casiis
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Casiis
(Casiis-ka)
Ciso leh.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
casiis
m.l 1. Ilaah. 2. C. ah: ciso leh.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
casiis
m.l 1. Ilaah. 2. C. ah: ciso leh.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
casiis
m. n., [abstract] respectability, honor
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
Casiis
-ka: (n) 1. respectfulness; honored name; good character. 2. one of the names of Allah ~ Al-Casiis
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Casiis
mid ka mid ah magacda Ilaahay oo la macno ah inuu Eebbe kelidii sharaf iyo awood uu wax ku muquuniyo leeyahay.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
casiis
(tilmaame) qof isku kalsoon oo sharaf iyo qaddarin leh. Li: dulli.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
casiis
bw: Arabic
de: respectability, honor
lx: casiis
pd: (-ka)
ps: n0-m-abs
syn: ciso
key: casiis
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cabsiis
m.l la-mid: cabsiin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cabsiis
-ka: (magac, lab, keli) eeg cabsiin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Casiin
(Casiin-ka)
Casaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
casiin
m.l la-mid: casaan¹.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
casiin
m. n., [abstract] redness; red (color)
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
casiin
a: casaan
de: redness; red (color)
lx: casiin
pd: (-ka)
ps: n2-m-abs
key: casiin
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
casiir
-ka:(n) juice (/uns); fruit juice
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
casiir
-ka: (magac, lab, keli) sharaabka laga tuujiyo jaadadka kala duwan ee khudradda; miidda midhaha dhirta laga sameeyo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qasiis
-ka: (magac, lab, keli) qof falal xun sameeyo oon waxba ka xishoon. Qasiis xoolahaagaa looga hadhaa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Casiisnimo
(Casiisnima-da)
Casiis ahaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kimisdhaal
(Kimisdhaa-sha)
Kimis, sida casiisadda u geedeysan, oo si gaar ah, loo dubo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cirir
-ka: (magac, lab, keli) meere ka tirsan xiddigaha oo uu dayaxu maro xilliga diraacda. Hadba cirirku meeshuu galaa saxal u guuraaye. Casiis waxaad ahaataa markii cirir ku meeraaye.
cirir -ka: (magac, lab, keli) xiddigo dayuxu maro xilliga diraacda. Waa lixda xiddigood oo waqooyi u xigta, aad bay na u qabow yihiin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kimisdhaal
-ka: (magac, lab, keli) kimis, sida. casiisada u geedaysan oo si gaar ah loo dubo. Maanta inaan kimisdhaal cuno ayaan jeclaa.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
casiisnimo
de: respectability
lx: casiisnimo
pd: (/da)
ps: n0-f-abs
key: casiisnimo
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
ciso
de: respect, honor
lx: ciso
pd: (/da)
ps: n6-f-abs
syn: casiis
key: ciso
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
kimisdhaal
cf: casiisad
de: highly seasoned bread
lx: kimisdhaal
pd: (/sha)
ps: n2-m-cmp
key: kimisdhaal
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caarsiis
-ka: (magac, lab, keli) eeg caarsiin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Casiisad
(Casiisad-da)
Kimis, si gaar ah oo farsamo iyo aalad badan u baahan, loo sameeyo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
casiisad
m.dh 1. C. ah: ciso leh (haweenay). 2. Kimis, si gaar ah oo farsamo iyo aalad badan u baahan, loo sameeyo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
casiisad
f. n. bread pudding (prepared with several spices)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
casiisad
-da: (magac, dhedig, keli) daqiiq biyo lagu walaaqo oo kimis laga sameeyo. Farsamaynteeda, si gaar ah ayaa loo sameeyaa, qalab badan na waa loo adeegsadaa. Dh: sabaayad.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
casiisad
cf: kimisdhaal
de: bread pudding (prepared with several spices)
lx: casiisad
pd: (-da)
ps: n1-f
key: casiisad
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baqsiis
-ka: (magac, lab, keli) (ka ~) cabsi gelin, baqdin ku ridid. Dh: cabsii.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Baxsiis
(Baxsiis-ka)
1. Ceel cusub oo kolkaas la qoday.
2. Ceelkaas biyihiisa.
3. Wax kasta oo wax kale laga soo dhex bixiyo, laga soo dhex saaro.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baxsiis
m.l (-yo, m.dh) 1. Ceel cusub oo markaas la qoday. 2. Biyaha ceel cusub oo markaas la qoday. 3. Wax kasta oo wax kale laga soo dhex saaro. 4. la-mid: bixin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
baxsiis
m.l (-yo, m.dh) 1. Ceel cusub oo markaas la qoday. 2. Biyaha ceel cusub oo markaas la qoday. 3. Wax kasta oo wax kale laga soo dhex saaro. 4. la-mid: bixin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
baxsiis
m. n., [compound] new well; water from a new well; anything that is extracted from something else
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baxsiis
-ka: (magac, lab, keli) ceel cusub, markaas uun la qoday, ceelkaa biyihiisa, wax kasta oo wax laga soo dhex bixiyo ama laga soo dhex saaro.
