casarleged
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Casarleged
(Casarleged-ka)
Geed ur udgoon leh oo haweenku shitaan; uunsi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
casarleged
m.l Nooc uunsiga ka mid ah oo aad u udgoon.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
casarleged
m. n. incense
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
casarleged
-ka: (magac, lab, keli) ka mid ah udgoonka dumarku [...] mkhukm.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
casarleged
cf: uunsi
de: incense made from wood pieces or herbs and lit by women
lx: casarleged
pd: (-ka)
ps: n2-m
key: casarleged
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cawraleged
cawraleged¹: m.l Wax yar oo la siiyo ruux ishiisa laga baqayo.
cawraleged²: f.g1 (-gday, -gedday) Qof ishiisa laga baqayo wax yar siin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sagaaroleged
-ka: (magac, lab, keli) geed laf adag oo midab madow oo ka baxa qardooyinka ama buuraha.
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
SAGAARO-LEGED
(Sagaro-lagget) N Ormocarpum kirkii S. Moore Papilionaceae.
N Lannea malifolia (Chiov) Sacleux. Anacardiaceae.
N Ormocarpum muricatum Chiov. Papilionaceae.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
asaleel
-ka: (magac, lab, keli) caano aad u badhxan; caano biyo biyo ah; caano biyuhu ka badan yihiin. Asaleel buu ubadkii siiyey. Dh: xariir.
asaleel -ka: (magac, lab, keli) qofka indhaha la' ama aan si wanaagsan wax u arag. Dh: indhoole.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
calalee
f.g2 (-leeyay, -laysay) Maro, calal ka dhigid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
calalee
v. wear out (clothes)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
calalee
(fal) wax duugoobay ka dhig; calal ka dhig.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
calalee
de: wear out (clothes)
lx: calalee
pd: (calaleeyey)
ps: v2b=
key: calalee
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cararee
f.g2 (-reeyay, -reysay) Weel asal marin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
Carbeed
n. phr., genetive: Arabian, Arabic
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
Carbeed
(adj) Arabian (a-rey-biyan) Ex: Faras Carbeed; an Arabian horse
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
Carbeed
de: Arabian, Arabic
lx: Carbeed
pd: (Carabeed)
ps: np-gen
key: Carbeed
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Cawleed
magac loo baxsho wiil leh midab casaan iyo caddaan isku jira ah.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
gaaleed
n. phr., genetive: European, western, relating to the white race
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
gaaleed
de: European, western, relating to the white race
lx: gaaleed
ps: np-gen
xe: western food
xv: cunto gaaleed
key: gaaleed
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Baarleex
nickname-m he who his hair is parted
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baarleex
magaca wiil timo jilicsan oo qurxoon oo jiifa leh; wiil timihiisu bis jiifta yihiin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Casariye
(Casariya-ha)
Shaaha ama cunno kale oo fudud oo casarkii la cuno.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
casariye
m.l Shaaha casarka la cabbo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
casariye
m.l Shaaha casarka la cabbo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
casariye
m. n. afternoon snack, tea ~ coffee break
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
casariye
-casariyaha: (n) afternoon tea
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
casariye
-ha: (magac, lab, keli) shaaha galabtii la cabo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
casariye
de: afternoon snack, tea ~ coffee break
lx: casariye
pd: (/ha)
ps: n7-m
key: casariye
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
caskaree
f.g/mg2 (-reeyay, -raysay) la-mid: askaree.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
caskaree
v. recruit someone as a soldier; behave ~ act like a soldier
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
caskaree
-yey / caskaraysay: (v) enrol (persons) for military service; recruit (ri-kuruut); draft (daraaft)-, conscript ~ askaree
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caskaree
(fal) askari ka dhig.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
caskaree
de: recruit s.o. as a soldier; [ext.] behave ~ act like a soldier
lx: caskaree
pd: (caskareeyey)
ps: v2b=
key: caskaree
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
musareed
m.l Xerada ariga aaggeeda.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Sakareed
(Sakareed-ka)
Xabbado dhuudhuuban oo ka samaysan tabaako si wanaagsan loo jarjaray iyo xaashi khafiif ah oo ku duuban oo inta af laga daaro afka kale laga nuugo oo laga qiiqiyo; sigaar.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sakareed
m.l Tubaako shiidan oo xaashi qafiif ah lagu shubay oo la qiijiyo. la-mid: sigaar
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
sakareed
m.l Tubaako shiidan oo xaashi qafiif ah lagu shubay oo la qiijiyo; sigaar.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
sakareed
m. n. cigarette
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
sakareed
-ka: (n) cigarette; cigar ~ sigaar
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sakareed
-ka: (magac, lab, keli) xabbado dhuudhuuban oo ka samaysan tubaako si wanaagsan loo jarjaray iyo xaashi khafiif ah oo ku duuban oo inta af laga daaro afka kale laga nuugo oo laga qiiqiyo: sigaar.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
sakareed
de: cigarette
initial: s
lx: sakareed
pd: (-ka)
ps: n2a-m
syn: sigaar
key: sakareed
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Casarliiq
(Casarliiq-a)
Casarkii marka qorraxdu aad u gaabato oo dhicid ku dhowaato; kolka qorraxdu baalka dhigato.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
casarliiq
m.l Marka ay qorraxdu aad u gaabato oo ay dhicid ku dhawdahay.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
casarliiq
m.l Marka ay qorraxdu aad u gaabato oo ay dhicid ku dhawdahay.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
casarliiq
m. n. late afternoon
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
casarliiq
-a: (n) late afternoon ~ casar gaab
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
casarliiq
-a: (magac, lab, keli) casar gaaban. Dh: casardiiq.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
casarliiq
de: late afternoon
lx: casarliiq
pd: (-a)
ps: np-m-time
key: casarliiq
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
castrated
u., dhufaanan, tuman; a gelded animal, dugaag tuman.
