carooti
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
carooti
f.mg2 (-iyay, -isay) Cir, daruuro biyo ka buuxaan yeelasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Caarooti
(Caarooti-ga)
Roob aan weli dhab u curan; roob saymeeyey.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
caarooti
caarooti¹: m.l 1. Cir cusub oo daruurihiisa biya ka buuxaan. 2. Meseggo, galley iyo wixi lamida oo sabuul saartay. 3. la-mid: caarootiyid.
caarooti²: f.mg1 (-iyay, -iday; -iyi) Biyo meel ku faafid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
caarooti
m. n., [collective] rain just about to fall
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caarooti
-ga: (magac, lab, keli) daruur aan weli dhab u curan ama aan weli roob samayn.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
caarooti
a: caarahoor
cf: roob
de: rain just about to fall
lx: caarooti
pd: (-ga)
ps: n-m-col
key: caarooti
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
caroofi
m.l C. ah: neef geel ah, lixaad weyn, sanqaroor rogan leh.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
catooti
-da: (magac, dhedig, keli) tootir; qaallo.
catooti -ga: (magac, lab, keli) wiil buuran oo cad balaqsan leh.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
caroobid
m.f.dh eeg carow.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
caroo
f.mg3 (-ooday, -ootay) U c.: caro dareemid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
caroo
f.mg3 (-ooday, -ootay) U c.: caro dareemid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caroo
(fal) cadho ha ku qabato; dhirif oo cartan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Rooti
(Rooti-ga)
Bur inta biyo lagu rafaajiyo oo la khamiiriyo oo qaabab badan loo yeclo, furun lagu dubo; kimis; laxoox.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
rooti
m.l Cunto ka samaysan bur cajiiman, khamiir iyo waxyaalo kale oo marka la jarjaro foorno lagu dubto.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
rooti
m.l Cunto ka samaysan bur cajiiman, khamiir iyo waxyaalo kale oo marka la jarjaro foorno lagu dubto.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
rooti
m. n., (mass n.): bread, roll
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
rooti
-ga: (n) bread (bareedh)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
rooti
-ga: (magac, lab, keli) eeg roodhi.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
rooti
cf: kimis ~ kibis {Indian}
de: bread, roll
lx: rooti
pd: (-ga)
ps: n2a-m-mass
key: rooti
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
aroori
f.mg2 (-iyay, -isay) 1. Xoolo oomman meel biyo leh u kaxayn. 2. Hoos u dhigid. 3. Qof hurda riyo wax ku tusid; qof seexin. 4. Wax wax kale ku libdhin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
aroori
f.mg2 (-iyay, -isay) 1. Xoolo oomman meel biyo leh u kaxayn. 2. Hoos u dhigid. 3. Qof hurda riyo wax ku tusid; qof seexin. 4. Wax wax kale ku libdhin. m.f.dh, aroorin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
aroori
v. water (animals)
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
aroori
-yey / say: (n) see [eeg] aroor
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aroori
(fal) xoolaha soo waraabi; xoolaha ceelka gee. Arooriya geela, intaan oonku dilin.
aroori: (fal) hoos u dhig: hoos u deji; hoos u fogay. Qodinka dhulka hoos ugu aroori.
aroori: (fal) 'awood Rabbi' qof hurda dheelmi. Siduu u jiifay uun baa la arooriyay.
aroori-da: (magac, dhedig, keli) meel bannaan oo aan dhir lahayn. Goraydu ilmaheeda, aroori bay dhigtaayoo, aboodigu ku laayaa. Dh: bannaan, bayaxaw.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
aroori
de: water (animals)
lx: aroori
pd: (arooriyey)
ps: v2a=
key: aroori
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
aroosi
f.mg2 (-iyay, -isay) U a.: qof guurkiisa tabaabusheyn. la-mid: aqalgeli, aroosgeli.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
aroosi
f.mg2 (-iyay, -isay) U a.: qof guurkiisa tabaabusheyn; aqalgeli; aroosgeli. m.f.dh, aroosin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
aroosi
v. cause someone to marry, induce ~ help someone to get married
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
aroosi
-yey / say: (n) [ with preposition u] help someone to marry ~ u guuri
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
aroosi
de: cause s.o. to marry, induce ~ help s.o. to get married
lx: aroosi
pd: (aroosiyey)
ps: v2a=tr
key: aroosi
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Carood
(Carood-ka)
Caro gelid; xanaaqid; camashood.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
carood
m.l eeg caroo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
carood
m.l eeg caroo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
carood
inch. v. be angry
carood vl. n. becoming angry
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
carood
-ay / carootay: (v) become angry ~ xanaaq, cadhood. Ex: degdeg bay u carootaa; she gets angry too quickly
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
carood
-ka: (magac, lab, keli) eeg cadhood.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
caroog
m.l (-gyo/caroog, m.dh) 1. Buun. 2. (muus.) Qalabka muusikada nooc ka mid ah oo leh af ballaaran, cod dheerna bixiya.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
caroog
m. n. conch shell
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Caroog
name-m trumpet
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
caroog
-ga: (n) device for projecting sound waves; horn (hoorn)-, conch horn; a loudspeaker ~ buun
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Caroog
magac ama naanays loo baxsho wiil aad u qabow oo deggan sida neefka geela ah ee socodka culus.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caroog
-ga: (magac, lab, keli) buunka la afuufo ee la isku wargeliyo marka colaadi jirto. Dh: buun, garri.
