carrabey
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
carrabey
m.l la-mid: carrablaw.
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Carrabey
nickname-m lisper, stammerer, stutterer
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Carrabey
naanaysta loo baxsho qof jabaqo leh oo xuruufaha badhkood si wanaagsan ugu dhawaaqin. Dh: jabaqaale, carrabloo, carrablow.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
carrabeey
-ga: (n) one who has a speech defect; lisper (/rsper); stammerer, stutterer
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Carrab
(Carrab-ka)
Oogada nafleyda xubin kamid ah; cad muruq ah oo dhaqdhaqaaq badan oo afka ku jira; hawlihiisa waxaa u weyn: garashada dhadhanka iyo liqidda cunnada iyo kala soocidda codadka hadalka.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
carrab
m.l (-bo/-byo, m.dh) 1. Xubin jilicsan oo ku jirta afka nafleyda oo qaabbilsan dhadhanka, calaliska, liqida iyo kala soocidda hadalka. 2. C. ku dhufasho: carrabbaabid. 3. C. macaan: hadal macaan.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
carrab
m. n. tongue
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
carrab
-ka: (n) tongue (taang)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
carrab
-ka: (magac, lab, keli) cad muruq ah oo xubnaha nafleyda ka mid ah. Waa xubinta wax lagu dhadhamiyo, hadalka na qayb weyn buu ku leeyahay.
Ereybixinta Qalabka Farsamada Gacanta - Maxamuud Iimaan Aadan [1975]
Carrab
Carrabada qaydaha dhexda ka wadaalisma.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
carrab
de: tongue
lx: carrab
pd: (-ka)
ps: n2-m
key: carrab
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
carrab
لسان
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
carray
(fal) ciid mari; ciidee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Carabay
(fal) Carab ka dhig.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
carabee
f.g2 (-beeyay, -baysay) 1. Cid dhaqankeeda iyo luqaddeeda mid carbeed ka dhigid. 2. Cid carab iska yeelid. la-mid: carabiyee.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
carabee
f.g2 (-beeyay, -baysay) 1. Cid dhaqankeeda iyo luqaddeeda mid carbeed ka dhigid. 2. Cid carab iska yeelid. m.f.dh, carabayn. la-mid: carabiyee.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
carabee
v. make someone acquire Arab characteristics
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Carabee
(fal) eeg Carabay.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
carabee
de: make s.o. acquire Arab characteristics
lx: carabee
pd: (carabeeyey)
ps: v2b=tr
key: carabee
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
carrabsi
-ga: (magac, lab, keli) maqal ama dad, xoolaha carrabka ku jaqa.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
carrabso
(fal) carrabka ku nuug.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
carrablaay
m.dh Haweeney aan karin erayada qaarkood sida loogu dhawaaqo. la-mid: carrabla'¹.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
carrablaay
m.dh Haweeney aan karin erayada qaarkood sida loogu dhawaaqo. la-mid: carrabla'.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
carraabid
m.f.dh 1. eeg carrow. 2. eeg carraaw.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
carraabid
-da: (magac, dhedig, keli) galab meel aadid ama u bixid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Carraabin
(Carraabin-ta)
1. Galab, wax meel u kaxayn, meel u dirid.
2. (marti) inay hoyato u diidid oo iska gudbin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
carraabin
m.f.dh eeg carraabi. la-mid: carraabis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
carraabin
-ta: (magac, dhedig, keli) xoolo, galabnimo kaxayn oo xeradoodii ku hoyn.
carraabin -ta: (magac, dhedig, keli) marti, in ay kuu hoyato u diidid oo isdhaafin. Dh: carraabis. Li: bariin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
carraabis
m.dh la-mid: caraabin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
carraabis
-ka: (magac, lab, keli) eeg carraabin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
carrabbow
carrabbow¹: m.l la-mid: carrabbaab¹.
