carrarogis
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
carrarogis
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg carrarrogid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
carrarogid
-da: (magac, dhedig, keli) diyaarinta dhulbeereedka loo diyaarinayo falitaan. Dh: carraggeddi.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
carrarog
- ay / tay: (v) prepare [land], as by plowing for raising crops; till (tiil); cultivate (kol-ti-veyt) ~
carrorog —carrarog -ga: (n) cultivation (kol-ti-veyshin)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
carrarog
-ga: (magac, lab, keli) diyaarinta dhulbeereed; rogista carro loo diyaarinayo in wax lagu beero.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
carrarroogid
m.f.dh eeg carrarroog². la-mid: carrarroog¹.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
carrogid
m.f.dh eeg carrog².
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
carrorog
-ga: (n) cultivation (kol-ti-vayshin)
carrorog -ay / tay: (v) prepare [land], as by plowing for raising crops; cultivate (kol-ti-veyt) ~ carrarog
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qarraris
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg qarradhin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
carraabis
m.dh la-mid: caraabin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
carraabis
-ka: (magac, lab, keli) eeg carraabin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
carrarrog
v. plough, turn the soil over
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
carrarrog
de: plough, turn the soil over
lx: carrarrog
pd: (carrarrogay)
ps: v1=
key: carrarrog
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baraarugis
-ta: (magac, dhedig, keli) hurdo ka toosid.
baraarugis -ta: (magac, dhedig, keli) soo jeedidista dareenka qofka. Dh: digtooni, feejigni.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
carrorogan
-carrorognaa: (adj) cultivated land
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
carraabsiis
-ka: (magac, lab, keli) eeg carraabsiin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
carrabmaris
m.l Su'aasha la weyddiiyo herinta inuu jiro cid dembi gashay, marka dhawr goor la soo hungoobo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
carrageddis
-ka: (magac, lab, keli) carrarogista beeraha lagu sameeyo inta aan la abuurin.
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Carro degis
Illuviation
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
afrogis
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg afrogid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bararis
m.l Ciir in caano dhay ah lagu daray.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bararis
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg bararid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Cararid
(Cararid-da)
Wax laga baqo ama laga naxo ama si kale aan loo rabin, ka ordid; baxsasho; roorid, fakasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cararid
m.f.dh eeg carar². la-mid: carar¹ (1).
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
cararid
vl. n. running away
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cararid
-da: (magac, dhedig, keli) cabsi darteed, xawli u socod. Dh: roorid, ordid, fakasho.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
cararid
de: running away
lx: cararid
pd: (-da)
ps: vn1-f
key: cararid
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cararin
m.dh la-mid: cararayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cararsi
m.l la-mid: cararsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
carrafo
m.dh la-mid: arrafo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
carrafo
m.dh la-mid: arrafo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
carrafo
f. n. Islamic holiday (the ninth day of the pilgrimage [Hajj]) in memory of Prophet Abraham's sacrificial offering of his son
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
Carrafo
Carrafada: (n) the twelfth month of the Islamic calendar ~ Arrafo
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
carrafo
de: Islamic holiday (the ninth day of the pilgrimage [Haj]) = in memory of Prophet Abraham's sacrificial offering of his son
lx: carrafo
pd: (/da)
ps: n-f
key: carrafo
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
carrays
-ka: (magac, lab, keli) eeg carrayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dararis
-ta: (magac, dhedig, keli) neef irmaan, caano badan ka keenid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qarrari
f.g2 (-iyay, -isay) la-mid: tarrari.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qarrari
(fal) qarxi oo kala dillaaci. Dh: dillaaci, jeex.
qarrari: (fal) wax la asturayo ama sheeko la dul marmarayo kashif oo runta caddee.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tarrari
f.g2 (-iyay, -isay) Wax af dillaac u yeelid. la-mid: qarrari.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
tarrari
v. shatter, split, tear (away)
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
tarrari
de: shatter, split, tear (away)
initial: t
lx: tarrari
pd: (tarrariyey)
ps: v2a=tr
key: tarrari
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baraaris
m.dh la-mid: baraarin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baraaris
-ta: (magac, dhedig, keli) barwaaqo iyo dhereg. Dh: badhaadhis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
barbaris
-ka: (magac, lab, keli) eeg barbarin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
barraxis
-ta: (magac, dhedig, keli) bannaanka soo wadhis wixii qarsoonaa oo dhan. Soo barraxis wixii buulka gudihiisa yaal habartu way bagane.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caarsiis
-ka: (magac, lab, keli) eeg caarsiin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cagaaris
m.l la-mid: cagaarin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cagaaris
-ka: (magac, lab, keli) haan, burcad ka keenid; burcad ka bixin; cagaarin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
canjaris
-ka: (magac, lab, keli) waxa ugu horreeya ee canugga ifka u soo baxa lagu qabto. Dh: anqarin, canqarin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
canqaris
m.l la-mid: anqarin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
canqaris
-ka: (magac, lab, keli) ilmo dhashay waxa la siiyo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caraadis
-ka: (magac, lab, keli) eeg caraadin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
carbarid
m.f.dh eeg carbar².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
carcarti
-da: (magac, dhedig, keli) billawga dhaawac ama nabar.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
carraabi
f.g2 (-iyay, -isay) 1. Wax galab meel u kaxayn. 2. Marti is dhaafin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
carraabi
f.g2 (-iyay, -isay) 1. Wax galab meel u kaxayn. 2. Marti is dhaafin. m.f.dh, carraabin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
carraabi
v. bring something back home at the end of the day; send (guests) away before nightfall
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
carraabi
(fal) qof socoto ah, dir oo sahay si uu galabnimo reerkiisii ugu hoydo.