caroog -ga: (magac, lab, keli) geela oogada iyo hawdka lagu dhaqdo ee cagta ballaadhan. Geela xeebta, isna waxa la yidhaahdaa 'ayuun'.
caroog: (tilmaame) neef geel ah oo cag ballaadhan. Awr caroog ah baan soo gatay.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
caroog
cf: buun
de: conch shell (used as a trumpet)
lx: caroog
pd: (-ga)
ps: n2a-m
key: caroog
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Carool
Catena
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
caròta
s.f. - karooto.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
carrot
/kaarat/ (n) daba-case (karooto).
Qaamuus Ingiriis-Soomaali (Maay) - Maxamed Xaaji Mukhtaar, Cumar Macalin Axmed [2007]
carrot
/keerot/ (n) karooty (daby gathuud).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baroori
f.mg2 (-iyay, -isay) 1. Ka b.: qof baroor ka keenid. 2. Meseggo aan geedkii ku bislaan goyn. la-mid: baroorsii.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baroori
(fal) cid ka oohi oo baroor ka keen.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cadowti
m.dh la-mid: cadowtinnimo.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
cahoots
/kahuutis/ (n) shirko la ah, la jaal ah.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
carotte
carotte, n.f. - Dabacase; Geed (khudrad) Badhidiisa la cuno; Qajaar; Karoot.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Daroori
(Daroori-ga)
Buuq iyo hadal aan milgo lahayn; hadaltiro iyo iska hadal miiran ah; doxore; duryan; tororog.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daroori
daroori¹: m.l Hadal tira badan oo aan micna lahayn. la-mid: darooryaan¹.
daroori²: f.mg1 (-ryay, -riday; -ryi) Ku hadlid hadal aan micno lahayn. la-mid: darooryaan².
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
daroori
m. n. nonsense talk
daroori v. talk nonsense
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daroori
(fal) roob da'sii oo wax darrooray ka dhig. Ilaahoow roobka noo daroori. Dh: darroori.
daroori-ga: (magac, lab, keli) codad dhaadheer oo isdaba jooga. Dh: tororog.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
garoori
f.g2 (-iyay, -isay) Garoor ka dhigid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
garoori
f.g2 (-iyay, -isay) Garoor ka dhigid. m.f.dh, garoorin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
garoori
v. let (milk) go sour; make sour
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
garoori
-yey / say: (v) make milk sour
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
garoori
fal) caano, dhanaanee oo fadhiisi. Dh: gadhoodhi.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
garoori
de: let (milk) go sour; make sour
lx: garoori
pd: (garooriyey)
ps: v2a=tr
key: garoori
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
karoofi
-da: (magac, dhedig, keli) hal aan lisitaanka oggolayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
karooto
m.dh Nooc qudaarta ka mid ah oo leh bari cas oo cunta lagu darsado; dabacase.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
karooto
m.dh Nooc qudaarta ka mid ah oo leh bari cas oo cunta lagu darsado; dabacase.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
karooto
f. n. carrot
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
KAROOTO
(Karot) All.Som. Daucus carota Sub-species Sativus L. Umbelliferae.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
karooto
-da: (n) carrot (kaar rot) dabacse, dabacaso
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
karooto
-da: (magac, dhedig, keli) jaad ka mid ah jaadadka khudrada oo buruq cas leh oo la cuno suugadana lagu darsado. Dh: kaarooto, dabacase, kaaroo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
karooto
de: carrot {It}
lx: karooto
pd: (/da)
ps: n6-f-enum
key: karooto
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Maroodi
(Maroodi-ga)
Bahal, nafleyda dhulka ku nool oo dhan ugu weyn; wuxuu lee yahay harag adag oo qiro weyn; gacan dheer oo uu wax kasta ku samayn karo iyo labo ilig oo dheerdheer oo qalka kore ka baxa oo qaali ah; waa labo jaad: mid waaweyn oo Afrika jooga iyo mid xoogaa ka yar oo Hindiya ku nool; goso; uufanneys.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maroodi