carrabbow²: f.g/mg1 (-oobay, -oowday; -oobi) la-mid: carrabbaab².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
carrabbow
-ga: (magac, lab, keli) magaciisa si aan rasmi ahayn u sheegid oo carrabka ku jiidid. Waar wixii jira haba ii wada sheegine ii carrabbow.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
carrabcad
m.dh Dhasha xoolaha oo caananuugga ah oo aan weli daaqid gaarin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
carrabcad
-da: (magacwadareed) waxaraha iyo naylaha aan ababin ee caanaha oo keli ah quuta.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
carrabla'
carrabla'¹: m.dh la-mid: carrablaay.
carrabla'²: f.mg4 (-'aa -'ayd) Qof aan ereyada qaarkood sida loogu dhawaaqo karin ahaansho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
carrabla'
f.mg4 (-'aa -'ayd) Qof aan ereyada qaarkood sida loogu dhawaaqo karin ahaansho. m.f.dh, carrabla'aan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Carrabla'
(tilmaame) naanays guud oo loogu yeedho qofka dhedig ee aan xuruufta hadalka si buuxda u wada karin. Dh: jabaqaley.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
carrablaw
m.l Nin aan karin erayada qaarkood sida loogu dhawaaqo. la-mid: carrabey.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
carrablaw
m.l Nin aan karin ereyada qaarkood sida loogu dhawaaqo. la-mid: carrabey.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
carrablaw
-ga: (magac, lab, keli) eeg carrabey
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
carrabsad
-ka: (magac, lab, keli) carrab ku nuugid ama ku jaqid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
carraseel
m.l (-llo, m.dh) la-mid: carroseel.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
currafeyn
m.dh la-mid: curraafeyn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
currafeyn
-ta: (magac, lab, keli) faal dhigid oo wax ka sheegid; faalin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
karkabeyn
m.f.dh eeg karkabee. la-mid: karkabadeyn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qardabeyn
m.f.dh eeg qardabee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
carrablayli
-ga: (magac, lab, keli) qaab carruurta loo afbaro oo ereyo lagu laylyo, sida 'Abtigay mar i wad mar is wad'.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
arabe
arabe, adj et n. - Carab.
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Array
Teed
Qaamuuska Ereybixinta: Xisaab (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Array
Teed
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
array
/arrey/arrays, arraying, arrayed; (n) 1. wax tiro badan oo il gabato leh. 2. wax meel lugu sharraxay ama lugu waray si ay dadka u soo jiitaan. e.g. She looked in the window at the array of jewellery.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
array
v.tr., (attire) xarrago.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
carab
m.l (carab, m.dh) 1. Qof sinjigiisa ka soo jeeda ummadda uu nabiga u dhashay. 2. Midab lo'da iyo riyuhu yeeshaan oo casaan iyo caddaan isbarxay ah.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
carab
m.l (carab, m.dh) 1. Qof sinjigiisa ka soo jeeda ummadda uu nabiga u dhashay. 2. Midab lo'da iyo riyuhu yeeshaan oo casaan iyo caddaan isbarxay ah.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
Carab
m. n. Arab
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Carab
nickname; name-m deserts and wastelands; waterless and treeless. It could also mean the light-skinned one (Arb). Cf: Arab
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
Carab
-ka/ ta: (n) [ Pl. Carab-ta] Arab
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Carab
-ka: (magac, lab, keli) nin Carab ah.
Carab -ta: (magacwadareed) dadka u dhashay qoomiyadda carabta.
Carab: magac loo baxsho wiil cad oo la moodo in uu Carab yahay.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
Carab
de: Arab
lx: Carab
pd: (-ka Pl: Carab (ta))
ps: n5-m, n1-m
xe: Arabic
xv: cajam
key: Carab
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Carre
nickname; name-m Sandy; challenger, darer, warner; provocateur; agitator
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
carré
carré, n.m. - Labajibbaar.
