casayn
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Casayn
(Casayn-ta)
Casaan ka dhigid; midab cas u yeelid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
casayn
m.f.dh eeg casee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
casayn
-ta: (magac, dhedig, keli) kabo iyo wax la mid ah, baalashayn; baalash marin. Dh: baalashayn.
casayn-ta: (magac, dhedig, keli) walax, midab cas u yeelid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Cashayn
(Cashayn-ta)
Casho cunid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cashayn
m.f.dh eeg cashee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cashayn
-ta: (magac, dhedig, keli) milayga fiidka, soor cunid. Dh: xeraadid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
casay
(fal) wax midabkiisu cas yahay ka dhig.
casay: (fal) kabo, baalashee; dhalaali oo baalash mari. Dh: baalashee, casee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cadayn
-ta: (magac, dhedig, keli) cadcad u googoyn. Dh: cadays, yaryarayn, cadcadayn, jarjarid.
cadayn -ta: (magac, dhedig, keli) wax kasta oo dahsoon ama muuqda oo gartaada run ahaanteeda caddaynaya sida: waraaqaha markhaatiga dhaarta sawirrada iwm. Dh: xujo. Wa: caddaymo.
cadayn -ta: (magac, dhedig, keli) midabka caddaanka u yeelid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Cagayn
(Cagayn-ta)
Cag la dhicid; ku tumasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cagayn
m.f.dh eeg cagee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cagayn
-ta: (magac, dhedig, keli) (ku ~) ku tumasho; cagta la dhicid. Dh: cagays.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
carayn
m.f.dh eeg caree.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
carayn
-ta: (n) an act of daring; a challenge
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
carayn
-ta: (magac, dhedig, keli) qof kale 'car!' ku dhihid oo u digid. Dh: carays.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Casaan
(Casaan-ka)
1. Midabka cas.
2. Gogosha (dermooyin) inteeda midabka iyo xararka leh.
3. (qof, kd.) cas ahaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
casaan
casaan¹: m.l 1. Casaan ah: midab guduud furan ah. 2. Dermo inteeda midabka iyo naqshadda leh. la-mid: casiin.
casaan²: m.f.dh eeg cas². la-mid: casaansho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
casaan
casaan¹: m.l 1. Casaan ah: midab guduud furan ah. 2. Dermo inteeda midabka iyo naqshadda leh. la-mid: casiin.
casaan²: m.f.dh eeg cas².
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
casaan
f. n./m, [abstract] red (color), redness
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
casaan
-ka: (n) red color (reedh-kolar) ~ guduud
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
casaan
(tilmaame) wax guduudan; wax midab cas leh.
casaan -ka: (magac, lab, keli) midabka dhiigga u eg: midabka guduudka ah. Dh: guduud, dhiin.
casaan-ka: (magac, lab, keli) dermooyinka, intooda lagu xardho midabbada.
casaan-ka: (magac, lab, keli) xilli biyaha baddu ay casaan noqdaan, kalluunku na soo dhowaado oo laga faa'ideysto.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
casaan
de: red (color), redness
lx: casaan
pd: (-ta ~ -ka)
ps: n2-f/m-abs
syn: guduud {N}
key: casaan
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Casayr
name-m f late afternoon; afternoon prayer. Lit: he who was born at during the afternoon prayer time. Syn: Casaro
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cawayn
-ta: (magac, dhedig, keli) fiidka ama habeenka, maddadaalo iyo waari ku soo jeedid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cisayn
-ta: (magac, dhedig, keli) sharaf u yeelid. Dh: cisays, xurmayn, tixgelin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gasayn
m.f.dh eeg gasee.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Masayn
(Masayn-ta)
Mase ka dhigid; simid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
masayn
-ka: (magac, laab, keli) dibi laboodhedig ah.
