carruuroobid
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Carruuroobid
(Carruuroobid-da)
Carruur noqosho; carruur u ekaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
carruuroobid
m.f.dh eeg carruurow.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
carruuroobid
-da: (magac, dhedig, keli) waayeel ama qof weyn, sida carruurta u dhaqmid; carruur oo kale noqosho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
carruuroob
inch. v. be childish, become like a child
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
carruuroob
de: be childish, become like a child
lx: carruuroob
pd: (carruuroobay)
ps: v1=inch
key: carruuroob
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
carroobid
m.f.dh eeg carrow.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cajuusoobid
m.f.dh eeg cajuusow.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
carrarroogid
m.f.dh eeg carrarroog². la-mid: carrarroog¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saruuradoobid
-da: (magac, dhedig, keli) eeg saruurad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Caaroobid
(Caaroobid-da)
Cadanyood; xajiimood.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
caaroobid
m.f.dh eeg caarow. la-mid: caarood.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caaroobid
-da: (magac, dhedig, keli) cadanyoobid; xajiimoobid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
carruurow
f.mg1 (-oobay, -owday; -oobi) Carruur noqosho; carruur u ekaansho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
carruurow
f.mg1 (-oobay, -owday; -oobi) Carruur noqosho; carruur u ekaansho. m.f.dh, carruuroobid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
carruurow
(fal) carruur oo kale noqo; sida carruurta u dhaqan.
carruurow-ga: (magac, lab, keli) carruur noqosho; sida carruurta u dhaqmid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Cayroobid
(Cayroobid-da)
Cayr noqosho; xoola beelid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cayroobid
m.f.dh eeg cayrow.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cayroobid
-da: (magac, dhedig, keli) caydh noqosho: xoola beelid. Dh: caydhoobid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Cirroobid
(Cirroobid-da)
Cirro yeelasho; cirro ka soo bixid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cirroobid
m.f.dh eeg cirrow.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cirroobid
-da: (magac, dhedig, keli) cirro yeelasho; cirro ka soo bixid. Rag cirroobay baa nagu jiree geela noo celiya.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
guuroobid
m.f.dh eeg guurow².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Suuroobid
(Suuroobid-da)
Suuraggelid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
suuroobid
m.f.dh eeg suurow². la-mid: suurtoobid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
suuroobid
-da: (magac, dhedig, keli) suuraggal noqosho; suuraggelid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
caraboobid
m.f.dh eeg carabow.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Caraboobid
-da: (magac, dhedig, keli) Carab noqosho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
carrarogid
-da: (magac, dhedig, keli) diyaarinta dhulbeereedka loo diyaarinayo falitaan. Dh: carraggeddi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cawaroobid
m.f.dh eeg cawarow. la-mid: cawiroobid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cawaroobid
-da: (magac, dhedig, keli) wax il cawaran noqosho; cawaro yeelasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cawiroobid
m.dh la-mid: cawaroobid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cawiroobid
-da: (magac, dhedig, keli) qof cawaran noqosho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mararoobid
-da: (magac, dhedig, keli) eeg maararroobid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
carmaloobid
m.f.dh eeg carmalow.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
carmaloobid
-da: (magac, dhedig, keli) carmal noqosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daaruqoobid
m.f.dh eeg daaruqow.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gaaturoobid
m.dh la-mid: gaatiroobid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
mararroobid
m.f.dh eeg mararrow². la-mid: mararrow¹.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
yaxuusoobid
m.f.dh eeg yaxuusow.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
yaxuusoobid
-ka: (magac, lab, keli) eeg yaxuusow.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cambaaroobid
m.f.dh eeg cambaarow.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cambaaroobid
-da: (magac, dhedig, keli) cambaar yeelasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Canbaaroobid
(Canbaaroobid-da)
1. Canbaar yeelasho.
2. Ceeboobid; dhaleecoobid; fadeexoobid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
canbaaroobid
-da: (magac, dhedig, keli) canbaar yeelasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maararroobid
m.f.dh eeg maarrow².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maararroobid
-da: (magac, dhedig, keli) maaweelo iyo baashaalid isku mashquulin. Maararroobida waxa haleela nin ay meheradi u baylahsanayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caanoobid
-da: (magac, dhedig, keli) caano noqosho; caddaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Caatoobid
(Caatoobid-da)
1. Caato noqosho.
2. Daalid, noogid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
caatoobid
m.f.dh eeg caatow². la-mid: caatow¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caatoobid
-da: (magac, dhedig, keli) mid weyd ah noqosho.