Qaamuuska Ereybixinta: Xisaab (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Carry
Qaado
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
carry
/kaari/ (v) 1. qaadid; xammaalid (v) 2. rarid.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali (Maay) - Maxamed Xaaji Mukhtaar, Cumar Macalin Axmed [2007]
carry
/keeri/ (v) usow, qaathow. He carried the suitcase upstairs.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
carry
v.tr., (convey) qaad, sid, sido; carry for, u qaad, u sid; carry a child, xambaar; carry thy child, xambaaro ; carry yourself well, si wanaagsan u soco; he carries himself well, asluub tolmoon or wahan buu leeyahay; carry about you, sido; carry away, la tag, dibadda ula bax, carry away by force, ka dhifo; carry back, dib u celi; carry down, hoosta gee; carry out your design, damacaaga or dantaada wado; carry over the child, inanka durdurka ka talaabi.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
crabe
crabe, n.m. - Carsaanyo
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Barrey
nickname-f, name-f specked, speckled, spotted, marked, stained. Lit: she who was born with a birth mark. Syn: Barre, Barrow,
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Barrey
magac loo baxsho gabadh jidhkeega meel muuqata bar kaga taal.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
caaney
m.dh la-mid: caaneeyo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caaray
-da: (magac, dhedig, keli) magaca loo yaqaan goodirka kiisa dhedig ee yerista ah.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
caawey
adv., time: this evening
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
caawey
de: this evening
lx: caawey
ps: adv-time
key: caawey
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Carabi
(Carabi-da)
Magac kalluun.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
carabi
carabi¹: m.l Af ay dadka Carbeed ku hadlaan.
carabi²: m.dh Nooc kalluunka ka mid ah.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
carabi
m.l Af ay dadka carbeed ku hadlaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
Carabi
m. n., [collective] Arabic
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
carabi
f. n. fish species
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
Carabi
-ga: (n) Arabic language
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Carabi
-ga: (magac, dhedig, keli) afka ay Carabtu ku hadasho. Dh: af-Carbeed.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
carabi
-ga: (magac, lab, keli) jaad ka mid ah kalluunka.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Carabo
magac loo baxsho gabadh u dhalatay midab cad oo u eg ka Carabta.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
carafe
/karaaf/ (n) garaafo (dhalada wayn ee cabbitaanka lagu shubto).
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
carafe
carafe, n、f, - Dhalada biyaha ee miiska; Dhalada weyn ee biyaha lagu shubto; weyso.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Carjab
(Carjab-ka)
Carkii cusaybku ka ba'ay; aan cusbayn; duug.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
carjab
carjab¹: m.l 1. C. ah: maro urtii cusaybku ka ba'ay. 2. la-mid: carjabid.
carjab²: f.mg1 (-bay, -btay) Maro, urtii cusaybka ka bi'id.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
carjab
m. n., [compound] used object, second-hand item
carjab v., [compound] lose its newness, become used (of a garment)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
carjab
-ka: (magac, lab, keli) walax cusaybnimadii ka baaba'day oo duugowday. Dh: duug. Li: cusayb.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
carraw
-ga: (magac, lab, keli) milapy galab ah socdaalid. Dh: carraabid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
carree
f.g2 (-reeyay, -raysay) 1. Wax ciid ku shubid. 2. Geel cusbo siin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
carree
f.g2 (-reeyay, -raysay) 1. Wax ciid ku shubid. 2. Geel cusbo siin. m.f.dh, carrayn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
carree
v. cover with soil, put soil on ~ into something
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
carree
de: cover with soil, put soil on ~ into s.t.
lx: carree
pd: (carreeyey)
ps: v2b=
key: carree
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cayray
(fal) caydh ka dhig: cayree; caydhee.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
crabby
/krabi/ (adj) dabci-xun (camal xun).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
harray
m.l Orgi markaas hooyadii goysay.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jarray
(fal) ardaa martisoor habeen ku cun oo aroortiina ku bariiso oo aqool subxeed ku sug.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Rarrab
(Rarrab-ta)
Rabrab.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
rarrab
m.dh (-bo, m.l) 1. Dhismo qoryo ka samaysan, qaab sariireed leh oo maydka lagu dhaqo laguna qaado. 2. ld. rabrab (1).
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
rarrab
f. n. special slab ~ bed used for preparing bodies for burial