masayn -ta: (magac, dhedig, keli) wax siman oo isku mid ama is le'eg ah ka dhigid. Dh: simid maseyn, misayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Rasayn
(Rasayn-ta)
Raso ka dhigid; is kor saarsaarid; taallayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
rasayn
m.f.dh eeg rasee. la-mid: rasays.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
rasayn
-ta: (magac, dhedig, keli) si habaysan isku dul dhigdhigid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Tasayn
(Tasayn-ta)
Tixgelin iyo qaddarin la'aan; waxaan jirin ka dhigid; liidid; sheelid; qarin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tasayn
m.f.dh eeg tasee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tasayn
-ta: (magac, dhedig, keli) tixgelin iyo qaddarin la'aan ama waxaan jirin ka dhigid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xasayn
(Xasayn-ta)
Meel xas ah gelin; qarin; dahid; kaayid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xasayn
m.f.dh eeg xasee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xasayn
-ta: (magac, dhedig, keli) xas ama meel qarsoon oo kale ku qarin. Xaar sagaaro xasayn kuma qarsoomo. Dh: khabbayn. Wa: xasxasayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Guduudin
(Guduudin-ta)
Guduud ka dhigid; casayn.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
casee
f.g2 (-seeyay, -saysay) 1. Wax midab cas u yeelid. 2. Kabo buraash marin. 3. Qof xisaab socota leh, deyn muddo gaaban siin (banki). m.f.dh, casayn.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
lucidare
v.tr.- casayn, dhaldhalaalin.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
lustrare
v.tr.- casayn, dhalaalin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kabacaddayn
-ta: (magac, dhedig, keli) kabo baalash marin. Dh: baalashayn, casayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kuduudin
-ta: (magac, dhedig, keli) midabka kuduudka ka dhigid. Dh: guduudin, casayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qardo
-da: (magac, dhedig, keli) dhul ris ah oo aan weli la qodin. Lo'da qardada ku eeg oo caleenta ka ilaali. Li: gefo, masno.
qardo-da: (magac, dhedig, keli) amaah yar oo qof la silyo oo uu soo celiyo. Qardo ayaan walaalkay ka qaatay. Dh: casayn, amaah.
qardo -da: (magac, dhedig, keli) dhul qarfo ah oo aanay waddo marin. Qardada dhex jibaax waddo ma jirtee. Dh: qarfo, qarfe.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
embraser
embraser, V. - casayn; casaan ku rogmado sida dabka
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
empourprer
empourprer, v. - is casayn; guduudin
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
roussir
roussir, v. - casayn; la caseeyey; gubid ama kul la engejin
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dacasayn
-ta: (magac, dhedig, keli) marka aad cid kula dagaallantid kab dacas ah. Dh: kabayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
nacasayn
-ta: (magac, dhedig, keli) si nacasnimo u socosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Baslayn
(Baslayn-ta)
Si basle ah, baadi ama wax kale, u raadin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baslayn
m.f.dh eeg baslee. la-mid: basle (3).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baslayn
-ta: (magac, dhedig, keli) nooc orodka ka mid ah oo gucle u eg oo si qaabxun wax loo raadgoobo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caadayn
-ta: (magac, dhedig, keli) caad yeelashada cirka.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
caanayn
m.f.dh eeg caanee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caanayn
-ta: (magac, dhedig, keli) cunto, shaah iyo la mid ah, caano ku darid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Caatayn
(Caatayn-ta)
Caato ka dhigid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
caatayn
m.dh la-mid: caataysiin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caatayn
-ta: (magac, dhedig, keli) weyd ka dhigid. Dh: weydayn.
caatayn -ta: (magac, dhedig, keli) jeenyagoosadka neef ruqo u hadhay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Cabbayn
(Cabbayn-ta)
Wax gudo leh wax kale ku gurid taniyo intuu ka buuxsamo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cabbayn
m.f.dh eeg cabbee.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
cabbayn
-ta: (n) cramming (kraaming); stuffing (istaafing)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cabbayn
-ta: (magac, dhedig, keli) qori ama hub kale, dhuunta rasaasta u dhigid. Aabahay baa i baray cabbaynta qoriga.
cabbayn -ta: (magac, dhedig, keli) wax mug leh, marka shay madhnaa la rabo in la buuxiyo sida kiish raashin ah ama barkimada cutubka lagu buuxiyo.
cabbayn -ta: (magac, dhedig, keli) wax gudo leh wax kale ku gurid taniyo intuu ka buuxsamaayo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Caddayn
(Caddayn-ta)
1. Wax cad ka dhigid; muujin; qayixid; qeexid; nadiifin.
2. (masawir) farsamo, muuqaal filim ku yaal, filim kale korki ama warqad korkeed, loogu wareejiyo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
caddayn
m.f.dh eeg caddee. la-mid: caddays (3).
