carrab'eegato
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
carrab'eegato
-da: (magac, dhedig, keli) garnaqidda oo laga dhaqaaqo hadalka muducigu yidhaa oo keliya oo wixii carrabkiisa ka soo baxa uun wax loogu qabto oo loogu garqaado. Guddidu waa carrab'eegato oo nin dacwaddiisa iska dhimay uma buuxiso.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
carra'edeg
-ta: (magac, dhedig, keli) erey lagu tilmaansado oo lagu tusmeeyo dunida; dunidu inta ay ka kooban tahay.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
Carraweelo
pr. n., [feminine] name of a legendary Somali queen
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Carraweelo
nickname; name-f conqueror; Somali legendary Queen
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
Carraweelo
(n) a name of fairy tale Somali Queen
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Carraweelo
ama Arraweelo, magac xusuuswadareedda Soomaalida ugu jira haweenay boqorad ahayd oo geyiga Soomaalida ka soo talisay. Waxay u egtahay in uu magacu ahaa 'Carrawaal' oo mar danbe la laaximay.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
Carraweelo
de: name of a legendary Somali queen
lx: Carraweelo
ps: name-f
key: Carraweelo
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
carrabjalgo
-da: (magac, dhedig keli) eeg carrabjalaqo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Sarmaseegto
(Sarmaseegta-da)
Wax la goynayey, oo la rabey in nabarradu meesha la goynayo keliya ku dhacdhacaan, oo lala waawaayo, lala gefgefo, hadba meel hor leh lagu dhufto; (ama surmaseegto).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sarmaseegto
m.dh Nabar meeshii lala rabay lala waayo oo meel kale lagu dhufto. la-mid: surmaseegto.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
sarmaseegto
vl. n. missing the right spot when making an incision
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sarmaseegto
-da: (magac, dhedig, keli) la gefidda wax la goynayey, oo la rabay in nabarradu meesha la goynayo oo keliya ku dhacaan oo aan meeshii lala heline, hadba meel hor leh lagu dhufto. Dh: sarmaseegtayn, surmaseegto.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
sarmaseegto
de: missing the right spot when making an incision
initial: s
lx: sarmaseegto
pd: (/da)
ps: vn-f
key: sarmaseegto
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
carrabjalaqo
-da: (magac, dhedig, keli) iin carrabka ku dhacda oo qofka lihi aanu xuruufaha qaarkood si fiican u odhan karin. Dh: jabaqo, carabjabaqo.
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
CARRAB-JAB
(Arabjep) N Pennisetum setaceum (Forsk) Chiov. Gramineae.
S Cenchrus ciliaris L. Gramineae.
N Cymbopogon commutatus (Steud.) stapf. Gramineae
S, N Cenchrus pennissetiformis Steud. Gramineae.
N Ceratostigma abyssinicum (Hochst) Schweinf. Plumbaginaceae.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Carrabbaab
(Carrabbaab-ka)
Gefka carrabka; halmaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
carrabbaab
carrabbaab¹: m.l Gefka carrabka; halmaan. la-mid: carrabbow¹.
carrabbaab²: f.g/mg1 (-bay, -btay) 1. (f.g) Wax xusid ama sheegid. 2. (f.mg) Si qalad in yar oo tibix ah ka sheegid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
carrabbaab
f.g/mg1 (-bay, -btay) 1. (f.g) Wax xusid ama sheegid. 2. (f.mg) Si qalad in yar oo tibix ah ka sheegid. m.f.dh, carrabbaabid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
carrabbaab
v., [compound] mention in passing, hint; indicate, mention
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
carrabbaab
-ay / tay: (v) mention (men-shiri); direct the attention of; refer (ri-feer) ~ xus
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
carrabbaab
(fal) si dulkaxaadis ah, hadal u dheh. Dh: tibaax.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
carrabbaab
bw: carrabbow
de: mention in passing, hint; indicate, mention Lit: tongue topic
lx: carrabbaab
pd: (carrabbaabay)
ps: v1=cmp
syn: shanqari
key: carrabbaab
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
carrabdaar
-ka: (magac, lab, keli) eeg carrabbaab.
carrabdaar-ka: (magac, lab, keli) qaab nirgaha carabkooda loo jeexo marka la rabo inay hashu ka gudho oo aanay dib danbe u jaqin. Dh: carrabjeex, qalable.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Carrabdhaw
(Carrabdhaw-ga)
Mashxarad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
carrabdhaw
carrabdhaw¹: m.l Alalaas; mashxarad.
carrabdhaw²: f.mg1 (-dhebay,- dhawday; - dhebi) Mashxarad samayn.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
carrabdhaw
carrabdhaw¹: m.l Alalaas; mashxarad.
carrabdhaw²: f.mg1 (-dhebay, -dhawday; -dhebi) Mashxarad samayn. m.f.dh, carrabdhebid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
carrabdhaw
(fal) si dulkaxaadis ah, hadal u dheh. Dh: tibaax; carrabbaab.
carrabdhaw: (fal) mashxarad; dalamee.
carrabdhaw -ga: (magac, lab, keli) hadal dulkaxaadis ah dhihid. Dh: tibaaxid, guudmarid, dulmarid, carrabbaabid.
