cashuuritaan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cashuuritaan
-ka: (magac, lab, keli) cashuur ka qaaditaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
canshuuritaan
-ka: (magac, lab, keli) canshuur ka qaaditaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cashuurmaan
-ta: (magac, dhedig, keli) wax cashuur laga qaaday ahaan; canshuurnaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cashuurnaan
m.dh la-mid: canshuurnaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
casuumitaan
-ka: (magac, lab, keli) martiqaaditaan iyo sooryayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cashuuran
f.mg4 (-rnaa, -rnayd) la-mid: canshuuran.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
cashuuran
der. [adjective] taxed; ransomed, redeemed
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
cashuuran
-cashuurnaa / cashuurnayd: (adj) taxed income, property, or goods ~ canshuuran
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cashuuran
(tilmaame) wax cashuurtii laga bixiyey, wax la cashuuray.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
cashuuran
a: canshuuran
de: taxed; ransomed, redeemed
lx: cashuuran
pd: (cashuurnaa)
ps: adj-der
key: cashuuran
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
huuritaan
-ka: (magac, lab, keli) huuridda lafteeda.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
suuritaan
-ka: (magac, lab, keli) hurdo dheer, suulitaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
abuuritaan
m.l la-mid: abuurid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
abuuritaan
-ka: (magac, lab, keli) eeg abuurid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
asturitaan
-ka: (magac, lab, keli) eeg asturid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
casiritaan
-ka: (magac, lab, keli) calool xanuun ka dareemitaan; caloosha, majiirmitaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shuuqitaan
-ka: (magac, lab, keli) dab ku dhicid oo siniinitaan; shuuqniin.
shuuqitaan-ka: (magac, lab, keli) si aan qeexnayn u ci'yid; shuuqniin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cashuurqaad
-ka: (magac, lab, keli) habka ama nidaamka dawladuhu ay dadweynaha iyo hantidooda, lacag kaga qaadaan. Dh: cashuurid. Li: cashuurdhaaf.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
faruuritaan
-ka: (magac, lab, keli) biyo ama dareere kale oo joogay ama socday, dhinac u jeexitaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
asaruuritaan
-ka: (magac, lab, keli) asaruuridda lafteeda.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
canshuurnaan
m.f.dh eeg canshuuran. la-mid: canshuurnaansho, cashuurnaan, cashuurnaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
canshuurnaan
-ta: (magac, dhedig, keli) wax canshuuran ahaan; cashuurnaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cantuugitaan
-ka: (magac, lab, keli) cabitaan ama cunno, ka afbuuxsad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cashuurdhaaf
-ka: (magac, lab, keli) cashuur la qaadi lahaa, iska dayn; canshuur waajibtay, saamixid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
masruufitaan
-ka: (magac, lab, keli) eeg masruufid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
badhifuritaan
-ka: (magac, lab, keli) axdijebin iyo ballanfuritaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dharruuritaan
-ka: (magac, lab, keli) biyo iyo wax la mid ah, huube ka miiris. Dh: jarruuritaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
haanfuuritaan
-ka: (magac, lab, keli) eeg haan -fuugid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
afuritaan
-ka: (magac, lab, keli) eeg afurid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
buuritaan
-ka: (magac, lab, keli) buuridda wax. Buuritaan u sooh dawliska.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cashuurid
m.dh la-mid: canshuurid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cashuurid
-da: (magac, dhedig, keli) cudhaadh ka qaadid. Dh: canshuurid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fuuritaan
-ka: (magac, lab, keli) eeg fuurid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shiritaan
-ka: (magac, lab, keli) isu'imaad; kulmitaan; shirniin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shubitaan
-ka: (magac, lab, keli) biyo siin; waraabin; shubniin.
shubitaan-ka: (magac, lab, keli) dhalaalin; dhaqaajin; shubniin.
shubitaan ka: (magac, lab, keli) sabbad ku dhisitaan; shubniin.
