cashrin
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cashrin
m.f.dh eeg cashri. la-mid: cashris.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cashrin
-ta: (magac, dhedig, keli) quraan iyo ducooyin, alwaax ku qorid, ka dibna xoolo ama dad buka ku bilbilid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
casharin
m.f.dh eeg cashari. la-mid: casharis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
casharin
-ta: (magac, dhedig, keli) Qur'aan iyo ducooyin kale oo Allabbari ah, weel ku qorid oo biyo ku maydhid, dabadeedna reer, xoolo, iyo wixii la mid ah, bukaan ama tacluusa kale haleeshay, ku bilbilid oo ku saydhsaydhin. Dh: casharis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cashin
m.dh la-mid: cashiyid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cashin
-ta: (magac, dhedig, keli) cashi yeelasho, wax cashiyay ahaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cashri
f.g2 (-iyay, -isay) Nafley tahliil ku firdhin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
cashri
v. sprinkle someone ~ something with holy water
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cashri
-ga: (magac, lab, keli) eeg cashar.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
cashri
de: sprinkle s.o. ~ s.t. with holy water
lx: cashri
pd: (cashriyey)
ps: v2a=tr
key: cashri
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cashris
m.l la-mid: cashrin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
casharis
m.l la-mid: casharin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
casharis
-ka: (magac, lab, keli) eeg casharin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xashirin
(Xashirin-ta)
(badar) xashir ka dhigid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xashirin
m.f.dh eeg xashiri. la-mid: xanshirin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xashirin
-ta: (magac, dhedig, keli) shuqlid ama tumid oo buushiga ka sifayn. Dh: feedagid.
xashirin -ta: (magac, dhedig, keli) soo saarid Ilaahay dadka uu soo saari doono maalinta qiyaame.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
carin
m.f.dh eeg cari. la-mid: caris (2).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
carin
-ta: (magac, dhedig, keli) «ka ~» noole, carasho ka keenid. Dh: dhirin; dhidhin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Cashi
(Cashi-ga)
(xoolo) caato iyo tabaryari, cunnaxumo ama uraaddarro ka yimaada; caal.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cashi
cashi¹: m.l Cudur xoolaad ka dhasha deriskunoosha oo cad iyo caano yareeyaan ku rido.
cashi²: f.mg1/2 (-iyay, -iday/-isay;-iyi) Xoolo cudur deriskunool ka dhasha oo ay la cad iyo caano yareeyaan ku dhicid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
cashi
m.l Cudur xoolaad ka dhasha deriskunoosha oo cad iyo caano yareeyaan ku rido.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
cashi
m. n., [abstract] debility, weakness (in livestock)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cashi
(fal) xoolo, cudurka cashigu ha kugu dhaco.
cashi-ga: (magac, lab, keli) caato iyo tabarli'i.
cashi -ga: (magac, lab, keli) xanuun dhogor madoobaad iyo duuf leh oo ku dhaca xoolaha, adhiguna aad ugu sii nugul yahay. Waa xanuun nooluhu la foolxumaado, calooshu na weynaato kolka uu daaq iyo biyo isku dheellitiran waayo. Cashi iyo hayaan wada socdaa, ceelka wada yaalle. Dh: caal.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
cashi
cf: caal, itaaldarro
de: debility, weakness (in livestock)
lx: cashi
pd: (-ga)
ps: n0-m-abs
key: cashi
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Casri
(Casri-ga)
Waqtiga cusub oo koolkaa la joogo la fil ah, la socda.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
casri
m.l 1. Sebenka markaa la joogo. 2. C. ah: wax cusub oo waqtiga la socda.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
casri
m.l 1. Sebenka markaa la joogo. 2. C. ah: wax cusub oo waqtiga la socda.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
casri
n. age, era; modern times
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
casri
-ga: (n) contemporary (kon-tem-pareeri)-, modern (moodheren) or cunent (kar-ent) times, things or events. —casri duqoobey: (adj) old-fashioned (owldh-faashinid)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
casri
-ga: (magac, lab, keli) xilli markaa la joogo iyo kolba wixii cusub ee ku soo kordha nolosha iyo waayaha adduunka.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
casri
de: age, era; modern times
lx: casri
pd: (-ga)
ps: n -m
key: casri
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
akhrin
m.dh la-mid: akhriyid.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
akhrin
-ta: (n) reading (riiding). Ex: barashada akhrinta iyo qoraalku waa muhiim; the learning of reading and writing is important
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
akhrin
-ta: (magac, dhedig, keli) qoraalka meel ku qoran kicintiisa; ku dhawaaqa qoraal meel ku dhigan. Dh: daalacasho, aqris, aqrin, akhrin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
basrin
-ta: (magac, dhedig, keli) arrin, si wanaagsan oo habboon u maarayn. Basrin baa bulsho lagu barbaariyaa. Dh: habayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
caarin
m.dh la-mid: caaryid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Casiin
(Casiin-ka)
Casaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
casiin
m.l la-mid: casaan¹.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
casiin
m. n., [abstract] redness; red (color)
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
casiin
a: casaan
de: redness; red (color)
lx: casiin
pd: (-ka)
ps: n2-m-abs
key: casiin
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Cayrin
Crude
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
cayrin
vl. n. release, dismissal, firing; exile, banishment; expulsion, deportation; chasing
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
cayrin
de: release, dismissal, firing; exile, banishment; expulsion, deportation; chasing
lx: cayrin
pd: (-ta)
ps: vn2-f
key: cayrin
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gashin
m.l la-mid: geshin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
gashin
m. n., [collective] nutrition
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gashin
-ka: (magac, lab, keli) ladnaan iyo qurux cunnada iyo daaqa uraadda iyo waxtarka lihi ay keento. Dh: geshin.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
gashin
a: geshin
de: nutrition
lx: gashin
pd: (-ka)
ps: n2-m-col
key: gashin
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
nashin
-ta: (magac, dhedig, keli) foodda agteeda oo xagga dhakada xigta oo carruurta dhagdhaqaada inta ay mujada yihiin. Dh: nashato, nasin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qashin
(Qashin-ka)
Waxa guryaha laga xaaqo oo dibadda iyo kuddaafadaha lagu soo daadsho; fiiq (ama khashin).
