caroobid
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
caroobid
m.f.dh eeg carow.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Caaroobid
(Caaroobid-da)
Cadanyood; xajiimood.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
caaroobid
m.f.dh eeg caarow. la-mid: caarood.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caaroobid
-da: (magac, dhedig, keli) cadanyoobid; xajiimoobid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
carroobid
m.f.dh eeg carrow.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Cayroobid
(Cayroobid-da)
Cayr noqosho; xoola beelid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cayroobid
m.f.dh eeg cayrow.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cayroobid
-da: (magac, dhedig, keli) caydh noqosho: xoola beelid. Dh: caydhoobid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
catoobid
-da: (magac, dhedig, keli) hadal cataw ah ku hadlid; calaacalid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
caraboobid
m.f.dh eeg carabow.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Caraboobid
-da: (magac, dhedig, keli) Carab noqosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cawaroobid
m.f.dh eeg cawarow. la-mid: cawiroobid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cawaroobid
-da: (magac, dhedig, keli) wax il cawaran noqosho; cawaro yeelasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cawiroobid
m.dh la-mid: cawaroobid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cawiroobid
-da: (magac, dhedig, keli) qof cawaran noqosho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caanoobid
-da: (magac, dhedig, keli) caano noqosho; caddaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Caatoobid
(Caatoobid-da)
1. Caato noqosho.
2. Daalid, noogid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
caatoobid
m.f.dh eeg caatow². la-mid: caatow¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caatoobid
-da: (magac, dhedig, keli) mid weyd ah noqosho.
caatoobid -da: (magac, dhedig, keli) daalid; noogid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cadhoobid
m.f.dh eeg cadhow.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cadhoobid
-da: (magac, dhedig, keli) cudurka cadhada yeelasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cammoobid
m.f.dh eeg cammow.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cammoobid
-da: (magac, dhedig, keli) indho beelid; dhaayabeelid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Cirroobid
(Cirroobid-da)
Cirro yeelasho; cirro ka soo bixid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cirroobid
m.f.dh eeg cirrow.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cirroobid
-da: (magac, dhedig, keli) cirro yeelasho; cirro ka soo bixid. Rag cirroobay baa nagu jiree geela noo celiya.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
faaroobid
m.f.dh eeg faarow.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
faaroobid
-da: (magac, dhedig, keli) faar yeelasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hafroobid
-da: (magac, dhedig, keli) mid hafroobay noqosho oo xoog u bukoosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Maaroobid
(Maaroobid-da)
Maar noqosho; midabka maarta yeelasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maaroobid
m.f.dh eeg maarow.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maaroobid
-da: (magac, dhedig, keli) daxal yeelasho. Dh: daxaloobid, midhidhid, ruujimoobid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qardoobid
(Qardoobid-da)
Qof qardoobey noqosho; qardow gaarid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qardoobid
m.f.dh eeg qardow².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qardoobid
-da: (magac, dhedig, keli) meel hore gefo u ahayd qardo isku rogid. Beerta laba gooddi ayaan qardoobid ugu talagalay. Dh: qardoobis.
qardoobid -da: (magac, dhedig, keli) qof qardoobey oo deyn lagu leeyhay noqosho. Qardoobidda iska ilaali ma shaqayside. Dh: deymoobid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xayroobid
m.f.dh eeg xayrow.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xayroobid
-da: (magac, dhedig, keli) xaydh yeelasho; xaydh noqosho. Xayroobidda xididdadu nolosha waa u halis. Dh: xaydhoobid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Carood
(Carood-ka)
Caro gelid; xanaaqid; camashood.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
carood
m.l eeg caroo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
carood
m.l eeg caroo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
carood
inch. v. be angry
carood vl. n. becoming angry
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
carood
-ay / carootay: (v) become angry ~ xanaaq, cadhood. Ex: degdeg bay u carootaa; she gets angry too quickly
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
carood
-ka: (magac, lab, keli) eeg cadhood.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
aboobid
m.f.dh eeg abow.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aboobid
-da: (magac, dhedig, keli) abka ama isirka ka mid noqosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Aroorid
(Aroorid-da)
1. Biyo raadin; biyo doonid.
2. Hoos u dhigid; wadid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
aroorid
m.f.dh eeg aroor². la-mid: aroor¹ (1).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aroorid
-da: (magac, dhedig, keli) biyo raadin; soo dhaamin; biyo doonid.
aroorid-da: (magac, dhedig, keli) erey ama weedh macno leh oo meel kale laga soo xiganayo.
aroorid -da: (magac, dhedig, keli) qof hurda, riyo wax ku arkid.
