casmali
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Casmali
(Casmali-da)
1. Tarbuush guduudan.
2. Shaah aan caddays ahayn, ee guduudan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
casmali
casmali¹: m.l.kh C: ah: shaah aan caano lagu darin; bigays.
casmali²: m.dh Tarbuush guduudan.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
casmali
m.l.kh C: ah: shaah aan caano lagu darin; bigays.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
casmali
f. n. red fez
casmali m. n.-mass: weak tea without milk ~ cream
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
casmali
-ga: (magac, lab, keli) shaah aan caddeys ahayn oo guduudan ama madaw. Dh: bigeys, bigays, cusmali. Li: caddays.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
carmali
m.l.kh C. ah: haweenay la guursaday oo la furay ama ninkii ka dhintay; garoob.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
carmali
-da: (magac, dhedig, keli) eeg carmal.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Tarbuush
(Tarbuush-ka)
Koofiyad badanaa guduudan oo dhalada ama dhinac bul madoobi ka laallaado; waxaa waagii hore raggu ka qaadan jirey dalka Turkiya; Casmali.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
fez
/fes/ (n) tarbuush, casmali, koofiyad badanaa cas oo dhalada bul madoow ka laalaado, oo laga qaadan jiray turkiya.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
darbuush
-ka: (n) fez (fes); hat (haat) ~ casmali, koofiyad
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
tarbuush
-ka: (n) fez (feez) ~ casmali, koofiyad
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
tarbuush
a: darbuush
cf: casmali
de: fez, Turkish hat; [ext.] hair style for young girls
initial: t
lx: tarbuush
pd: (-ka)
ps: n2a-m
xv: Arabic
key: tarbuush
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
casmali_1
cf: tarbuush
de: red fez
hm: 1
lx: casmali
pd: (-da)
ps: n2-f
key: casmali_1
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
casmali_2
cf: shaah
de: weak tea without milk ~ cream
hm: 2
lx: casmali
pd: (-ga ~ -da)
ps: n-m/f-mass
key: casmali_2
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
rasomali
m. n., [abstract] (adj.): capitalism; capitalistic
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
rasomali
-ga: (n) capitalist (kapa-teliist); investor (in-vees-ter); wealthy person ~ raasammaali
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
rasomali
de: capitalism; [atr.] capitalistic
lx: rasomali
pd: (-ga)
ps: n0-m-abs
key: rasomali
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
asali
m.l (-iyo, m.dh) Wax, wixii hore ka jooga oo aan la dhalan rogin. la-mid: asiili (1), asli (1).
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
asali
m.l (-iyo, m.dh) Wax, wixii hore ka jooga oo aan la dhalan rogin. la-mid: asli.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
asali
-da: (magac, dhedig, keli) hadhuudhka la haamay caleenta guntiisa ka soo dul biqisha. Dibigu wuxuu ku balalooday asali. Dh: asalo, gundillaac, boqondhow. Wa: asalooyin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
caali
f.g2 (-iyay, -isay) 1. Neef lo' ah si loo gowraco luquntiisa fidin. 2. Is c.: nafley, wax suuxsan ama liita iska dhigid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
caali
v. give oneself up, surrender, quit fighting
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caali
(fal) neef caal ku rid.
caali: (fal) (is ~) caasha dhiib oo sidii la rabo ha lagaa yeelo. Dh: isdhiib.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Camal
(Camal-ka)