carraabi: (fal) xoolo iyo wixii la mid ah, galabnimo wad oo xeradii ay gali jireen ku hoo. Dh: carrawsii.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
carraabi
de: bring s.t. back home at the end of the day; send (guests) away before nightfall
lx: carraabi
pd: (carraabiyey)
ps: v2a=tr
key: carraabi
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
carrabsi
-ga: (magac, lab, keli) maqal ama dad, xoolaha carrabka ku jaqa.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
carracas
-ta: (magac, dhedig, keli) deegaan ciiddiisu guduudan tahay.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
carraysi
-ga: (magac, lab, keli) eeg carraysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
carrogan
f.mg4 (-gnaa, -gnayd) Haan ama dhiil la culay biyo ama caano wax carka looga dhaqay ahaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
casharis
m.l la-mid: casharin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
casharis
-ka: (magac, lab, keli) eeg casharin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cirmaris
-ka: (magac, lab, keli) 'sicir', aad u kicis; qiimo aad u sarreeya gaadhsiis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
currafis
m.dh la-mid: curraafeyn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
garbarog
-ga: (magac, lab, keli) dhismaha qofka ee garbihiisu halgasha soo foorarta leeyihiin. Cabdi garbarog ayuu leeyahay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jarjaris
m.dh la-mid: jarjarid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
karaaris
m.l la-mid: karaarin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
marmaris
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg marmarin.
marmaris-ta: (magac, dhedig, keli) eeg marmarid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qarqaris
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg qarqarin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qarrarid
m.dh la-mid: tarrarid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qarrarid
-da: (magac, dhedig, keli) walax, dildillaacid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qarrarin
m.dh la-mid: tarrarin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qarrarin
-ta: (magac, dhedig, keli) kala dillaacin. Dh: jeexid, qarradhis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qarreris
m.l la-mid: qarrerin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Tarrarid
(Tarrarid-da)
Qarrarid; dillaacid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tarrarid
m.f.dh tarrar². la-mid: qarrar¹, qarrarid, tarrar¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tarrarid
-da: (magac, dhedig, keli) qarrarid; dildillaacid; jeexjeexmid. Tarrarida kareem ka soo iibso.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tarrarin
m.f.dh eeg tarrari. la-mid: qarrarin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
warra'is
m.l la-mid: warra'in.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
warwaris
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg warwarid. warwarrood: geed ay laamihiisu dhuudhdhuuban yihiin oo samayooyin laga dhigto oo leh qodxaan soo qarqarroofan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xaraaris
-ta: (magac, dhedig; keli) eeg xaraarin.
xaraaris-ta: (magac, dhedig, keli) wax caleen ku sumoobay noqosho. Dh: xadhaadhis, xadhaadhid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
barraahis
-ta: (magac, dhedig, keli) si xun oo qaab daran u fadhiisi. Dh: barraaqis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
barraajis
m.dh 1. Geed caleemo balballaaran iyo miro la cuno leh oo dhulka ku faafa. 2. Geed dhulka ku faafa,leh laamo dhaadheer oo jilicsan, caleemo balballaaran oo khudrad ahaan loo cuno.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
barraajis
m.dh 1. Geed caleemo balballaaran iyo miro la cuno leh oo dhulka ku faafa. 2. Geed dhulka ku faafa,leh laamo dhaadheer oo jilicsan, caleemo balballaaran oo khudrad ahaan loo cuno.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
barraajis
-ta: (magac, dhedig, keli) jaad raasowga khudaarta ah ka mid oo cuntada lagu iidaanto. Buto waran baraajistey, balalo qaadaaye.
barraajis -ta: (magac, dhedig, keli) madaxa xagiisa danbe labada dhagood u dhaxaysa. Baraajistaa bud lagaga jiidey.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caraysiis
-ka: (magac, lab, keli) «ka ~» eeg caraysiin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cargaagid
m.f.dh eeg cargaag². la-mid: margaagid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
carraabid
m.f.dh 1. eeg carrow. 2. eeg carraaw.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
carraabid
-da: (magac, dhedig, keli) galab meel aadid ama u bixid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Carraabin
(Carraabin-ta)
1. Galab, wax meel u kaxayn, meel u dirid.
2. (marti) inay hoyato u diidid oo iska gudbin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
carraabin
m.f.dh eeg carraabi. la-mid: carraabis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
carraabin
-ta: (magac, dhedig, keli) xoolo, galabnimo kaxayn oo xeradoodii ku hoyn.
carraabin -ta: (magac, dhedig, keli) marti, in ay kuu hoyato u diidid oo isdhaafin. Dh: carraabis. Li: bariin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
carraggoo
f.g/mg2 (-ooyay, -oysay) 1. (f.g) Socdaal ugu horrayn. 2. (f.mg) Beer dooxyo u yeelid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
carrawsii
(fal) eeg carraabi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
carroobid
m.f.dh eeg carrow.
Qaamuus-Yare Caafimaad: Ingiriis-Soomaali - Deeqa Cali [1999]
cirrhosis
(n) a chronic disease of the liver marked by destruction and lose of liver cells leading to liver failure.
beer xanuun
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
curraafis
m.dh la-mid: curraafeyn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
garraaris
m.l la-mid: garraarin.