m.l (-iyo, m.l) (cilmiga naflayda) Naasleyda berriga ku nool midka ugu weyn oo leh gacan dheer oo uu ka neefsado, waxna ku laayo, labo-ilig waaweyn dhaadheer, qaali ah oo ka soo baxsan goomankiisa, iyo cago balballaaran oo aan faro lahayn oo ku nool Afrika iyo Hindiya.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
maroodi
m.l (-iyo, m.l) (cilmiga naflayda) Naasleyda berriga ku nool midka ugu weyn oo leh gacan dheer oo uu ka neefsado, waxna ku laayo, labo-ilig waaweyn dhaadheer, qaali ah oo ka soo baxsan goomankiisa, iyo cago balballaaran oo aan faro lahayn oo ku nool Afrika iyo Hindiya.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
maroodi
m. n. elephant
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
maroodi
-ga: (n) elephant(el'afant)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maroodi
-ga: (magac, lab, keli) xayawaan weyn oo caanaleyda ka mid ah oo leh dhego balballaadhan iyo gacan dheer oo sanka kaga yaal oo uu biyaha iyo cuntada ku qaato iskuna difaaco iyo labo fool oo dhaadheer oo laga baayacmushtaro. Maroodi duud mooyee daleedi ma qariso may yidhaahiin. Wa: maroodiyo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
maroodi
cf: arbe, qalanjo
de: elephant
lx: maroodi
pd: (-ga)
ps: n2a-m, n7-m
key: maroodi
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
maroodi
فيل
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
marooji
f.g2 (-iyay, -isay) 1. Si maroor ah wax u wareejin. 2. Maro qoyan isku duubid si ay biyuhu uga daataan.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
marooji
f.g2 (-iyay, -isay) 1. Si maroor ah wax u wareejin. 2. Maro qoyan isku duubid si ay biyuhu uga daataan. m.f.dh, maroojin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
marooji
v. twist, wring
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
marooji
-yey / say: (v) twist (tuwist); writhe (raayth); squirm (isku-woorm)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
marooji
(fal) isku mar oo gacmaha aad ugu xafuuji. Bustaha biyaha ka marooji. Dh: xafuuji.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
marooji
de: twist, wring
lx: marooji
nt: maroojin (ta) [vn-f], maroojis (ka) [vn-m]
pd: (maroojiyey)
ps: v2a=tr
key: marooji
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maroori
f.g2 (-iyay, -isay) Si maroor ah wax u wareejin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
maroori
v. twist something, wring (out); unclasp (hands)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maroori
(fal) wax toosan qallooci oo soo xoodi. Dhigta soo maroori. Dh: qalooci, xoodi. Li: toosi.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
maroori
de: twist s.t., wring (out); unclasp (hands)
lx: maroori
pd: (marooriyey)
ps: v2a=tr
key: maroori
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qaxooti
(Qaxooti-da, Qaxooti-ga)
Dad qaxaya ama soo qaxay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qaxooti
m.l/dh Dad dalkoodii nabadgelyo la'aan, abaar iyo wixi lamida awgeed uga cararay.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
qaxooti
m.l/dh Dad dalkoodii nabadgelyo la'aan, abaar iyo wixi lamida awgeed uga cararay.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qaxooti
m. n., [collective] refugee, evacuee; group of refugees
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
qaxooti
-ga: (n) refugee (ref-yujii); displaced person
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qaxooti
-ga: (magac, lab, keli) dad cabsi darteed meeshoodii uga guuray. Dh: qoxooti.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qaxooti
de: refugee, evacuee; [col.] group of refugees
lx: qaxooti
pd: (-ga ~ -da)
ps: n2a-m-col, n5-m
key: qaxooti
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sabooti
(fal) qof meel tegaya, nabadgelayee; ambabixi. Dh: sagooti.
sabooti -ga: (magac, lab, keli) qof meel tagaya sii nabadgelyayn. Dh: sagooti, anbabbixin, nabadgelyayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Sagooti
(Sagooti-ga)
Qof tegaya oo cabbaar la sii raaco, la anbabbixiyo; (ama saagooti).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sagooti
sagooti¹: m.l la-mid: saagootiyid.
sagooti²: f.g1 (-iyay, -isay) la-mid: saagoti².
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
sagooti
sagooti¹: m.l eeg saagooti¹
sagooti²: f.g1eeg saagooti²
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
sagooti
v. see off, send on one's way