carmo-buur
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
CARMO-BUUR
(Armo-bur) S, C Cyphostemma betiforme (Chiov.)Vollesen. Vitaceae.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cambuur
cambuur¹: m.l (-rro, m.dh) 1. Gashi haweenku qaato oo ilaa lugaha ku eg. 2. la-mid: camambuurid.
cambuur²: f.mg1 (-ray, -rtay) la-mid: camambuur².
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
cambuur
m.l (-rro, m.dh) Gashi haweenku qaato oo ilaa lugaha ku eg.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
cambuur
m. n. robe, smock, frock, any style of ladies' dress, lady's outfit
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
cambuur
-ka: (n) woman's dress; blouse (balaawz); gown (gaawn); frock (farook); robe (rowb) ~ canbuur, kurdad
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cambuur
-ka: (magac, lab, keli) maro haweenku qaataan oo googgaradda qarisa. Dh: kurdad.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
cambuur
a: canbuur
de: robe, smock, frock, any style of ladies' dress, lady's outfit
lx: cambuur
pd: (-ka)
ps: n2-m
syn: toob
key: cambuur
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
camambuur
camambuur¹: m.l la-mid: camambuurid.
camambuur²: f.mg1 (-ray, -rtay) Camcanka oo la buuriyo caro darteed.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
camambuur
v., [compound] have an angry expression on the face; express disapproval
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
camambuur
-ta: (magac, dhedig, keli) cadho ama wax kale darteed afka buurid.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
camambuur
de: have an angry expression on the face; express disapproval
lx: camambuur
pd: (camambuuray)
ps: v1=cmp
key: camambuur
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
carroguur
m.l (jooloji) Rifanka ama lumista carrada sare, inta badanna waxa sababa falka dabaysha iyo roobka. la-mid: carragguur.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
carroguur
m.l (jool.) Rifanka ama lumista carrada sare, inta badanna waxa sababa falka dabaysha iyo roobka. la-mid: carragguur.
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Carroguur
Erosion
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
carroguur
-ka: (magac, lab, keli) carratiranka ku dhacda oogada dhulka.
carroguur-ka: (magac, lab, keli) tirtiranka carrasanta ay dhirtu ku baxdo,
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
CARAB-DUUR
(Arab-dur) S Ipomoea garcheana Vatke. Convolvulaceae.
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Carro guur
Soil erosion
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
CARMO-GUDUUD
(Armo-gudud) S Limeum praetermissum Jeffery. Aizoaceae.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cabbuur
m.l Dhismo yar oo badanaa geedo iyo caws ka samaysan oo hargaantigu u galo gorayada, marka uu gaadayo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cambuul
cambuul¹: m.l (-llo, m.dh) 1. Tub geed sisin ah oo isku xiran. 2. Hoy yar, caws qoryo iyo wixi lamida ka samaysan oo beeraha laga dhex samaysto. la-mid: abbuul, ambuul, cabbuul.
cambuul²: m.dh Qodaxda sarmaanta marka ay curdanka tahay; dhambacaluul.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
cambuul
m.l (-llo, m.dh) 1. Tub geed sisin ah oo isku xiran. 2. Hoy yar, caws qoryo iyo wixi lamida ka samaysan oo beeraha laga dhex samaysto. la-mid: abbuul, ambuul, cabbuul.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cambuul
-sha: (magac, dhedig, keli) qodax curdin ah oo gadaal u buuran oo ay bixiyaan geedaha galoolka iyo sarmaantu, lana cuno.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Canbuur
(Canbuur-ka)
Gashi haweenku qaataan oo googgaradda qariya; kurdad.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
canbuur
m. n. frock, dress
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
canbuur
-ka: (n) woman's dress; gown (gaawn)-, frock (frook) ~ cambuur, kurdad
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
canbuur
-ka: (magac, lab, keli) gashi haweenku qaataan oo googoradda qariya. Dh: toob, kurdad, kordad.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
canbuur
de: frock, dress
lx: canbuur
pd: (-ka)
ps: n2-m
see: cambuur
key: canbuur
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Carbuun
(Carbuun-ta)
Wax la gadanayo qiimihiisa in kamid ah, oo horay loo sii baxsho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
carbuun
carbuun¹: m.dh (-no, m.dh) In lacag ah oo cid wax laga gatay horumar ahaan loo sii siiyo.
carbuun²: f.g1 (-nay, -ntay) Wax la gadanayo qiimihiisa in ka mid ah qaddimin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
carbuun
carbuun¹: m.dh (-no, m.dh) In lacag ah oo cid wax laga gatay horumar ahaan loo sii siiyo.
carbuun²: f.g1 (-nay, -ntay) Wax la gadanayo qiimihiisa in ka mid ah qaddimin. m.f.dh, carbuunid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
carbuun
f. n. deposit, collateral, down payment; reservation
carbuun v. put down a deposit on, reserve
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
carbuun
-ta: (n) deposit (di-paazit); handsel (haand-sal); down payment; stake money, earnest money, caution money ~ rahaamad, booscelis
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
CARBUUN
Caparra Handsel Waa horay u bixinta qayb ka mid ah qiimaha wax la kala gatay.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
carbuun
(fal) wax lagu heshiiyey kala iibsigiisa, cudhaadh ka bixi.