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
caddayn
f. n. statement, certificate, declaration; clarification
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
caddayn
-ta: (n) proof (pruufp, clarification (klaar-a-fikayshin)-, elucidation (j-luu-sidey-shin)-, assertion (aseer-shen) substantiation ~ daliil
caddayn -ta: (n) film processing; developing (di-va-loping)
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Caddayn
Chiarimento
Clarification
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caddayn
-ta: (magac, dhedig, keli) muuqaal filim ku yaal, warqad ku wareejin. Dh: caddays.
caddayn-ta: (magac, dhedig, keli) shaah iyo wixii la mid ah, caano ku darid. Dh: caanayn.
caddayn-ta: (magac, dhedig, keli) hawraar, arrin, hadal iyo wixii la mid ah, si run ah u sheegid. Dh: qayaxid, caddays.
caddayn-ta: (magac, dhedig, keli) derbi, loox iyo wixii la mid ah, midab caddaan ah marin. Dh: nuuradayn.
caddayn-ta: (magac, dhedig, keli) wax uskagoobay, nadiifin.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
caddayn
de: statement, certificate, declaration; clarification; film developing
lx: caddayn
pd: (-ta)
ps: n2-f; vn1-f
key: caddayn
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Cadhayn
(Cadhayn-ta)
Cadho ku ridid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cadhayn
m.f.dh eeg cadhee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cadhayn
-ta: (magac, dhedig, keli) cadho ku ridid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cajsaan
-ka: (magac, lab, keli) qof caajis ah, caajis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
callayn
-ta: (magac, dhedig, keli) si isdulsaarid ah u rassayn. Dh: callays.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
calyayn
-ta: (magac, dhedig, keli) wax calyo ku qoyn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Cammayn
(Cammayn-ta)
Indhaha tirid; camma ka dhigid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cammayn
m.f.dh eeg cammee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cammayn
-ta: (magac, dhedig, keli) wax aan wanaagsanayn siin ama ka iibin, iyadoo loo tusayo inuu wanaagsan yahay.
cammayn -ta: (magac, dhedig, keli) indhaha tirid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
carmayn
m.dh la-mid: carmin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Carrayn
(Carrayn-ta)
Carro ku shubid; ciideyn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
carrayn
m.f.dh eeg carree.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
carrayn
-ta: (magac, dhedig, keli) ciid ku shubid; ciideyn; carrays.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
casayso
(fal) wax cas ka dhigo; midab cas u yeelo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cashays
-ka: (magac, lab, keli) eeg cashayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cawrayn
m.f.dh eeg cawree.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cawrayn
-ta: (magac, dhedig, keli) cid kale, ceebayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Cayrayn
(Cayrayn-ta)
Cayr ka dhigid; sabool ka dhigid; dhicid; mooradduugid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cayrayn
m.f.dh eeg cayree.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cayrayn
-ta: (magac, dhedig, keli) caydh ka dhigid; caydhayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Cusbayn
(Cusbayn-ta)
Cusbo ku darid; cusbo korka ka marin; cusbo ka dhigid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cusbayn
m.f.dh eeg cusbee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cusbayn
-ta: (magac, dhedig, keli) dhallaan, cusbo gelin; cusbo ku daaweyn; cusbays.
cusbayn -ta: (magac, dhedig, keli) cunto iyo wixii la mid ah, cusbo ku darid. Dh: milixayn, cusbays.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cuslayn
m.f.dh eeg cuslee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cuslayn
-ta: (magac, dhedig, keli) wax hore u fududaa, culays ku kordhin.
Magacyada Dhirta Ceel-Dheere iyo Buula-Burte (Soomaali-Laatiin) - D. Herloker, B. Kujar [1985]
DHASAYN
[DASEYN] Commiphora sec. Opobalsames sp = Kuchar 16231 01
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhasayn
-ka: (magac, lab, keli) geed la bah ah dhiddink aiyo xagarka oo leh budhuq la faqdo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gaasayn
-ta: (magac, dhedig, keli) mooteer ama wax la mid ah, gaas ku shubid. Faynuusku gaasayn buu doonayaa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jaasayn
m.f.dh eeg jaasee.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kasbayn
m.f.dh eeg kasbee.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qawsayn
m. n., [collective] brackets {punctuation}
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
qawsayn
-ka: (n) brackets (baraakitis)-, () or [ ] ~ bilo