baxsiis -ka: (magac, lab, keli) wax kasta oo wax kale laga soo dhexsaaro ama laga soo dhexbixiyo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
baxsiis
de: new well; water from a new well; anything that is extracted from s.t. else Opp: habac
lx: baxsiis
pd: (-ka)
ps: n2-m-cmp
key: baxsiis
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cabsii'
(fal) «ka ~» baqo geli; cabsi ku abuur adiga oo halis ku soo socota tusaya. Dh: baji.
cabsii: (fal) biyo ama dareere kale waraabi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Cabsiin
(Cabsiin-ta)
1. Cabsi gelin; bajin.
2. (-°) Wax la cabbo (biyo, khamro) siin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cabsiin
m.f.dh eeg cabsii. la-mid: cabsiis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cąbsiin
m.f.dh eeg cąbsii.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
cabsiin
vl. n. act of scaring, frightening
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Cabsiin
Intimidazione
Intimidation
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cabsiin
-ta: (magac, dhedig, keli) cabsigelin; bajin; cabsiis.
cabsiin -ta: (magac, dhedig, keli) biyo iyo wax la mid, qof kale waraabin. Curdankiyo dhalaanka na intaad darar cabsiinayso. Dh: waraabin, dhansiin.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
cabsiin
de: act of scaring, frightening
lx: cabsiin
pd: (-ta)
ps: vn-f
key: cabsiin
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Cariish
(Cariish-ka)
Aqal ka sameysan dhis sarab ah iyo dhoobo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cariish
m.l (-shyo/carshaan, m.dh) Hooy ka samaysan dhis iyo dhoobo oo dhinacyadiisu qaab laydi leeyihiin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
cariish
m.l (-shyo/carshaan, m.dh) Hooy ka samaysan dhis iyo dhoobo oo dhinacyadiisu qaab laydi leeyihiin. m.dh.w, carshaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
cariish
m. n. mud hut
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
cariish
-ka: (n) [Pl. carshaan-ta] hut (hat)-, shed (shedhy dwelling made of tree branches
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cariish
-ka: (magac, lab, keli) aqal caws iyo sarab ka samaysan. Dh: buul, daas, derged.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
cariish
bw: Arabic
cf: aqal
de: mud hut
lx: cariish
pd: (-ka Pl: carshaan (ta))
ps: n8-m, n2-m
key: cariish
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
cariish
كُوخ
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cashris
m.l la-mid: cashrin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
casiimo
m.dh Qoraallo iyo akhrisyo diini oo loola jeedo in cid lagu waxyeelleeyo; asmo. la-mid: casiimad.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
casiimo
m.dh Qoraallo iyo akhrisyo diini oo loola jeedo in cid lagu waxyeelleeyo; asmo. la-mid: casiimad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Casilid
(Casilid-da)
Meel ama jago uu hayey ka qaadid, ka ridid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
casilid
m.f.dh eeg casil. la-mid: casilaad (2).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
casilid
-da: (magac, dhedig, keli) qof xil hayay, ka qaadid. Dh: casilaad.
casilid: -da: (magac, dhedig, keli) (is ~) xil iyo shaqo aad haysay iskaga fadhiisad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
casirid
m.f.dh eeg casir².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
casirid
-da: (magac, dhedig, keli) calool majiirmid; caloosha, xanuun ka dareemid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cayilis
-ka: (magac, lab, keli) eeg cayilin.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
chassis
/jaasis/ (n) galfoofka ama qaabka dhismaha ee baabuur iwm.
