carrawsii
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
carrawsii
(fal) eeg carraabi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
carrawtiin
m.l la-mid: carraabo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
carrawtiin
-ka: (magac, lab, keli) galab soconsiin; carraabin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
caraysii
f.mg2 (-iiyay, -iisay) 1. Is c.: is daalin. 2. Ka c.: cid caro ku abuurid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
caraysii
f.mg2 (-iiyay, -iisay) 1. Is c.: is daalin. 2. Ka c.: cid caro ku abuurid. m.f.dh, caraysiin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
caraysii
v.caus: anger, make someone angry, enrage, annoy, irritate
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
caraysii
-yey / say: (v) [with] preposition ka] anger (ang-ger); provoke (pro-vowk); enrage (en-reyj)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caraysii
(fal) «ka ~» ka xanaaji; ka weyrixi; cadho ku abuur. Dh: cadhaysii.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
caraysii
de: anger, make s.o. angry, enrage, annoy, irritate Used with ka
lx: caraysii
pd: (caraysiiyey)
ps: v2a=caus
key: caraysii
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
carrabsi
-ga: (magac, lab, keli) maqal ama dad, xoolaha carrabka ku jaqa.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
carraysi
-ga: (magac, lab, keli) eeg carraysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
garransii
f.g2 (garransiiyay, garransiisay) Laba qof ama ka badan oo wax isku haya wada hadalsiin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
garransii
f.g2 (-iiyay, -iisay) Laba qof ama ka badan oo wax isku haya wada hadalsiin. m.f.dh, garransiin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
garransii
v. mediate, arbitrate
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
garransii
-yey I say: (v) resolve or settle differences; arbitrate (aar bitareeyt)-, mediate (mii diyeeyt) ~ u gamaq, dhexdhexaadi
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
garransii
de: mediate, arbitrate
lx: garransii
pd: (garransiiyey)
ps: v2a=tr
key: garransii
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sarraysii
f.g2 (-iiyay, -iisay) Ka s.: wax, wax kale ka kor marin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
sarraysii
f.g2 (-iiyay, -iisay) Ka s.: wax, wax kale ka kor marin. m.f.dh, sarraysiin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
sarraysii
v. upgrade; put in a high position
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sarraysii
(fal) meel sare geyn ama dhigid, meel sare gaadhsiin.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
sarraysii
de: upgrade; put in a high position
initial: s
lx: sarraysii
pd: (sarraysiiyey)
ps: v2a=tr
key: sarraysii
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
carraabsiin
-ta: (magac, dhedig, keli) carraabin; carraabis; carrawsiis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
carraabsiis
-ka: (magac, lab, keli) eeg carraabsiin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
garransiin
m.f.dh eeg garransii.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sarraysiin
m.f.dh eeg sarraysii.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sarraysiin
-ta: (magac, dhedig, keli) meel sare gaadhsiin, meel sare dhigid. Dh: korraysiin. Li: hoosaysiin.
sarraysiin -ta: (magac, dhedig, keli) sharaf iyo martabad sare u yeelid. Dh: sharfid, qaddarin. Li: xaqirid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sarraysiis
-ka: (magac, lab, keli) meel sare dhigis ama geys, sare gaadhsiis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
carraw
-ga: (magac, lab, keli) milapy galab ah socdaalid. Dh: carraabid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
caarsii
f.g2 (-iiyay, -iisay) Badda si xoog leh wax uga soo jiidid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
caarsii
v.caus: beach (a boat)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caarsii
(fal) doon iyo wixii la mid ah, meel xeeb ah gee. Dh: xeebi.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
caarsii
de: beach (a boat)
lx: caarsii
pd: (caarsiiyey)
ps: v2a=caus
key: caarsii
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cararsi
m.l la-mid: cararsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
carrays
-ka: (magac, lab, keli) eeg carrayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
harawsi
-ga: (magac, lab, keli) eeg harawsad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caraysni
-da: (magac, dhedig, keli) mid cadhaysan ahaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
careysii
v. anger, annoy, irritate
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
carraabi
f.g2 (-iyay, -isay) 1. Wax galab meel u kaxayn. 2. Marti is dhaafin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
carraabi
f.g2 (-iyay, -isay) 1. Wax galab meel u kaxayn. 2. Marti is dhaafin. m.f.dh, carraabin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
carraabi
v. bring something back home at the end of the day; send (guests) away before nightfall
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
carraabi
(fal) qof socoto ah, dir oo sahay si uu galabnimo reerkiisii ugu hoydo.