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Cawareere
name-m dusk; large shark (sp)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Cawareere
magac loo baxsho wiil lagu metaalay kalluun aad u weyn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
cayaareed
n. phr., genetive: pertaining to ~ intended for a game; related to dramatic acting; concerned with dancing
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
cayaareed
de: pertaining to ~ intended for a game; related to dramatic acting; concerned with dancing
lx: cayaareed
ps: np-gen
key: cayaareed
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dabayleed
m.l (juqraafi) Wax dabayli keentay amase ku xidhan. Tuulimaad d. waa waxyaabaha ay dabayli qaadday ama ay dhigtay meel dhulka dushiisa ah waxaana ka mid ah dabayl tuul, bacaadka iyo tuulimaadyada lamaddegaannada.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dabayleed
m.l (juqraafi) Wax dabayli keentay amase ku xidhan. Tuulimaad d. waa waxyaabaha ay dabayli qaadday ama ay dhigtay meel dhulka dushiisa ah waxaana ka mid ah dabayl tuul, bacaadka iyo tuulimaadyada lamaddegaannada.
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Dabayleed
Aeollan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
calaalugid
-da: (magac, dhedig, keli) wax sidii uu ahaa ka doorin; badhxid; ladhid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
casardheer
m.l Casarka qaybtiisa hore. la-mid: casardheere.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
casardheer
m.l Casarka qaybtiisa hore. la-mid: casardheere.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
lawareegid
-da: (magac, dhedig, keli) hanti si sharci ah ama aan sharci ahayn kula wareegid.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
cross-legged
/kros-legidh/ (adj) lugo is-dhaafsasho.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
capableness
capability, n., karniin, -ti.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
casardheere
m.l la-mid: casardheer.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
casargaabad
m.l la-mid: casargaab.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
casarweerar
-ka: (magac, lab, keli) weerar badheedh ah oo aan geed loogu soo gabban.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cashartufid
-da: (magac, dhedig, keli) cashar u akhriyid; dad ama duunyo u ducayn. Dh: casharin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cawralegdid
m.f.dh eeg cawraleged².
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
HABRO-LEGED
(Habro-legit) N Ochthochloa compressa (Forsk) Hilu Gramineae.
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
La wareegid
Esproprio
Expropriation
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
laballegdee
f.mg2 (-leeyay, -leysay) Gogol korkeed ama meel kala isku rogrogid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
laballegdee
v. roll over and over
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
laballegdee
(fal) gogosha ama meel kale isku rogrog.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
laballegdee
de: roll over and over
lx: laballegdee
pd: (laballegdeeyey)
ps: v2b=intr
key: laballegdee
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
laballegdey
(fal) gogosha dusheeda ama meel kale isku rogrog oo ku galgalo. Dh: laballegdoo, gam'iwaa.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maskaxfered
-ka: (magac, lab, keli) eeg maskaxfalluuq.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
saxarsaleed
m.l (-dyo, m.dh) (c.fal) Magac guud oo ay wadaagaan dhammaan saxarrada uu maatarku ka kooban yahay ee aan loo sii kala jabin saxarro ka sii yar.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
warwareegid
-da: (magac, dhedig, keli) tiir ama goobo ku dul duurduurid oo kolkaad mar wareegtaba haddana ku celin.
warwareegid -da: (magac, dhedig, keli) Socsocosho oo kolba meel iska marid Warwareegid bilaa macni ah waa lagu daalaa. Dh: Socsocod.
warwareegid -da: (magac, dhedig, keli) socod aan toos ahayn oo kolba dhinac loo baydho socosho. Dalcadaha toos looma bexee warwareegid ayaa lagu fuulaa. Dh: duurduur, baydhbaydh.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
waterlogged
/ (adj) biyo ka buuxaan (biyo ka-dheragsan).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
casarweerarid
-da: (magac, dhedig, keli) si badheedh ah, u weerarid; weerar aan geed loogu soo gabban ku qaadid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kansarbeereed
m.l (daawo) Burobahalaad ka baxda beerka waxay ku badantahay Afrika iyo waddamada kale ee cimilada kulul waxa keeni kara fangas iyo sumo kale.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
kansarbeereed
m.l (daaw.) Burobahalaad ka baxda beerka waxay ku badantahay Afrika iyo waddamada kale ee cimilada kulul waxa keeni kara fangas iyo sumo kale.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kansarbeereed
-ka: (magac, lab, keli) burobahalaad ka baxda beerka waxay ku badantahay Afrika iyo waddamada kale ee cimilada kulul waxa keeni kara fangas iyo sumo kale.