Eraybixinta Af Soomaaliga ee Hawlaha Wasaaradaha (Soomaali-Ingiriis-Talyaani) - Guddiga Af Soomaaliga [1972]
Chassis
Dadbinyo, qacaadad
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cunsiis
-ka: (magac, lab, keli) eeg cunsiin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kasiisi
-ga: (magac, lab, keli) garasho xeeldheer; aqoon dheer
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Khasiis
(Khasiis-ka)
(qof) xun; liid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
khasiis
m.l (-syo/-siin, m.dh) Qof aan ka xishoon falalka xunxun oo dhan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
khasiis
m. n., [collective], (adj.): evil person; wicked, depraved, amoral
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
khasiis
-ka: (n) immoral, indecent or immodest person ~ wasqaan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
khasiis
-ka: (magac, lab, keli) qof aan waxba isku falin oo aan waxba ka xishoonin. Dh: qasiis, maxishoode. Li: shariif. Wa: khasiisiin.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
khasiis
bw: Arabic
de: evil person; [atr.] wicked, depraved, amoral
lx: khasiis
pd: (-ka Pl: khasiisiin (ta))
ps: n2a-m, n8-m
key: khasiis
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Nasiiso
(Nasiisa-da)
Nasin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
nasiiso
f. n. act of relieving another at work, working in shifts
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
nasiiso
de: act of relieving another at work, working in shifts
lx: nasiiso
pd: (/da)
ps: n6-f
key: nasiiso
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
asii
xi. (naxwe) 1. Erey lagu xiriiriyo laba weer aan xor ahayn; “oo”. Tusaale: “Haddaan lacag siiyo asii diido, maxaan sameynayaa?” 2. Erey lagu xiriiriyo laba weer xor ah; “-na”. Tusaale: “Lagac baan siiyay asuu diiday”.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
asii
xi. (naxwe) 1. Erey lagu xiriiriyo laba weer aan xor ahayn; 'oo'. Tusaale: Haddaan lacag siiyo asii diido, maxaan sameynayaa? 2. Erey lagu xiriiriyo laba weer xor ah; '-na'. Tusaale: Lagac baan siiyay asuu diiday.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Ciis
(Ciis-ka)
Waran.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ciis
m.l (-sas m.l) Nooc ka mid ah warmaha waaweyn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ciis
m. n. lance, kind of large spear
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ciis
-ka: (magac, lab, keli) qalab lagu dagaallamo oo ka kooban bir labada dhinac ba laga afeeyay. Cali ciis buu libaaxii beerka ka saaray. Dh: waran.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
ciis
de: lance, kind of large spear
lx: ciis
pd: (-ka Pl: ciisas (ka))
ps: n4-m
key: ciis
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
siis
m.l la-mid: siin².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
siis
-ka: (magac, lab, keli) wax siin. Dh: deeq.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
asiib
f.g1 (-bay, -btay) 1. Dhibaato weyn cid ku dhicid. “Inkaar baa asiibtay Cali”. 2. Arrin xalkeeda dhabta helid. Tusaale: “Ardaygii jawaabtii waa asiibay”. la-mid: aseeb.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
asiib
f.g1 (-bay, -btay) 1. Dhibaato weyn cid ku dhicid. Inkaar baa asiibtay Cali. 2. Arrin xalkeeda dhabta helid. Tusaale: Ardaygii jawaabtii waa asiibay. m.f.dh, asiibid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
asiib
v. get, hit (on target); fall on, align ~ coincide with
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
asiib
-ay / tay: (v) 1. afflict suddenly; strike (istaraayk). Ex: waxaa asiibay kansar; he was stricken with cancer. 2. come upon; discover: Ex: waad asiibtay; you struck upon the point
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
asiib
(fal) halkii aad doonaysay la hel, ku hagaaji; ku toos. Meesha yoolka ah asiib oo haka leexleexan. Dh: abbaar.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
asiib
de: get, hit (on target); fall on, align ~ coincide with Used in a sense of unexpected achievement, as in succeeding against the odds
lx: asiib
pd: (asiibay)
ps: v1=
key: asiib
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
assis
assis, adj. - Fadhiistay; Fadhiyey; Fadhiisin; fadhiisad;
Qaamuus Ingiriis-Soomaali (Maay) - Maxamed Xaaji Mukhtaar, Cumar Macalin Axmed [2007]
basis
/beysis/ (n) asal, aas-aas amy asaas.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cafis
m.l (-syo, m.dh) U dhaafidda dembi ama qaan cid gashay. la-mid: cafi¹.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
cafis
m.l (-syo, m.dh) U dhaafidda dembi ama qaan cid gashay. la-mid: cafi.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
cafis
vl. n. pardon; amnesty, forgiveness; apology, excuse
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
cafis
-ka: (n) the act of forgiving or excusing; pardon (paar-den); forgiveness (fer-giv-nes); amnesty (aam-nest); absolution (ab-suuli-shin) ~ dambi dhaaf
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cafis
-ka: (magac, lab, keli) wax xun oo qof falay ama loo qabey oo eedii uu mutaystay laga daayo. Cafis ayaa loo fidiyey dambiilihii. Dh: saamaxaad, cafiyid.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
cafis
de: pardon; amnesty, forgiveness; apology, excuse
lx: cafis
pd: (-ka)
ps: vn2a-m
key: cafis
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Cajis
(Cajis-ka)
Caajis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cajis
cajis¹: m.l la-mid: caajis¹.
cajis²: f.mg1 (-say, -stay) la-mid: caajis².