caatoobid -da: (magac, dhedig, keli) daalid; noogid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cadhoobid
m.f.dh eeg cadhow.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cadhoobid
-da: (magac, dhedig, keli) cudurka cadhada yeelasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cambuurid
m.f.dh la-mid: camambuurid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cambuurid
-da: (magac, dhedig, keli) canka oo inta neef laga buuxsho la afuufo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cammoobid
m.f.dh eeg cammow.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cammoobid
-da: (magac, dhedig, keli) indho beelid; dhaayabeelid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Carbuunid
(Carbuunid-da)
Wax la gatay, carbuun ka bixin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
carbuunid
m.f.dh eeg carbuun².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
carbuunid
-da: (magac, dhedig, keli) wax lagu heshiiyey kala iibsigiisa curaar ka sii bixin. Dh: curaarid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
carraabid
m.f.dh 1. eeg carrow. 2. eeg carraaw.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
carraabid
-da: (magac, dhedig, keli) galab meel aadid ama u bixid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
carruuray
(fal) qof weyn, sida carruurta u la dhaqan.
carruuray: (fal) (is ~) sida ciyaalka u dhaqan; carruur iska dhig; waxa carruurtu fasho oo kale fal.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
carruuree
f.mg2 (-reeyay, -raysay) 1. Cid in ay sida carruurta u dhaqanta ku kallifid. 2. Is c.: carruur iska dhigid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
carruuree
v. act like a child
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
carruuree
de: act like a child
lx: carruuree
pd: (carruureeyey)
ps: v2b=
key: carruuree
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Caruureed
Juvenile
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cashuurid
m.dh la-mid: canshuurid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cashuurid
-da: (magac, dhedig, keli) cudhaadh ka qaadid. Dh: canshuurid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Darroorid
(Darroorid-da)
Darroor soo deyn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
darroorid
m.f.dh eeg darroor².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhuroobid
(Dhuroobid-da)
Wax wanaagsan oo dhan helid; liibaanid; bulaalid; tarmid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhuroobid
m.f.dh eeg dhurow².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Duugoobid
(Duugoobid-da)
Duug noqosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
duugoobid
m.f.dh eeg duugow². la-mid: duugow¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
duugoobid
-da: (magac, dhedig, keli) gaboobid darteed wax burburaya noqosho. Dh: baaliyoobid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
faaroobid
m.f.dh eeg faarow.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
faaroobid
-da: (magac, dhedig, keli) faar yeelasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Faruurmid
(Faruurmid-da)
1. Faruur dillaacsan yeelasho.
2. Webi, keli, kd., dhinac ka dillaacid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
faruurmid
m.f.dh eeg faruuran¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
faruurmid
-da: (magac, dhedig, keli) faruur ama meel kale oo dillaacsan yeelasho.
faruurmid-da: (magac, dhedig, keli) webi iyo wixii la mid ah. dhinac u dillaacid ama u jeexmid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Garruumid
(Garruumid-da)
Lab iyo dheddig isu tegiddood qabyo ah, samayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
garruumid
m.f.dh eeg garruun².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
garruumid
-da: (magac, dhedig, keli) lab iyo dheddig isu tegiddood oo qabyo ah, samayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hafroobid
-da: (magac, dhedig, keli) mid hafroobay noqosho oo xoog u bukoosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
karuurmid
m.f.dh 1. eeg karuuran¹. 2. eeg karuuran³.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Maaroobid
(Maaroobid-da)
Maar noqosho; midabka maarta yeelasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maaroobid
m.f.dh eeg maarow.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maaroobid
-da: (magac, dhedig, keli) daxal yeelasho. Dh: daxaloobid, midhidhid, ruujimoobid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qardoobid
(Qardoobid-da)
Qof qardoobey noqosho; qardow gaarid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qardoobid
m.f.dh eeg qardow².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qardoobid
-da: (magac, dhedig, keli) meel hore gefo u ahayd qardo isku rogid. Beerta laba gooddi ayaan qardoobid ugu talagalay. Dh: qardoobis.
qardoobid -da: (magac, dhedig, keli) qof qardoobey oo deyn lagu leeyhay noqosho. Qardoobidda iska ilaali ma shaqayside. Dh: deymoobid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qarroorid
m.f.dh eeg qarroor².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qarroorid
-da: (magac, dhedig, keli) surgin, muruş cinjir iyo wixii la mid ah, guntamid oo isku roorid Qarrooridda muruqu way xanuun badan tahay.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
warduubid
-da: (magac, dhedig, keli) xog ururin oo kaydin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xayroobid
m.f.dh eeg xayrow.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xayroobid
-da: (magac, dhedig, keli) xaydh yeelasho; xaydh noqosho. Xayroobidda xididdadu nolosha waa u halis. Dh: xaydhoobid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Abaaroobid
(Abaaroobid-da)
Abaar noqosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
abaaroobid
m.f.dh eeg abaarow.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
abaaroobid
-da: (magac, dhedig, keli) dhul xaalufay oo abaar ah noqosho. Haddii sidan geedaha loo guro, abaaroobid baan uga cabsoonaynnaa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Barafoobid
(Barafoobid-da)
Baraf noqosho; aad u qaboobid.