1. Hawl; shaqo.
2. Abuur; dabeecad; baxaalli, sansaan.
3. Xanaaq; dhirif; caro; guhaad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
camal
m.l 1. Hawl, shaqo. 2. Abuur, dabeecad. 3. Xanaaq, dhirif, caro. 4. (s) Sidiis, oo kale. Tusaale: “Buuggaas camal ii keen”.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
camal
m.l 1. Hawl, shaqo. 2. Abuur, dabeecad. 3. Xanaaq, dhirif, caro. 4. (s) Sidiis, oo kale. Tusaale: Buuggaas camal ii keen.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
camal
m. n. behavior, manner; work, job
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
camal
-ka: (n) occupation (oko-pey-shin); work (woork); deed (dhiidh) ~ ficil, shaqo
ku camalfal -ay / camalfashay: (v) put into action; apply (a-palaay)
camal -ka: (n) one's usual mood; temper (tem-per); disposition (dis-po-zi-shin)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
camal
-ka: (magac, lab, keli) dabeecadda iyo baaxaalliga qofka. Dh: dabeecad.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
camal
bw: Arabic
de: behavior, manner; work, job
lx: camal
pd: (-ka)
ps: n2-m
key: camal
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Casal
(Casal-ka)
Malab.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
casal
m.l Malab.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
casal
m. n., (mass n.): honey
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
casal
-ka: (magac, lab, keli) malabka ay shinnidu dhigto.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
casal
bw: Arabic
de: honey
lx: casal
pd: (-ka)
ps: n2-m-mass
syn: malab
key: casal
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
basali
-ga: (magac, lab, keli) midab u eg ka basasha oo casaan caweefsan ah. Midab basali ah buu buuggu leeyahay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
calali
f.g2 (-iyay, -isay) Cunto, meyrax iyo wixi lamida gowsaha ku jilcin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
calali
f.g2 (-iyay, -isay) Cunto, meyrax iyo wixi lamida gowsaha ku jilcin. m.f.dh, calalin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
calali
v. chew
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
calali
-yey / say: (n) chew (juu); masticate (mas-tikayt); munch (manj) ~ calaanji
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
calali
(fal) wax aan dareere ahayn afka geli oo ilkaha ku googoo illaa ad jilciso.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
calali
a: calili
de: chew
lx: calali
pd: (calaliyey)
ps: v2a=
key: calali
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Carmal
(Carmal-ka)
Naag la guursadey oo ama la furay ama laga dhintay; garoob; (ama carmali).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
carmal
m.l.u Haweenay la guursaday oo la furay ama ninkii ka dhintay; garoob.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
carmal
m.l.u Haweenay la guursaday oo la furay ama ninkii ka dhintay; garoob.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
carmal
m. n. divorcee, widow
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
carmal
-ka: (n) widower (widhowar) or divorce (dhi-voor-see)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
carmal
-ka: (magac, lab, keli) gabadh la guursaday. dabadeedna la furay ama seygii ka geeriyooday. Dh: garoob, cadrad, carmali.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
carmal
a: carmali {N & E < Arb}
de: divorcee, widow
lx: carmal
pd: (-ka)
ps: n2-m
key: carmal
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
carmal
ثَيِّبِ، مُطَلَّقَة، أَرْمَلَة
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
casual
/kashuwal/ (adj) 1. iska-caadi ah (sida labbiska caadiga ah iwm) 2. si fursad ah isaga dhacay (aan qorshe iyo ulakac toona ku dhicin) (adj) 3. aan joogto ahayn.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali (Maay) - Maxamed Xaaji Mukhtaar, Cumar Macalin Axmed [2007]
casual
/kaashuwal/ (adj) 1. deggyng, inis dhibaany, ooftis ing haayny. He has a casual feeling toward his enemy. 2. aathi eh. A casual dress. 3. lyngky darbyny. A casual visit.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
calaali
(fal) hilib iyo wixii la mid ah, ilakaha ku gooso oo ku jilci inta aanad liqin.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
carmalo
carmalada: (n) widow (widhow) or divorcee (dhi-voor-say)
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cashari
f.g2 (-iyay, -isay) Nafley tahliil ku firdhin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cashari
(fal) cashar u qor oo ku saydhi; u ducee.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
caskari
m.l la-mid: askari.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
caskari
m. n. police officer; soldier; guard
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
caskari
-ga: (n) 1. male soldier (sool-jar) 2. policeman (poliis-man) ~ askari
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caskari
-ga: (magac, lab, keli) eeg askari.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
caskari
a: askari
bw: Arabic
de: police officer; soldier; guard
lx: caskari
pd: (-ga Pl: caskar (ta))
ps: n8-m
key: caskari
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
casuale
agg. - lamafilaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caymadi
(fal) eryo oo halka uu joogo ka kaxee.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fashali
f.g2 (-iyay, -isay) Fashal ku ridid. la-mid: fashili.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fashali
(fal) talo ama wax kale, xumee; guuldarro u horseed.