shubitaan-ka: (magac, lab, keli) 'shaah, biyo iyo wixii la mid ah, shubniin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shuurnaan
m.f.dh eeg shuuran. la-mid: shuurnaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
suulitaan
-ka: (magac, lab, keli) isqarin; suulid; qarsoomid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
suuxitaan
-ka: (magac, lab, keli) dhicid, miyirbeelid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xashitaan
-ka: (magac, lab, keli) qooshitaan; faraha ku ruquusitaan. Dh: rufaaqitaan, cajiimitaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
afuufitaan
-ka: (magac, dhedig, keli) eeg afuufid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
akhiritaan
-ka: (magac, lab, keli) eeg akhirid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aruubitaan
-ka: (magac, lab, keli) eeg aruubid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cakiritaan
-ka: (magac, lab, keli) eeg cakirid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Canshuuran
La canshuuray; canshuur laga qaaday.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
canshuuran
f.mg4 (-rnaa, -rnayd) Wax la canshuuray ahaansho (hanti). la-mid: cashuuran.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
canshuuran
f.mg4 (-rnaa, -rnayd) Wax la canshuuray ahaansho (hanti). m.f.dh, canshuurnaan. la-mid: cashuuran.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
canshuuran
der. [adjective] taxed, ransomed, redeemed
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
canshuuran
-canshuurnaa / canshuurnayd: (adj) taxed [for example] income, property, or goods
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
canshuuran
(tilmaame) wax la cashuuray; wax xaqii dawladda laga bixiyey. Dh: cashuuran.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
canshuuran
a: cashuuran
de: taxed, ransomed, redeemed
lx: canshuuran
pd: (canshuurnaa)
ps: adj-der
key: canshuuran
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cawaritaan
-ka: (magac, lab, keli) cid kale cawarid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
isfuritaan
-ka: (magac, lab, keli) kala tegidda labo qof oo isqabtay.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qasiritaan
-ka: (magac, lab, keli) ganaaxitaan. Dh: garraaxitaan, takhsiiritaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shawritaan
-ka: (magac, lab, keli) shawridda lafteeda.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shiiritaan
-ka: (magac, lab, keli) shiirid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
aakhiritaan
m.l la-mid: aakhir.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
aakhiritaan
m.l la-mid: aakhir. aakhiro m.dh Meesha iyo nolosha dambe ee lagu noolaan doono marka adduunka laga tago.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aakhiritaan
-ka: (magac, lab, keli) eeg aakhir.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
afduubitaan
-ka: (magac, lab, keli) dad ama duunyo xoog ku kaxaysasho; qafaalashada dad ama duunyo. Dh: afduubid, afduubis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
alluubitaan
-ka: (magac, lab, keli) wax yuubitaan Dh: qalluubidtaan, qayuubitaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baduugitaan
-ka: (magac, lab, keli) burburitaanka walax iyo waxii la mid ah. Dh: jejebitaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baguugitaan
-ka: (magac, lab, keli) eeg baguugid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caabuditaan
-ka: (magac, lab, keli.) eeg caabudid. caabuq': (fal) nabur hoosta ka buka noqo. caabuq-a: (magac, lab, keli) meel jidhka ka mid ah oo bugta oo nabarkii ku yiil hunbululuqay ama malaxaystay; nabar hoosta ka bukooda. Dh: millil, hurgun, hurgumo, arami, caabaq.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caabuqitaan
-ka: (magac, lab, keli) eeg caabuqid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cabbiritaan
-ka: (magac, lab, keli) eeg cabbirid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cagaaritaan
-ka: (magac, lab, keli) caano la lulayo, burcad bixin; cagaar soo noqosho; cagaarasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
canbusitaan
-ka: (magac, lab, keli) canyayuubitaan; mid jactadsan ka dhigitaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cayaaritaan
-ka: (magac, lab, keli) dheelitaan; ciyaaritaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daahiritaan
-ka: (magac, lab, keli) nijaasta iyo wasakhda ka maydhid, uskagga ka maydhid Daahiritaan baan ku ogaa masallaha.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dahaaritaan