carrabdhaw -ga: (magac, lab, keli) cod dhuuban oo la googooyo oo ay dumarku xilliyada farxadda ku muujiyaan. Carrabdhaw ayey dumarkii sameeyeen. Dh: mashxarad, dalamo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
carrablaab
(fal) «u ~» si gaar ah oo aanay cid kale u la ogayn wax ugu ballanqaad. Ismaaciil, waxa uu ii carrablaabay in uu bisha wax i siin doono.
carrablaab -ka: (magac, lab, keli) si qarsoodi ah oo wax la isugu sheego. Dh: siraysi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
carrablaay
m.dh Haweeney aan karin erayada qaarkood sida loogu dhawaaqo. la-mid: carrabla'¹.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
carrablaay
m.dh Haweeney aan karin erayada qaarkood sida loogu dhawaaqo. la-mid: carrabla'.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
carro'edeg
-ta: (magac, dhedig, keli) erey lagu tilmaansado adduunka oo dhan. Dh: caalam.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
darabyeelo
(fal) ka maydh wixii nijaas ah dabada iyo ibta. Intaanad waysaysan ka hor darabyeelo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
xeerbeegto
m.dh.u Ikhyaar garta goysa oo wixii la isku qabto loola tago.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
carrablaawe
-ha: (magac, lab, keli) qof lab oo aan xuruufta ereyada wada karin ama qaarkood si kale u yidhaahda. Dh: carrablaw.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
carrabnadho
-da: (magac, dhedig, keli) geed baxa gu'samaadka oo aad u cagaaran oo odxo yaryar bixiya, xooluhu na aanay cunin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
carrabsasho
-da: (magac, dhedig, keli) eeg carrabsad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
garabrarato
-da: (magacwadareed) dad aan lahayn deegaan, rug iyo raastoona oo alaabtooda mar walba dusha ku sita. Garabrarato meel kuma gabbatee, guura bahaleeya.
garabrarato -da: (magacwadareed) ganacsato aan meel degganayn ee degta ku sidata waxay iibinayaan.
garabrarato -da: (magacwadareed) qofka wax xammaala ee garabkiisa kiraysta. Dh: xammaal, walqiye.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
surmaseegto
m.dh la-mid: sarmaseegto.
Qaamuuska Ereybixinta: Xisaab (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Surmaseegto
Inconsistent equations
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
surmaseegto
-da: (magac, dhedig, keli) wax la goynayay oo la rabay in nabarradu ku egaadaan barta goynta oo la la gegefo ama waawaayo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
carrabdhebid
m.f.dh eeg carrabdhaw².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
carrabdhebid
-da: (magac, dhedig, keli) eeg carrabdhaw.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
carrabdheeri
-da: (magac, dhedig, keli) aflagaadada iyo adiyad. Dh: afdheeri, doxore.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
carrabla'aan
m.f.dh 1. eeg carrabla'². 2. Shigshigidda. la-mid: carrabla'aansho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
carrabla'aan
f. n. lisp, stammer, stutter
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
carrabla'aan
-ta: (n) stammer (istam-er); lisp (liisp); stutter (ista-ter)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
carrabla'aan
-ta: (magac, dhedig, keli) ereyada qaarkood oo aan la odhan karin ama qaarkood si qaldan ugu dhawaaqid.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
carrabla'aan
de: lisp, stammer, stutter
lx: carrabla'aan
pd: (-ta)
ps: n-f
key: carrabla'aan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Carrablo'aad
(Carrablo'aad-ka)
Geed-cagaar yar oo xubno leh.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
carrablo'aad
m.l Geednagaar yar, faalala, leh laamo la cuno oo alamo leh.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
carrablo'aad
m. n., [compound] small green plant species
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
carrablo'aad
-ka: (magac, lab, keli) geed biyood ka baxa balliyada oo la cuno; geedcagaar yar oo ay laamihiisu xubno leeyihiin.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
carrablo'aad
de: small green plant sp. Lit: cow's tongue
lx: carrablo'aad
pd: (-ka)
ps: n2-m-cmp
key: carrablo'aad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
carrabmacaan
f.mg4 (-naa, -nayd) Si raxiim ah u hadlid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
carrabmacaan
f.mg4 (-naa, -nayd) Si raxiim ah u hadlid. m.f.dh, carrabmacaanaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
carrabmacaan
der. [adjective] engage in flattery; speak courteously; speak well
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
carrabmacaan
de: engage in flattery; speak courteously; speak well
lx: carrabmacaan
pd: (carrabmacaanaa)
ps: adj-der
syn: afmacaan
key: carrabmacaan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
garab'gorayo
-da: (magac, dhedig, keli) cid kale, u hiilin qarsoon; taageero aanan muuqan.
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
CARRAB-LO'AAD
(Arap-load) N Echidnopsis dammanniana N.E.Br. Asclepiadaceae.
C Edithcolea grandis N. E. Br. Asclepiadaceae.
N Pennisetum setaceum (Forsk) Chiov. Gramineae.
S Digera muricata (L) Mart. Amaranthaceae.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
carraggeddiso
v. take a vacation
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
carraggeddiso
de: take a vacation Lit: Plow up the soil for oneself
lx: carraggeddiso
pd: (carraggeddistay)
ps: v3b=idiom
key: carraggeddiso
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
carrabkeliyaale
m.l (-layaal, m.l/dh) Koor hal carrab leh.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
carrabla'aansho
m.l/dh la-mid: carrabla'aan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
carrabla'aansho
-ha: (magac, lab, keli) wax carrabla' ahaansho.