Magacyada Dhirta Ceel-Dheere iyo Buula-Burte (Soomaali-Laatiin) - D. Herloker, B. Kujar [1985]
XARMALI
Cierodendron sp. 10
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
casamarid
m.f.dh eeg casamar².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caddaali
-ga: (magac, lab, keli) qof caddaalad badan; qof caaddil ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
calaalid
m.dh la-mid: callaalid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
calaalin
-ta: (magac, dhedig, keli) ilkaha wax ku raamsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
calaalis
-ka: (magac, lab, keli) eeg calaalin.
calaalis-ka: (magac, lab, keli) dheefta inta calaliska u baahan; dheefta intii aan dareere ahayn.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
calmarsi
v.rifl. - isxasilin, isdejin.
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Cammaari
name-m one who is builder, long lived, or preserver of life
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
carmalow
f.mg1 (-oobay, -owday; -oobi) Carmal noqosho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
carmalow
inch. v. be a divorcee; be a widow
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
carmalow
(fal) haweeney la qabo, ha lagu dalaaqo, carmal noqo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
carmalow
de: be a divorcee; be a widow
lx: carmalow
pd: (carmaloobay)
ps: v1=inch
key: carmalow
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
caseelli
m.l la-mid: caseewi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
casharin
m.f.dh eeg cashari. la-mid: casharis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
casharin
-ta: (magac, dhedig, keli) Qur'aan iyo ducooyin kale oo Allabbari ah, weel ku qorid oo biyo ku maydhid, dabadeedna reer, xoolo, iyo wixii la mid ah, bukaan ama tacluusa kale haleeshay, ku bilbilid oo ku saydhsaydhin. Dh: casharis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
casharis
m.l la-mid: casharin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
casharis
-ka: (magac, lab, keli) eeg casharin.
Qaamuus-Yare Caafimaad: Ingiriis-Soomaali - Deeqa Cali [1999]
casualty
(n) death of an individual; fatality.
inta qof ee geeriyo tahay
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
casualty
/kaashuwalti/ (n) khasaaro dhimasho, dhaawac ama bur-bur leh.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali (Maay) - Maxamed Xaaji Mukhtaar, Cumar Macalin Axmed [2007]
casualty
/kaashwalti/ (n) dheeby nagathy, dadky dhibky deeri. There are two casualties in the accident.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
casumaad
m.l (-do, m.l) Cunto ka kooban noocyo badan oo qof la sharfayo loo sameeyo. la-mid: casuumad.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
casumaad
m.l (-do, m.l) Cunto ka kooban noocyo badan oo qof la sharfayo loo sameeyo. la-mid: casuumad.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
casumaad
f. n. invitation, dinner, feast
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
casumaad
-da: (n) invitation (invateyshin) ~ martiqaad, casuumad
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
casumaad
-da: (magac, dhedig, keli) martiqaad iyo sooryayn. Dh: casuumad, xeedhayn, casumid.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
casumaad
a: casuumad
de: invitation, dinner, feast
lx: casumaad
pd: (-da)
ps: n1-f
key: casumaad
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caymadid
-da: (magac, dhedig, keli) orod naxdin ama cabsiyi ku jirto, ordid. Dh: baxsasho, firxasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caymadin
-ta: (magac, dhedig, keli) caydhin; eryid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caymadis
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg caymadin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Fashalid
(Fashalid-da)
(arrin) ka jibakeenid la'aan; ku guuldarraysasho; dhicisoobid; jabid; dhicid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fashalid
m.f.dh eeg fashal². la-mid: fashal¹ (2), fashalaad, fashil¹, fashilaad, fash
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fashalid
-da: (magac, dhedig, keli) guuldarraysad iyo jab.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fashalin
-ta: (magac, dhedig, keli) hawl socotay, guuldarro u horseedid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gasaalti
-ga: (magac, lab, keli) geed qodax leh oo la hadhsado oo jirridweynta ka mid ah.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
malmalin
-ta: (magac, dhedig, keli) caafimaad siin.