carsaanyow
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Carsaanyow
(Carsaanyow-ga)
Cudur xun oo inta oogada meel kaga dhasha, xididdo ku bixiya oo ku faalala oo badanaa loo dhinto; buro-bahalaad; feex (fiix) xun; tulux.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
carsaanyow
m.l (daawo) Cudur halis ah oo jirka meeshuu gala cuna si dhaqsana ugu fida oo ilaa meeshii uu ku dhacay la gooyo aan laga bogsoon; feex; fayiix; buro; bahalaad.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
carsaanyow
m.l (daaw.) Cudur halis ah oo jirka meeshuu gala cuna si dhaqsana ugu fida oo ilaa meeshii uu ku dhacay la gooyo aan laga bogsoon; feex; fayiix; buro; bahalaad.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
carsaanyow
m. n., [collective] cancer
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
carsaanyow
-ga: (magac, lab, keli) cudur xun oo inta uu oogada meel kaga dhasho, xididdo ku bixiya oo ku faalala oo badanaa loo dhinto. Dh: burobahalaad, tulux.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
carsaanyow
de: cancer
lx: carsaanyow
pd: (-ga)
ps: n2-m-col
key: carsaanyow
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Carsaanyo
(Carsaanya-da)
Nafley kalluunka qolofta ku jira lagu tirsho; waxay leedahay afar lugood iyo labo birqaab oo ay wax ku qabato; hor iyo dibba waa u oroddaa; - qabaanqab; suulalgoys.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
carsaanyo
m.dh Naflay badda ku nool oo leh sideed lugood iyo labo birqaab oo ay wax ku qabato, hor iyo dibba waa u oroddaa; suulogoys; suulalgoys. la-mid: carcarsaanyo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
carsaanyo
m.dh Naflay badda ku nool oo leh sideed lugood iyo labo birqaab oo ay wax ku qabato, hor iyo dibba waa u oroddaa; suulogoys; suulalgoys. la-mid: carcarsaanyo.
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Carsaanyo
Lobster
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
carsaanyo
f. n. crab
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
carsaanyo
-carsaanyada: (n) crab (karaab)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
carsaanyo
-da: (magac, dhedig, keli) nafley qolofleyda badda ka mid ah oo xeebaha dhow lagu arko. Waxay leedahay siddeed lugood iyo labo farood, oo birqaab oo kale u eg. Waxay awood u leedahay in ay hore iyo dib ba u ordi karto. Carsaanyada sideedii, hadba gees u cararee... Dh: qabaanab, suulalgoys.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
carsaanyo
de: crab
lx: carsaanyo
pd: (/da)
ps: n6-f
key: carsaanyo
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
canaanyow
v. have an itch, have a skin irritation
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
canaanyow
de: have an itch, have a skin irritation
lx: canaanyow
pd: (canaanyooday)
ps: v3a=intr
key: canaanyow
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
carshaashow
(fal) hawl, carqaladi ha kugu dhacdo.