carbuun -ta: (magac, dhedig, keli) wax lagu heshiiyey kala iibsigiisa, qiimihiisii qayb ka mid ah sii horummarin; curaar ka sii bixin. Dh: cudhaadh.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Carruur
(Carruur-ta)
Dhasha yaryar oo dadka; ilmo; dhallaan; gurbood; ubad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
carruur
m.dh.u Dhasha dadka; ilmo; ubad.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
carruur
m.dh.u Dhasha dadka; ilmo; ubad.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
carruur
f. n., [collective] children; groups of children
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
carruur
-ta: (n) children (jiil-dareen) ~ ilmo, ciyaal, dhallaan, gurbood
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Carruur
Bambini
Children
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
carruur
-ta: (magacwadareed) dhasha yaryar ee aadamaha. Dh: ciyaal, dhallaan, ubad. Li: cirroole.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
carruur
bw: dhallaan, inan, gabadh ~ gabar, wiil
de: children; [pl] groups of children
lx: carruur
pd: (-ta)
ps: n1-f-col
syn: gurbood
key: carruur
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
carruur
ذُرِّيَّة
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
barmaguur
m.dh (-ro ..., m.l) (fiisikis) Baro ku muujisan heerkul cabbiraha oo sugan, laguna tilmaansado astaamo walax leedahay oo la yaqaanno. Labada baro maguur ee muhiimka ah waa barta barafka (0 °C) iyo barta uumiga (100 ° C).
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
barmaguur
m.dh (-ro ..., m.l) (fiisikis) Baro ku muujisan heerkul cabbiraha oo sugan, laguna tilmaansado astaamo walax leedahay oo la yaqaanno. Labada baro maguur ee muhiimka ah waa barta barafka (0 °C) iyo barta uumiga (100 ° C).
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
caadoguur
-ka: (n) menopause (men-a-poos) ~ dhalmo-deys
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
CARMO-DIN
(Armo-din) S Cyphostemma adenocaule (A. Rich.) Wild & Drum. Vitaceae.
S Cissus quadrangularis L. Vitaceae.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
carraguur
-ka: (n) erosion of soil or soil erosion ~ nabaadguur
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
candhabuur
-ta: (magac, dhedig, keli) gabadha yar ee foodleyda ah. Dh: foodley, dhoocil.
candhabuur: (tilmaame) mid candhada soo buurtay.
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
CARMO-GAAL
(Armo-gal) C Cissus rotundifolia (Forsk.) Vahl. Vitaceae.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
carragguur
carragguur¹: m.l Ka tegidda carrada nafaqada leh ka tagto dhul, daad, dabayl iyo wixi lamida awgeed. la-mid: carroguur.
carragguur²: f.mg1 (-ray, -rtay) Dabayl, daad iyo wixi lamida awgeed dhul carrada nafaqada leh ka tegid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
carragguur
carragguur¹: m.l Ka tegidda carrada nafaqada leh ka tagto dhul, daad, dabayl iyo wixi lamida awgeed. la-mid: carroguur.
carragguur²: f.mg1 (-ray, -rtay) Dabayl, daad iyo wixi lamida awgeed dhul carrada nafaqada leh ka tegid. m.f.dh, carragguurid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
carragguur
m. n. soil erosion
carragguur v. erode, be subject to erosion (because of rain, wind, etc.)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
carragguur
-ka: (magac, lab, keli) ciidda oo meesheedi ka guurta oo meel kale u guurta.
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
MADAX-BUUR
(Madah-burr) C,N? Coelachyrum poaeflorum Chiov. Gramineae.
S,C Dactyloctenium scindicum Boiss. Gramineae.
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
CARMO-BIYOOD
(Armo-biod) N Cissus rotundifolia (Forsk.) Vahl. Vitaceae.
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
CARMO-GOODIR
(Armo-godir) N Cyphostemma betiforme (Chiov) Vollesen. Vitaceae.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
barqo-kulul
m.dh Waqtiga duhurka ka horreya oo cadceeddu aad u kulushahay.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
barqo-kulul
m.dh Waqtiga duhurka ka horreya oo cadceeddu aad u kulushahay.
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
CAANO-DHUUQ
(Ano-dug) N Orthosiphon somalensis Vatke. Labiatae.
S, C Cenchrus ciliaris L. Gramineae.
S Chloris virgata SW. Gramineae.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
camambuurid
m.f.dh eeg camambuur². la-mid: camambuur¹, cambuur¹ (2), cambuurid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
camambuurid
-da: (magac, dhedig, keli) xanaaq dartiis camamka buuri.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hanti-abuur
m.l Aruurin hanti ah. la-mid: hanti-abuurid.
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
RAMAAS-BUUR
(Ramas-bur) N Rhynchelytrum repens (Willd) C.E.Hubb. Gramineae.