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qashin
m. n. debris, rubbish, trash
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
qashin
-ka: (n) garbage (gaarbaj)-, trash (taraash); rubbish (rab bish), refuse (refyuus), waste (weeyst), litter (lit'ar) ~khashin
qashin-saarka jirka: excretion (ekis-kiriishin)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qashin
-ka: (magac, lab, keli) qushaashka la iska xaadho. Daaradda qashin badan baa yaalla. Dh: guddaafad, khashin.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qashin
a: khashin
de: debris, rubbish, trash
lx: qashin
pd: (-ka)
ps: n2-m
key: qashin
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
qashin
زبَالَة، قُمَامَة
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xashin
(Xashin-ta)
Kolay harag ah oo wax lagu gurto.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xashin
m.dh (-imo, m.l) Maqaar harag ari oo laysku tolay ka samaysan oo lagu kaydiyo abuurka birqalaxda iyo wixi lamida.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
xashin
f. n. leather bag
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
xashin
-ta: (n) large bag for storing items
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xashin
-ta: (magac, dhedig keli) kolay harag ah oo wax lagu gurto. Xashin ayuu jeeniqaaran yahay. Dh: kolay.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
xashin
cf: kolay; harag
de: leather bag
initial: x
lx: xashin
pd: (-ta Pl: xashimo (/ha))
ps: n1-f
key: xashin
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
basarin
m.f.dh eeg basari².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
basarin
-ta: (magac, dhedig, keli) si qun yar ah oo xeelad iyo maskaxi ku jirto xal u helid. Hawluhu basarin ayay u baahan yihiin. Dh: basaris.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cadarin
-ta: (magac, dhedig, keli) cadar iyo udgoon ku samayn. Dh: udgoonayn, cadrin.
cadarin -ta: (magac, dhedig, keli) marka cirku daruuro yeesho ee roobku na tiixtiixayo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cararin
m.dh la-mid: cararayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Carshin
(Carshin-ta)
Dhulka xooluhu daaqaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
carshin
m.dh Dhul daaq leh, dhulka xooluhu daaqaan.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
carshin
m.dh Dhul daaq leh, dhulka xooluhu daaqaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
carshin
f. n. grazing land
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
carshin
-ta: (magac, dhedig, keli) tigaadda xooluhu daaqaan; dhulka tigaadda leh ee xooluhu daaqaan. Dh: dalsan, dhulxoolaad.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
carshin
de: grazing land
lx: carshin
pd: (-ta)
ps: n2-f
key: carshin
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cashari
f.g2 (-iyay, -isay) Nafley tahliil ku firdhin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cashari
(fal) cashar u qor oo ku saydhi; u ducee.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Cashayn
(Cashayn-ta)
Casho cunid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cashayn
m.f.dh eeg cashee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cashayn
-ta: (magac, dhedig, keli) milayga fiidka, soor cunid. Dh: xeraadid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
casiran
(tilmaame) caloolxanuun iyo majiiran dareensan; calool majiiran.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
casirid
m.f.dh eeg casir².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
casirid
-da: (magac, dhedig, keli) calool majiirmid; caloosha, xanuun ka dareemid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
mashiin
m.l (-nno, m.dh) 1. Makiinad. 2. Motoor.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
mashiin
m.l (-nno, m.dh) 1. Makiinad. 2. Motoor.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
mashiin
m. n. machine, motor
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
mashiin
-ka: (n) machine (mashiin); engine (en'jin); motor (mootar) ~ mishiin, matoor-ka
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mashiin
-ka: (magac, lab, keli) biro la isku geeyey kuna shaqeeya saliid iyo shidaal si uu tamar iyo dab u dhaliyo. Dh: matoor, mishiin. Wa: mashiinno.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
mashiin
a: mishiin {Eng}
de: machine, motor
lx: mashiin
pd: (-ka)
ps: n2-m
key: mashiin
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
casharsan
(tilmaame) dad ama xoolo la cashariyey ama loo duceeyay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cashuuran
f.mg4 (-rnaa, -rnayd) la-mid: canshuuran.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
cashuuran
der. [adjective] taxed; ransomed, redeemed
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
cashuuran
-cashuurnaa / cashuurnayd: (adj) taxed income, property, or goods ~ canshuuran
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cashuuran
(tilmaame) wax cashuurtii laga bixiyey, wax la cashuuray.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
cashuuran
a: canshuuran
de: taxed; ransomed, redeemed
lx: cashuuran
pd: (cashuurnaa)
ps: adj-der
key: cashuuran
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cashuurid
m.dh la-mid: canshuurid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cashuurid
-da: (magac, dhedig, keli) cudhaadh ka qaadid. Dh: canshuurid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xanshirin
m.dh la-mid: xashirin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xanshirin
-ta: (magac, dhedig, keli) dad aad u badan meel ku soo ururin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
asheerin
m.f.dh eeg asheeri.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Cabburin
(Cabburin-ta)
Cabbur ku ridid; neef ku celin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cabburin
m.f.dh eeg cabburi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cagaarin
m.f.dh eeg cagaari. la-mid: cagaaris.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cagaarin
-ta: (magac, dhedig, keli) cagaar ka dhigid; cagaaris.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
canqarin
m.dh la-mid: anqarin.