-ka: (magac, lab, keli) dahaadh u samayn. Alaabtani dahaaritaan ayey u baahan tahay. Dh: dahaadhitaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
faquuqitaan
-ka: (magac, lab, keli) eeg faquuqid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fashilitaan
-ka: (magac, lab, keli) arrin socota docfaruurid ama fashilin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
suquuritaan
-ka: (magac, lab, keli) hurdo gataatidhac ah seexad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
barifuritaan
-ka: (magac, lab, keli) ku kicidda falka ballanjebinta. Barifuritaan ninkii falay fidmadi haysataa. Dh: badhifuritaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bashaaqitaan
-ka: (magac, lab, keli) dilitaan aad ah oo nabarrogaarsiin ah. Inta madaxiisa bashaaqitaan ku yaalla bal fiiri.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cabbudhitaan
-ka: (magac, lab, keli) eeg cabbudh.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
canshuurqaad
m.l la-mid: Cashurqaade; Canshuurqaadid; canshuurqaade.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
canshuurqaad
m.l la-mid: Cashurqaade; Canshuurqaadid; canshuurqaade.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
canshuurqaad
-ka: (magac, lab, keli) cashuur ururin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cashuurqaade
-ha: (magac, lab, keli) qofka u xilsaaran cashuurta; xisaabiye ama shaqaale kale oo cashuurta dawladda ururiya ama qabta.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dadduucitaan
-ka: (magac, lab, keli) neef ido ah labada lugood qabasho oo sare u qaadid, labada jeeni oo hore ku socodsiin oo hore u riixid.
dadduucitaan -ka: (magac, lab, keli) qof inuu meel tago diiddan si dhib leh ku kaxayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
falluuqitaan
-ka: (magac, lab, keli) falluuqidda lafteeda.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mabsuuditaan
-ka: (magac, lab, keli) farxid kal iyo laab ah. Ducadu waxay la socotaa mabsuuditaanka waalidka. Dh: mustreexitaan, masuudid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
macsuumitaan
-ka: (magac, lab, keli) eeg casuumad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
makhooritaan
-ka: (magac, lab, keli) eeg makhoorid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
malluuqitaan
-ka: (magac, lab, keli) si jactadan o kala dhaadheer u tolitaan. Tolmaha malluugi taanku wuu foolxumeeyaa. Dh: cuyubitaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mamnuucitaan
-ka: (magac, lab, keli) joojitaan; wax reebban oon la isku oggolayn ka dhigitaan. Mamnuucitaanka sigaarku waa sax. Dh: diiditaan, joojitaan, reebitaan. Li: oggolaan, saamixitaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mansuugitaan
-ka: (magac, lab, keli) wax la bakhaylitaan. Mansuugitaanka iska jir waa caado xune. Dh: bakhaylid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
masalufitaan
-ka: (magac, lab, keli) eeg masallafitaan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tashiilitaan
-ka: (magac, lab, keli) wax dhaqaalayn, tabiinadid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xalluufitaan
-ka: (magac, lab, keli) dusha sare wax ka xaadin; badh ka xalluufid.
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
CANSHUUR DADBAN
Imposta indiretta
Indirect tax
Waa canshuurta laga qaado waxa la xiriira shaqaynta maalka iyo tacabka hantida dham- maan og, sida cuntada, dharka, iwm., oo aan si toos ah loo dareemin.
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Canshuur dadban
Imposta indiretta
Indirect tax
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
canshuur la'aan
-ah: (adj) duty-free (dhuuti-frii); tax-free (taakis-frii); tax-exempt
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
CANSHUUR TOOSAN
Imposta diretta
Direct tax
Waa canshuurta si toos ah ugu dhacda faa'iidada ama hantida oo qofku isla markiiba dareemi karo.
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Canshuur toosan
Imposta diretta
Direct tax
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
canshuur-qaade
-canshuur-qaadaha: (n) taxer (taakser)-, tax collector
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
cashuur siigal
n. phr. export duty
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
cashuur_siigal
de: export duty
lx: cashuur siigal
ps: np
key: cashuur_siigal
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cashuurdhaafid
-da: (magac, dhedig, keli) cashuurtii la qaadi lahaa, dhaafid ama dayn. Dh: cashuurdhaafis.