carmis
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
carmis
-ka: (magac, lab, keli) eeg carmin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
caris
m.l 1. Dhul siman oo ciiddiisu guduudan tahay. 2. la-mid: carin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
caris
m.l. Dhul siman oo ciiddiisu guduudan tahay.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caris
-ka: (magac, dhedig, keli) 'neef rimman', dhaysin oo jimic noqosho. Dh: bilaabid, dhaysin, gorin.
caris -ka: (magac, lab, keli) eeg carin.
caris: (tilmaame) rida rimman ee bilawga ah. Caris riyaad caano kama dhowa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
carmi
f.g2 (-iyay, -isay) 1. Weel carmo marin. 2. Hilib dab ku yacyacoodin. la-mid: carmee.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
carmi
v. clean dishes
carmi v. pound ~ mash Cissus fruit
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
carmi
(fal) weel carmo marmari.
carmi: (fal) si aan xoog ahayn u tun.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
carbis
m.l (-syo, m.dh) 1. Xero ciidan oo wax lagu tababbaro. 2. la-mid: carbin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
carbis
m.l (-syo, m.dh) 1. Xero ciidan oo wax lagu tababbaro.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
carbis
vl. n. exercise, maneuver, drill, training; jogging
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
carbis
-ka: (magac, lab, keli) eeg carbin.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
carbis
de: exercise, maneuver, drill, training; jogging
lx: carbis
pd: (-ka)
ps: vn2-m
key: carbis
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cargis
-ka: (magac, lab, keli) eeg carqin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Carmin
(Carmin-ta)
1. (weel) carmo marmarin.
2. Tumid yar.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
carmin
m.f.dh eeg carmi. la-mid: carmayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
carmin
-ta: (magac, dhedig, keli) tunniin aan badnayn tumid. Dh: carmis.
carmin -ta: (magac, dhedig, keli) 'weel' carmo marmarin. Dh: carmis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
carris
m.l Dhul geednagaar leh oo u dhexeeya buur iyo bannaan.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
carris
m.l Dhul geednagaar leh oo u dhexeeya buur iyo bannaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Caymis
(Caymis-ka)
Heshiis dhexmara ku wax cayminaya oo lacag u socota la siiyo iyo ku la cayminayo oo shil ama dhibaato, aan la hubin dhicise karta (caymiska nafta, dabka, tuugada, ...) looga nabaaddiinaxirayo ama ka gaashaamanaya, oo haddii waxa laga baqayey dhacaan, caymiyuhu, isaguna kolkiisa, wax lagu heshiiyey bixinayo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
caymis
m.l 1. Shirkad lacag ka qaadda ciddii ay heshiis la gasha oo u magdhawda markuu shil ku yimaado. 2. la-mid: caymin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
caymis
m.l 1. Shirkad lacag ka qaadda ciddii ay heshiis la gasha oo u magdhawda markuu shil ku yimaado. 2. la-mid: caymin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
caymis
vl. n. insurance
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
caymis
-ka: (n) insurance (in-shuur-ans)
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Caymis
Assicurazione
Insurance
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caymis
-ka: (magac, lab, keli) eeg caymin.
caymis -ka: (magac, lab, keli) heshiis dhex mara qof iyo hay'ad ama shirkad si gaar ah u shaqaysa oo dadka iyo qalabka laga diiwaangeliyo lacag joogto ahna la siiyo si haddii uu shil ama dhib aan la hubin, balse dhici karta, soo gaadho qofkaas ay shirkaddu u bixiso wixii khasaare ahaa.
