, kala sarrayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qashow
f.mg1 (-oobay, -owday; -oobi) 1. Cunto iyo wixi lamida qash noqosho. 2. Geed-hoosaad badan wax isku baxay noqosho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qashow
inch. v. be ruined ~ spoiled in the cooking process (of food)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qashow
(fal) si xun wax u kari.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qashow
de: be ruined ~ spoiled in the cooking process (of food) rw: qash
lx: qashow
pd: (qashoobay)
ps: v1=inch
key: qashow
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
raasow
m.l (botani) Nagaar laamo jilicsan iyo caleen dhuudhuuban leh oo marka la kariyo caleemihiisa dadku cunto ahaan u cunaan. la-mid: raansow.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
raasow
m.l (botani) Nagaar laamo jilicsan iyo caleen dhuudhuuban leh oo marka la kariyo caleemihiisa dadku cunto ahaan u cunaan. la-mid: raansow.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
raasow
(fal) raas la dego noqo. Raasow oo ha lagugu soo hirto.
raasow: (fal) adkaw oo dhagax raaso ah noqo.