carshaashow-ga: (magac, lab, keli) eeg carshaasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
canaanyo
m.dh la-mid: cadanyo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
canaanyo
f. n. itching; skin irritation
Magacyada Dhirta Ceel-Dheere iyo Buula-Burte (Soomaali-Laatiin) - D. Herloker, B. Kujar [1985]
CANAANYO
[ANAIYO] Tragia ?hildebrandtii 01
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
canaanyo
-canaanyada: (n) intense irritation and itching of skin; an allergic reaction; allergy (al-lerji) ~ cadanyo, xajiin
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
canaanyo
-da: (magac, dhedig, keli) eeg cadanyo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
canaanyo
de: itching; skin irritation
lx: canaanyo
pd: (/da)
ps: n-f
key: canaanyo
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daranyow
-ga: (magac, lab, keli) eeg daranyood.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
canaanyoo
f.mg3 (-ooday, -ootay) la-mid: cadanyoo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
canaanyoo
f.mg3 (-ooday, -ootay) la-mid: cadanyoo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
canaanyoo
(fal) xajiimoo oo cadanyo qab.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
carcarsaanyo
m.dh la-mid: carsaanyo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Araanjo
(Araanja-da)
Geed-abaareed leh miro jilicsan oo kankoonsan oo diir adag oo midabkoodu yahay cillaan-guduud.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
araanjo
m.dh (-ooyin, m.l) Liimo-xaali.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
araanjo
f. n. orange (tree ~ fruit)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
araanjo
-ha: (magc, lab, keli) midabka u eg liinta.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
araanjo
de: orange (tree ~ fruit)
lx: araanjo
pd: (/da)
ps: n6-f-enum
key: araanjo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Cadanyo
(Cadanya-da)
Cuncun oogada lala xoqo; xajiin; caaro.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cadanyo
m.dh Cuncun oogada laga dareemo. la-mid: cadayo¹, canaanyo, cananyo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
cadanyo
m.dh Cuncun oogada laga dareemo. la-mid: cadayo, canaanyo, cananyo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
cadanyo
f. n. itching, skin irritation
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
cadanyo
-cadanyada: (n) intense irritation and itching of skin; an allergic reaction; allergy (al-lerji) ~ canaanyo, xajiin
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cadanyo
-da: (magac, dhedig, keli) cuncun oogada xajiin ku abuura oo qofku isxoqo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
cadanyo
de: itching, skin irritation
lx: cadanyo
pd: (/da)
ps: n6-f
key: cadanyo
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cajsaan
-ka: (magac, lab, keli) qof caajis ah, caajis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
canaano
f.g3 (-ntay, -natay) Cid canaan u jeedin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
canaano
f.g3 (-ntay, -natay) Cid canaan u jeedin. m.f.dh, canaanasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
canaano
v. scold, rebuke, reprimand, reprove; criticize
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
canaano
-canaantay / canaanatay: (v) admonish (adh-moo-nish)', rebuke (ri-biyuuk) reprove (ri-puruuf)', reprimand (rep-ra-mend)', reproach (ri-porowj)-, criticize (kriti-zaays)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
canaano
(fal) cid kale, si haaraamid iyo guulguul ah ula hadal.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
canaano
de: scold, rebuke, reprimand, reprove; criticize
lx: canaano
pd: (canaantay)
ps: v3b=
key: canaano
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cananyo
m.dh la-mid: cadanyo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cananyo
-da: (magac, dhedig, keli) eeg cadanyo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
carabow
f.mg1 (-oobay, -owday; -oobi) Carab noqosho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
carabow
f.mg1 (-oobay, -owday; -oobi) Carab noqosho. m.f.dh, caraboobid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
carabow
inch. v. become an Arab
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
carabow
de: become an Arab (e.g. take on the traits / characteristics of an Arab)
lx: carabow
pd: (caraboobay)
ps: v1=inch
key: carabow
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
carraaw
f.mg1 (-aabay, -aabtay) Galab meel u socosho. la-mid: carrow (2).
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
carraaw
f.mg1 (-aabay, -aabtay) Galab meel u socosho. la-mid: carrow (2).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
casaaro
m.dh la-mid: cisaaro.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
casaaro
f. n. fine, penalty
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
casaaro
cf: ganaax
de: fine, penalty
lx: casaaro
pd: (/da)
ps: n6-f
key: casaaro
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
CASAASO
(Asaso) N Osyris lanceolata Hochst & Steud. Santalaceae.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daranyo
m.dh Dacdarro.
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
DARANYO
(Darengno) S Tephrosia nubica (Boiss) Bak. Papilionaceae.