caymis -ka: (magac, lab, keli) hay'adda ama shirkadda wax caymisa.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
caymis
de: insurance
lx: caymis
pd: (-ka)
ps: vn2a-m
key: caymis
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
caymis
ضَمَانٍ، تَأْمِينِ
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
darmis
-ka: (magac, lab, keli) darminta la darmiyo geela.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Rarmis
(Rarmis-ka)
Rarmin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
rarmis
m.dh la-mid: rarmin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
rarmis
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg rarmin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tarmis
-ka: (magac, lab, keli) farcan badan u yeelid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Cariish
(Cariish-ka)
Aqal ka sameysan dhis sarab ah iyo dhoobo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cariish
m.l (-shyo/carshaan, m.dh) Hooy ka samaysan dhis iyo dhoobo oo dhinacyadiisu qaab laydi leeyihiin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
cariish
m.l (-shyo/carshaan, m.dh) Hooy ka samaysan dhis iyo dhoobo oo dhinacyadiisu qaab laydi leeyihiin. m.dh.w, carshaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
cariish
m. n. mud hut
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
cariish
-ka: (n) [Pl. carshaan-ta] hut (hat)-, shed (shedhy dwelling made of tree branches
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cariish
-ka: (magac, lab, keli) aqal caws iyo sarab ka samaysan. Dh: buul, daas, derged.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
cariish
bw: Arabic
cf: aqal
de: mud hut
lx: cariish
pd: (-ka Pl: carshaan (ta))
ps: n8-m, n2-m
key: cariish
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
cariish
كُوخ
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
carmi_1
de: clean dishes
hm: 1
lx: carmi
pd: (carmiyey)
ps: v2a=
key: carmi_1
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
carmi_2
de: pound ~ mash Cissus fruit
hm: 2
lx: carmi
pd: (carmiyey)
ps: v2a=
key: carmi_2
Eraybixinta Af Soomaaliga ee Hawlaha Wasaaradaha (Soomaali-Ingiriis-Talyaani) - Guddiga Af Soomaaliga [1972]
Armi
Hub
Qaamuus Ingiriis-Soomaali (Maay) - Maxamed Xaaji Mukhtaar, Cumar Macalin Axmed [2007]
arms
/aarmis/ (n) hub.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cari
f.g/mg2 (-iyay, -isay) 1. (f.g) Qof ama xayawaan ka caraysiin. 2. (f.mg) Neef rimman candho keenid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
cari
f.g/mg2 (-iyay, -isay) 1. (f.g) Qof ama xayawaan ka caraysiin. 2. (f.mg) Neef rimman candho keenid. m.f.dh, carin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
cari
v. provoke, anger (a dog, wasps, etc.)
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
cari
-yay / say: (v) tease (tiiz); incite (in-saayt)-, provoke (pro-vowk): irritate (iritayt); instigate anger; annoy ~ cartan, cariiqsi
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cari
(fal) neef rimman, dhaysi oo muuji calaamadihii dhalitaanka.
cari: (fal) (ka ~) xoolo, bahal iyo wixii la mid ah, ka cadhaysii oo weyrixi.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
cari
de: provoke, anger (a dog, wasps, etc.)
lx: cari
pd: (cariyey)
ps: v2a=tr
key: cari
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
aaris
m.dh la-mid: aarid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aaris
-ta: (magac, dhedig, keli) «u ~» cid dhib iyo aano loo geystay, uga soo goyn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aarmi
-ga: (magac, lab, keli) ciidanka qalabka sida. Waxad igu ogaataa, ood ku uurqabawdaa, aarmiga in aan ahay.
aarmi -ga: (magac, lab, keli) qalabka dagaalka ee ciidanku adeegsado. Dh: hub, qalab.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baris
m.dh la-mid: barid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
baris
vl. n. teaching; study
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
baris
-ta: (n) the act of teaching or instructing ~ barid
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baris
-ta: (magac, dhedig, keli) macallinimada ama wax dhigista. Baris iyo barbaarin buu barahani u diyaar yahay.
baris -ta: (magac, dhedig, keli) u dhigista cashir. Baris cashir waa lagala quustay.
baris -ta: (magac, dhedig, keli) «is ~» dad aan is aqoon isbaris. Isbaris agaasimuhu buu shirka ku furay.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
baris
a: barid
de: teaching; study
lx: baris
pd: (-ta)
ps: vn1-f
key: baris
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
caami
m. n. common man; general public
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
caami
-ga: (n) [Pl. caamo-da] person who is a nonprofessional; layman (ley-man)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caami
-da: (magac, dhedig, keli) timir gabowday. Haddii caami loo rari lahaa maba canaanteene.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
caami
bw: Arabic
cf: shirkad caami ah; See also: caamo
de: common man; [col] general public
lx: caami
pd: (-ga)
ps: n2a-m
key: caami
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cafis
m.l (-syo, m.dh) U dhaafidda dembi ama qaan cid gashay. la-mid: cafi¹.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
cafis
m.l (-syo, m.dh) U dhaafidda dembi ama qaan cid gashay. la-mid: cafi.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
cafis
vl. n. pardon; amnesty, forgiveness; apology, excuse
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
cafis
-ka: (n) the act of forgiving or excusing; pardon (paar-den); forgiveness (fer-giv-nes); amnesty (aam-nest); absolution (ab-suuli-shin) ~ dambi dhaaf
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cafis
-ka: (magac, lab, keli) wax xun oo qof falay ama loo qabey oo eedii uu mutaystay laga daayo. Cafis ayaa loo fidiyey dambiilihii. Dh: saamaxaad, cafiyid.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
cafis
de: pardon; amnesty, forgiveness; apology, excuse
lx: cafis
pd: (-ka)
ps: vn2a-m
key: cafis
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Cajis
(Cajis-ka)
Caajis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cajis
cajis¹: m.l la-mid: caajis¹.