aroorid -da: (magac, dhedig, keli) meel hoose ku fogaan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Aroosid
(Aroosid-da)
Aroos gelid; guursasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
aroosid
m.f.dh eeg aroos². la-mid: aroos¹ (1), aroosgal¹, aroosgelid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aroosid
-da: (magac, dhedig, keli) gabadh si sharci ah, u guursasho; gabadh la aqalgelid. Aroosidda, annagu na waan kala qayb galaynnaa saaxiibkeen Bile. Dh: guursasho, aroosasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
caroofi
m.l C. ah: neef geel ah, lixaad weyn, sanqaroor rogan leh.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
carooti
f.mg2 (-iyay, -isay) Cir, daruuro biyo ka buuxaan yeelasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
aafoobid
m.f.dh eeg aafow.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aafoobid
-da: (magac, dhedig, keli) ibtilo qabid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bahoobid
m.f.dh eeg bahow². la-mid: bahow¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bahoobid
-da: (magac, dhedig, keli) istaageersi iyo iskaashi darteed u midoobid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Baroodid
(Baroodid-da)
Xanuun-geeriyaad hayn: sakaraadid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baroodid
m.f.dh eeg barood². la-mid: barood¹ (1), karood¹, karoodid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baroodid
(magac, dhedig, keli) xanuun geeriyaad qabid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Carjabid
(Carjabid-da)
Carjab noqosho; cusayb ka bi'id; duugoobid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
carjabid
m.f.dh eeg carjab². la-mid: carjab¹ (2).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
carjabid
-da: (magac, dhedig, keli) duug noqosho; cusayb ka bi'id; duugoobid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
carrogid
m.f.dh eeg carrog².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
da'oobid
m.f.dh eeg da'ow.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
da'oobid
-da: (magac, dhedig, keli) gaboobid oo wax da' weyn jooga ahaan. Dh: gaboobid, duqoobid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dadoobid
(Dadoobid-da)
Dhalanka iyo baxaalliga dadkoo kale yeelasho; dad noqosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dadoobid
m.f.dh eeg dadow.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dadoobid
-da: (magac, dhedig, keli) yeelashada dhaqanka fiican ee dadka.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daroofid
m.f.dh eeg daroof².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dawoobid
m.dh la-mid: daawoobid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dawoobid
-da: (magac, dhedig, keli) ka bogsashada cudurka. Dawoobid dhakhso ah ayaan kuu rajaynaynaa. Dh: bogsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dayoobid
(Dayoobid-da)
Dayow ku dhicid; ismadaxmarid; asqoobid; dhami'id.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dayoobid
m.f.dh eeg dayow². la-mid: dayow¹ (2).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dayoobid
-da: (magac, dhedig, keli) dhibaato iyo jahawareer ku jirid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
firoobid
m.f.dh eeg firow.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
firoobid
-da: (magac, dhedig, keli) turubka, wargad kashifanta iyada oo aan loo kasin. Dh: muugasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gaboobid
(Gaboobid-da)
In badan jirid; filka meesha ugu danbaysa gaarid; duqoobid; odayoobid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gaboobid
m.f.dh eeg gabow².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gaboobid
-da: (magac, dhedig, keli) cimri dheeraansho iyo da'weyni. Dh: duugoobid, duqoobid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
garoocid
m.f.dh eeg garooc².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
garoocid
-da: (magac, dhedig, keli) caano ka tegay dhaynnimadii noqosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
garoomid
m.f.dh eeg garoon³.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Garoorid
(Garoorid-da)
Garoor noqosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
garoorid
m.f.dh eeg garoor².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
karoodid
m.dh la-mid: baroodid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
karoodid
-da: (magac, dhedig, keli) meel dhulka ka sarraysa noqosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
karoorid
m.f.dh eeg karoor².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Lafoobid
(Lafoobid-da)
Lafaha madaxa ka jabid; daqramid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
lafoobid
m.f.dh eeg lafow.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
lafoobid
-da: (magac, dhedig, keli) lafaha madaxa ka jabid. Dh: dakhramid.
lafoobid-da: (magac, dhedig, keli) aad u itaalxumaan oo weydoobid. Dh: caatoobid, lafow.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Maroorid
(Maroorid-da)
Wax maroorsan noqosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maroorid
m.f.dh eeg maroor².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maroorid
-da: (magac, dhedig, keli) wax maroora ama qallooca ahaansho. Dh: qalloocid, marooris. Li: toonid
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Masoobid
(Masoobid-da)
Mase noqosho; sinmid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
masoobid
m.dh la-mid: misoobid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
masoobid
-da: (magac, dhedig, keli) mase noqosher isku mid ahaan; wax siman ahaansho. Iyadoon la heshiin masoobid ma dhici karayso.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Ooroobid
(Ooroobid-da)
1. Ooro ku dhicid.
2. Xumaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ooroobid
m.f.dh eeg oorow.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ooroobid
-da: (magac, dhedig, keli) xanuun ooro ah yeelasho.