S Tephrosia polyphylla (Chiov.)Gillett. Papilionaceae.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daranyo
-da: (magac, dhedig, keli) baylah iyo dayac hanti ku dhaca. Xoolaha ha daranyeyn ee ilaali. Dh: baylah.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maranyo
-da: (magac, dhedig, keli) hab lagu sameeyo hasha rimi weyda oo ah fandhaal maydhax lagu duubo oo sibisha lagaga xoqo si loogu daweeyo oo ay u rinto.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
raadyow
-ga: (magac, lab, keli) eeg raadiye.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
raansow
m.l la-mid: raasow.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
saanyoo
f.g3 (-ooday, -ootay) la-mid: saanyo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
saraayo
m.dh Dhibaato weyn; dareen.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
saraayo
f. n. anticipation, foresight
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saraayo
-da: iska hor'imaad; dagaal; cadaawad; saraaye.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
saraayo
de: anticipation, foresight
initial: s
lx: saraayo
pd: (/da)
ps: n-f
see: saraad {C}
key: saraayo
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
annaanow
(fal) ku lumi wakhtiga waxaan qiimo lahayn; naftaada ku maaweeli wax ay waqtiga isku dhaafiso. Dh: maararrow.
annaanow-ga: (magac, lab, keli) eeg annaanoobid. annaga: (magac'uyaal) dadka hadlaya ama wax qoraya oo qofka lala hadlayaa aanu ku jirin. Annagaa maanta qadada bixinnay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
armaadyo
m.dh la-mid: armaajo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
armaadyo
-da: (magac, dhedig, keli) sanduuqa weyn ee sarajooga oo dharka lagu gurto. Dh: armaajo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
basaasow
-ga: (magac, lab, kel) marka aad dux yari darteed la wareertid. Madaxa ayaan basaasow ka dareemayaa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
caasiyow
f.mg1 (-oobay, -owday; -oobi) Ku c.: caasi noqosho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
caasiyow
f.mg1 (-oobay, -owday; -oobi) Ku c.: caasi noqosho. m.f.dh, caasiyoobid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caasiyow
-ga: (magac, lab, keli) qof amardiid ah noqo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cadanyoo
f.mg3 (-ooday, -ootay) Cadanyo dareemid. la-mid: cadayoo, canaanyoo, cananyoo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
cadanyoo
f.mg3 (-ooday, -ootay) Cadanyo dareemid. la-mid: cadayoo, canaanyoo, cananyoo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cadanyoo
(fal) xajiimoo oo isxoq; cadanyo ha ku hesho. Dh: xajiimood, caarood.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
calaalow
f.mg1 (-oobay, -owday; -oobi) Calal ama wax duugoobay noqosho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
calaalow
inch. v. become dependent, helpless, incapable; become worn out, a wreck
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
calaalow
-ga: (magac, lab, keli) calal noqod.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
calaalow
de: become dependent, helpless, incapable; become worn out, a wreck Alt sp: callaalow
lx: calaalow
pd: (calaaloobay)
ps: v1=inch
key: calaalow
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cananyoo
f.mg3 (-ooday, -ootay) la-mid: cadanyoo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
cananyoo
f.mg3 (-ooday, -ootay) la-mid: cadanyoo. cananyood m.l eeg cananyoo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cananyoo
(fal) canaanyoo; xajiimood.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
caradhow
f.mg4 (-waa, -wayd) Qof dhaqso u xanaaqa ahaansho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
caradhow
der. [adjective] short temper; be easily angered, annoyed, be irascible
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
caradhow
-caradhawaa / caradhawayd: (adj) hot blood, hot temper, temper on a short rein ~ carafudud
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
caradhow
de: short temper; be easily angered, annoyed, be irascible
lx: caradhow
pd: (caradhowa)
ps: adj-der
key: caradhow
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
carmalow
f.mg1 (-oobay, -owday; -oobi) Carmal noqosho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
carmalow
inch. v. be a divorcee; be a widow
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
carmalow
(fal) haweeney la qabo, ha lagu dalaaqo, carmal noqo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
carmalow
de: be a divorcee; be a widow
lx: carmalow
pd: (carmaloobay)
ps: v1=inch
key: carmalow
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Carraabo
(Carraaba-da)
(socdaal) galab guur; galab socod.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
carraabo
m.dh Socod goor galab ah meel laga tago iyadoo meel kale la higsanayo. la-mid: carrowtiin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
carraabo
m.dh Socod goor galab ah meel laga tago iyadoo meel kale la higsanayo. la-mid: carrowtiin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
carraabo
f. n. going home at the end of the day; late afternoon travel
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
carraabo
carraabada: (n) afternoon trip or journey