cajis²: f.mg1 (-say, -stay) la-mid: caajis².
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
cajis
m. n. laziness
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cajis
-ka: (magac, lab, keli) eeg caajis.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
cajis
de: laziness
lx: cajis
pd: (-ka)
ps: n2a-m
see: caajis
key: cajis
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Cakis
(Cakis-ka)
1. Joojin.
2. Rafaaqid, cajiimid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cakis
cakis¹: m.l la-mid: cakisid.
cakis²: f.g1 (-say, -stay) 1. Wax ama qof joojin. 2. Wax rafaaqid; cajiimid. 3. Qof dilid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
cakis
f.g1 (-say, -stay) 1. Wax ama qof joojin. 2. Wax rafaaqid; cajiimid. 3. Qof dilid. m.f.dh, cakisid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
cakis
v. hinder, impede; stop, halt
cakis v. pound, beat repeatedly; knead dough
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
cakis
-ay / tay: (v) strike repeatedly and forcefully; beat (biit); rough up
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cakis
-ka: (magac, lab, keli) rufaaqid iyo cajiimid.
cakis -ka: (magac, lab, keli) joojin ama baajin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
calmi
calmi¹: m.l Dersi; cashar.
calmi²: f.g2 (-iyay, -isay) Cid dersi siin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
calmi
calmi¹: m.l Dersi; cashar.
calmi²: f.g2 (-iyay, -isay) Cid dersi siin. m.f.dh, calmin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
carbi
f.g2 (-iyay, -isay) Nafley tababbar gaar ah siin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
carbi
f.g2 (-iyay, -isay) Nafley tababbar gaar ah siin. m.f.dh, carbin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
carbi
v. tame, break in, train
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
carbi
-yey / say: (v) train (tareeyri), coach (kooj); prepare (piri-peer)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
carbi
(fal) mid da' yar, tababbar. Carbi awrka intaanad raranin. Dh: rabbee, agabbar, tababbar.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
carbi
de: tame, break in, train
lx: carbi
pd: (carbiyey)
ps: v2a=
key: carbi
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
cards
n., turub, -ki (sing. and plur.); play at cards, turub cayaar.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
Carfi
pr. n., [feminine] Arfi
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
carfi
m. n. perfume
carfi v. put perfume on, make aromatic
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Carfi
name-f to put perfume on; be aromatic. Cf: Carfoon, Udgoon
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
carfi
-yey / say: (v) make it smell good; perfume (peer-fiyuum)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Carfi
magac loo baxsho wiil ama gabadh aad loo jecelyahay oo lagu metelay udgoonka cadarka oo kale ah. Dh: Carfoon.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
carfi
(fal) udgoonee oo cadar ku shub ama uunsi ku shid.
carfi -ga: (magac, lab, keli) laydh udgoon oo laga dhaliyo dareere dhirta laga tuujiyay ama waxyaabo kale oo la isku dardaray.
carfi -ga: (magac, lab, keli) ruuxda iyo jiritaanka nolosha.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
carid
m.dh la-mid: cartamid.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
càrie
s.f.invar. - Ilka xanuun, yarid.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
carie
carie, n.f - Lafo qudhunka;ilka gudhunka (Suuska).
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
carié
carié, adj. - Qudhun; Khaayis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
carig
-ga: (magac, lab, keli) caleen yaryar oo jilicsan. Goortuu galoolkii tifmuu tawlay cariggiiye.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
carin
m.f.dh eeg cari. la-mid: caris (2).