carraabi: (fal) xoolo iyo wixii la mid ah, galabnimo wad oo xeradii ay gali jireen ku hoo. Dh: carrawsii.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
carraabi
de: bring s.t. back home at the end of the day; send (guests) away before nightfall
lx: carraabi
pd: (carraabiyey)
ps: v2a=tr
key: carraabi
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
carrabso
(fal) carrabka ku nuug.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
carrasan
m.l Dhul saac iyo nur leh oo aan qaniin lahayn.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
carrasan
m.l Dhul saac iyo nur leh oo aan qaniin lahayn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
carrasan
f. n. fertile land
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
carrasan
-ah: (n) fertile soil (feer-talsooyel)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
carrasan
(tilmaame) dhul beeridda ku wanaagsan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
carrasan
de: fertile land
lx: carrasan
pd: (-ta)
ps: n-f
key: carrasan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
carrayso
(fal) biyo la'aan daraaddeed, ciid ismarmarin, si salad loo bannaysto. Dh: gebagabayso, boodhayso, ciidayso.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
darraysi
m.l la-mid: darraysasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
darraysi
-ga: (magac, lab, keli) eed darraysad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
garabsii
f.g2 (-iiyay, -iisay) Cid taakulayn.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
garabsii
f.g2 (-iiyay, -iisay) Cid taakulayn. m.f.dh, garabsiin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
garabsii
(fal) cid kale, u gargaar; cid kale, taageer; cid kale, u kaalmee.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
garansii
f.lg2 (-iiyay, -iisay) 1. Cid xusuusin. 2. Cid wax ka dhaadhicin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
garansii
f.lg2 (-iiyay, -iisay) 1. Cid wax xusuusin. 2. Cid wax ka dhaadhicin. m.f.dh, garansiin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
garansii
v.caus: make someone understand, convince; remind
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
garansii
-yey / say: (v) persuade (peersuweeydh); remind (ri maayndh) ~ xasuusi
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
garansii
(fal) cid kale, wax fahamsii oo ka raarid. Eebboow xaqa na garansii. Dh: garawsii.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
garansii
de: make s.o. understand, convince; remind
lx: garansii
pd: (garansiiyey)
ps: v2a=caus
key: garansii
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jarraysi
m.l la-mid: jarraysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
karraysi
m.l la-mid: karraysasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
karraysi
-ga: (magac, lab, keli) caafimaad helid oo xanuun ka bogsood. Dh: raysasho, ladnaansho, karraysad, karraysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maragsii
f.g2 (-iiyay, -iisay) Cid marag ka dhigasho. la-mid: maragso.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
maragsii
v. cause someone to testify to something; make someone witness something
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maragsii
(fal) tus dhacdada oo markhaati uga dhig. In uu ninkaasi kaa gardaran yahay dadka maragsii. Dh: markhaatisii.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
maragsii
de: cause s.o. to testify to s.t.; make s.o. witness s.t.
lx: maragsii
pd: (maragsiiyey)
ps: v2a=tr
key: maragsii
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
rawrawsi
-ga: (magac, lab, keli) dedaal hanti raadis ah. Rawrawsi ayay kabihii kaga dhammaadeen.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saraysii
(fal) meel sare saar ama dhig.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tarraysi
m.l la-mid: darraysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
yaraysii
f.g2 (-iiyay, -iisay) la-mid: yaree.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
yaraysii
(fal) wax yar ka dhig. Surwaalka yaraysi. Dh: yaree.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
caataysii
f.g2 (-iiyay, -iisay) 1. Wax caato ah ka dhigid. 2. Wax dallan ka dhigid. la-mid: caatee.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
caataysii
f.g2 (-iiyay, -iisay) 1. Wax caato ah ka dhigid. 2. Wax dallan ka dhigid. m.f.dh, caataysiin. la-mid: caatee.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
caataysii
v. put someone on diet, make someone thin ~ slim
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caataysii
(fal) qof aan hilib iyo baruur lahayn ka dhig; caato ka dhig.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
caataysii
de: put s.o. on diet, make s.o. thin ~ slim
lx: caataysii
pd: (caataysiiyey)
ps: v2a=tr
key: caataysii
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cadhaysii
(fal) (ka ~) ka xanaaji; weyrixi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Caraysiin
(Caraysiin-ta)
(ka caraysiin) Caro ku abuurid; ka xanaajin; umal iyo dhirif ka keenid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
caraysiin
m.f.dh eeg caraysii.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caraysiin
-ta: (magac, dhedig, keli) (ka ~) ka xanaajin; ka weyrixin; cadho ku abuurid. Dh: cadhaysiin, caraysiis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caraysiis
-ka: (magac, lab, keli) «ka ~» eeg caraysiin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
carraabid
m.f.dh 1. eeg carrow. 2. eeg carraaw.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
carraabid
-da: (magac, dhedig, keli) galab meel aadid ama u bixid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Carraabin
(Carraabin-ta)
1. Galab, wax meel u kaxayn, meel u dirid.
2. (marti) inay hoyato u diidid oo iska gudbin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
carraabin
m.f.dh eeg carraabi. la-mid: carraabis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
carraabin
-ta: (magac, dhedig, keli) xoolo, galabnimo kaxayn oo xeradoodii ku hoyn.
carraabin -ta: (magac, dhedig, keli) marti, in ay kuu hoyato u diidid oo isdhaafin. Dh: carraabis. Li: bariin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
carraabis
m.dh la-mid: caraabin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
carraabis
-ka: (magac, lab, keli) eeg carraabin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
carrabsad
-ka: (magac, lab, keli) carrab ku nuugid ama ku jaqid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
carraysad
-ka: (magac, lab, keli) biyola'aan darteed, carro ismarmarin oo isku daahirin, si aad salaadka u bannaysato. Dh: boodhaysad, gebogabaysad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cashaysii
f.g2 (-iiyay, -iisay) Cid casho siin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
cashaysii
f.g2 (-iiyay, -iisay) Cid casho siin. m.f.dh, cashaysiin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
cashaysii
v. treat a dinner, invite someone to supper
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cashaysii
(fal) cid kale, milayga fiidka, wax la cuno sii; xeraadsii. Waa habeene, cashaysii, caruurta.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
cashaysii
de: treat a dinner, invite s.o. to supper
lx: cashaysii
pd: (cashaysiiyey)
ps: v2a=tr
key: cashaysii
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cayaarsii
f.g2 (-iiyay, -iisay) 1. Wax ciyaar ku madaddaalin. 2. Qof tababbarid (askaro). la-mid: ciyaarsii.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
cayaarsii
f.g2 (-iiyay, -iisay) 1. Wax ciyaar ku madaddaalin. 2. Qof tababbarid (askaro). m.f.dh, cayaarsiin. la-mid: ciyaarsii.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
cayaarsii
v.caus: cause to play, referee; drill (soldiers)